Surah Al-Maun - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
Ma u fiirstay kan isagu beeniya abaal marinta
Surah Al-Maun, Verse 1
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِي يَدُعُّ ٱلۡيَتِيمَ
Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan
Surah Al-Maun, Verse 2
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
Oo aan ku dhiirra gelin (dadka kale) quudinta miskiinka
Surah Al-Maun, Verse 3
فَوَيۡلٞ لِّلۡمُصَلِّينَ
Ee waxaa hoog leh kuwaa tukada
Surah Al-Maun, Verse 4
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَن صَلَاتِهِمۡ سَاهُونَ
Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda)
Surah Al-Maun, Verse 5
ٱلَّذِينَ هُمۡ يُرَآءُونَ
Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko
Surah Al-Maun, Verse 6
وَيَمۡنَعُونَ ٱلۡمَاعُونَ
Ee bixin diida waxyaalaha aan looga maarmin nolol maalmeedka (zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye)
Surah Al-Maun, Verse 7