Surah An-Naziat - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
وَٱلنَّـٰزِعَٰتِ غَرۡقٗا
Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha dambiilayaasha
Surah An-Naziat, Verse 1
وَٱلنَّـٰشِطَٰتِ نَشۡطٗا
Oo waa igu kuwaa sida fudud u qaada (nafaha mu’miniinta)
Surah An-Naziat, Verse 2
وَٱلسَّـٰبِحَٰتِ سَبۡحٗا
Oo waa igu kuwaa ku dabaasha hawada sare dabaalasho
Surah An-Naziat, Verse 3
فَٱلسَّـٰبِقَٰتِ سَبۡقٗا
Misna kuwaa hormaray ee horay u socda
Surah An-Naziat, Verse 4
فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرٗا
Misna kuwaa isku duwa arrin (walba)
Surah An-Naziat, Verse 5
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Maalinta ay gilgilatadu gilgilan doonto
Surah An-Naziat, Verse 6
تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Oo ay raaci doonto tan xigta
Surah An-Naziat, Verse 7
قُلُوبٞ يَوۡمَئِذٖ وَاجِفَةٌ
Quluub Maalintaas way gariiri
Surah An-Naziat, Verse 8
أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةٞ
Indhahoodu rogan yihiin
Surah An-Naziat, Verse 9
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ
Waxay (hadda) leeyihiin: Ma waxaa xaqiiq naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore (ee nolosha)
Surah An-Naziat, Verse 10
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا نَّخِرَةٗ
Ma xitaa markaan noqonno lafo bololay
Surah An-Naziat, Verse 11
قَالُواْ تِلۡكَ إِذٗا كَرَّةٌ خَاسِرَةٞ
Waxay yidhaahdaan: Taasi haddaba waxay ahaaneysaa noqosho khasaaro leh
Surah An-Naziat, Verse 12
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ
Xaqiiq waxay ahaan hal Qeylo uun
Surah An-Naziat, Verse 13
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Mise, markaa waxay ahaan doonaan (kuwo baraarugsan) dhulka guudkiisa
Surah An-Naziat, Verse 14
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Miyuu ku soo gaaray warkii Muuse
Surah An-Naziat, Verse 15
إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى
Markuu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa
Surah An-Naziat, Verse 16
ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Aad Fircoon, xaqiiq, wuu xadgudbay
Surah An-Naziat, Verse 17
فَقُلۡ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad daahiriso naftaada
Surah An-Naziat, Verse 18
وَأَهۡدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخۡشَىٰ
Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa, si aad uga baqdo
Surah An-Naziat, Verse 19
فَأَرَىٰهُ ٱلۡأٓيَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Oo wuxuu tusay Calaamddii Weyneyd
Surah An-Naziat, Verse 20
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Wuuse diiday (Xaqa) oo caasiyey
Surah An-Naziat, Verse 21
ثُمَّ أَدۡبَرَ يَسۡعَىٰ
Markaasuu dib u jeestay isagoo dadaal ku jira
Surah An-Naziat, Verse 22
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Oo soo kulmiyey (dadkiisii), oo kor u dhawaaqay
Surah An-Naziat, Verse 23
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلۡأَعۡلَىٰ
Oo yidhi: Waa Aniga rabbigiin, sarreeya
Surah An-Naziat, Verse 24
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلۡأٓخِرَةِ وَٱلۡأُولَىٰٓ
Markaasuu Allaah ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe iyo tii hore darteed
Surah An-Naziat, Verse 25
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰٓ
Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan cibrad (digniin)mid kastoo ka cabsada Alle
Surah An-Naziat, Verse 26
ءَأَنتُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُۚ بَنَىٰهَا
Ma idinka baa adag in la idin abuuro, mise samada, waa uu dhisay
Surah An-Naziat, Verse 27
رَفَعَ سَمۡكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Wuxuu kor u qaaday saqafkeeda, oo simay
Surah An-Naziat, Verse 28
وَأَغۡطَشَ لَيۡلَهَا وَأَخۡرَجَ ضُحَىٰهَا
Oo wuxuu ka yeelay mugdi habeenkee- da, oo soo saaray iftiinkeeda
Surah An-Naziat, Verse 29
وَٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Oo markaa kaddib wuxuu fidshay arlada
Surah An-Naziat, Verse 30
أَخۡرَجَ مِنۡهَا مَآءَهَا وَمَرۡعَىٰهَا
Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda
Surah An-Naziat, Verse 31
وَٱلۡجِبَالَ أَرۡسَىٰهَا
Oo buuraha, waa uu dhidbay
Surah An-Naziat, Verse 32
مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ
Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba
Surah An-Naziat, Verse 33
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Markase ay timaaddo musiibada weyni
Surah An-Naziat, Verse 34
يَوۡمَ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Maalinta uu Aadmigu xusuusan wuxuu dadaal ku bixiyey
Surah An-Naziat, Verse 35
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya
Surah An-Naziat, Verse 36
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Ee ma qofka isagu xad gudba
Surah An-Naziat, Verse 37
وَءَاثَرَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
Oo door bida nolosha adduunkan
Surah An-Naziat, Verse 38
فَإِنَّ ٱلۡجَحِيمَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ
Hubaal, Naarta waa hoygiisa
Surah An-Naziat, Verse 39
وَأَمَّا مَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفۡسَ عَنِ ٱلۡهَوَىٰ
Ma kan se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta u iilasho (xun)
Surah An-Naziat, Verse 40
فَإِنَّ ٱلۡجَنَّةَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ
Hubaal Jannada- waa hoygiisa
Surah An-Naziat, Verse 41
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرۡسَىٰهَا
Waxay wax kaa weydiiyaan (Muxammadow) Saacadda (Qiyaame), waa goorma goortay dhaceyso
Surah An-Naziat, Verse 42
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكۡرَىٰهَآ
Ma adiga baa (cilmi) u leh aad ku sheegto
Surah An-Naziat, Verse 43
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Waa xagga Rabbigaa halka ay ku dhammaan (ogaanshaheeda)
Surah An-Naziat, Verse 44
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخۡشَىٰهَا
Waxaad uun tahay u dige kuwa ka baqa
Surah An-Naziat, Verse 45
كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَهَا لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا عَشِيَّةً أَوۡ ضُحَىٰهَا
Maalinta ay arkayaan, waxay ahaan sida inaysan ku negaaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed
Surah An-Naziat, Verse 46