Surah Al-Hajj Verse 5 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Hajjيَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي رَيۡبٖ مِّنَ ٱلۡبَعۡثِ فَإِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ مِن مُّضۡغَةٖ مُّخَلَّقَةٖ وَغَيۡرِ مُخَلَّقَةٖ لِّنُبَيِّنَ لَكُمۡۚ وَنُقِرُّ فِي ٱلۡأَرۡحَامِ مَا نَشَآءُ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى ثُمَّ نُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرۡذَلِ ٱلۡعُمُرِ لِكَيۡلَا يَعۡلَمَ مِنۢ بَعۡدِ عِلۡمٖ شَيۡـٔٗاۚ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ هَامِدَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡ وَأَنۢبَتَتۡ مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٖ
Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan soo bixinta, haddaba hubaal Waxaanu idinka abuurnay ciid, haddana xagga iniin yar, haddana xagga xinjir, haddana xagga rudmo hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Oo Waxaanu ku sugnaa ilmo galeenyada wixii aan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, markaas si aad u gaartaan xooggiina. Oo waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), oo waxaa idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Oo Waxaad aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo shubno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh