UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Adh-Dhariyat - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


وَٱلذَّـٰرِيَٰتِ ذَرۡوٗا

Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 1


فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرٗا

Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 2


فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرٗا

iyo doonnida sida fudud u socota
Surah Adh-Dhariyat, Verse 3


فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا

Iyo Malaa'igta amarka qaybisa
Surah Adh-Dhariyat, Verse 4


إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٞ

Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run
Surah Adh-Dhariyat, Verse 5


وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٞ

Abaalmarintuna waa sugantahay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 6


وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡحُبُكِ

Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh
Surah Adh-Dhariyat, Verse 7


إِنَّكُمۡ لَفِي قَوۡلٖ مُّخۡتَلِفٖ

Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 8


يُؤۡفَكُ عَنۡهُ مَنۡ أُفِكَ

Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 9


قُتِلَ ٱلۡخَرَّـٰصُونَ

Waxaana la nacladay Beenalayaasha
Surah Adh-Dhariyat, Verse 10


ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي غَمۡرَةٖ سَاهُونَ

Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 11


يَسۡـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلدِّينِ

waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 12


يَوۡمَ هُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ يُفۡتَنُونَ

Waana maalinta naarta lagu gubi
Surah Adh-Dhariyat, Verse 13


ذُوقُواْ فِتۡنَتَكُمۡ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ

Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen
Surah Adh-Dhariyat, Verse 14


إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٍ

Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo
Surah Adh-Dhariyat, Verse 15


ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُحۡسِنِينَ

Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala
Surah Adh-Dhariyat, Verse 16


كَانُواْ قَلِيلٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مَا يَهۡجَعُونَ

Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda
Surah Adh-Dhariyat, Verse 17


وَبِٱلۡأَسۡحَارِ هُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ

Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen
Surah Adh-Dhariyat, Verse 18


وَفِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ

Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 19


وَفِي ٱلۡأَرۡضِ ءَايَٰتٞ لِّلۡمُوقِنِينَ

Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin
Surah Adh-Dhariyat, Verse 20


وَفِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ

Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 21


وَفِي ٱلسَّمَآءِ رِزۡقُكُمۡ وَمَا تُوعَدُونَ

Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi
Surah Adh-Dhariyat, Verse 22


فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِنَّهُۥ لَحَقّٞ مِّثۡلَ مَآ أَنَّكُمۡ تَنطِقُونَ

Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale
Surah Adh-Dhariyat, Verse 23


هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ

Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd
Surah Adh-Dhariyat, Verse 24


إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ

Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin
Surah Adh-Dhariyat, Verse 25


فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجۡلٖ سَمِينٖ

Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 26


فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيۡهِمۡ قَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ

Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen
Surah Adh-Dhariyat, Verse 27


فَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ

Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 28


فَأَقۡبَلَتِ ٱمۡرَأَتُهُۥ فِي صَرَّةٖ فَصَكَّتۡ وَجۡهَهَا وَقَالَتۡ عَجُوزٌ عَقِيمٞ

Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 29


قَالُواْ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ

waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
Surah Adh-Dhariyat, Verse 30


۞قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ

(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray
Surah Adh-Dhariyat, Verse 31


قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ

Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah
Surah Adh-Dhariyat, Verse 32


لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن طِينٖ

Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 33


مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ

Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 34


فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray
Surah Adh-Dhariyat, Verse 35


فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٖ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn
Surah Adh-Dhariyat, Verse 36


وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةٗ لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran
Surah Adh-Dhariyat, Verse 37


وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad
Surah Adh-Dhariyat, Verse 38


فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٞ

Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 39


فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٞ

Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 40


وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ

Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta
Surah Adh-Dhariyat, Verse 41


مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ

Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran
Surah Adh-Dhariyat, Verse 42


وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٖ

Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti
Surah Adh-Dhariyat, Verse 43


فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّـٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ

Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi
Surah Adh-Dhariyat, Verse 44


فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٖ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ

Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin
Surah Adh-Dhariyat, Verse 45


وَقَوۡمَ نُوحٖ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ

(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah
Surah Adh-Dhariyat, Verse 46


وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٖ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ

Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 47


وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ

Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 48


وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ

Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 49


فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ

Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 50


وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ مُّبِينٞ

Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade
Surah Adh-Dhariyat, Verse 51


كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ

Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 52


أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ

Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 53


فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٖ

Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa)
Surah Adh-Dhariyat, Verse 54


وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee
Surah Adh-Dhariyat, Verse 55


وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ

Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin
Surah Adh-Dhariyat, Verse 56


مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٖ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ

Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan
Surah Adh-Dhariyat, Verse 57


إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ

Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane
Surah Adh-Dhariyat, Verse 58


فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبٗا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ

Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin
Surah Adh-Dhariyat, Verse 59


فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ

Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay
Surah Adh-Dhariyat, Verse 60


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 50
>> Surah 52

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai