Surah Ad-Dhuha - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
وَٱلضُّحَىٰ
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka
Surah Ad-Dhuha, Verse 1
وَٱلَّيۡلِ إِذَا سَجَىٰ
Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado)
Surah Ad-Dhuha, Verse 2
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ
Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin
Surah Ad-Dhuha, Verse 3
وَلَلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لَّكَ مِنَ ٱلۡأُولَىٰ
Aakharana kaaga khayr badan Aduunka
Surah Ad-Dhuha, Verse 4
وَلَسَوۡفَ يُعۡطِيكَ رَبُّكَ فَتَرۡضَىٰٓ
Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon
Surah Ad-Dhuha, Verse 5
أَلَمۡ يَجِدۡكَ يَتِيمٗا فَـَٔاوَىٰ
Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin
Surah Ad-Dhuha, Verse 6
وَوَجَدَكَ ضَآلّٗا فَهَدَىٰ
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin
Surah Ad-Dhuha, Verse 7
وَوَجَدَكَ عَآئِلٗا فَأَغۡنَىٰ
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin)
Surah Ad-Dhuha, Verse 8
فَأَمَّا ٱلۡيَتِيمَ فَلَا تَقۡهَرۡ
Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin)
Surah Ad-Dhuha, Verse 9
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنۡهَرۡ
Ka wax su'aalina ha canaanan
Surah Ad-Dhuha, Verse 10
وَأَمَّا بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثۡ
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi)
Surah Ad-Dhuha, Verse 11