Surah Al-Alaq - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِي خَلَقَ
Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray
Surah Al-Alaq, Verse 1
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِنۡ عَلَقٍ
Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir
Surah Al-Alaq, Verse 2
ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha
Surah Al-Alaq, Verse 3
ٱلَّذِي عَلَّمَ بِٱلۡقَلَمِ
Ee baray sida wax loogu qoro qalinka
Surah Al-Alaq, Verse 4
عَلَّمَ ٱلۡإِنسَٰنَ مَا لَمۡ يَعۡلَمۡ
Baray Aadmiga wax uusan aqoon
Surah Al-Alaq, Verse 5
كَلَّآ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَيَطۡغَىٰٓ
Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa
Surah Al-Alaq, Verse 6
أَن رَّءَاهُ ٱسۡتَغۡنَىٰٓ
Inuu isu arko mid deeqtoon darteed
Surah Al-Alaq, Verse 7
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجۡعَىٰٓ
Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku
Surah Al-Alaq, Verse 8
أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يَنۡهَىٰ
Ma waad aragtay midka isaga ka reeba
Surah Al-Alaq, Verse 9
عَبۡدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Addoon markuu tukado
Surah Al-Alaq, Verse 10
أَرَءَيۡتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلۡهُدَىٰٓ
Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan
Surah Al-Alaq, Verse 11
أَوۡ أَمَرَ بِٱلتَّقۡوَىٰٓ
Amaba uu amro xume ka dhowrsiga
Surah Al-Alaq, Verse 12
أَرَءَيۡتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo
Surah Al-Alaq, Verse 13
أَلَمۡ يَعۡلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Mawuusan ogeyn in Allaah arko
Surah Al-Alaq, Verse 14
كَلَّا لَئِن لَّمۡ يَنتَهِ لَنَسۡفَعَۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda
Surah Al-Alaq, Verse 15
نَاصِيَةٖ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٖ
Food beenley ah oo gefley ah
Surah Al-Alaq, Verse 16
فَلۡيَدۡعُ نَادِيَهُۥ
Markaa ha u yeedho golihiisa
Surah Al-Alaq, Verse 17
سَنَدۡعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran
Surah Al-Alaq, Verse 18
كَلَّا لَا تُطِعۡهُ وَٱسۡجُدۡۤ وَٱقۡتَرِب۩
Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)
Surah Al-Alaq, Verse 19