Surah Al-Kahf Verse 22 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Kahfسَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٞ رَّابِعُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ وَيَقُولُونَ خَمۡسَةٞ سَادِسُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ رَجۡمَۢا بِٱلۡغَيۡبِۖ وَيَقُولُونَ سَبۡعَةٞ وَثَامِنُهُمۡ كَلۡبُهُمۡۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا قَلِيلٞۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمۡ إِلَّا مِرَآءٗ ظَٰهِرٗا وَلَا تَسۡتَفۡتِ فِيهِم مِّنۡهُمۡ أَحَدٗا
(Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex oo waxaa afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan oo waxaa lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga wax yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Oo wax ha ka weydiin arrinkooda midkoodna