Surah Al-Masadd - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ
Hoog baa ku dhacay labada gacmood ee Abuu-Lahab, waana hoogi doonaa
Surah Al-Masadd, Verse 1
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
Maalkiisa iyo wuxuu kasbado waxba uma ay tari doonaan
Surah Al-Masadd, Verse 2
سَيَصۡلَىٰ نَارٗا ذَاتَ لَهَبٖ
Oo Wuxuu geli doonaa Naar aad u olol badan
Surah Al-Masadd, Verse 3
وَٱمۡرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلۡحَطَبِ
Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah
Surah Al-Masadd, Verse 4
فِي جِيدِهَا حَبۡلٞ مِّن مَّسَدِۭ
Qoorteeda waxaa ku wareegsan xadhig xaskul la soohay ah
Surah Al-Masadd, Verse 5