Surah At-Takathur - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
أَلۡهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid)
Surah At-Takathur, Verse 1
حَتَّىٰ زُرۡتُمُ ٱلۡمَقَابِرَ
Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan)
Surah At-Takathur, Verse 2
كَلَّا سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
Saas ma aha ee waad ogaandoontaan
Surah At-Takathur, Verse 3
ثُمَّ كَلَّا سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa)
Surah At-Takathur, Verse 4
كَلَّا لَوۡ تَعۡلَمُونَ عِلۡمَ ٱلۡيَقِينِ
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta)
Surah At-Takathur, Verse 5
لَتَرَوُنَّ ٱلۡجَحِيمَ
Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima
Surah At-Takathur, Verse 6
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيۡنَ ٱلۡيَقِينِ
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah
Surah At-Takathur, Verse 7
ثُمَّ لَتُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii
Surah At-Takathur, Verse 8