UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Yunus - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ

Kalimada hore waxay ku tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan
Surah Yunus, Verse 1


أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ رَجُلٖ مِّنۡهُمۡ أَنۡ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنَّ لَهُمۡ قَدَمَ صِدۡقٍ عِندَ رَبِّهِمۡۗ قَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٞ مُّبِينٌ

Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad
Surah Yunus, Verse 2


إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۖ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ إِذۡنِهِۦۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina Idinkiisa la'aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda, Miyeydaan wax Xusuusanayn
Surah Yunus, Verse 3


إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقًّاۚ إِنَّهُۥ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ

Xaggiisaa laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed
Surah Yunus, Verse 4


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلشَّمۡسَ ضِيَآءٗ وَٱلۡقَمَرَ نُورٗا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og
Surah Yunus, Verse 5


إِنَّ فِي ٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَّقُونَ

Ishadalka Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu sugan Ciddii Dhawrsan
Surah Yunus, Verse 6


إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا وَرَضُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَٱطۡمَأَنُّواْ بِهَا وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِنَا غَٰفِلُونَ

Kuwaan Rajaynayn la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan Aayaadkannaga
Surah Yunus, Verse 7


أُوْلَـٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay Kasbanayeen Darteed
Surah Yunus, Verse 8


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ يَهۡدِيهِمۡ رَبُّهُم بِإِيمَٰنِهِمۡۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُ فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Kuwa Rumeeyey Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan
Surah Yunus, Verse 9


دَعۡوَىٰهُمۡ فِيهَا سُبۡحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٞۚ وَءَاخِرُ دَعۡوَىٰهُمۡ أَنِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay, Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh Eebaha Caalamka ah
Surah Yunus, Verse 10


۞وَلَوۡ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسۡتِعۡجَالَهُم بِٱلۡخَيۡرِ لَقُضِيَ إِلَيۡهِمۡ أَجَلُهُمۡۖ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ

Haddu Eebe u Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo ku Wareersan
Surah Yunus, Verse 11


وَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ٱلضُّرُّ دَعَانَا لِجَنۢبِهِۦٓ أَوۡ قَاعِدًا أَوۡ قَآئِمٗا فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُ ضُرَّهُۥ مَرَّ كَأَن لَّمۡ يَدۡعُنَآ إِلَىٰ ضُرّٖ مَّسَّهُۥۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡمُسۡرِفِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen
Surah Yunus, Verse 12


وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Waxaan Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid Rasuuladoodii Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka Dambiilayaasha ah
Surah Yunus, Verse 13


ثُمَّ جَعَلۡنَٰكُمۡ خَلَـٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لِنَنظُرَ كَيۡفَ تَعۡمَلُونَ

Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan
Surah Yunus, Verse 14


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَاتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا ٱئۡتِ بِقُرۡءَانٍ غَيۡرِ هَٰذَآ أَوۡ بَدِّلۡهُۚ قُلۡ مَا يَكُونُ لِيٓ أَنۡ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلۡقَآيِٕ نَفۡسِيٓۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۖ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ

Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn
Surah Yunus, Verse 15


قُل لَّوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوۡتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ وَلَآ أَدۡرَىٰكُم بِهِۦۖ فَقَدۡ لَبِثۡتُ فِيكُمۡ عُمُرٗا مِّن قَبۡلِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Waxaad Dhahdaa Hadduu doono Eebe idnikiima Akhriycen idinmana Ogaysiiyeen isaga, waxaan ku Nagaaday Dhexdiinna ka hor Cimri ee Meyeydaan wax kasayn
Surah Yunus, Verse 16


فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Been Abuuratay Eebe ama Beeniyey Aayaadkiisa, Illeen ma Lubaano Dambiilayaal
Surah Yunus, Verse 17


وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡ وَيَقُولُونَ هَـٰٓؤُلَآءِ شُفَعَـٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِۚ قُلۡ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Waxay Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan Dhibayn Anfaceyna waxayna Odhan kuwana waa Shafeecayaalkanaga Eebe Agtiisa, waxaad Dhahdaa ma waxaad uga warramaysaan Eebe wuxuusan ku Ogayn Samooyinja iyo Dhulka, wuxuu ka Nasahanyahay oo ka Sarreeyaa waxay la Wadaajiyeen Eebe
Surah Yunus, Verse 18


وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَٱخۡتَلَفُواْۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡ فِيمَا فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Dadka wuxuu ahaa Ummad Kaliya Markaasay Iskhilaafeen, haddayan Jirin Kalimad Eebahaa u horraysay waa la kala Xukmin lahaa Dexdooda waxay isku diidanyihiin
Surah Yunus, Verse 19


وَيَقُولُونَ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۖ فَقُلۡ إِنَّمَا ٱلۡغَيۡبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ

Waxay Odhan Gaaladu maa lagaga soo Dejiyo Xagga Eebahaa Aayad, waxaad dhahdaa waxa Maqan Eebe umbaa iska leh, ee Suga Anuguna waan idinka Sugiye
Surah Yunus, Verse 20


وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ مِّنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُمۡ إِذَا لَهُم مَّكۡرٞ فِيٓ ءَايَاتِنَاۚ قُلِ ٱللَّهُ أَسۡرَعُ مَكۡرًاۚ إِنَّ رُسُلَنَا يَكۡتُبُونَ مَا تَمۡكُرُونَ

Markaan Dhadhansiinno Dadka Naxariis Dhibaato ka dib Taabatay waxaa soo Baxa iyagoo dhagri Aayaadkanaga, waxaa Deg-Deg badan Ciqaabta Eebe Malaa'igtanaduna way Qori waxaad Dhagraysaan
Surah Yunus, Verse 21


هُوَ ٱلَّذِي يُسَيِّرُكُمۡ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا كُنتُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَرَيۡنَ بِهِم بِرِيحٖ طَيِّبَةٖ وَفَرِحُواْ بِهَا جَآءَتۡهَا رِيحٌ عَاصِفٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡمَوۡجُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ أُحِيطَ بِهِمۡ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ لَئِنۡ أَنجَيۡتَنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ

Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la koobay (la Halaagay) waxay Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan waannu kugu Mahdin
Surah Yunus, Verse 22


فَلَمَّآ أَنجَىٰهُمۡ إِذَا هُمۡ يَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۗ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَا بَغۡيُكُمۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۖ مَّتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُكُمۡ فَنُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Markuu koriyeyna Markaas ku xad gudbaan Dhulka Xaq Darro Dadoow waxaad uun ku Xad Gudbaysaan Naftinna, waa uun Nolosha Dhaw Markaas Xagganagaa laydiin soo Celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad Camal Falayseen
Surah Yunus, Verse 23


إِنَّمَا مَثَلُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ مِمَّا يَأۡكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلۡأَنۡعَٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلۡأَرۡضُ زُخۡرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتۡ وَظَنَّ أَهۡلُهَآ أَنَّهُمۡ قَٰدِرُونَ عَلَيۡهَآ أَتَىٰهَآ أَمۡرُنَا لَيۡلًا أَوۡ نَهَارٗا فَجَعَلۡنَٰهَا حَصِيدٗا كَأَن لَّمۡ تَغۡنَ بِٱلۡأَمۡسِۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ

Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri
Surah Yunus, Verse 24


وَٱللَّهُ يَدۡعُوٓاْ إِلَىٰ دَارِ ٱلسَّلَٰمِ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Eebe wuxuu ugu yeedhi (Dadka) Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa)
Surah Yunus, Verse 25


۞لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ ٱلۡحُسۡنَىٰ وَزِيَادَةٞۖ وَلَا يَرۡهَقُ وُجُوهَهُمۡ قَتَرٞ وَلَا ذِلَّةٌۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda
Surah Yunus, Verse 26


وَٱلَّذِينَ كَسَبُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ جَزَآءُ سَيِّئَةِۭ بِمِثۡلِهَا وَتَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ مَّا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۖ كَأَنَّمَآ أُغۡشِيَتۡ وُجُوهُهُمۡ قِطَعٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مُظۡلِمًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda
Surah Yunus, Verse 27


وَيَوۡمَ نَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ مَكَانَكُمۡ أَنتُمۡ وَشُرَكَآؤُكُمۡۚ فَزَيَّلۡنَا بَيۡنَهُمۡۖ وَقَالَ شُرَكَآؤُهُم مَّا كُنتُمۡ إِيَّانَا تَعۡبُدُونَ

ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn
Surah Yunus, Verse 28


فَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمۡ إِن كُنَّا عَنۡ عِبَادَتِكُمۡ لَغَٰفِلِينَ

waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn
Surah Yunus, Verse 29


هُنَالِكَ تَبۡلُواْ كُلُّ نَفۡسٖ مَّآ أَسۡلَفَتۡۚ وَرُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۖ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ

halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay, waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been abuuranayeen
Surah Yunus, Verse 30


قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ

waxaad dhahdaa yaa idinka Arsaaqa Samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana ka soo bixiya wax Nool wax dhintay, kana soo bixiya was Dhintay wax Nool, yaana Maamula Amarka waxay ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn
Surah Yunus, Verse 31


فَذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَٰلُۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ

kaasi waa Ilaahiin Eebihiinna xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oon baadi ahayn, ee xaggee laydiin Leexin
Surah Yunus, Verse 32


كَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ فَسَقُوٓاْ أَنَّهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Saasay ugu Waajibtay Kalimadii Eebahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeeynin (Xaqa)
Surah Yunus, Verse 33


قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۚ قُلِ ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

waxaad dhahdaa ma ka midyihiin Shurakadiinna cid billowda Abuurka Soona celiya, waxaad dhadaa Eebaa Bilaaba khalqiga soona eeliya ee xaggee loo iili
Surah Yunus, Verse 34


قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّۚ قُلِ ٱللَّهُ يَهۡدِي لِلۡحَقِّۗ أَفَمَن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ أَحَقُّ أَن يُتَّبَعَ أَمَّن لَّا يَهِدِّيٓ إِلَّآ أَن يُهۡدَىٰۖ فَمَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

waxaad dhahdaa ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa Eebaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan
Surah Yunus, Verse 35


وَمَا يَتَّبِعُ أَكۡثَرُهُمۡ إِلَّا ظَنًّاۚ إِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَفۡعَلُونَ

mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro xaqa, Eebana waa ogyahay waxay falayaan
Surah Yunus, Verse 36


وَمَا كَانَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ أَن يُفۡتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow, waase u rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro wuxuuna ka ahaaday Eebaha Caalamka
Surah Yunus, Verse 37


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ فَأۡتُواْ بِسُورَةٖ مِّثۡلِهِۦ وَٱدۡعُواْ مَنِ ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

mise waxay odhan wuu Been abuurtay, waxaad dhahdaa la imaadda suurad la mida una yeedha ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan
Surah Yunus, Verse 38


بَلۡ كَذَّبُواْ بِمَا لَمۡ يُحِيطُواْ بِعِلۡمِهِۦ وَلَمَّا يَأۡتِهِمۡ تَأۡوِيلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّـٰلِمِينَ

waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin (Quraanka) uusanna wali u imaanin aayahiisu saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday noqotay Cidhibtii Daalimiinta
Surah Yunus, Verse 39


وَمِنۡهُم مَّن يُؤۡمِنُ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن لَّا يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَرَبُّكَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُفۡسِدِينَ

waxaa ka mida Dadka mid rumeyn Quraanka iyo midaan rumaynayn Eebana waa ogyahay Mufsidiinta
Surah Yunus, Verse 40


وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمۡ عَمَلُكُمۡۖ أَنتُم بَرِيٓـُٔونَ مِمَّآ أَعۡمَلُ وَأَنَا۠ بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ

hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa anuugu waxaan leeyahay Camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari baad ka tihiin waxaan fali anna bari baan ka ahay waxaad falaysaan
Surah Yunus, Verse 41


وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يَعۡقِلُونَ

waxaa ka mida gaalada kuwo ku dhagaysan ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga la' oon wax kasayn
Surah Yunus, Verse 42


وَمِنۡهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يُبۡصِرُونَ

waxaana ka mida mid ku soo dhawri ma adaa toosin kara mid indha la' oon wax arkayn
Surah Yunus, Verse 43


إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ ٱلنَّاسَ شَيۡـٔٗا وَلَٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

Eebe kama dulmiyo Dadka waxba, hasayeeshee Dadka Naftiisa Dulmiya
Surah Yunus, Verse 44


وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ كَأَن لَّمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيۡنَهُمۡۚ قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ

Maalinta la kulminna waxay la mid noqon iyagoon nagaanin Saacad Maalin mooyee, wayna is aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa beeniyey la kulanka Eebe mana hanuunsanayn
Surah Yunus, Verse 45


وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ

haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xagganaga umbaa loo soo celin, markaasna Eebaa ka maraga waxay falayaan
Surah Yunus, Verse 46


وَلِكُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولٞۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمۡ قُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Ummad kasa Rasuulbay leedahay, markuu u yimaaddo Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo
Surah Yunus, Verse 47


وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

waxayna odhan gaaladu waa goorma yaboohaas (Gooddiga) haddaad runsheegaysaan
Surah Yunus, Verse 48


قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ

waxaad dhahdaa uma hanto naftayda Dhib iyo nacfi midna wuxuu Eebe doono mooyee, Ummaad kastana waxay leedahay Ajal (Muddo) markay Ajashoodu timaadana lagama dib mariyo Saacad lagamana hor mariyo
Surah Yunus, Verse 49


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

waxaad dhahdaa bal ka warrama hadduu idiinku yimaaddo Cadaabkiisu (Eebe) Mir ama Maalin maxay ka dedejisan xaggiisa Dambiilayaashu
Surah Yunus, Verse 50


أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ

Mise markuu dhaeaad rumaynaysaan hadda idinkoo Dedejisanayey
Surah Yunus, Verse 51


ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ

markaasa lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal marinin waxaad kasbanayseen mooyee
Surah Yunus, Verse 52


۞وَيَسۡتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَۖ قُلۡ إِي وَرَبِّيٓ إِنَّهُۥ لَحَقّٞۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ

waxay ku warsan ma xaqbaa isagu, dheh haa Eebahaybaan ku dhaartaye isagaa Xaqa, idinkuna ma tihidiin kuwo (Eebe) daalin
Surah Yunus, Verse 53


وَلَوۡ أَنَّ لِكُلِّ نَفۡسٖ ظَلَمَتۡ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لَٱفۡتَدَتۡ بِهِۦۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۖ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

hadday naf kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsan gaaladu shalayto markay Arkaan Cadaabka, waxaana lagu kala xukmin Dhexdooda Xaq lamana dulminayo
Surah Yunus, Verse 54


أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Eebana waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka, yabooha Eebana waa Xaq Dadka badankiisuse ma oga
Surah Yunus, Verse 55


هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Eebaa wax nooleeyn waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin
Surah Yunus, Verse 56


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَتۡكُم مَّوۡعِظَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَشِفَآءٞ لِّمَا فِي ٱلصُّدُورِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ

Dadow waxaa idiin timid Waano Eebihiin iyo Caafimaadka waxa Laabta ku sugan iyo Hanuun iyo naxariista Mu'miniinta
Surah Yunus, Verse 57


قُلۡ بِفَضۡلِ ٱللَّهِ وَبِرَحۡمَتِهِۦ فَبِذَٰلِكَ فَلۡيَفۡرَحُواْ هُوَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ

Waxaad dhahdaa Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine
Surah Yunus, Verse 58


قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ لَكُم مِّن رِّزۡقٖ فَجَعَلۡتُم مِّنۡهُ حَرَامٗا وَحَلَٰلٗا قُلۡ ءَآللَّهُ أَذِنَ لَكُمۡۖ أَمۡ عَلَى ٱللَّهِ تَفۡتَرُونَ

waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku Beenabuuranaysaan
Surah Yunus, Verse 59


وَمَا ظَنُّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ

Maxay u malayn kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma mahadiyaan
Surah Yunus, Verse 60


وَمَا تَكُونُ فِي شَأۡنٖ وَمَا تَتۡلُواْ مِنۡهُ مِن قُرۡءَانٖ وَلَا تَعۡمَلُونَ مِنۡ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيۡكُمۡ شُهُودًا إِذۡ تُفِيضُونَ فِيهِۚ وَمَا يَعۡزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثۡقَالِ ذَرَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ وَلَآ أَصۡغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرَ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ

Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin
Surah Yunus, Verse 61


أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan
Surah Yunus, Verse 62


ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ

waana kuwa rumeeyay (xaqa) dhawrsadana
Surah Yunus, Verse 63


لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn
Surah Yunus, Verse 64


وَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًاۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

yuuna ku walbahaarin hadalkoodu cisi dhamaantiis Eebaa iska leh, waana Maqle oge
Surah Yunus, Verse 65


أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ

Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy Caabudi Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan heenaalayaal ahaynna ma aha
Surah Yunus, Verse 66


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ

Eebe waa kan idiin yeelay Habeenka inaad xasishaan, Maalintana Arag (Ka yeelay) arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqli
Surah Yunus, Verse 67


قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱلۡغَنِيُّۖ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنۡ عِندَكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭ بِهَٰذَآۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

waxay dheheen wuxuu yeeshay Eebe Ilmo, waa nasahanyahay, Eebana waa uun Hodan, wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal waxaas (Beenta) mise Eebaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn
Surah Yunus, Verse 68


قُلۡ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ

waxaad dhahdaa kuwa Eebe ku abuurta beenta ma libaanaan
Surah Yunus, Verse 69


مَتَٰعٞ فِي ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلۡعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ

waa uun waaxada adduunyo markaas xagganagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan Dhadhansiinaynaa cadaab daran gaalnimadooda darteed
Surah Yunus, Verse 70


۞وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ

ku akhri korkooda warkii Nabi Nuux markuu ku yidhi qoomkiisii qoomkayow hadday idin la waynaatay Nagaadigayga iyo ku waanintayada aayaadka Eebe waxaan tala saartay Eebe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadinnaa yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon (oo dhiba) markaas i xukuma hana i sugina
Surah Yunus, Verse 71


فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

haddaad jeedsataan idin warsanmaayo ujuuro, ujuuradayda waxaa idiin Eebe, waxaana lay faray inaan ka mid ahaado Muslimiinta
Surah Yunus, Verse 72


فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَـٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay
Surah Yunus, Verse 73


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ

markaas kadib waxaan u Bixinnay Rasuullo Qoomkoodii Waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana Rumayn beenintoodii darteed ee horraysay Saasaan u Daabacnaa «daboollaa» Quluubta xadgudbayaasha
Surah Yunus, Verse 74


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ

markaasaan u Bixinay gadaashood (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun fircoon iyo colkiisii iyagoo Wata aayaadkannagii, wayna Isla waynaadeen waxayna Noqdeen Qoom dambiilayaal ah
Surah Yunus, Verse 75


فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ

markuu uga yimid Xaqu Caggannaga waxay Dhaheen kani waa sixir cad
Surah Yunus, Verse 76


قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّـٰحِرُونَ

Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse ma waxaad ku Dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid ma Sixirbaa kani? isagoosan Liibaanin saaxiriintu
Surah Yunus, Verse 77


قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ

Waxayna dhaheen ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay Aabayaalkanni oy idiin Ahaato waynaanta Dhulka (xukunka) annagu idinka idin Rumaynnaynno
Surah Yunus, Verse 78


وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ٱئۡتُونِي بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ

wuxuu yidhi fircoon ii keena saaxir cilmi badan oo dhan
Surah Yunus, Verse 79


فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ

markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan
Surah Yunus, Verse 80


فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئۡتُم بِهِ ٱلسِّحۡرُۖ إِنَّ ٱللَّهَ سَيُبۡطِلُهُۥٓ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُصۡلِحُ عَمَلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

markay tuureenna wuxuu yidhi (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Eebaana Burin, Eebana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha
Surah Yunus, Verse 81


وَيُحِقُّ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

wuxuuna ku sugaa Eebe xaqa kalimadiisa haba naceen Dambiilayaashuye
Surah Yunus, Verse 82


فَمَآ ءَامَنَ لِمُوسَىٰٓ إِلَّا ذُرِّيَّةٞ مِّن قَوۡمِهِۦ عَلَىٰ خَوۡفٖ مِّن فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِمۡ أَن يَفۡتِنَهُمۡۚ وَإِنَّ فِرۡعَوۡنَ لَعَالٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ

ma rumaymn Nabi Muuse Farac yar oo Qoomkiisii ka mida mooyee iyagoo ka Cabsan fircoon fyo Kooxdiisii inay fidmeeyaan, fircoonna wuu isku kibriyey dhulka wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaaaha
Surah Yunus, Verse 83


وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰقَوۡمِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ فَعَلَيۡهِ تَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّسۡلِمِينَ

wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Qoomkayow haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebe isaga uun tala saarta haddaad MusIimiin Tihiin
Surah Yunus, Verse 84


فَقَالُواْ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡنَا رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

waxayna dheheen Ilaahay yaan lalo saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo Qoomka Daalimiinta ah
Surah Yunus, Verse 85


وَنَجِّنَا بِرَحۡمَتِكَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ

nagana kori naxariistaada darteed qoomka gaalada ah
Surah Yunus, Verse 86


وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوۡمِكُمَا بِمِصۡرَ بُيُوتٗا وَٱجۡعَلُواْ بُيُوتَكُمۡ قِبۡلَةٗ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

waxaana u waxyoonay (Nabi) Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan Qoomkiina Masar Guryo kana yeesha guryihiinna Qiblada (Ku tukada) ooga salaadda Lina bishaaree Mu'miniinta
Surah Yunus, Verse 87


وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيۡتَ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةٗ وَأَمۡوَٰلٗا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِكَۖ رَبَّنَا ٱطۡمِسۡ عَلَىٰٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ وَٱشۡدُدۡ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُواْ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse Eebahannow adaa siiyey Fircoon iyo Kooxdiisa Qurux iyo Xoolo Nolosha Adduunka Eebow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebow halaag (Tirtir) Xoolahooda Adkeena Quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan Cadaab daran
Surah Yunus, Verse 88


قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

Eebe wuxuu yidhi waa la ajiibay Baryadiinna ee toosnaada hana raacina Jidka kuwaan wax ogayn
Surah Yunus, Verse 89


۞وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

waxaan tallaabinay Banii Israa'iil Badda waxayna u raaceen Fircoon iyo Qoomkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid ahay Muslimiinta
Surah Yunus, Verse 90


ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

(Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya
Surah Yunus, Verse 91


فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ

Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid Cidda kaa dambaysa Calaamo wax badan oo Dadka ka mida Aayaadkannaga waa halmaansanyihiin
Surah Yunus, Verse 92


وَلَقَدۡ بَوَّأۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدۡقٖ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ فَمَا ٱخۡتَلَفُواْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

waxaan dejinay Bani Israa'iil Dejin runa (meel fiican) waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxayna is khilaafeen markuu cilmigi u yimid, Eebahaana wuu kala xukumi maalinia Qiyaame waxay isku khilaafeen
Surah Yunus, Verse 93


فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya
Surah Yunus, Verse 94


وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

hana ka mid noqon kuwa beeniya Aayaadka Eebe ood ka mid noqoto kuwa Khasaaray
Surah Yunus, Verse 95


إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتۡ عَلَيۡهِمۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ

kuwa ku waajibtay Kalimadii Eebahaa (Ciqaab) rumeynmaayaan
Surah Yunus, Verse 96


وَلَوۡ جَآءَتۡهُمۡ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

xataa huddaad ula timaaddid Aayad kasta, inlay ka arkaan Cadaab Daran
Surah Yunus, Verse 97


فَلَوۡلَا كَانَتۡ قَرۡيَةٌ ءَامَنَتۡ فَنَفَعَهَآ إِيمَٰنُهَآ إِلَّا قَوۡمَ يُونُسَ لَمَّآ ءَامَنُواْ كَشَفۡنَا عَنۡهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ

maxay u jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay nimeeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo Muddo
Surah Yunus, Verse 98


وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَأٓمَنَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ كُلُّهُمۡ جَمِيعًاۚ أَفَأَنتَ تُكۡرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ

haddwi doono Eebabaa waxaa rumayn tahaa waxa Dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa Dad ku qasbi inlay ka rumeeyaan (Xaqa)
Surah Yunus, Verse 99


وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تُؤۡمِنَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَجۡعَلُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ

nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda
Surah Yunus, Verse 100


قُلِ ٱنظُرُواْ مَاذَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَا تُغۡنِي ٱلۡأٓيَٰتُ وَٱلنُّذُرُ عَن قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ

waxaad dhahdaa daya waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka waxna kama deeqaan Aayado (Calaamooyin) iyo Digid qoom aan rumeyn (Xaqa)
Surah Yunus, Verse 101


فَهَلۡ يَنتَظِرُونَ إِلَّا مِثۡلَ أَيَّامِ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ قُلۡ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ

ma waxay sugi waxaan ahayn Ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale, waxaad dhahdaa suga anna waan idinla sugiye
Surah Yunus, Verse 102


ثُمَّ نُنَجِّي رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيۡنَا نُنجِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

markaasaan korinnaa Rasuulada iyo kuwa rumeeyey saasaana Xaq nagu ah, inaan u korinno Mu'miniinta
Surah Yunus, Verse 103


قُلۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي شَكّٖ مِّن دِينِي فَلَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِنۡ أَعۡبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُمۡۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo Mu'iniinta
Surah Yunus, Verse 104


وَأَنۡ أَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta
Surah Yunus, Verse 105


وَلَا تَدۡعُ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَۖ فَإِن فَعَلۡتَ فَإِنَّكَ إِذٗا مِّنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho waxaad ka mid Noqon Daalimiinta
Surah Yunus, Verse 106


وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يُرِدۡكَ بِخَيۡرٖ فَلَا رَآدَّ لِفَضۡلِهِۦۚ يُصِيبُ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista
Surah Yunus, Verse 107


قُلۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ

Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna Wakiil uma ihi
Surah Yunus, Verse 108


وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ وَٱصۡبِرۡ حَتَّىٰ يَحۡكُمَ ٱللَّهُۚ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ

Ee raac waxa laguu waxyooday Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime
Surah Yunus, Verse 109


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 9
>> Surah 11

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai