Surah Al-Baqara Verse 96 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Baqaraوَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٖ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٖ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
Oo hubaal waxaad xaqiiq heli doontaa inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (oo waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Oo cimir dherer kama riixi doono in yarna ha ahaatee cadaabta uu mudan yahay. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan