UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Hud - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓرۚ كِتَٰبٌ أُحۡكِمَتۡ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتۡ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ خَبِيرٍ

Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab, Aayadihiisa la sugay, misna laga soo caddeeyey2, Xagga Xakiimka, Xog Ogaalka ah
Surah Hud, Verse 1


أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۚ إِنَّنِي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ

Inaydaan caabudin axad aan ahayn Allaah; huubaal anigu waxaan idiin ahay dige ka socda Xaggiisa iyo bishaareeye sida warsan aad ku faraxdaan
Surah Hud, Verse 2


وَأَنِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُمَتِّعۡكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى وَيُؤۡتِ كُلَّ ذِي فَضۡلٖ فَضۡلَهُۥۖ وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ كَبِيرٍ

Iyo inaad idinku weydiisataan dambi dhaaf Rabbigiin, oo u soo laabataan, wuxuu idin siin sahay aad u wanaagsan oo ku eg muddo la gooyey, oo ku galladeysan Fadligiisa mid kasta oo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad jeesataan, markaa hubaal waxaan anigu idiinka cab- san cadaab Maalin aad u murugo Weyn
Surah Hud, Verse 3


إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waa xagga Allaah meel noqodkiinna, oo Isagu waa Kan wax walba Kara
Surah Hud, Verse 4


أَلَآ إِنَّهُمۡ يَثۡنُونَ صُدُورَهُمۡ لِيَسۡتَخۡفُواْ مِنۡهُۚ أَلَا حِينَ يَسۡتَغۡشُونَ ثِيَابَهُمۡ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Haddaba hubaal waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Haddaba hubaal marka ay isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. Hubaal, wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Hud, Verse 5


۞وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ رِزۡقُهَا وَيَعۡلَمُ مُسۡتَقَرَّهَا وَمُسۡتَوۡدَعَهَاۚ كُلّٞ فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ

Oo ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Allaah irsaaqaddiisu saarnayn. Oo Wuxuu Ogsoon yahay4 rugtiisa degaanka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. (Waxaasoo) dhammi waxay ku yaalliin Kitaab Caddaan ah
Surah Hud, Verse 6


وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ وَكَانَ عَرۡشُهُۥ عَلَى ٱلۡمَآءِ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۗ وَلَئِن قُلۡتَ إِنَّكُم مَّبۡعُوثُونَ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡمَوۡتِ لَيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

Oo waa Isaga Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, oo Wuxuu ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo xagga midkiinna idiinku camal wanaagsan. Haddiise aad tidhaahdo:hubaal waa la idin soo bixin doo- naa dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa rumeysan waaya odhan doonaan: kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah
Surah Hud, Verse 7


وَلَئِنۡ أَخَّرۡنَا عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابَ إِلَىٰٓ أُمَّةٖ مَّعۡدُودَةٖ لَّيَقُولُنَّ مَا يَحۡبِسُهُۥٓۗ أَلَا يَوۡمَ يَأۡتِيهِمۡ لَيۡسَ مَصۡرُوفًا عَنۡهُمۡ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Oo haddaan dib uga dhigno cadaabta ilaa muddo tirsan, waxay hubaal odhan doonaan: Maxaa haysta oo celinaya? Haddaba hubaal maalinta ay u iman doonto (cadaabtu), ma aha wax laga weecin doono, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jees jeesayeen
Surah Hud, Verse 8


وَلَئِنۡ أَذَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِنَّا رَحۡمَةٗ ثُمَّ نَزَعۡنَٰهَا مِنۡهُ إِنَّهُۥ لَيَـُٔوسٞ كَفُورٞ

Oo haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, hubaal wuxuu noqdaa mid quusta, dafiraad badan
Surah Hud, Verse 9


وَلَئِنۡ أَذَقۡنَٰهُ نَعۡمَآءَ بَعۡدَ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُ لَيَقُولَنَّ ذَهَبَ ٱلسَّيِّـَٔاتُ عَنِّيٓۚ إِنَّهُۥ لَفَرِحٞ فَخُورٌ

Oo haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib waxyeello soo gaaray, wuxuu hubaal odhan doonaa: Waxyeellooyinkii way iga tageen, hubaal wuxuu noqdaa mid farxa faan badan
Surah Hud, Verse 10


إِلَّا ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ

Marka laga reebo kuwa samir yeesha oo samaha fala, kuwaas waxay mudan dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn
Surah Hud, Verse 11


فَلَعَلَّكَ تَارِكُۢ بَعۡضَ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ وَضَآئِقُۢ بِهِۦ صَدۡرُكَ أَن يَقُولُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ كَنزٌ أَوۡ جَآءَ مَعَهُۥ مَلَكٌۚ إِنَّمَآ أَنتَ نَذِيرٞۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٌ

Ee waa intaasoo aad ka tagi doonto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqon doonto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Oo Allaah baa wax walba taladoodah haya
Surah Hud, Verse 12


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ فَأۡتُواْ بِعَشۡرِ سُوَرٖ مِّثۡلِهِۦ مُفۡتَرَيَٰتٖ وَٱدۡعُواْ مَنِ ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay. Dheh: Haddaba Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Allaah ka sokow, haddii aad tihiin run sheegayaal
Surah Hud, Verse 13


فَإِلَّمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَكُمۡ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أُنزِلَ بِعِلۡمِ ٱللَّهِ وَأَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ

Haddiise aysan idin ajiibin, haddaba ogaada in lagu soo waxyooday (Qur’aanka) Cilmiga Ilaahay7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Ee haddaba idinku ma(u)hoggaansameysaan Muslimiin ahaan
Surah Hud, Verse 14


مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا نُوَفِّ إِلَيۡهِمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ فِيهَا وَهُمۡ فِيهَا لَا يُبۡخَسُونَ

Mid kastoo raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin doonaa si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimi doonin
Surah Hud, Verse 15


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَيۡسَ لَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا ٱلنَّارُۖ وَحَبِطَ مَا صَنَعُواْ فِيهَا وَبَٰطِلٞ مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Kuwan weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; oo waxaa buri doona waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, oo waxba kama jiraan waxa ay falaan
Surah Hud, Verse 16


أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّهِۦ وَيَتۡلُوهُ شَاهِدٞ مِّنۡهُ وَمِن قَبۡلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامٗا وَرَحۡمَةًۚ أُوْلَـٰٓئِكَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۚ وَمَن يَكۡفُرۡ بِهِۦ مِنَ ٱلۡأَحۡزَابِ فَٱلنَّارُ مَوۡعِدُهُۥۚ فَلَا تَكُ فِي مِرۡيَةٖ مِّنۡهُۚ إِنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ

Ee haddaba ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, oo markhaati xaggiisa8 ah uu akhriyo (baa la mid ah mid adduunyo uun dooni); hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis? Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray, Qofkiise rumeysan waaya oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. hubaal waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse intooda badan dadku ma rumeysna
Surah Hud, Verse 17


وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ يُعۡرَضُونَ عَلَىٰ رَبِّهِمۡ وَيَقُولُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ هَـٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَىٰ رَبِّهِمۡۚ أَلَا لَعۡنَةُ ٱللَّهِ عَلَى ٱلظَّـٰلِمِينَ

Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni doonaa Rabbigood, oo markhaatiyadu9 waxay odhan doonaan: Kuwan weeye kuwii ka been sheegay Rabbigood. Haddaba hubaal Lacnadda Ilaahay baa dushooda ah gar ma qaatayaasha
Surah Hud, Verse 18


ٱلَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبۡغُونَهَا عِوَجٗا وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ

Kuwa ka jeedsada Jidka Ilaahay oo doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan rumeysneyn Aakhirada
Surah Hud, Verse 19


أُوْلَـٰٓئِكَ لَمۡ يَكُونُواْ مُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنۡ أَوۡلِيَآءَۘ يُضَٰعَفُ لَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ مَا كَانُواْ يَسۡتَطِيعُونَ ٱلسَّمۡعَ وَمَا كَانُواْ يُبۡصِرُونَ

Kuwani ma ku baxsan doonaan arlada, oo uma sugnanan doonaan wax gargaarayaal ah Allaah sokadi. Waxaa loo labalaabi doonaa Cadaabta. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan
Surah Hud, Verse 20


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ

Kuwan weeye kuwa ay khasaaraha ku dhici doonto nafahaooda, oo waxay waayi dooneen waxay been abuurteen
Surah Hud, Verse 21


لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ

Hubaal Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan
Surah Hud, Verse 22


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَأَخۡبَتُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ أُوْلَـٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Hubaal,kuwa rumaysan oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood, _waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari doona
Surah Hud, Verse 23


۞مَثَلُ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ كَٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡأَصَمِّ وَٱلۡبَصِيرِ وَٱلسَّمِيعِۚ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan haddaba xusuusaneyn
Surah Hud, Verse 24


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٞ مُّبِينٌ

Oo xaqiiq Waxaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): hubaal waxaan anigu idiin ahay dige iska cad
Surah Hud, Verse 25


أَن لَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۖ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ أَلِيمٖ

In aydaan caabudin waxaan ahayn Allaah, hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa cadaab Maalin aad u xanuun badan
Surah Hud, Verse 26


فَقَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا نَرَىٰكَ إِلَّا بَشَرٗا مِّثۡلَنَا وَمَا نَرَىٰكَ ٱتَّبَعَكَ إِلَّا ٱلَّذِينَ هُمۡ أَرَاذِلُنَا بَادِيَ ٱلرَّأۡيِ وَمَا نَرَىٰ لَكُمۡ عَلَيۡنَا مِن فَضۡلِۭ بَلۡ نَظُنُّكُمۡ كَٰذِبِينَ

Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa rumeysan waayey (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah aan waadheyn, oo ma aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay) ka fiirsi la’aan. Oo idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, mayee, waxaan idiin aragnaa beenalayaal
Surah Hud, Verse 27


قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِهِۦ فَعُمِّيَتۡ عَلَيۡكُمۡ أَنُلۡزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمۡ لَهَا كَٰرِهُونَ

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, la idinkase indha tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba
Surah Hud, Verse 28


وَيَٰقَوۡمِ لَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مَالًاۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۚ وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْۚ إِنَّهُم مُّلَٰقُواْ رَبِّهِمۡ وَلَٰكِنِّيٓ أَرَىٰكُمۡ قَوۡمٗا تَجۡهَلُونَ

Oo tolkayow! Idinku weydiisan maayo inaad igu siisaan maal, abaalgudkeyga waxaa ii haya oo keliya Allaah. Oo anigu ma ahi mid debedda u saaraya kuwa (Xaqa) rumeysan. Hubaal waxay la kulmi doonaan Rabbigood, laakiinse Waxaan arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah
Surah Hud, Verse 29


وَيَٰقَوۡمِ مَن يَنصُرُنِي مِنَ ٱللَّهِ إِن طَرَدتُّهُمۡۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Oo tolkayow! Yaa iiga gargaari doona Allaah, haddi aan iyaga debedda u saaro? Ee miyeydaan haddaba waansameyn
Surah Hud, Verse 30


وَلَآ أَقُولُ لَكُمۡ عِندِي خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ وَلَآ أَقُولُ إِنِّي مَلَكٞ وَلَآ أَقُولُ لِلَّذِينَ تَزۡدَرِيٓ أَعۡيُنُكُمۡ لَن يُؤۡتِيَهُمُ ٱللَّهُ خَيۡرًاۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا فِيٓ أَنفُسِهِمۡ إِنِّيٓ إِذٗا لَّمِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Oo idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, oo ma ogi waxa aan muuqan ee qarsoon; oo ma odhanayo waxaan ahay Malag, oo kama odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu (inuusan) Allaah marnaba siin doonin wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddii kale hubaal waxaan anigu ka mid noqon gar ma qaatayaasha
Surah Hud, Verse 31


قَالُواْ يَٰنُوحُ قَدۡ جَٰدَلۡتَنَا فَأَكۡثَرۡتَ جِدَٰلَنَا فَأۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ

Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Dhab ahaan Waad nala doodday oo aad dheerseysay la doodistayada, ee haddaba noo keen waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay runlowyada
Surah Hud, Verse 32


قَالَ إِنَّمَا يَأۡتِيكُم بِهِ ٱللَّهُ إِن شَآءَ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ

Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni Allaah, haddii uu doono, oo ma baxsan doontaan
Surah Hud, Verse 33


وَلَا يَنفَعُكُمۡ نُصۡحِيٓ إِنۡ أَرَدتُّ أَنۡ أَنصَحَ لَكُمۡ إِن كَانَ ٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يُغۡوِيَكُمۡۚ هُوَ رَبُّكُمۡ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Oo waxna idiinma tari doonto waanadeyda, haddii aan doono inaan idin waaniyo, haddii uu Allaah rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
Surah Hud, Verse 34


أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ إِنِ ٱفۡتَرَيۡتُهُۥ فَعَلَيَّ إِجۡرَامِي وَأَنَا۠ بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُجۡرِمُونَ

Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Dheh: Haddii aan been abuurtay, aniga buu i saaran yahay dambigayga, oo anigu waan ka eed tirnahay waxaas aad ku dambaabtaan
Surah Hud, Verse 35


وَأُوحِيَ إِلَىٰ نُوحٍ أَنَّهُۥ لَن يُؤۡمِنَ مِن قَوۡمِكَ إِلَّا مَن قَدۡ ءَامَنَ فَلَا تَبۡتَئِسۡ بِمَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ

Oo waxaa loo waxyooday Nuux inaysan cidna ka mid ah dadkaaga rumeyn doonin wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxa ay falaan
Surah Hud, Verse 36


وَٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ

Oo ku samee Doonida Indhahayaga hortooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwaa ah gar ma qaatayaasha; hubaal waa la qarqin doonaa
Surah Hud, Verse 37


وَيَصۡنَعُ ٱلۡفُلۡكَ وَكُلَّمَا مَرَّ عَلَيۡهِ مَلَأٞ مِّن قَوۡمِهِۦ سَخِرُواْ مِنۡهُۚ قَالَ إِن تَسۡخَرُواْ مِنَّا فَإِنَّا نَسۡخَرُ مِنكُمۡ كَمَا تَسۡخَرُونَ

Oo wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonida, oo mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku qoslaan digasho ahaan. Wuxuu yidhi: Haddii aad nagu qososhaan, hubaal innaguna sidoo kale waa idinku qosolnaa sida aad noogu qososhaanba
Surah Hud, Verse 38


فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيۡهِ عَذَابٞ مُّقِيمٌ

Ee waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku dhici doonto cadaab dulleysa oo ay ku degi doonto cadaab ma guuraan ah
Surah Hud, Verse 39


حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَمۡرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ قُلۡنَا ٱحۡمِلۡ فِيهَا مِن كُلّٖ زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَأَهۡلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيۡهِ ٱلۡقَوۡلُ وَمَنۡ ءَامَنَۚ وَمَآ ءَامَنَ مَعَهُۥٓ إِلَّا قَلِيلٞ

Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo biyo ka soo burqadeen tanuurka,Waxaanu nidhi: Ku qaad labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu qowlka horey ugu maray, iyo kuwa rumeysan. Oo ma ay la rumeyn (Xaqa) wax yar ma’ahee
Surah Hud, Verse 40


۞وَقَالَ ٱرۡكَبُواْ فِيهَا بِسۡمِ ٱللَّهِ مَجۡرٜىٰهَا وَمُرۡسَىٰهَآۚ إِنَّ رَبِّي لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ

Oo wuxuu yidhi: Ku fuula Magaca Ilaahay, ay ku soconeyso kuna joogsaneyso. Hubaal, Rabbigay xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Hud, Verse 41


وَهِيَ تَجۡرِي بِهِمۡ فِي مَوۡجٖ كَٱلۡجِبَالِ وَنَادَىٰ نُوحٌ ٱبۡنَهُۥ وَكَانَ فِي مَعۡزِلٖ يَٰبُنَيَّ ٱرۡكَب مَّعَنَا وَلَا تَكُن مَّعَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Oo way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, oo wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, oo wuxuu joogay meel ka baxsan: Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada
Surah Hud, Verse 42


قَالَ سَـَٔاوِيٓ إِلَىٰ جَبَلٖ يَعۡصِمُنِي مِنَ ٱلۡمَآءِۚ قَالَ لَا عَاصِمَ ٱلۡيَوۡمَ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِ إِلَّا مَن رَّحِمَۚ وَحَالَ بَيۡنَهُمَا ٱلۡمَوۡجُ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُغۡرَقِينَ

Wuxuu yidhi: Waxaan isu dumi doonaa magan gal darteed buur iga badbaadin doonta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi karaa maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Oo Waxaa kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey
Surah Hud, Verse 43


وَقِيلَ يَـٰٓأَرۡضُ ٱبۡلَعِي مَآءَكِ وَيَٰسَمَآءُ أَقۡلِعِي وَغِيضَ ٱلۡمَآءُ وَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَٱسۡتَوَتۡ عَلَى ٱلۡجُودِيِّۖ وَقِيلَ بُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Oo waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad, biyihiina waxaa laga yeelay inay guraan, amarkii (Ilaahayna) wuu hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, oo waxaa la yidhi: Ha fogaadaan qoloda gar ma qaatayaasha ah
Surah Hud, Verse 44


وَنَادَىٰ نُوحٞ رَّبَّهُۥ فَقَالَ رَبِّ إِنَّ ٱبۡنِي مِنۡ أَهۡلِي وَإِنَّ وَعۡدَكَ ٱلۡحَقُّ وَأَنتَ أَحۡكَمُ ٱلۡحَٰكِمِينَ

Oo wuxuu Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Hubaal wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, oo ballan qaadkaagu hubaal waa Xaq, oo Waxaad Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta
Surah Hud, Verse 45


قَالَ يَٰنُوحُ إِنَّهُۥ لَيۡسَ مِنۡ أَهۡلِكَۖ إِنَّهُۥ عَمَلٌ غَيۡرُ صَٰلِحٖۖ فَلَا تَسۡـَٔلۡنِ مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٌۖ إِنِّيٓ أَعِظُكَ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ

Wuxuu yidhi: Nuuxow! Hubaal ka mid ma aha ehelkaaga; hubaal waa (mid fala) wax kaloo aan ahayn camal wanaagsan, ee ha i weydiisan wax aad u lahayn cilmi. Hubaal Waan ku waaniyaa si aad uga mid noqon jaahiliinta
Surah Hud, Verse 46


قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِكَ أَنۡ أَسۡـَٔلَكَ مَا لَيۡسَ لِي بِهِۦ عِلۡمٞۖ وَإِلَّا تَغۡفِرۡ لِي وَتَرۡحَمۡنِيٓ أَكُن مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

Wuxuu yidhi: Rabbigayow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Oo haddii aad ii dambi dhaafin oo i naxariisan, waxaan ka mid noqonayaa khasaarayaasha
Surah Hud, Verse 47


قِيلَ يَٰنُوحُ ٱهۡبِطۡ بِسَلَٰمٖ مِّنَّا وَبَرَكَٰتٍ عَلَيۡكَ وَعَلَىٰٓ أُمَمٖ مِّمَّن مَّعَكَۚ وَأُمَمٞ سَنُمَتِّعُهُمۡ ثُمَّ يَمَسُّهُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ

Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (oo waxaa jiri doona) ummado aan u raaxeyn doonno (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab aad u xanuun badan
Surah Hud, Verse 48


تِلۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهَآ إِلَيۡكَۖ مَا كُنتَ تَعۡلَمُهَآ أَنتَ وَلَا قَوۡمُكَ مِن قَبۡلِ هَٰذَاۖ فَٱصۡبِرۡۖ إِنَّ ٱلۡعَٰقِبَةَ لِلۡمُتَّقِينَ

Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, aad ogeyn adiga iyo dadkaaguba kani ka hor. Ee samir yeelo. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)
Surah Hud, Verse 49


وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمۡ هُودٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۖ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُفۡتَرُونَ

Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal
Surah Hud, Verse 50


يَٰقَوۡمِ لَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًاۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱلَّذِي فَطَرَنِيٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray. Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn
Surah Hud, Verse 51


وَيَٰقَوۡمِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارٗا وَيَزِدۡكُمۡ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمۡ وَلَا تَتَوَلَّوۡاْ مُجۡرِمِينَ

Oo tolkayow! Weydiista dembi dhaaf Rabbigiin markaasna u laabta Isaga, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, oo idiinku darayaa xoog xooggiinna, oo ha jeesannina idinkoo dambiilayaal ah
Surah Hud, Verse 52


قَالُواْ يَٰهُودُ مَا جِئۡتَنَا بِبَيِّنَةٖ وَمَا نَحۡنُ بِتَارِكِيٓ ءَالِهَتِنَا عَن قَوۡلِكَ وَمَا نَحۡنُ لَكَ بِمُؤۡمِنِينَ

Waxay yidhaahdeen: Huuudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, oo kagama tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), oo mana nihin kuwo adiga ku rumaysan
Surah Hud, Verse 53


إِن نَّقُولُ إِلَّا ٱعۡتَرَىٰكَ بَعۡضُ ءَالِهَتِنَا بِسُوٓءٖۗ قَالَ إِنِّيٓ أُشۡهِدُ ٱللَّهَ وَٱشۡهَدُوٓاْ أَنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ

Ma odhan karno waxna aan ahayn in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen waxyeello (waalli). Wuxuu yidhi: Waxaan hubaal marag gashanayaa Allaah, oo idinkuna ka ahaada marag sidoo kale inaan Anigu bannaanka aan ka ahay waxa aad wax la wadaajisaan
Surah Hud, Verse 54


مِن دُونِهِۦۖ فَكِيدُونِي جَمِيعٗا ثُمَّ لَا تُنظِرُونِ

Isaga ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, oo ha i siinninaba wax nafis ah
Surah Hud, Verse 55


إِنِّي تَوَكَّلۡتُ عَلَى ٱللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمۚ مَّا مِن دَآبَّةٍ إِلَّا هُوَ ءَاخِذُۢ بِنَاصِيَتِهَآۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Hubaal anigu waxaan isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan
Surah Hud, Verse 56


فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُم مَّآ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَيَسۡتَخۡلِفُ رَبِّي قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ وَلَا تَضُرُّونَهُۥ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ

Haddiise aad dhabarka jeedisaan run ahaan waxaan idin soo gaarsiiyey Risaaladii la iigu soo kiin dhiibay. Oo Wuxuu Rabbigay keeni doonaa qolo kale halkiinna, oo waxna kama dhimi kartaan. Hubaal, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa
Surah Hud, Verse 57


وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا هُودٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَنَجَّيۡنَٰهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ

Oo markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, oo waxaan ka badbaadinnay Cadaab Adag
Surah Hud, Verse 58


وَتِلۡكَ عَادٞۖ جَحَدُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَعَصَوۡاْ رُسُلَهُۥ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ

Oo tani bay ahayd Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, oo raaceen amarka macangag kasta oo madax adag
Surah Hud, Verse 59


وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَآ إِنَّ عَادٗا كَفَرُواْ رَبَّهُمۡۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّعَادٖ قَوۡمِ هُودٖ

Oo waxaa la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Haddaba hubaal Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Caad, qolodii Huud
Surah Hud, Verse 60


۞وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱسۡتَعۡمَرَكُمۡ فِيهَا فَٱسۡتَغۡفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٞ مُّجِيبٞ

Oo xagga Thammud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda 14 Allaah, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista dambi dhaaf Isaga, markaas u laabta Xaggiisa. Hubaal Rabbigay wuu dhow yahay ajiibaa (baryada)
Surah Hud, Verse 61


قَالُواْ يَٰصَٰلِحُ قَدۡ كُنتَ فِينَا مَرۡجُوّٗا قَبۡلَ هَٰذَآۖ أَتَنۡهَىٰنَآ أَن نَّعۡبُدَ مَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكّٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٖ

Waxay yidhaahdeen: Saalixoow! Runtii waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad (haatan) naga reebaysaa inaan caabudno waxa ay aabbayaashayo caabudayeen? Xaggase waxaa aad noogu yeedho, hubaal waxaan innagu xaqiiq ka qabnaa shaki yaab leh
Surah Hud, Verse 62


قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي مِنۡهُ رَحۡمَةٗ فَمَن يَنصُرُنِي مِنَ ٱللَّهِ إِنۡ عَصَيۡتُهُۥۖ فَمَا تَزِيدُونَنِي غَيۡرَ تَخۡسِيرٖ

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega haddii aan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, Bal yaa haddaba iiga gargaari Allaah, Haddii aan ku caasiyo? Ee iima kordhisaan waxaan aheyn khasaaro
Surah Hud, Verse 63


وَيَٰقَوۡمِ هَٰذِهِۦ نَاقَةُ ٱللَّهِ لَكُمۡ ءَايَةٗۖ فَذَرُوهَا تَأۡكُلۡ فِيٓ أَرۡضِ ٱللَّهِۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابٞ قَرِيبٞ

Oo tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daayoo ha daaqdo arlada Ilaahay, oo ha u gaysannina wax waxyeello ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab aad u dhow
Surah Hud, Verse 64


فَعَقَرُوهَا فَقَالَ تَمَتَّعُواْ فِي دَارِكُمۡ ثَلَٰثَةَ أَيَّامٖۖ ذَٰلِكَ وَعۡدٌ غَيۡرُ مَكۡذُوبٖ

Wayse dileen Hashii. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta guryihiinna saddex maalmood. Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn
Surah Hud, Verse 65


فَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا صَٰلِحٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَمِنۡ خِزۡيِ يَوۡمِئِذٍۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡعَزِيزُ

Markaasaa markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga oo (Waxaanu ka badbaadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal, Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah
Surah Hud, Verse 66


وَأَخَذَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ

Oo Qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay16 kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda
Surah Hud, Verse 67


كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَآ إِنَّ ثَمُودَاْ كَفَرُواْ رَبَّهُمۡۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّثَمُودَ

Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan daarahooda. Haddaba hubaal, Thamuud waxay rumeysan waayeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Thamuud
Surah Hud, Verse 68


وَلَقَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَآءَ بِعِجۡلٍ حَنِيذٖ

Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen Ibraahiim war san oo farxad leh. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam ( nabad ahaada) oo wuxuu si degdeg ah sooryo ugu keenay weyl shiilan
Surah Hud, Verse 69


فَلَمَّا رَءَآ أَيۡدِيَهُمۡ لَا تَصِلُ إِلَيۡهِ نَكِرَهُمۡ وَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۚ قَالُواْ لَا تَخَفۡ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمِ لُوطٖ

Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, hubaal waxaa naloo soo diray reer Luud
Surah Hud, Verse 70


وَٱمۡرَأَتُهُۥ قَآئِمَةٞ فَضَحِكَتۡ فَبَشَّرۡنَٰهَا بِإِسۡحَٰقَ وَمِن وَرَآءِ إِسۡحَٰقَ يَعۡقُوبَ

Marwadiisuna waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, markaas waxaan ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub
Surah Hud, Verse 71


قَالَتۡ يَٰوَيۡلَتَىٰٓ ءَأَلِدُ وَأَنَا۠ عَجُوزٞ وَهَٰذَا بَعۡلِي شَيۡخًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عَجِيبٞ

Waxay tidhi: Ma waxaan wiil dhali anigoo habar duqowday ah, oo kani ninkay- gu yahay oday aad u gaboobay? Hubaal Arrinkani xaqiiq waa wax la yaab leh
Surah Hud, Verse 72


قَالُوٓاْ أَتَعۡجَبِينَ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِۖ رَحۡمَتُ ٱللَّهِ وَبَرَكَٰتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِۚ إِنَّهُۥ حَمِيدٞ مَّجِيدٞ

Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabeysaa Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadaan reer (Ibraahiimow). Hubaal, Waa Ammaanle, aad u Sharaf Badan
Surah Hud, Verse 73


فَلَمَّا ذَهَبَ عَنۡ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلرَّوۡعُ وَجَآءَتۡهُ ٱلۡبُشۡرَىٰ يُجَٰدِلُنَا فِي قَوۡمِ لُوطٍ

Ee Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo war san oo farxad leh u yimid, wuxuu billaabay inoo nagala doodo arrinta qolodii Luud
Surah Hud, Verse 74


إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ لَحَلِيمٌ أَوَّـٰهٞ مُّنِيبٞ

Hubaal Ibraahiim xaqiiq waa dulbadane, qalbi jilicsan19, u noqosho badan (Allaah)
Surah Hud, Verse 75


يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُ أَعۡرِضۡ عَنۡ هَٰذَآۖ إِنَّهُۥ قَدۡ جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَإِنَّهُمۡ ءَاتِيهِمۡ عَذَابٌ غَيۡرُ مَرۡدُودٖ

Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa runtii yimid Amarka Rabbigaa inuu fulo. Oo hubaal iyaga waa inuu u yimaado cadaab aan dib loo celin kareyn
Surah Hud, Verse 76


وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗا وَقَالَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَصِيبٞ

Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 oo wuxuu waayey xoog uu ku difaaco oo yidhi: Tani waa Maalin daran
Surah Hud, Verse 77


وَجَآءَهُۥ قَوۡمُهُۥ يُهۡرَعُونَ إِلَيۡهِ وَمِن قَبۡلُ كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطۡهَرُ لَكُمۡۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ فِي ضَيۡفِيٓۖ أَلَيۡسَ مِنكُمۡ رَجُلٞ رَّشِيدٞ

Oo tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Ilaahay oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan
Surah Hud, Verse 78


قَالُواْ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَا لَنَا فِي بَنَاتِكَ مِنۡ حَقّٖ وَإِنَّكَ لَتَعۡلَمُ مَا نُرِيدُ

Waxay yidhaahdeen: Xaqiiq waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdhahaaga, oo hubaal adigu xaqiiq waad ogsoon tahay waxa aanu rabno
Surah Hud, Verse 79


قَالَ لَوۡ أَنَّ لِي بِكُمۡ قُوَّةً أَوۡ ءَاوِيٓ إِلَىٰ رُكۡنٖ شَدِيدٖ

Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh
Surah Hud, Verse 80


قَالُواْ يَٰلُوطُ إِنَّا رُسُلُ رَبِّكَ لَن يَصِلُوٓاْ إِلَيۡكَۖ فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٌ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَۖ إِنَّهُۥ مُصِيبُهَا مَآ أَصَابَهُمۡۚ إِنَّ مَوۡعِدَهُمُ ٱلصُّبۡحُۚ أَلَيۡسَ ٱلصُّبۡحُ بِقَرِيبٖ

Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Sinnaba kuuma soo gaari doonaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, hubaal wax kastoo ku dhaca iyaga, baa iyadana ku dhici doona, hubaal ballankoodu waa subaxa hore, miyuusan subaxu dhoweyn
Surah Hud, Verse 81


فَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا جَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهَا حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٖ مَّنضُودٖ

Haddaba markii uu Amarkayagii yimid, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marinnay, oo Waxaanu roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga
Surah Hud, Verse 82


مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَۖ وَمَا هِيَ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ بِبَعِيدٖ

La soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, oo ma aha wax ka fog xuma falayaasha
Surah Hud, Verse 83


۞وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ وَلَا تَنقُصُواْ ٱلۡمِكۡيَالَ وَٱلۡمِيزَانَۖ إِنِّيٓ أَرَىٰكُم بِخَيۡرٖ وَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ مُّحِيطٖ

Oo xagga Madyan (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, oo ha dhimina beegga iyo miisaanka, hubaal waxaan anigu idinku arkaa barwaqo; oo hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin wax koobeysa
Surah Hud, Verse 84


وَيَٰقَوۡمِ أَوۡفُواْ ٱلۡمِكۡيَالَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ

Oo tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, oo ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi'innina dhulka fasaadkaad faleysaan
Surah Hud, Verse 85


بَقِيَّتُ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ

Waxa ku baaqiga ah Allaah agtiisa ayaa idiin roon haddii aad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere
Surah Hud, Verse 86


قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ أَصَلَوٰتُكَ تَأۡمُرُكَ أَن نَّتۡرُكَ مَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَآ أَوۡ أَن نَّفۡعَلَ فِيٓ أَمۡوَٰلِنَا مَا نَشَـٰٓؤُاْۖ إِنَّكَ لَأَنتَ ٱلۡحَلِيمُ ٱلرَّشِيدُ

Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudeen aabbayaashayo, ama inaanu ku falin maalkayaga waxaan doonno? Hubaal adigu waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah
Surah Hud, Verse 87


قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَرَزَقَنِي مِنۡهُ رِزۡقًا حَسَنٗاۚ وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أُخَالِفَكُمۡ إِلَىٰ مَآ أَنۡهَىٰكُمۡ عَنۡهُۚ إِنۡ أُرِيدُ إِلَّا ٱلۡإِصۡلَٰحَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُۚ وَمَا تَوۡفِيقِيٓ إِلَّا بِٱللَّهِۚ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُ وَإِلَيۡهِ أُنِيبُ

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma u fiirsateen, haddii aan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo I siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo anigu ma rabo inaan idiin daba maro falidda waxa aan idinka reebo. Ma rabo waxna aan ahayn wax wanaajin intaan karo oo awooddeyda ah. Oo ma jiro axad aan ahayn Allaah oo I waafajin kara talada toosan. Isaga baan isku halleeyaa oo Xaggiisa ayaan goor waliba u soo laabtaa
Surah Hud, Verse 88


وَيَٰقَوۡمِ لَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شِقَاقِيٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثۡلُ مَآ أَصَابَ قَوۡمَ نُوحٍ أَوۡ قَوۡمَ هُودٍ أَوۡ قَوۡمَ صَٰلِحٖۚ وَمَا قَوۡمُ لُوطٖ مِّنكُم بِبَعِيدٖ

Oo Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan dambi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, oo qolodii Luud ma aha wax idinka fog
Surah Hud, Verse 89


وَٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٞ وَدُودٞ

Oo weydiista dambi dhaaf Rabbigiin markaas u soo laabta Isaga. hubaal, Rabbigay waa Naxariis Badane, Gacal ah
Surah Hud, Verse 90


قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفٗاۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٖ

Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxa aad leedahay ah, oo hubaal waxaaan kuu aragnaana mid daciif ah dhexdayada. Oo haddii aannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, oo ma tihid mid naga guuleysan kara
Surah Hud, Verse 91


قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَهۡطِيٓ أَعَزُّ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَٱتَّخَذۡتُمُوهُ وَرَآءَكُمۡ ظِهۡرِيًّاۖ إِنَّ رَبِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ

Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerka aan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Allaah? Oo aad halmaamtaan sida waxa aad tuurtaan dhabarrkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan
Surah Hud, Verse 92


وَيَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَمَنۡ هُوَ كَٰذِبٞۖ وَٱرۡتَقِبُوٓاْ إِنِّي مَعَكُمۡ رَقِيبٞ

Oo tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, Anigu sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan dhaqso waa kee kan ay ku iman doonto cadaab dulleysa, oo waa kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada)
Surah Hud, Verse 93


وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا شُعَيۡبٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَأَخَذَتِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ

Oo markuu Amarkayagii yimid inuu fulo, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal daarahooda
Surah Hud, Verse 94


كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّمَدۡيَنَ كَمَا بَعِدَتۡ ثَمُودُ

Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Haddaba hubaal ha fogaadaan Madyan sidii ay u fogaadeenba Thamuud
Surah Hud, Verse 95


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ

Oo xaqiiq Waxaan ula soo dirnay Muusaa Aayadahayagii iyo Xujo Cad
Surah Hud, Verse 96


إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ فِرۡعَوۡنَۖ وَمَآ أَمۡرُ فِرۡعَوۡنَ بِرَشِيدٖ

Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan
Surah Hud, Verse 97


يَقۡدُمُ قَوۡمَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَأَوۡرَدَهُمُ ٱلنَّارَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡوِرۡدُ ٱلۡمَوۡرُودُ

Wuxuu hor kici doonaa tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni doonaa hoos xagga Naarta, oo xumaa halka iyaga la keenayo
Surah Hud, Verse 98


وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِۦ لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ بِئۡسَ ٱلرِّفۡدُ ٱلۡمَرۡفُودُ

Oo waxaa lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda24, oo Maalinta Qiyaamaha, xumaa deeqda la siin doono
Surah Hud, Verse 99


ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّهُۥ عَلَيۡكَۖ مِنۡهَا قَآئِمٞ وَحَصِيدٞ

Arrinkani waa xaalka (aayihii) magaalooyinka aan kaaga sheekeyno; waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay
Surah Hud, Verse 100


وَمَا ظَلَمۡنَٰهُمۡ وَلَٰكِن ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡۖ فَمَآ أَغۡنَتۡ عَنۡهُمۡ ءَالِهَتُهُمُ ٱلَّتِي يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ لَّمَّا جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَمَا زَادُوهُمۡ غَيۡرَ تَتۡبِيبٖ

Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa waxay ku gardarroodeen nafahooda. Markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markuu Amarka Rabbigaa u yimid inuu fulo, oo uma ay kordhin waxaan aheyn baabbba’a
Surah Hud, Verse 101


وَكَذَٰلِكَ أَخۡذُ رَبِّكَ إِذَآ أَخَذَ ٱلۡقُرَىٰ وَهِيَ ظَٰلِمَةٌۚ إِنَّ أَخۡذَهُۥٓ أَلِيمٞ شَدِيدٌ

Oo waa sidaas oo kale qabashada Rabbigaa marka uu qabto magaalooyinka iyagoo gar ma qaatayaal ah, hubaal, Qaba-shadiisu waa mid xanuun badan oo daran
Surah Hud, Verse 102


إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّمَنۡ خَافَ عَذَابَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّجۡمُوعٞ لَّهُ ٱلنَّاسُ وَذَٰلِكَ يَوۡمٞ مَّشۡهُودٞ

Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, tani waa Maalin dadka la soo kulmin doono iyagoo dhan, oo tani waa Maalin goob joog la ahaan
Surah Hud, Verse 103


وَمَا نُؤَخِّرُهُۥٓ إِلَّا لِأَجَلٖ مَّعۡدُودٖ

Oo uma dib dhigno waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey
Surah Hud, Verse 104


يَوۡمَ يَأۡتِ لَا تَكَلَّمُ نَفۡسٌ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ فَمِنۡهُمۡ شَقِيّٞ وَسَعِيدٞ

Maalinta ay iman doonto nafina ma hadli doonto Idankiisa la’aanti, markaasi (qaarkood) waxay ahaan doonaan kuwo fajacsan, iyo (kuwo kale) oo aad u faraxsan
Surah Hud, Verse 105


فَأَمَّا ٱلَّذِينَ شَقُواْ فَفِي ٱلنَّارِ لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَشَهِيقٌ

Ma kuwaa iyagu fajacsan waxay ku sugnaan doonaan Naarta; waxay ku mutey- san dhexdeeda cartan iyo hiinraag
Surah Hud, Verse 106


خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۚ إِنَّ رَبَّكَ فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ

Iyagoo ku waari doona dhexdeeda inta ay jiraan samooyinka iyo arladu, waxa uu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha waxa uu doono
Surah Hud, Verse 107


۞وَأَمَّا ٱلَّذِينَ سُعِدُواْ فَفِي ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا مَا دَامَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ إِلَّا مَا شَآءَ رَبُّكَۖ عَطَآءً غَيۡرَ مَجۡذُوذٖ

Ma kuwase laga yeelay kuwo faraxsan, waxay ku sugnaan doonaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya inta ay jiraan samooyinka iyo arlada, waxa uu Rabbigaa doono ma’ahee, deeq aan go’i doonin oo daa'in ah
Surah Hud, Verse 108


فَلَا تَكُ فِي مِرۡيَةٖ مِّمَّا يَعۡبُدُ هَـٰٓؤُلَآءِۚ مَا يَعۡبُدُونَ إِلَّا كَمَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُهُم مِّن قَبۡلُۚ وَإِنَّا لَمُوَفُّوهُمۡ نَصِيبَهُمۡ غَيۡرَ مَنقُوصٖ

Ee ha ka Shaki qabin waxa ay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waxaanu dib ugu oofin doonnaa si dhan saamigooda oo waxba laga dhimeyn
Surah Hud, Verse 109


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَٱخۡتُلِفَ فِيهِۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ

Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay, oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa, arrinku hubaal wuxuu ahaan lahaa mid la gooyay dhexdooda; oo hubaal iyagu waxaaba kaga jira shaki aad u weyn
Surah Hud, Verse 110


وَإِنَّ كُلّٗا لَّمَّا لَيُوَفِّيَنَّهُمۡ رَبُّكَ أَعۡمَٰلَهُمۡۚ إِنَّهُۥ بِمَا يَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Oo hubaal Rabbigaa wuxuu dhammaan ugu oofin doonaa camalladooda si dhan. Hubaal, waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal
Surah Hud, Verse 111


فَٱسۡتَقِمۡ كَمَآ أُمِرۡتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلَا تَطۡغَوۡاْۚ إِنَّهُۥ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Ee weligaa hay dhabbaha toosan sida lagu amrayba, (adiga) iyo sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Allaah), oo ha xadgudbina. hubaal, Waa uu arkaa Waxa aad camal fashaan
Surah Hud, Verse 112


وَلَا تَرۡكَنُوٓاْ إِلَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ فَتَمَسَّكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ

Oo ha u liicina kuwa ah gardarroolayaasha, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Allaah sokadi wax ilaaliyayaal ah, markaas la idiinma gargaari doono
Surah Hud, Verse 113


وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَيِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِۚ إِنَّ ٱلۡحَسَنَٰتِ يُذۡهِبۡنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ ذَٰلِكَ ذِكۡرَىٰ لِلذَّـٰكِرِينَ

Oo oog salaadda, labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, tani waxay u tahay waano kuwa waana qaata
Surah Hud, Verse 114


وَٱصۡبِرۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Oo samir yeelo; hubaal, Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha
Surah Hud, Verse 115


فَلَوۡلَا كَانَ مِنَ ٱلۡقُرُونِ مِن قَبۡلِكُمۡ أُوْلُواْ بَقِيَّةٖ يَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡفَسَادِ فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا قَلِيلٗا مِّمَّنۡ أَنجَيۡنَا مِنۡهُمۡۗ وَٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَآ أُتۡرِفُواْ فِيهِ وَكَانُواْ مُجۡرِمِينَ

Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa,_ wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Oo kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, oo waxay ahaayeen dambiilayaal
Surah Hud, Verse 116


وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهۡلِكَ ٱلۡقُرَىٰ بِظُلۡمٖ وَأَهۡلُهَا مُصۡلِحُونَ

Oo kama suurowdo Rabbigaa inuu u halaago magaalooyinka gardarro iyagoo ay dadkoodu u dhaqmaan si wanaagsan
Surah Hud, Verse 117


وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ ٱلنَّاسَ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخۡتَلِفِينَ

Oo haddii uu doono Rabbigaa, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa dadka ummad keliya,mase dayn doonan inay iskhilaafaan
Surah Hud, Verse 118


إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمۡۗ وَتَمَّتۡ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ

Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, oo arrinkani (towxiidka) awgi buu U abuuray iyaga. Oo Kelmedda Rabbigaa waa mid la oofiyo: Hubaal, Waxaan ka wada buuxin doonaa Naar jinka iyo dadka iyagoo dhammi (kuwooda i caasiya)
Surah Hud, Verse 119


وَكُلّٗا نَّقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِۦ فُؤَادَكَۚ وَجَآءَكَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَقُّ وَمَوۡعِظَةٞ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Oo waxaa kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq, iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta
Surah Hud, Verse 120


وَقُل لِّلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنَّا عَٰمِلُونَ

Oo ku dheh kuwa aan rumaysnayn: U camal fasha sidiinnaas ee dowga idinla ah, hubaal innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa
Surah Hud, Verse 121


وَٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ

oo suga, innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa
Surah Hud, Verse 122


وَلِلَّهِ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ يُرۡجَعُ ٱلۡأَمۡرُ كُلُّهُۥ فَٱعۡبُدۡهُ وَتَوَكَّلۡ عَلَيۡهِۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

Oo Allaah baa iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isaga oo Keliya oo isku hallee. Oo Rabbigaa ma aha mid moog waxa aad fashaan
Surah Hud, Verse 123


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 10
>> Surah 12

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai