Surah Al-Maeda Verse 23 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Maedaقَالَ رَجُلَانِ مِنَ ٱلَّذِينَ يَخَافُونَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمَا ٱدۡخُلُواْ عَلَيۡهِمُ ٱلۡبَابَ فَإِذَا دَخَلۡتُمُوهُ فَإِنَّكُمۡ غَٰلِبُونَۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَتَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, oo markaad gashaanba idinkaa hubaal lib heli doona, oo Allaah isku halleeya, haddaad tihiin mu’miniin