Surah Quraish - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
لِإِيلَٰفِ قُرَيۡشٍ
Caadaysigii Qureesheed
Surah Quraish, Verse 1
إِۦلَٰفِهِمۡ رِحۡلَةَ ٱلشِّتَآءِ وَٱلصَّيۡفِ
Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jilaalka darteed
Surah Quraish, Verse 2
فَلۡيَعۡبُدُواْ رَبَّ هَٰذَا ٱلۡبَيۡتِ
Ha u caabudeen Eebeha Beydkan (Kacbada)
Surah Quraish, Verse 3
ٱلَّذِيٓ أَطۡعَمَهُم مِّن جُوعٖ وَءَامَنَهُم مِّنۡ خَوۡفِۭ
Eebahi ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi
Surah Quraish, Verse 4