UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Yunus - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ

Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka Xakiimka ah
Surah Yunus, Verse 1


أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ رَجُلٖ مِّنۡهُمۡ أَنۡ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنَّ لَهُمۡ قَدَمَ صِدۡقٍ عِندَ رَبِّهِمۡۗ قَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٞ مُّبِينٌ

Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonno nin ka mid ah (Annagoo leh): U dig dadka oo u bishaaree kuwa rumeysan inay ku leeyihiin cag dhigasho sugnaansho leh Rabbigood agtiisa. Waxay gaaladu yidhaahdaan: hubaal kanu waa saaxir iska cad
Surah Yunus, Verse 2


إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۖ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ إِذۡنِهِۦۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Hubaal Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa isagoo maamulaya arrinka uunka dhammaan. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo keliya Miyaydaan Haddaba xusuusanayn
Surah Yunus, Verse 3


إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقًّاۚ إِنَّهُۥ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ

Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, hubaal Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa rumeysan ee sama fala. (ma) kuwase rumeysan waaya waxay mudan doonaan cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan, gaalnimaday galeen awgeed
Surah Yunus, Verse 4


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلشَّمۡسَ ضِيَآءٗ وَٱلۡقَمَرَ نُورٗا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

Isaga Weeye Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, oo u qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Allaah uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka dad garasho leh
Surah Yunus, Verse 5


إِنَّ فِي ٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَّقُونَ

Hubaal is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad iska jira xumaha
Surah Yunus, Verse 6


إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا وَرَضُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَٱطۡمَأَنُّواْ بِهَا وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِنَا غَٰفِلُونَ

Hubaal kuwa aan rajayn la kulankayaga, oo ku raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga
Surah Yunus, Verse 7


أُوْلَـٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ

Kuwaas, hoygoodu wuxuu ahaa doonaa Naarta, waxay kasbadeen awgeed
Surah Yunus, Verse 8


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ يَهۡدِيهِمۡ رَبُّهُم بِإِيمَٰنِهِمۡۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُ فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin doonaa iimaankooda darti; waxaa qulquli doona hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah
Surah Yunus, Verse 9


دَعۡوَىٰهُمۡ فِيهَا سُبۡحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٞۚ وَءَاخِرُ دَعۡوَىٰهُمۡ أَنِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Ducadooda dhexdeeda waa Subxaanakal laahumma (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh), oo salaantooda dhexdeeda waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Oo ducadooda ugu dambaysaa waa "Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin (ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka)
Surah Yunus, Verse 10


۞وَلَوۡ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسۡتِعۡجَالَهُم بِٱلۡخَيۡرِ لَقُضِيَ إِلَيۡهِمۡ أَجَلُهُمۡۖ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ

Oo hadduu Allaah u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) sida uu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda hubaal waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku daynaa kuwaa aan rajayn la kulankankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan
Surah Yunus, Verse 11


وَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ٱلضُّرُّ دَعَانَا لِجَنۢبِهِۦٓ أَوۡ قَاعِدًا أَوۡ قَآئِمٗا فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُ ضُرَّهُۥ مَرَّ كَأَن لَّمۡ يَدۡعُنَآ إِلَىٰ ضُرّٖ مَّسَّهُۥۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡمُسۡرِفِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Oo marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sidiiyoo aanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaas baa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen
Surah Yunus, Verse 12


وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Oo Waxaan horeyba u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay gefef geysteen, oo Rusushoodii waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaas baan u abaal marinnaa dadka dambiilayaasha ah
Surah Yunus, Verse 13


ثُمَّ جَعَلۡنَٰكُمۡ خَلَـٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لِنَنظُرَ كَيۡفَ تَعۡمَلُونَ

Markaas baan idinka dhignay kuwa u hara dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sida aad u dhaqanataan
Surah Yunus, Verse 14


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَاتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا ٱئۡتِ بِقُرۡءَانٍ غَيۡرِ هَٰذَآ أَوۡ بَدِّلۡهُۚ قُلۡ مَا يَكُونُ لِيٓ أَنۡ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلۡقَآيِٕ نَفۡسِيٓۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۖ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ

Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan aheyn kan, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Hubaal waxaan ka cabsan haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u Weyn
Surah Yunus, Verse 15


قُل لَّوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوۡتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ وَلَآ أَدۡرَىٰكُم بِهِۦۖ فَقَدۡ لَبِثۡتُ فِيكُمۡ عُمُرٗا مِّن قَبۡلِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Dheh: Hadduu Allaah doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee ma waydaan garowsaneyn
Surah Yunus, Verse 16


فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Yaa haddaba ka gardarro badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa, Hubaal dambiilayaashu ma liibaani doonaan
Surah Yunus, Verse 17


وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡ وَيَقُولُونَ هَـٰٓؤُلَآءِ شُفَعَـٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِۚ قُلۡ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Oo waxay caabudaan Allaah sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, oo waxay yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Allaah agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Allaah wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka nazahan yahay oo wuu ka Sarreeyaa waxa ay wax la wadaajiyaan
Surah Yunus, Verse 18


وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَٱخۡتَلَفُواْۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡ فِيمَا فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Oo dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad keliya (wada heysata diin keliya: Islaamka7), markaas bay iskhilaafeen (waa' dambe), oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 (in loo oofiyo muddadooda ama inaaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman), hubaal waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxa ay isku khilaafsan yihiin
Surah Yunus, Verse 19


وَيَقُولُونَ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۖ فَقُلۡ إِنَّمَا ٱلۡغَيۡبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ

Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxa aan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Allaah Keliya, ee suga, hubaal aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa
Surah Yunus, Verse 20


وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ مِّنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُمۡ إِذَا لَهُم مَّكۡرٞ فِيٓ ءَايَاتِنَاۚ قُلِ ٱللَّهُ أَسۡرَعُ مَكۡرًاۚ إِنَّ رُسُلَنَا يَكۡتُبُونَ مَا تَمۡكُرُونَ

Oo marka aan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Allaah baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta) waxay qoraan waxaad shirqool dhigeysaan
Surah Yunus, Verse 21


هُوَ ٱلَّذِي يُسَيِّرُكُمۡ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا كُنتُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَرَيۡنَ بِهِم بِرِيحٖ طَيِّبَةٖ وَفَرِحُواْ بِهَا جَآءَتۡهَا رِيحٌ عَاصِفٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡمَوۡجُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ أُحِيطَ بِهِمۡ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ لَئِنۡ أَنجَيۡتَنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّـٰكِرِينَ

Isaga Weeye Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer marka aad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabayl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan, ay u timaaddo dabayl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta, oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: Haddii aad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan doonnaa kuwa mahad naqa
Surah Yunus, Verse 22


فَلَمَّآ أَنجَىٰهُمۡ إِذَا هُمۡ يَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۗ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَا بَغۡيُكُمۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۖ مَّتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُكُمۡ فَنُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku qooqaan dhulka xaq darro. Dadoow! Qooqa (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa sahay kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa, oo waxaan idiin sheegi doonnaa waxa aad camal fasheen
Surah Yunus, Verse 23


إِنَّمَا مَثَلُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ مِمَّا يَأۡكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلۡأَنۡعَٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلۡأَرۡضُ زُخۡرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتۡ وَظَنَّ أَهۡلُهَآ أَنَّهُمۡ قَٰدِرُونَ عَلَيۡهَآ أَتَىٰهَآ أَمۡرُنَا لَيۡلًا أَوۡ نَهَارٗا فَجَعَلۡنَٰهَا حَصِيدٗا كَأَن لَّمۡ تَغۡنَ بِٱلۡأَمۡسِۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ

Mataalka noloshan adduunku9 waa uun sida biyo aan ka soo dejinno daruurta, markaas dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa marka uu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka10 ah oo isqurxiyo oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaas baan ugu faah-faahinnaa Aayadaha dad fekera
Surah Yunus, Verse 24


وَٱللَّهُ يَدۡعُوٓاْ إِلَىٰ دَارِ ٱلسَّلَٰمِ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) oo ku hanuuniyaa midka uu doono Jid Toosan
Surah Yunus, Verse 25


۞لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ ٱلۡحُسۡنَىٰ وَزِيَادَةٞۖ وَلَا يَرۡهَقُ وُجُوهَهُمۡ قَتَرٞ وَلَا ذِلَّةٌۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma dabooli doono wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, oo way ku dhex waari doonaan
Surah Yunus, Verse 26


وَٱلَّذِينَ كَسَبُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ جَزَآءُ سَيِّئَةِۭ بِمِثۡلِهَا وَتَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ مَّا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۖ كَأَنَّمَآ أُغۡشِيَتۡ وُجُوهُهُمۡ قِطَعٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مُظۡلِمًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Kuwase kasbaday xumaha, abaalka xume fal keliyihi waa mid la mid ah, oo dulli baa dabooli doona (wejiyadooda). Ma heli doonaan wax Allaah ka celiya. Waxaad moodi doontaa wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari doonaan
Surah Yunus, Verse 27


وَيَوۡمَ نَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ مَكَانَكُمۡ أَنتُمۡ وَشُرَكَآؤُكُمۡۚ فَزَيَّلۡنَا بَيۡنَهُمۡۖ وَقَالَ شُرَكَآؤُهُم مَّا كُنتُمۡ إِيَّانَا تَعۡبُدُونَ

Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyaga oo dhan, markaas waxaan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey cid kale (Allaah cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba; markaas waan ka sooci doonnaa (iyaga mu’miniinta), oo kuwii ay wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan doonaan: Ma nihin innaga kuwa aad caabudi jirteen
Surah Yunus, Verse 28


فَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمۡ إِن كُنَّا عَنۡ عِبَادَتِكُمۡ لَغَٰفِلِينَ

Ee Allaah baa ku filan markhaati uu ahaado dhexdeenna innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna (aad na caabudeyseen)
Surah Yunus, Verse 29


هُنَالِكَ تَبۡلُواْ كُلُّ نَفۡسٖ مَّآ أَسۡلَفَتۡۚ وَرُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۖ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ

Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan doontaa naf walbaa waxay hor marsatay, oo waxaa dib loogu soo celin doonaa Mudanahooda Xaqa ah, oo waxay waayi doonaan waxay been abuurteen
Surah Yunus, Verse 30


قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Dheh: Waa kuma kan idinka siiya risiq samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo ka soo saara mayd noolaha? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka)? Markaas waxay odhan doonaan: Allaah. Dheh: Miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)
Surah Yunus, Verse 31


فَذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَٰلُۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ

Waa Kaa haddaba Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee baa marka la idiinka jeediyey
Surah Yunus, Verse 32


كَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ فَسَقُوٓاْ أَنَّهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Sidaas bay Kelmadda Rabbigaa ugu rumowday kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayn doonin
Surah Yunus, Verse 33


قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۚ قُلِ ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Allaah baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale. Ee sidee baa marka Xaqa la idiinka iilay
Surah Yunus, Verse 34


قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّۚ قُلِ ٱللَّهُ يَهۡدِي لِلۡحَقِّۗ أَفَمَن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ أَحَقُّ أَن يُتَّبَعَ أَمَّن لَّا يَهِدِّيٓ إِلَّآ أَن يُهۡدَىٰۖ فَمَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Allaah baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee haddaba ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu haddaba arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan
Surah Yunus, Verse 35


وَمَا يَتَّبِعُ أَكۡثَرُهُمۡ إِلَّا ظَنًّاۚ إِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَفۡعَلُونَ

Oo badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; hubaal malahu waxba kama tari doono Xaqa. Hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ay falaan
Surah Yunus, Verse 36


وَمَا كَانَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ أَن يُفۡتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Oo ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Allaah sokadi ah, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey iyo faahfaahin cad oo Kitaabka ah, shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga caalamka
Surah Yunus, Verse 37


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ فَأۡتُواْ بِسُورَةٖ مِّثۡلِهِۦ وَٱدۡعُواْ مَنِ ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Mise waxay odhanayaan: Wuu been abuurtay? Dheh: haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeedha waxaad awooddaan Allaah sokadi, haddaad tihiin run sheegayaal
Surah Yunus, Verse 38


بَلۡ كَذَّبُواْ بِمَا لَمۡ يُحِيطُواْ بِعِلۡمِهِۦ وَلَمَّا يَأۡتِهِمۡ تَأۡوِيلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaas oo kale bay waliba u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg haddaba sida ay aheyd cidhibta gar ma qaatayaasha
Surah Yunus, Verse 39


وَمِنۡهُم مَّن يُؤۡمِنُ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن لَّا يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَرَبُّكَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُفۡسِدِينَ

Oo waxaa ka mid ah mid rumeysan, oo waxaa ka mid ah mid aan rumeysneyn, oo Rabbigaa waa Ogsoon yahay Mufsidiinta
Surah Yunus, Verse 40


وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمۡ عَمَلُكُمۡۖ أَنتُم بَرِيٓـُٔونَ مِمَّآ أَعۡمَلُ وَأَنَا۠ بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ

Oo hadday ku beeniyaan, Dheh: camalkayga aniga baa leh, oo camalkiinna idinka baa iska leh. Waxaad idinku ka eed tiran tihiin waxa aan falo, oo anigu waxaan ka eed tirnahay waxa aad fashaan
Surah Yunus, Verse 41


وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يَعۡقِلُونَ

Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta13, ma adiga baase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon fahmi dooninba
Surah Yunus, Verse 42


وَمِنۡهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يُبۡصِرُونَ

Oo waxaa ka mid ah kuwo ku soo eega14, ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon arki dooninba
Surah Yunus, Verse 43


إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ ٱلنَّاسَ شَيۡـٔٗا وَلَٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

Hubaal Allaah kuma sameeyo wax gardarro ah dadka; laakiinse dadku iyaga baa nafahooda u gefa
Surah Yunus, Verse 44


وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ كَأَن لَّمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيۡنَهُمۡۚ قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ

Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyagoo dhan, (waxay ahaan doontaa) sida inaysan ku nagaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah. oo qaarba qaarkood bay garan doonaan. Waxaa run ahaan khasaari doona kuwa ku sheegay la kunlanka Allaah inuu yahay been, oo ma ay aha kuwo hanuunsan
Surah Yunus, Verse 45


وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ

Oo haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannoba, waa uun Xaggayaga meel noqodkooda, oo Allaah baa u jeeda waxa ay falaan
Surah Yunus, Verse 46


وَلِكُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولٞۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمۡ قُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Ummad walbaa waxay leedahay Rasuul; ee marka uu yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Yunus, Verse 47


وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Oo waxay odhanayaan: Waa goorma ballan qaadkani, _ haddii aad tihiin run sheegayaal
Surah Yunus, Verse 48


قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ

Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah waxa uu Allaah doono ma’ahee. Oo ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markay timaaddo muddadoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda)
Surah Yunus, Verse 49


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Dheh: Bal ii sheega hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad,_ maxay haddaba ka degdegsanayaan dambiilayaashu
Surah Yunus, Verse 50


أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ

Mise marka uu dhaco ayaad rumayn doontaan? Haddee! ma imminka (baad rumeyneysaan)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo
Surah Yunus, Verse 51


ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ

Markaas baa lagu odhan doonaa kuwii ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya cadaabta waarista. La idinku abaal marin mayo wax aan aheyn waxaad kasbateen
Surah Yunus, Verse 52


۞وَيَسۡتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَۖ قُلۡ إِي وَرَبِّيٓ إِنَّهُۥ لَحَقّٞۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ

Oo waxay ku weydiinayaan: Ma run baa kaasi? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Hubaal waa xaq dhab ah. Oo ma ka baxsan doontaan (Cadaabta)
Surah Yunus, Verse 53


وَلَوۡ أَنَّ لِكُلِّ نَفۡسٖ ظَلَمَتۡ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لَٱفۡتَدَتۡ بِهِۦۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۖ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

Oo hadday naf walba oo gef gashay ay lahaan lahayd waxaa dhulka yaalla oo idil, way isku furan lahayd, oo waxay dareemi doonaan qoomammo marka ay arkaan cadaabta, oo arrinka waa la kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin
Surah Yunus, Verse 54


أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Haddaba hubaal waxaa iska leh Allaah waxa jira samooyinka iyo arlada. Haddaba hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq. Laakiinse badankoodu ma’ogsoona
Surah Yunus, Verse 55


هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Isaga baa wax nooleeya, oo sababa dhimasho, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
Surah Yunus, Verse 56


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَتۡكُم مَّوۡعِظَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَشِفَآءٞ لِّمَا فِي ٱلصُّدُورِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ

Dadoow! Waxaa idiinka yimid run ahaan waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) iyo hanuuun iyo naxariis ay leeyihiin mu’miniinta
Surah Yunus, Verse 57


قُلۡ بِفَضۡلِ ٱللَّهِ وَبِرَحۡمَتِهِۦ فَبِذَٰلِكَ فَلۡيَفۡرَحُواْ هُوَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ

Dheh: Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisa _ taas ha ku farxaan, isaga baa uga khayr badan waxa ay isu keenaan
Surah Yunus, Verse 58


قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ لَكُم مِّن رِّزۡقٖ فَجَعَلۡتُم مِّنۡهُ حَرَامٗا وَحَلَٰلٗا قُلۡ ءَآللَّهُ أَذِنَ لَكُمۡۖ أَمۡ عَلَى ٱللَّهِ تَفۡتَرُونَ

Dheh: Bal ii sheega waxa Allaah idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Allaah baa idin amray, mise Allaah ayaad ka been sheegaysaan
Surah Yunus, Verse 59


وَمَا ظَنُّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ

Oo maxay filan doonaan kuwa ka been sheega Allaah Maalinta Qiyaamaha? hubaal Allaah waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan
Surah Yunus, Verse 60


وَمَا تَكُونُ فِي شَأۡنٖ وَمَا تَتۡلُواْ مِنۡهُ مِن قُرۡءَانٖ وَلَا تَعۡمَلُونَ مِنۡ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيۡكُمۡ شُهُودًا إِذۡ تُفِيضُونَ فِيهِۚ وَمَا يَعۡزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثۡقَالِ ذَرَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ وَلَآ أَصۡغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرَ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ

Oo ma jirto wax aad ku sugan tahay oo arrin ah, iyo qayb kasta aad ka akhridaan Qur’aanka, _ iyo camal kasta oo aad fashaan, bal waan idin la joognaa marka aad dhex galeysaan. Oo kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad
Surah Yunus, Verse 61


أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

Ogaada awliyada Ilaahay ma ahaan doonto cabsi korkooda oo ma murugoon doonaan
Surah Yunus, Verse 62


ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ

(Waa) kuwa (xaqa) rumeysan ee iska ilaasha (xumaha)
Surah Yunus, Verse 63


لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

Waxay ku mudan doonaan bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmadaha Ilaahay. Oo taasi weeye Liibaanta Weyn
Surah Yunus, Verse 64


وَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًاۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

Oo yuusan ku murugo gelin hadalkoodu, hubaal Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Yunus, Verse 65


أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ

Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah, kuwa barya cid kale Allaah sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegaan
Surah Yunus, Verse 66


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ

Waa Isaga Kan idiinka dhigay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin dad wax maqla
Surah Yunus, Verse 67


قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱلۡغَنِيُّۖ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنۡ عِندَكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭ بِهَٰذَآۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

Waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil17, ka nazahan, Xurmo oo dhan Isagaa leh. waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Allaah wax aydaan ogeyn
Surah Yunus, Verse 68


قُلۡ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ

Dheh: Hubaal kuwa Allaah ka been sheega ma liibaani doonaan
Surah Yunus, Verse 69


مَتَٰعٞ فِي ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلۡعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ

Waa uun sahay (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan doonaa meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin doonnaa cadaab daran, gaalnimadooda darteed
Surah Yunus, Verse 70


۞وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ

Oo u Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Ilaahay ay idinku cuslaatay - haddaba Allaah baan tala saartay- ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna oo ha i siininnaba wax nafis ah
Surah Yunus, Verse 71


فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Haddiise aad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Allaah Keliya, oo waxaa la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta
Surah Yunus, Verse 72


فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَـٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, oo Waxaan ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee bal fiiri sida uu ahaa aayaha kuwii loo digay
Surah Yunus, Verse 73


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ

Markaas baan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, markaas bay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaas baan u yeelnaa shaabbad daahda quluubta xadgudbayaasha
Surah Yunus, Verse 74


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ

Markaas baan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo mudanayaashii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah
Surah Yunus, Verse 75


فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ

Marka uu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad
Surah Yunus, Verse 76


قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّـٰحِرُونَ

Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Oo sixiroolaayaashu ma liibaanaan
Surah Yunus, Verse 77


قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ

Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxa aan ka hellay aabbayaashayo,_ iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan labadiinna? Oo innagu ma nihin kuwo idin rumeysanaya
Surah Yunus, Verse 78


وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ٱئۡتُونِي بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ

Oo Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer
Surah Yunus, Verse 79


فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ

Oo markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxa aad dooneysaan inaad tuurataan
Surah Yunus, Verse 80


فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئۡتُم بِهِ ٱلسِّحۡرُۖ إِنَّ ٱللَّهَ سَيُبۡطِلُهُۥٓ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُصۡلِحُ عَمَلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

Markaasay markay tuureen Muuse wuxuu ku yidhi: Waxa aad la timaaddeen waa sixir, hubaal Allaah baa burin doonaa. Hubaal Allaah ma hagaajiyo camalka Mufsidiinta
Surah Yunus, Verse 81


وَيُحِقُّ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Oo Allaah wuxuu ku sugi doonaa Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane taa dambiilayaashu
Surah Yunus, Verse 82


فَمَآ ءَامَنَ لِمُوسَىٰٓ إِلَّا ذُرِّيَّةٞ مِّن قَوۡمِهِۦ عَلَىٰ خَوۡفٖ مِّن فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِمۡ أَن يَفۡتِنَهُمۡۚ وَإِنَّ فِرۡعَوۡنَ لَعَالٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ

Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan; oo hubaal Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, oo hubaal wuxuu ka mid ahaa xadgudbayaasha
Surah Yunus, Verse 83


وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰقَوۡمِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ فَعَلَيۡهِ تَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّسۡلِمِينَ

Oo wuxuu Muuse yidhi: Dadkaygiyow! Haddii aad rumeysan tihiin Allaah Isaga isku halleeya, haddii aad tihiin Muslimiin
Surah Yunus, Verse 84


فَقَالُواْ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡنَا رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Markaasay waxay yidhaahdeen: Allaah baan isku halleynaa. Rabbiyow! Ha nagu salladin dadkaa gar ma qaatayaasha ah
Surah Yunus, Verse 85


وَنَجِّنَا بِرَحۡمَتِكَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo nooga badbaadi Naxariistaada dadka gaalada ah
Surah Yunus, Verse 86


وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوۡمِكُمَا بِمِصۡرَ بُيُوتٗا وَٱجۡعَلُواْ بُيُوتَكُمۡ قِبۡلَةٗ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo waxaan u waxyoonnay Muuse iyo walaalki, (Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna20 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna meelo aad ku cibaadeysataan, oo ooga salaadda oo u bishaaree mu’miniinta
Surah Yunus, Verse 87


وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيۡتَ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةٗ وَأَمۡوَٰلٗا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِكَۖ رَبَّنَا ٱطۡمِسۡ عَلَىٰٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ وَٱشۡدُدۡ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُواْ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbiyow! Si ay (dadka) uga lumiyaan Jidkaaga. Rabbiyow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan
Surah Yunus, Verse 88


قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

Wuxuu yidhi: Baryada labadiinna run ahaan waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan oo ha raacina jidka kuwa aan wax ogeyn
Surah Yunus, Verse 89


۞وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Oo waxaan ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka gudbaan badda, markaas baa waxaa ka daba tagay Fircoon iyo ciidamadiisa qooq iyo cadaawad darteed; markaasuu markuu qaraqu haleelay wuxuu yidhi: Waxaan rumeysanahay inuusan jirin ilaah aan aheyn Kan ay rumeysan yihiin Ilamahii Israa’iil, oo anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta
Surah Yunus, Verse 90


ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta
Surah Yunus, Verse 91


فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ

Waxaaanse maantadan kula badbaaadineynaa jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Oo hubaal intooda badan dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin
Surah Yunus, Verse 92


وَلَقَدۡ بَوَّأۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدۡقٖ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ فَمَا ٱخۡتَلَفُواْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Oo waxaan xaqiiq dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen
Surah Yunus, Verse 93


فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ

Haddiise aad ka shakisan tahay waxa aan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka adiga hortaa. Waxaa xaqiiq kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka
Surah Yunus, Verse 94


وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

Oo ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Ilaahay, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah
Surah Yunus, Verse 95


إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتۡ عَلَيۡهِمۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ

Hubaal kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa, ma rumayn doonaan
Surah Yunus, Verse 96


وَلَوۡ جَآءَتۡهُمۡ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

Xataa haddii ay calaamo kasta u timaaddo jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan
Surah Yunus, Verse 97


فَلَوۡلَا كَانَتۡ قَرۡيَةٌ ءَامَنَتۡ فَنَفَعَهَآ إِيمَٰنُهَآ إِلَّا قَوۡمَ يُونُسَ لَمَّآ ءَامَنُواْ كَشَفۡنَا عَنۡهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ

Oo maxay haddaba u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn dadkii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaab dulleysa oo ku gaadha nolosha adduunkan, oo waxaan u raaxaynay tan iyo muddo
Surah Yunus, Verse 98


وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَأٓمَنَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ كُلُّهُمۡ جَمِيعًاۚ أَفَأَنتَ تُكۡرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ

Oo hadduu doono Rabbigaa, hubaal way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad haddaba adigu khasbaysaa dadka jeer ay noqdaan mu’miniin
Surah Yunus, Verse 99


وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تُؤۡمِنَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَجۡعَلُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ

Oo uma aha nafna inay rumeyso Idanka Ilaahay la'aantii, oo Wuxuu yeelaa qurunka24 kuwaa dushooda aan caqligooda wax ku taransan
Surah Yunus, Verse 100


قُلِ ٱنظُرُواْ مَاذَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَا تُغۡنِي ٱلۡأٓيَٰتُ وَٱلنُّذُرُ عَن قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ

Dheh: Fiiriya waxa jira cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu dad aan rumeysaneyn
Surah Yunus, Verse 101


فَهَلۡ يَنتَظِرُونَ إِلَّا مِثۡلَ أَيَّامِ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ قُلۡ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ

Ma waxay sugaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood? Dheh: Suga haddaba, hubaal aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta wax sugaye
Surah Yunus, Verse 102


ثُمَّ نُنَجِّي رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيۡنَا نُنجِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Markaas baan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta
Surah Yunus, Verse 103


قُلۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي شَكّٖ مِّن دِينِي فَلَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِنۡ أَعۡبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُمۡۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Dheh: Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan xagga diintayada, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwaa aad caabuddaan Allaah sokadi25. Laakiinse waxaan caabudaa Allaah ee idin oofsada, oo waxaa la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta
Surah Yunus, Verse 104


وَأَنۡ أَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta adigoo toosan, oo ha ka mid noqonin mushrikiinta
Surah Yunus, Verse 105


وَلَا تَدۡعُ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَۖ فَإِن فَعَلۡتَ فَإِنَّكَ إِذٗا مِّنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Oo ha baryin Allaah la jirki waxaan wax ku tari karin, waxna aan ku yeeli karin, waayo haddaad sidaa yeesho, haddaba hubaal waxaad ka mid noqoneysaa gar ma qaatayaasha
Surah Yunus, Verse 106


وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يُرِدۡكَ بِخَيۡرٖ فَلَا رَآدَّ لِفَضۡلِهِۦۚ يُصِيبُ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Oo haddii Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa oo aan Isaga ahayn; oo hadduu kula doono khayr ma jirto cid celin karta Fadlgiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
Surah Yunus, Verse 107


قُلۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ

Dheh: Dadow! Waxaa xaqiiq idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa uun naftiisa, oo qofkii lumaa, waxay u daran tahay oo u lumaa uun naftiisa, oo aniga layma saarin inaan idinka noqdo wakiil
Surah Yunus, Verse 108


وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ وَٱصۡبِرۡ حَتَّىٰ يَحۡكُمَ ٱللَّهُۚ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ

Oo raac waxa laguu waxyoodo, oo samir u yeela inta uu Allaah uu ka xukumo. Oo Isaga ayaa u wanaagsan inta grsoorta
Surah Yunus, Verse 109


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 9
>> Surah 11

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai