Surah Al-Maeda Verse 48 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Maedaوَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَمُهَيۡمِنًا عَلَيۡهِۖ فَٱحۡكُم بَيۡنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُۖ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَهُمۡ عَمَّا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ لِكُلّٖ جَعَلۡنَا مِنكُمۡ شِرۡعَةٗ وَمِنۡهَاجٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَكُمۡ فِي مَآ ءَاتَىٰكُمۡۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ فِيهِ تَخۡتَلِفُونَ
Oo Waxaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka oo Xaq ah isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ku kala xukun dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay xeer iyo dhabbo. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu idin ka dhigi lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, laakiinse waa si uu idiinku imtixaano waxa uu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Allaah meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad isku khilaafteen