Surah Al-Maeda Verse 44 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Maedaإِنَّآ أَنزَلۡنَا ٱلتَّوۡرَىٰةَ فِيهَا هُدٗى وَنُورٞۚ يَحۡكُمُ بِهَا ٱلنَّبِيُّونَ ٱلَّذِينَ أَسۡلَمُواْ لِلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلرَّبَّـٰنِيُّونَ وَٱلۡأَحۡبَارُ بِمَا ٱسۡتُحۡفِظُواْ مِن كِتَٰبِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ عَلَيۡهِ شُهَدَآءَۚ فَلَا تَخۡشَوُاْ ٱلنَّاسَ وَٱخۡشَوۡنِ وَلَا تَشۡتَرُواْ بِـَٔايَٰتِي ثَمَنٗا قَلِيلٗاۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Hubaal Waxaanu soo waxyoonnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii, kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, oo waxay ka ahaayeen markhaati. Haddaba ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga Keliya oo ha ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah