UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Anfal - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaafaadkiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin mu’miniin
Surah Al-Anfal, Verse 1


إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, oo marka Aayadahiisa loo akhriyo ay u kordhiyaan Iimaan; oo Rabbigood (Keliya) isku halleeya
Surah Al-Anfal, Verse 2


ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ

Kuwa hagaajiya salaadda oo waxa aan siinnay wax (fiican) ka bixiya
Surah Al-Anfal, Verse 3


أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku mudan darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan
Surah Al-Anfal, Verse 4


كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ

Weliba sida uu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga si xaq ah, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay hubaal kahanayeen
Surah Al-Anfal, Verse 5


يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ

Waxay kaala doodeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, ( oo waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya
Surah Al-Anfal, Verse 6


وَإِذۡ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحۡدَى ٱلطَّآئِفَتَيۡنِ أَنَّهَا لَكُمۡ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيۡرَ ذَاتِ ٱلشَّوۡكَةِ تَكُونُ لَكُمۡ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقۡطَعَ دَابِرَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo waa tii uu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood inaad heli doontaan, oo waxaad jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, oo Allaah wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo cidhib tiro gaalada
Surah Al-Anfal, Verse 7


لِيُحِقَّ ٱلۡحَقَّ وَيُبۡطِلَ ٱلۡبَٰطِلَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba nacbeystaan dambiilayaasha’e
Surah Al-Anfal, Verse 8


إِذۡ تَسۡتَغِيثُونَ رَبَّكُمۡ فَٱسۡتَجَابَ لَكُمۡ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلۡفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ مُرۡدِفِينَ

Waa tii aad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta
Surah Al-Anfal, Verse 9


وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ وَلِتَطۡمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمۡۚ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Oo Allaah kama yeelin waxaan ahayn war san aad ku faraxdaan, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Anfal, Verse 10


إِذۡ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةٗ مِّنۡهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذۡهِبَ عَنكُمۡ رِجۡزَ ٱلشَّيۡطَٰنِ وَلِيَرۡبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمۡ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلۡأَقۡدَامَ

Waa tii uu sababay inay degganaanasho idinku soo degto, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idinkaga soo dejiyey biyo xagga daruurta, si uu idiinkugu daahiriyo oo idiinkaga bi’iyo waswaaska Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha
Surah Al-Anfal, Verse 11


إِذۡ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ أَنِّي مَعَكُمۡ فَثَبِّتُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ سَأُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ فَٱضۡرِبُواْ فَوۡقَ ٱلۡأَعۡنَاقِ وَٱضۡرِبُواْ مِنۡهُمۡ كُلَّ بَنَانٖ

Waa tii uu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeysan. Waxaan ku tuuri doonaa argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, oo ku dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin
Surah Al-Anfal, Verse 12


ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ شَآقُّواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Arrinkani waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabtiisu aad bay u daran tahay
Surah Al-Anfal, Verse 13


ذَٰلِكُمۡ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ

(Arrin)kan--- bal dhadhamiya, oo (ogow) in gaaladu leeyihiin cadaab dab ah
Surah Al-Anfal, Verse 14


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ زَحۡفٗا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ

Mu’miniintoy! Marka aad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni. Markaa ha u jeedininna dhabarrada
Surah Al-Anfal, Verse 15


وَمَن يُوَلِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفٗا لِّقِتَالٍ أَوۡ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٖ فَقَدۡ بَآءَ بِغَضَبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

Oo qofkii u jeediya dhabarkiisa maalintaa _ inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay), _ wuxuu xaqiiq ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, oo hoygiisu waa Naar, oo iyadaa u xun meel la ahaado
Surah Al-Anfal, Verse 16


فَلَمۡ تَقۡتُلُوهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمۡۚ وَمَا رَمَيۡتَ إِذۡ رَمَيۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ وَلِيُبۡلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡهُ بَلَآءً حَسَنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

Haddaba ma aydaan layn idinkuye, laakiinse Allaah baa laayey. Oo adigu ma aad tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), laakiinse wuxuu ahaa Allaah Kan tuuray, oo waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anfal, Verse 17


ذَٰلِكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيۡدِ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Arrinkan (waa fal Ilaahay) oo weliba Allaah waa licifiyaha halganka gaalada
Surah Al-Anfal, Verse 18


إِن تَسۡتَفۡتِحُواْ فَقَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡفَتۡحُۖ وَإِن تَنتَهُواْ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۖ وَإِن تَعُودُواْ نَعُدۡ وَلَن تُغۡنِيَ عَنكُمۡ فِئَتُكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَوۡ كَثُرَتۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Haddii aad dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka xaqiiq waa idiin yimid oo haddii aad joojisaan (colaadda), waa sida idiin khayr badan, oo haddii aad ku noqotaan (dagaalka) annagana sidoo kale waan soo rogaal celin doonnaa. Oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, oo (ogaada) in Allaah uu la jiro mu’mimiinta
Surah Al-Anfal, Verse 19


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَأَنتُمۡ تَسۡمَعُونَ

Mu’miniintoy! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya
Surah Al-Anfal, Verse 20


وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ

Oo ha noqonnina sida kuwii yidhi: Waan maqlaynaa, oo aan waxba maqlin
Surah Al-Anfal, Verse 21


۞إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلۡبُكۡمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ

Hubaal, noole waxaa ugu liita Allaah agtii kuwa (ka) dhega la’(xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn
Surah Al-Anfal, Verse 22


وَلَوۡ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمۡ خَيۡرٗا لَّأَسۡمَعَهُمۡۖ وَلَوۡ أَسۡمَعَهُمۡ لَتَوَلَّواْ وَّهُم مُّعۡرِضُونَ

Oo haddii Allaah uu ku og yahay wax khayr ah, wuxuu ka yeeli lahaa inay maqlaan, oo hadduu ka yeeli lahaa inay wax maqlaan, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya
Surah Al-Anfal, Verse 23


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَجِيبُواْ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمۡ لِمَا يُحۡيِيكُمۡۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَقَلۡبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

Mu’miniintoy! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) marka uu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, oo ogaada inuu Allaah kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin doono
Surah Al-Anfal, Verse 24


وَٱتَّقُواْ فِتۡنَةٗ لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمۡ خَآصَّةٗۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Oo iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Allaah ay Daran tahay Ciqaabtiisu
Surah Al-Anfal, Verse 25


وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٞ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Oo Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala boobin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, bal inaad mahad naqdaan
Surah Al-Anfal, Verse 26


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Mu’miniintoy! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, oo ha khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon
Surah Al-Anfal, Verse 27


وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ

Oo Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Allaah agtiisa yahay Abaalgud aad u Wayn
Surah Al-Anfal, Verse 28


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانٗا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ

Mu’miniintoy! Haddaad dhwortaan (xilka uu idin saaray) Allaah, Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), oo idinka tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin dambi dhaafi, oo Allaah waa Rabbiga iska leh Fadliga aad u Weyn
Surah Al-Anfal, Verse 29


وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ

Oo waa tii ay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; oo way tab dhigeen, oo Allaah sidoo kale wuu tab dhigay, oo Allaah waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa
Surah Al-Anfal, Verse 30


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Oo Marka Aayadahayaga loo akhriyo, waxay yidhaahdaan: Xaqiiq waanu maqallay; oo haddaan doonno waxaan odhan karnaa waxa uu yidhi oo kale. (Waxa)kanina ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore
Surah Al-Anfal, Verse 31


وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٖ

Oo waa tii ay yidhaahdeen: Allahayow! Hadduu kani xaq yahay Adiga kaa yimid, haddaba nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab aad u xanuun badan
Surah Al-Anfal, Verse 32


وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ

Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, oo ma aha mid ca- daabaya iyagoo weli dambi dhaaf dalbaya
Surah Al-Anfal, Verse 33


وَمَا لَهُمۡ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمۡ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَمَا كَانُوٓاْ أَوۡلِيَآءَهُۥٓۚ إِنۡ أَوۡلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُتَّقُونَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Allaah u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, oo uma suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa iska jira (xumaha), laakiinse badankoodu ma ogsoona
Surah Al-Anfal, Verse 34


وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمۡ عِندَ ٱلۡبَيۡتِ إِلَّا مُكَآءٗ وَتَصۡدِيَةٗۚ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ

Oo salaaddooda Beytka (Kacbada) agteeda ma ahayn waxaan aheyn foori iyo sacabbo tun. Ee haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed
Surah Al-Anfal, Verse 35


إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ لِيَصُدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيۡهِمۡ حَسۡرَةٗ ثُمَّ يُغۡلَبُونَۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحۡشَرُونَ

Hubaal, gaalada waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon doontaa qoomamo daran, misna waa laga adkaan doonaa. Oo gaalada xagga Naarta baa loo taxaabi doonaa
Surah Al-Anfal, Verse 36


لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجۡعَلَ ٱلۡخَبِيثَ بَعۡضَهُۥ عَلَىٰ بَعۡضٖ فَيَرۡكُمَهُۥ جَمِيعٗا فَيَجۡعَلَهُۥ فِي جَهَنَّمَۚ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo uu isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwan weeye kuwa ku sugan khasaaraha
Surah Al-Anfal, Verse 37


قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Ku dheh kuwa (Xaqa) rumeysan diida, haddii ay ka haraan (xaq diiddada) waxaa loo dhaafi doonaa wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan, waxaa xaqiiq sugaya jidka kuwii hore
Surah Al-Anfal, Verse 38


وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٞ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِۚ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Oo la dagaallama jeer la waayo wax gardarro ah, oo diinta (cibaadada) waa inuu yeesho Allaah Keliya. Haddiise ay joojiyaan (gefka iyo gaboodfalka), markaas hubaal, Allaah waa arkaa waxa ay falaan
Surah Al-Anfal, Verse 39


وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَىٰكُمۡۚ نِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ

Oo hadday jeestaan, ogaada in Allaah yahay Gacalkiin, Wanaag badanaa Gacalku, oo wanaag badanaa gargaarahu
Surah Al-Anfal, Verse 40


۞وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Oo ogaada in wax kastoo aad qaniimeysataan, markaa Allaah wuxuu leeyahay shan meelood oo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, oo Allaah wax walba inuu falo wuu Karaa
Surah Al-Anfal, Verse 41


إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٖ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٖۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ

Oo waa tii aad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, oo iyagu ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Oo haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waxaa hubaal ah inaad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, oo ciddii noolaan si cad ugu noolaato. Oo hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anfal, Verse 42


إِذۡ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلٗاۖ وَلَوۡ أَرَىٰكَهُمۡ كَثِيرٗا لَّفَشِلۡتُمۡ وَلَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Oo waa tii uu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, oo hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badan, hubaal waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa (idinka) badbaadshay. Hubaal waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
Surah Al-Anfal, Verse 43


وَإِذۡ يُرِيكُمُوهُمۡ إِذِ ٱلۡتَقَيۡتُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِكُمۡ قَلِيلٗا وَيُقَلِّلُكُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِهِمۡ لِيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗاۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

Oo wuxuu idiin tusay markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, oo wuxuu idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Allaah u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
Surah Al-Anfal, Verse 44


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمۡ فِئَةٗ فَٱثۡبُتُواْ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

Mu’miniintoy! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) markaa sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u guuleysataan
Surah Al-Anfal, Verse 45


وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفۡشَلُواْ وَتَذۡهَبَ رِيحُكُمۡۖ وَٱصۡبِرُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabannina, yeydaan niyad jabine oo xooggiinnu tegin, oo samir yeesha. Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha
Surah Al-Anfal, Verse 46


وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرٗا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ

Oo ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay12. Oo Allaah wuu koobaa waxay falaan
Surah Al-Anfal, Verse 47


وَإِذۡ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّي جَارٞ لَّكُمۡۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلۡفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكُمۡ إِنِّيٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوۡنَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Oo waa tii uu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, oo hubaal aniga baa ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, hubaal Anigu barii baan idinka ahay. Hubaal waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, oo Allaah way daran tahay Ciqaabtiisu
Surah Al-Anfal, Verse 48


إِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَـٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمۡۗ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ

Waa tii ay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Oo qofkii isku halleeya Allaah, haddaba hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Anfal, Verse 49


وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ

Oo haddaad arki lahayd marka ay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabta gubashada
Surah Al-Anfal, Verse 50


ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّـٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ

Arrinkani waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu u ahayn mid ku gardarrooda addoomahiisa
Surah Al-Anfal, Verse 51


كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeysan diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay dambiyadoodii awgood. Hubaal Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Adag
Surah Al-Anfal, Verse 52


ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرٗا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

Arrinkani wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey dad jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo waa inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Anfal, Verse 53


كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلّٞ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ

Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, oo waxaan qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen gar ma qaatayaal
Surah Al-Anfal, Verse 54


إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan
Surah Al-Anfal, Verse 55


ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٖ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ

Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan ka dhowrsan (ciqaabka Ilaahay)
Surah Al-Anfal, Verse 56


فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ

Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan
Surah Al-Anfal, Verse 57


وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةٗ فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ

Oo haddaad ka cabsato khiyaano xagga dad (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Allaah ma jecla khaa’imiinta
Surah Al-Anfal, Verse 58


وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ

Oo yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Allaah)
Surah Al-Anfal, Verse 59


وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٖ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ

Oo u diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah iyo fardo u heegan ah (dagaal) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Allaah baase ogsoon. Oo wax kastoo aad ku bixisaan Jidka Ilaahay waa la idiin gudi doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinku gardarroon doonin
Surah Al-Anfal, Verse 60


۞وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Oo hadday u iishaan xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah
Surah Al-Anfal, Verse 61


وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo hadday doonaan inay ku dhagraan, haddaba hubaal waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey taageeradiisa iyo mu’mminiintaba
Surah Al-Anfal, Verse 62


وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٞ

Oo mideeyey quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, laakiinse Allaah baa mideeyey. Hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Anfal, Verse 63


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba
Surah Al-Anfal, Verse 64


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ

Nabiyow! ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaalada ah, waayo waa dad aan wax fahmayn
Surah Al-Anfal, Verse 65


ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفٗاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ صَابِرَةٞ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Haatan Allaah wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, oo wuxuu ogsoon yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan doonaan labo kun Ilaahay Idankii. Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha
Surah Al-Anfal, Verse 66


مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ

Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahady) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Surah Al-Anfal, Verse 67


لَّوۡلَا كِتَٰبٞ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ

Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Allaah ah ee hore uu u gooyey16, hubaal waxaa idinku soo gaari lahaa waxa aad qaadateen cadaab aad u weyn
Surah Al-Anfal, Verse 68


فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Ee cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Anfal, Verse 69


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّمَن فِيٓ أَيۡدِيكُم مِّنَ ٱلۡأَسۡرَىٰٓ إِن يَعۡلَمِ ٱللَّهُ فِي قُلُوبِكُمۡ خَيۡرٗا يُؤۡتِكُمۡ خَيۡرٗا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Nabiyow! Ku dheh kuwaa aad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin dambi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Anfal, Verse 70


وَإِن يُرِيدُواْ خِيَانَتَكَ فَقَدۡ خَانُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ فَأَمۡكَنَ مِنۡهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ

Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan waxay horeba u khiyaameeyeen Allaah. Markaas buu Wuxuu idin siiyey awood uu idinka kormarshay. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah Al-Anfal, Verse 71


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَـٰٓئِكَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلَٰيَتِهِم مِّن شَيۡءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْۚ وَإِنِ ٱسۡتَنصَرُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيۡكُمُ ٱلنَّصۡرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Hubaaal, kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu halgamay si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, _ kuwan ayaa qaarkoodba xulufo u yahay qaarka kale. (ma) kuwase rumeeyey ee aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo dad uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan
Surah Al-Anfal, Verse 72


وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ إِلَّا تَفۡعَلُوهُ تَكُن فِتۡنَةٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَفَسَادٞ كَبِيرٞ

Oo kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buuu yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri doona dhulka fasahaad aad u weyn
Surah Al-Anfal, Verse 73


وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

Oo (ma xagga) kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku halgamay Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwan waa mu’miniinta dhabta ah, waxay mudan doonaan dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan
Surah Al-Anfal, Verse 74


وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ مَعَكُمۡ فَأُوْلَـٰٓئِكَ مِنكُمۡۚ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ

Oo (ma xagga) kuwa rumeeyay waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaad galay la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Oo qaraabadaa qaarkoodba isaga sokeeya qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Allaah wax kasta wuu Og yahay
Surah Al-Anfal, Verse 75


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 7
>> Surah 9

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai