Surah At-Taubah Verse 122 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah At-Taubah۞وَمَا كَانَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ لِيَنفِرُواْ كَآفَّةٗۚ فَلَوۡلَا نَفَرَ مِن كُلِّ فِرۡقَةٖ مِّنۡهُمۡ طَآئِفَةٞ لِّيَتَفَقَّهُواْ فِي ٱلدِّينِ وَلِيُنذِرُواْ قَوۡمَهُمۡ إِذَا رَجَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَحۡذَرُونَ
Oo ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda marka ay u soo laabtaan, si ay u digtonaadaan