Surah Al-Ghashiya - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii
Surah Al-Ghashiya, Verse 1
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan
Surah Al-Ghashiya, Verse 2
عَامِلَةٞ نَّاصِبَةٞ
Waxayna qaban Shaqo dhib ah
Surah Al-Ghashiya, Verse 3
تَصۡلَىٰ نَارًا حَامِيَةٗ
Waxayna gali Naar kulul
Surah Al-Ghashiya, Verse 4
تُسۡقَىٰ مِنۡ عَيۡنٍ ءَانِيَةٖ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran
Surah Al-Ghashiya, Verse 5
لَّيۡسَ لَهُمۡ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٖ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta)
Surah Al-Ghashiya, Verse 6
لَّا يُسۡمِنُ وَلَا يُغۡنِي مِن جُوعٖ
Taasoon waxna cayilinaynin Gaajana wax ka taraynin
Surah Al-Ghashiya, Verse 7
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاعِمَةٞ
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta)
Surah Al-Ghashiya, Verse 8
لِّسَعۡيِهَا رَاضِيَةٞ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii
Surah Al-Ghashiya, Verse 9
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٖ
Janno sarana way gali
Surah Al-Ghashiya, Verse 10
لَّا تَسۡمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةٗ
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro
Surah Al-Ghashiya, Verse 11
فِيهَا عَيۡنٞ جَارِيَةٞ
Waxaana ah dhexdeed il socota
Surah Al-Ghashiya, Verse 12
فِيهَا سُرُرٞ مَّرۡفُوعَةٞ
iyo Sariiro la koryeelay
Surah Al-Ghashiya, Verse 13
وَأَكۡوَابٞ مَّوۡضُوعَةٞ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha)
Surah Al-Ghashiya, Verse 14
وَنَمَارِقُ مَصۡفُوفَةٞ
Iyo Barkimooyin la safay
Surah Al-Ghashiya, Verse 15
وَزَرَابِيُّ مَبۡثُوثَةٌ
Iyo gogol la fidiyay
Surah Al-Ghashiya, Verse 16
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلۡإِبِلِ كَيۡفَ خُلِقَتۡ
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray
Surah Al-Ghashiya, Verse 17
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ رُفِعَتۡ
Iyo sida Samada loo koryeelay
Surah Al-Ghashiya, Verse 18
وَإِلَى ٱلۡجِبَالِ كَيۡفَ نُصِبَتۡ
Iyo sida Ruuraha loo taagay
Surah Al-Ghashiya, Verse 19
وَإِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَيۡفَ سُطِحَتۡ
Iyo sida dhulka loo fidiyay
Surah Al-Ghashiya, Verse 20
فَذَكِّرۡ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٞ
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow)
Surah Al-Ghashiya, Verse 21
لَّسۡتَ عَلَيۡهِم بِمُصَيۡطِرٍ
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab)
Surah Al-Ghashiya, Verse 22
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa)
Surah Al-Ghashiya, Verse 23
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَكۡبَرَ
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn
Surah Al-Ghashiya, Verse 24
إِنَّ إِلَيۡنَآ إِيَابَهُمۡ
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu)
Surah Al-Ghashiya, Verse 25
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا حِسَابَهُم
Annagaana xisaabin
Surah Al-Ghashiya, Verse 26