Surah At-Taubah Verse 36 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah At-Taubahإِنَّ عِدَّةَ ٱلشُّهُورِ عِندَ ٱللَّهِ ٱثۡنَا عَشَرَ شَهۡرٗا فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ يَوۡمَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ مِنۡهَآ أَرۡبَعَةٌ حُرُمٞۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُۚ فَلَا تَظۡلِمُواْ فِيهِنَّ أَنفُسَكُمۡۚ وَقَٰتِلُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ كَآفَّةٗ كَمَا يُقَٰتِلُونَكُمۡ كَآفَّةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ
Hubaal, tirada bilahu Ilaahay agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Ilaahay tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar xurmad gaar ah leh (Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab). Sidaas baa ah dowga toosan, ee ha ku gardarroonina nafahiina dhexdooda, oo la dagaallama Mushrikiinta wadajir sida ay idiinla dagaallamaan wadajir. Oo ogaada in Allaah uu la jiro kuwa iska ilaasha xumaha