Surah Al-Maeda Verse 4 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Maedaيَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَآ أُحِلَّ لَهُمۡۖ قُلۡ أُحِلَّ لَكُمُ ٱلطَّيِّبَٰتُ وَمَا عَلَّمۡتُم مِّنَ ٱلۡجَوَارِحِ مُكَلِّبِينَ تُعَلِّمُونَهُنَّ مِمَّا عَلَّمَكُمُ ٱللَّهُۖ فَكُلُواْ مِمَّآ أَمۡسَكۡنَ عَلَيۡكُمۡ وَٱذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ عَلَيۡهِۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
Waxay ku weydiiyaan waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan waxa uu idin baray Ilaahay -; ee cuna waxa ay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Ilaahay korkooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta