Surah Al-Isra Verse 7 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Israإِنۡ أَحۡسَنتُمۡ أَحۡسَنتُمۡ لِأَنفُسِكُمۡۖ وَإِنۡ أَسَأۡتُمۡ فَلَهَاۚ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ ٱلۡأٓخِرَةِ لِيَسُـُٔواْ وُجُوهَكُمۡ وَلِيَدۡخُلُواْ ٱلۡمَسۡجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَلِيُتَبِّرُواْ مَا عَلَوۡاْ تَتۡبِيرًا
Haddii aad samo fashaan, waxa aad u sama fashaan uun waa nafahiinna, oo haddii aad xumaan fashaan (waxaad u geysataan) iyada (lidka nafahiinna). Ee markii uu wacadkii dambe (kii labaad) yimid ( Waxaan soo dirnay cadowyadiinna) si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka shishe (ee Qudus ku yaal) sidii ay markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kasta ay helaan baabba'a muuqda