Surah An-Naba - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu)
Surah An-Naba, Verse 1
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلۡعَظِيمِ
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka)
Surah An-Naba, Verse 2
ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ مُخۡتَلِفُونَ
Ay isku diiddanaayeen
Surah An-Naba, Verse 3
كَلَّا سَيَعۡلَمُونَ
Saas ma aha ee way ogaan donaan
Surah An-Naba, Verse 4
ثُمَّ كَلَّا سَيَعۡلَمُونَ
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca)
Surah An-Naba, Verse 5
أَلَمۡ نَجۡعَلِ ٱلۡأَرۡضَ مِهَٰدٗا
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin
Surah An-Naba, Verse 6
وَٱلۡجِبَالَ أَوۡتَادٗا
Buurahana Rukummo (ka yeelin)
Surah An-Naba, Verse 7
وَخَلَقۡنَٰكُمۡ أَزۡوَٰجٗا
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo
Surah An-Naba, Verse 8
وَجَعَلۡنَا نَوۡمَكُمۡ سُبَاتٗا
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin
Surah An-Naba, Verse 9
وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِبَاسٗا
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin
Surah An-Naba, Verse 10
وَجَعَلۡنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشٗا
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin
Surah An-Naba, Verse 11
وَبَنَيۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعٗا شِدَادٗا
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh
Surah An-Naba, Verse 12
وَجَعَلۡنَا سِرَاجٗا وَهَّاجٗا
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda)
Surah An-Naba, Verse 13
وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡمُعۡصِرَٰتِ مَآءٗ ثَجَّاجٗا
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan
Surah An-Naba, Verse 14
لِّنُخۡرِجَ بِهِۦ حَبّٗا وَنَبَاتٗا
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq
Surah An-Naba, Verse 15
وَجَنَّـٰتٍ أَلۡفَافًا
Iyo Beero kulansan (badan)
Surah An-Naba, Verse 16
إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ كَانَ مِيقَٰتٗا
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an
Surah An-Naba, Verse 17
يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَتَأۡتُونَ أَفۡوَاجٗا
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo
Surah An-Naba, Verse 18
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ أَبۡوَٰبٗا
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo
Surah An-Naba, Verse 19
وَسُيِّرَتِ ٱلۡجِبَالُ فَكَانَتۡ سَرَابًا
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed
Surah An-Naba, Verse 20
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتۡ مِرۡصَادٗا
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay
Surah An-Naba, Verse 21
لِّلطَّـٰغِينَ مَـَٔابٗا
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan
Surah An-Naba, Verse 22
لَّـٰبِثِينَ فِيهَآ أَحۡقَابٗا
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin
Surah An-Naba, Verse 23
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرۡدٗا وَلَا شَرَابًا
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna
Surah An-Naba, Verse 24
إِلَّا حَمِيمٗا وَغَسَّاقٗا
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka)
Surah An-Naba, Verse 25
جَزَآءٗ وِفَاقًا
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii
Surah An-Naba, Verse 26
إِنَّهُمۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ حِسَابٗا
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab
Surah An-Naba, Verse 27
وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابٗا
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga
Surah An-Naba, Verse 28
وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ كِتَٰبٗا
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab
Surah An-Naba, Verse 29
فَذُوقُواْ فَلَن نَّزِيدَكُمۡ إِلَّا عَذَابًا
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee
Surah An-Naba, Verse 30
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ مَفَازًا
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan
Surah An-Naba, Verse 31
حَدَآئِقَ وَأَعۡنَٰبٗا
Beero iyo Cinabyana way heli
Surah An-Naba, Verse 32
وَكَوَاعِبَ أَتۡرَابٗا
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg
Surah An-Naba, Verse 33
وَكَأۡسٗا دِهَاقٗا
Waxayna heli Cabbid wanaagsan
Surah An-Naba, Verse 34
لَّا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا كِذَّـٰبٗا
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna
Surah An-Naba, Verse 35
جَزَآءٗ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابٗا
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan
Surah An-Naba, Verse 36
رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا ٱلرَّحۡمَٰنِۖ لَا يَمۡلِكُونَ مِنۡهُ خِطَابٗا
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada)
Surah An-Naba, Verse 37
يَوۡمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ صَفّٗاۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَقَالَ صَوَابٗا
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla
Surah An-Naba, Verse 38
ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلۡحَقُّۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto
Surah An-Naba, Verse 39
إِنَّآ أَنذَرۡنَٰكُمۡ عَذَابٗا قَرِيبٗا يَوۡمَ يَنظُرُ ٱلۡمَرۡءُ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلۡكَافِرُ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ تُرَٰبَۢا
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo
Surah An-Naba, Verse 40