Surah Abasa - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu)
Surah Abasa, Verse 1
أَن جَآءَهُ ٱلۡأَعۡمَىٰ
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa
Surah Abasa, Verse 2
وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo
Surah Abasa, Verse 3
أَوۡ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكۡرَىٰٓ
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo
Surah Abasa, Verse 4
أَمَّا مَنِ ٱسۡتَغۡنَىٰ
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada)
Surah Abasa, Verse 5
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Ma; Adaa u bambixi
Surah Abasa, Verse 6
وَمَا عَلَيۡكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin
Surah Abasa, Verse 7
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسۡعَىٰ
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi
Surah Abasa, Verse 8
وَهُوَ يَخۡشَىٰ
Oo Eeba ka yaabi
Surah Abasa, Verse 9
فَأَنتَ عَنۡهُ تَلَهَّىٰ
Miyaad ka shuqloomi
Surah Abasa, Verse 10
كَلَّآ إِنَّهَا تَذۡكِرَةٞ
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano
Surah Abasa, Verse 11
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan
Surah Abasa, Verse 12
فِي صُحُفٖ مُّكَرَّمَةٖ
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh
Surah Abasa, Verse 13
مَّرۡفُوعَةٖ مُّطَهَّرَةِۭ
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay
Surah Abasa, Verse 14
بِأَيۡدِي سَفَرَةٖ
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta)
Surah Abasa, Verse 15
كِرَامِۭ بَرَرَةٖ
Sharafna leh oo baarri ah
Surah Abasa, Verse 16
قُتِلَ ٱلۡإِنسَٰنُ مَآ أَكۡفَرَهُۥ
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa
Surah Abasa, Verse 17
مِنۡ أَيِّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥ
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas
Surah Abasa, Verse 18
مِن نُّطۡفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay
Surah Abasa, Verse 19
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Jidkana wuu u fudaydiyay
Surah Abasa, Verse 20
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقۡبَرَهُۥ
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa
Surah Abasa, Verse 21
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
Markuu doonana wuu soo bixin
Surah Abasa, Verse 22
كَلَّا لَمَّا يَقۡضِ مَآ أَمَرَهُۥ
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin
Surah Abasa, Verse 23
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa
Surah Abasa, Verse 24
أَنَّا صَبَبۡنَا ٱلۡمَآءَ صَبّٗا
Inaan Roob ku soo shubno
Surah Abasa, Verse 25
ثُمَّ شَقَقۡنَا ٱلۡأَرۡضَ شَقّٗا
Dhulkana markaas aan jeexno
Surah Abasa, Verse 26
فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا حَبّٗا
Kana soo bixinno Midho
Surah Abasa, Verse 27
وَعِنَبٗا وَقَضۡبٗا
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
Surah Abasa, Verse 28
وَزَيۡتُونٗا وَنَخۡلٗا
Iyo Zeytuun iyo Timir
Surah Abasa, Verse 29
وَحَدَآئِقَ غُلۡبٗا
Iyo Beerow waawayn
Surah Abasa, Verse 30
وَفَٰكِهَةٗ وَأَبّٗا
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq
Surah Abasa, Verse 31
مَّتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu
Surah Abasa, Verse 32
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka)
Surah Abasa, Verse 33
يَوۡمَ يَفِرُّ ٱلۡمَرۡءُ مِنۡ أَخِيهِ
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis
Surah Abasa, Verse 34
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis
Surah Abasa, Verse 35
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii
Surah Abasa, Verse 36
لِكُلِّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ يَوۡمَئِذٖ شَأۡنٞ يُغۡنِيهِ
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa
Surah Abasa, Verse 37
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ مُّسۡفِرَةٞ
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi)
Surah Abasa, Verse 38
ضَاحِكَةٞ مُّسۡتَبۡشِرَةٞ
Wayna Qosli oy bishaaraysan
Surah Abasa, Verse 39
وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذٍ عَلَيۡهَا غَبَرَةٞ
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli
Surah Abasa, Verse 40
تَرۡهَقُهَا قَتَرَةٌ
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin)
Surah Abasa, Verse 41
أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَفَرَةُ ٱلۡفَجَرَةُ
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun)
Surah Abasa, Verse 42