Surah Al-Kahf - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبۡدِهِ ٱلۡكِتَٰبَ وَلَمۡ يَجۡعَل لَّهُۥ عِوَجَاۜ
Ammaan (oo idil) iyo mahdinba waxaa mudan Allaah ee ku soo dejiyey Kitaabka addoonkiisa (Nabi Muxammad) oo aan u yeelin wax qallooc ah
Surah Al-Kahf, Verse 1
قَيِّمٗا لِّيُنذِرَ بَأۡسٗا شَدِيدٗا مِّن لَّدُنۡهُ وَيُبَشِّرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرًا حَسَنٗا
Ee hanuunka leh, si uu uga digo cadaab daran oo ka soo fuli doonta Xaggiisa, oo ugu bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay mudan doonaan Abaalgud aad u Wanaagsan (Janno)
Surah Al-Kahf, Verse 2
مَّـٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدٗا
Ay ku negaadi doonaan weligood
Surah Al-Kahf, Verse 3
وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗا
Oo u digo kuwaa yidhaahda: Allaah Wuxuu yeeshay wiil (ama ilmo)
Surah Al-Kahf, Verse 4
مَّا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٖ وَلَا لِأٓبَآئِهِمۡۚ كَبُرَتۡ كَلِمَةٗ تَخۡرُجُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبٗا
Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, fool xumo weynaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn
Surah Al-Kahf, Verse 5
فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ إِن لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَسَفًا
Marka waa intaastoo aad ku disho naftaada hammi, adigoo ka xun ciribtooda, haddii aysan hadalkaan rumaysan
Surah Al-Kahf, Verse 6
إِنَّا جَعَلۡنَا مَا عَلَى ٱلۡأَرۡضِ زِينَةٗ لَّهَا لِنَبۡلُوَهُمۡ أَيُّهُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗا
Hubaal Waxaan ka dhignay waxa kor yaal arlada qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno kee baa ugu camal wanaagsan
Surah Al-Kahf, Verse 7
وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيۡهَا صَعِيدٗا جُرُزًا
Oo hubaal Waxaanu ka yeelli doonnaa dhammaan waxa korkeeda ah ban gabiib ah oo engagan
Surah Al-Kahf, Verse 8
أَمۡ حَسِبۡتَ أَنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡكَهۡفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُواْ مِنۡ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا
Mise, ma waxaad mooddaa in (dhacdadii) qolodii hogga iyo looxa (ay ku qornaayeen magacayadoodu)3 ay yihiin ku- wa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan
Surah Al-Kahf, Verse 9
إِذۡ أَوَى ٱلۡفِتۡيَةُ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ فَقَالُواْ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةٗ وَهَيِّئۡ لَنَا مِنۡ أَمۡرِنَا رَشَدٗا
Markii ay dhallintu u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow naga sii Xaggaaga Naxariis, oo nooga dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh
Surah Al-Kahf, Verse 10
فَضَرَبۡنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمۡ فِي ٱلۡكَهۡفِ سِنِينَ عَدَدٗا
Markaas baan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah
Surah Al-Kahf, Verse 11
ثُمَّ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِنَعۡلَمَ أَيُّ ٱلۡحِزۡبَيۡنِ أَحۡصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓاْ أَمَدٗا
Oo haddana waan ka soo kicinnay si aan u ogaanno kee baa labada kooxood dhab u garan karay inay tiro koobaan muddada ay ku negaadeen
Surah Al-Kahf, Verse 12
نَّحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ نَبَأَهُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّهُمۡ فِتۡيَةٌ ءَامَنُواْ بِرَبِّهِمۡ وَزِدۡنَٰهُمۡ هُدٗى
Annaga baa ku soo tebineyna qisadooda oo xaq ah: hubaal waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbi- good oo aanu u kordhinnay hanuun
Surah Al-Kahf, Verse 13
وَرَبَطۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ إِذۡ قَامُواْ فَقَالُواْ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَن نَّدۡعُوَاْ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهٗاۖ لَّقَدۡ قُلۡنَآ إِذٗا شَطَطًا
Oo Waxaanu ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kor u istaageen6, oo yidhaahdeen: Rabbigayo waa Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno ilaah kale aan Isaga ahayn, haddii kale waxaan dhab ahaan markaas ku hadallay wax xadgudub ah
Surah Al-Kahf, Verse 14
هَـٰٓؤُلَآءِ قَوۡمُنَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ لَّوۡلَا يَأۡتُونَ عَلَيۡهِم بِسُلۡطَٰنِۭ بَيِّنٖۖ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Ee yaa ka gardarro badan kan ka been sheega Allaah
Surah Al-Kahf, Verse 15
وَإِذِ ٱعۡتَزَلۡتُمُوهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأۡوُۥٓاْ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ يَنشُرۡ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَيُهَيِّئۡ لَكُم مِّنۡ أَمۡرِكُم مِّرۡفَقٗا
Oo marka aad ka fogaataan iyo waxa ay caabudaanba Allaah maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin doonaa si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan
Surah Al-Kahf, Verse 16
۞وَتَرَى ٱلشَّمۡسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهۡفِهِمۡ ذَاتَ ٱلۡيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقۡرِضُهُمۡ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمۡ فِي فَجۡوَةٖ مِّنۡهُۚ ذَٰلِكَ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِۗ مَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيّٗا مُّرۡشِدٗا
Oo Waad arki kartay qorraxda markii ay soo baxday, uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, oo markii ay dhacdo ka goyneysa gadaal xagga bidix iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Ilaahay. Mid kastoo uu Allaah hanuuniyo baa isagu hanuunsan, oo mid kastoo uu sababaa inuu lumo, uma heli doontid isaga wax gacal ah oo hanuunsha
Surah Al-Kahf, Verse 17
وَتَحۡسَبُهُمۡ أَيۡقَاظٗا وَهُمۡ رُقُودٞۚ وَنُقَلِّبُهُمۡ ذَاتَ ٱلۡيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِۖ وَكَلۡبُهُم بَٰسِطٞ ذِرَاعَيۡهِ بِٱلۡوَصِيدِۚ لَوِ ٱطَّلَعۡتَ عَلَيۡهِمۡ لَوَلَّيۡتَ مِنۡهُمۡ فِرَارٗا وَلَمُلِئۡتَ مِنۡهُمۡ رُعۡبٗا
Oo waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifay7, oo waxaan u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddii aad eegi lahayd xaggooda, hubaal waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, oo waxaa hubaal kaa buuxsami lahaa baqdin iyagaa xaggooda
Surah Al-Kahf, Verse 18
وَكَذَٰلِكَ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِيَتَسَآءَلُواْ بَيۡنَهُمۡۚ قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ كَمۡ لَبِثۡتُمۡۖ قَالُواْ لَبِثۡنَا يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٖۚ قَالُواْ رَبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَا لَبِثۡتُمۡ فَٱبۡعَثُوٓاْ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمۡ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلۡمَدِينَةِ فَلۡيَنظُرۡ أَيُّهَآ أَزۡكَىٰ طَعَامٗا فَلۡيَأۡتِكُم بِرِزۡقٖ مِّنۡهُ وَلۡيَتَلَطَّفۡ وَلَا يُشۡعِرَنَّ بِكُمۡ أَحَدًا
Sidaas baan u soo kicinnay si ay bal isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisa baad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon inta aad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, oo ha fiiriyo meesha ugu cunto daahirsan, oo ha idiinka keeno risiq ka mid ah, oo ha u dhaqmo si feejignaan leh, oo yey cidina idin ogaan
Surah Al-Kahf, Verse 19
إِنَّهُمۡ إِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ يَرۡجُمُوكُمۡ أَوۡ يُعِيدُوكُمۡ فِي مِلَّتِهِمۡ وَلَن تُفۡلِحُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا
Maxaa yeelay haddii ay idinka awood badshaan waa idin dhagaxyeynayaan tan iyo dhimasho ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, markaasna marnaba ma liibaani doontaan
Surah Al-Kahf, Verse 20
وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيۡبَ فِيهَآ إِذۡ يَتَنَٰزَعُونَ بَيۡنَهُمۡ أَمۡرَهُمۡۖ فَقَالُواْ ٱبۡنُواْ عَلَيۡهِم بُنۡيَٰنٗاۖ رَّبُّهُمۡ أَعۡلَمُ بِهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُواْ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِمۡ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيۡهِم مَّسۡجِدٗا
Oo sidaas baan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in uu Ballanka Ilaahay run yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. Waa tii ay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan hubaal ka dhisi doonnaa masjid halkoodii
Surah Al-Kahf, Verse 21
سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٞ رَّابِعُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ وَيَقُولُونَ خَمۡسَةٞ سَادِسُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ رَجۡمَۢا بِٱلۡغَيۡبِۖ وَيَقُولُونَ سَبۡعَةٞ وَثَامِنُهُمۡ كَلۡبُهُمۡۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا قَلِيلٞۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمۡ إِلَّا مِرَآءٗ ظَٰهِرٗا وَلَا تَسۡتَفۡتِ فِيهِم مِّنۡهُمۡ أَحَدٗا
(Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex oo waxaa afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan oo waxaa lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga wax yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Oo wax ha ka weydiin arrinkooda midkoodna
Surah Al-Kahf, Verse 22
وَلَا تَقُولَنَّ لِشَاْيۡءٍ إِنِّي فَاعِلٞ ذَٰلِكَ غَدًا
Oo ha ka odhan waxnana: hubaal waxaan fali doonnaa berritoole
Surah Al-Kahf, Verse 23
إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَهۡدِيَنِ رَبِّي لِأَقۡرَبَ مِنۡ هَٰذَا رَشَدٗا
(adigoo aan odhan) inshaa Allaah “Hadduu Alle idmo12". Oo xus Rabbigaa marka aad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo uu Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow kani toosnaanta
Surah Al-Kahf, Verse 24
وَلَبِثُواْ فِي كَهۡفِهِمۡ ثَلَٰثَ مِاْئَةٖ سِنِينَ وَٱزۡدَادُواْ تِسۡعٗا
Oo waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin
Surah Al-Kahf, Verse 25
قُلِ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا لَبِثُواْۖ لَهُۥ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَبۡصِرۡ بِهِۦ وَأَسۡمِعۡۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا يُشۡرِكُ فِي حُكۡمِهِۦٓ أَحَدٗا
Dheh: Allaah baa aad u ogsoon intii ay joogeen, isaga baa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, oo lama wadaajiyo Xukunkiisa axadna
Surah Al-Kahf, Verse 26
وَٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدٗا
Oo Akhri waxa laguu waxyooday oo ka mid ah Kitaabka Rabbigaa, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, oo ma heli doontid weligaa wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid
Surah Al-Kahf, Verse 27
وَٱصۡبِرۡ نَفۡسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ وَلَا تَعۡدُ عَيۡنَاكَ عَنۡهُمۡ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَا تُطِعۡ مَنۡ أَغۡفَلۡنَا قَلۡبَهُۥ عَن ذِكۡرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمۡرُهُۥ فُرُطٗا
Oo ku samirsii naftaada la jirka kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, oo ha dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, oo ha raacin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca waxa liita ay naftiisu jeceshahay oo arrinkiisu yahay xad gudub
Surah Al-Kahf, Verse 28
وَقُلِ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَن شَآءَ فَلۡيُؤۡمِن وَمَن شَآءَ فَلۡيَكۡفُرۡۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلظَّـٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمۡ سُرَادِقُهَاۚ وَإِن يَسۡتَغِيثُواْ يُغَاثُواْ بِمَآءٖ كَٱلۡمُهۡلِ يَشۡوِي ٱلۡوُجُوهَۚ بِئۡسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتۡ مُرۡتَفَقًا
Oo dheh: Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigiin, ee kii doonaa ha rumeysto, oo kii doonaa yuusan rumeysan; Waxaan hubaal u diyaarinnay gar ma qaatayaasha Naar ay gidaarradeedu koobi doonaan iyaga, oo haddii ay dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari doonaa biyo daamur oo kale ah oo soli doonta wajiyadooda.Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo
Surah Al-Kahf, Verse 29
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجۡرَ مَنۡ أَحۡسَنَ عَمَلًا
(Ma) kuwa (Xaqa) rumeysan oo fala samaha, hubaal Annagu ma dayacno abaalgudka mid kastoo fala camal wanaagsan
Surah Al-Kahf, Verse 30
أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُ يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَيَلۡبَسُونَ ثِيَابًا خُضۡرٗا مِّن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِۚ نِعۡمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتۡ مُرۡتَفَقٗا
Waa kuwan kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxyaalo laysku qurxiyo baa lagu galladeysan doonaa dhexdeeda oo leh jijimo dahab ah, oo waxay labbisan doonaan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku jiqlaynaya sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo
Surah Al-Kahf, Verse 31
۞وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلٗا رَّجُلَيۡنِ جَعَلۡنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيۡنِ مِنۡ أَعۡنَٰبٖ وَحَفَفۡنَٰهُمَا بِنَخۡلٖ وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمَا زَرۡعٗا
Oo ugu soo qaad tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan
Surah Al-Kahf, Verse 32
كِلۡتَا ٱلۡجَنَّتَيۡنِ ءَاتَتۡ أُكُلَهَا وَلَمۡ تَظۡلِم مِّنۡهُ شَيۡـٔٗاۚ وَفَجَّرۡنَا خِلَٰلَهُمَا نَهَرٗا
Mid walbaa labada beeroodba, ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, oo Waxaan sababnay inuu ka soo burqado dhexdooda webi
Surah Al-Kahf, Verse 33
وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٞ فَقَالَ لِصَٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكۡثَرُ مِنكَ مَالٗا وَأَعَزُّ نَفَرٗا
Oo wuxuu lahaa maal tiro badan markaas buu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Aniga baa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon
Surah Al-Kahf, Verse 34
وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدٗا
Oo wuxuu galay beertiisii isagoo ku gar darroonayey naftiisa13. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay tani baabba’ayso waligeed
Surah Al-Kahf, Verse 35
وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيۡرٗا مِّنۡهَا مُنقَلَبٗا
Oo u malayn mahayo inay Saacaddu weligeed dhici doonto, oo xitaa haddii la ii celiyo Rabbigay waxaan xaqiiq aan heli doonaa meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican
Surah Al-Kahf, Verse 36
قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرۡتَ بِٱلَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلٗا
Wuxuu yidhi saaxiibkiis isagoo la doodaya; Ma waxaad rumeysayneyn Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana iniin yar oo nool, haddana kaa dhigay nin dhan
Surah Al-Kahf, Verse 37
لَّـٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا
Laakiinse ma aniga xaggeyga, waa Allaah, Rabbigay, oo marnaba la wadaajin maayo cidna Rabbigay (cibaadada)
Surah Al-Kahf, Verse 38
وَلَوۡلَآ إِذۡ دَخَلۡتَ جَنَّتَكَ قُلۡتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالٗا وَوَلَدٗا
Oo maxaad u odhan weydey marka aad gashay beertaada: Maashaa Allaah (waxa uu Allaah doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog aan ka imaan xagga Ilaahay? Haddii aad i aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay
Surah Al-Kahf, Verse 39
فَعَسَىٰ رَبِّيٓ أَن يُؤۡتِيَنِ خَيۡرٗا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرۡسِلَ عَلَيۡهَا حُسۡبَانٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصۡبِحَ صَعِيدٗا زَلَقًا
Haddaba waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, oo ku soo diro biriq cir ka soo dhac ah, oo markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn
Surah Al-Kahf, Verse 40
أَوۡ يُصۡبِحَ مَآؤُهَا غَوۡرٗا فَلَن تَسۡتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبٗا
Ama noqdaan biyaheedu kuwa hoos ugu dega dhulka, oo aad markaas sinnaba u kari doonin inaad hesho
Surah Al-Kahf, Verse 41
وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصۡبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيۡهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُشۡرِكۡ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا
Oo maalkiisii baa la baabbi’iyey, markaas buu wuxuu billaabay inuu (kor iyo hoos u) geddiyo calaacalahiisa wixii uu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, oo wuxuu yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa in aan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna
Surah Al-Kahf, Verse 42
وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٞ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا
Oo uma sugnaan ciidan u soo fidiya taageero Allaah sokadi, mana karo inuu naftiisa difaaco
Surah Al-Kahf, Verse 43
هُنَالِكَ ٱلۡوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلۡحَقِّۚ هُوَ خَيۡرٞ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ عُقۡبٗا
Halkan14 awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isaga baa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib wanaagsan
Surah Al-Kahf, Verse 44
وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ فَأَصۡبَحَ هَشِيمٗا تَذۡرُوهُ ٱلرِّيَٰحُۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقۡتَدِرًا
Oo ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruurta, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabayshu firdhiso, Oo Allaah wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood
Surah Al-Kahf, Verse 45
ٱلۡمَالُ وَٱلۡبَنُونَ زِينَةُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّـٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ أَمَلٗا
Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee camallada wanaagsan ee weligood baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon, oo rajo wanaagsan
Surah Al-Kahf, Verse 46
وَيَوۡمَ نُسَيِّرُ ٱلۡجِبَالَ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ بَارِزَةٗ وَحَشَرۡنَٰهُمۡ فَلَمۡ نُغَادِرۡ مِنۡهُمۡ أَحَدٗا
Oo maalinta aan ka yeeli doonno buuraha inay tagaan oo waxaad arki doontaa dhulka oo ban muuqda ahoo siman, oo waxaan soo kulmin doonnaa iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna
Surah Al-Kahf, Verse 47
وَعُرِضُواْ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفّٗا لَّقَدۡ جِئۡتُمُونَا كَمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةِۭۚ بَلۡ زَعَمۡتُمۡ أَلَّن نَّجۡعَلَ لَكُم مَّوۡعِدٗا
Oo waxaa la keeni doonaa Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Haatan dhab ahaan waxaad noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore. Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin goyn waqti aan ku oofiinno ballanka
Surah Al-Kahf, Verse 48
وَوُضِعَ ٱلۡكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُشۡفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيۡلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلۡكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةٗ وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحۡصَىٰهَاۚ وَوَجَدُواْ مَا عَمِلُواْ حَاضِرٗاۗ وَلَا يَظۡلِمُ رَبُّكَ أَحَدٗا
Oo Kitaabka baa la soo dhigi doonaa, markaas waxaad arki doontaa dambiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Oo waxay odhan doonaan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani! aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu ku koobo tiro ma’ahee, oo waxay heli doonaan wixii ay camal faleen oo hortooda yaal oo Rabbigaa kuma gardarroodo axadna
Surah Al-Kahf, Verse 49
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلۡجِنِّ فَفَسَقَ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِۦٓۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِي وَهُمۡ لَكُمۡ عَدُوُّۢۚ بِئۡسَ لِلظَّـٰلِمِينَ بَدَلٗا
Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; markaasuu wuxuu ka baxay Amarka Rabbigi. Ma waxaad haddaba ka dhiganeysaan isaga iyo durrayaddiisa gacallo halkii Aniga iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxa ay wax ku doorsadeen gar ma qaatayaashu
Surah Al-Kahf, Verse 50
۞مَّآ أَشۡهَدتُّهُمۡ خَلۡقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَا خَلۡقَ أَنفُسِهِمۡ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلۡمُضِلِّينَ عَضُدٗا
Ugama dhigan marag abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka dhigta kuwa wax dhumiya cudud
Surah Al-Kahf, Verse 51
وَيَوۡمَ يَقُولُ نَادُواْ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُم مَّوۡبِقٗا
Oo Maalinta uu Allaah odhan doono: U yeedha kuwaa aad u qabteen inay yihiin shurukadeyda (aad ila barbar caabuddeen). Markaas bay u yeedhi doonaan, uma ay se jawaabi doonaan, oo waxaanu yeeli doonnaa dhexdooda xannib
Surah Al-Kahf, Verse 52
وَرَءَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓاْ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمۡ يَجِدُواْ عَنۡهَا مَصۡرِفٗا
Oo dambiilayaashu waxay arki doonaan Naarta, oo ogaan doonaan inay ku dhici doonaan, oo ma heli doonaan meel ay kaga weecdaan
Surah Al-Kahf, Verse 53
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَكۡثَرَ شَيۡءٖ جَدَلٗا
Oo dhab ahaan Waxaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan gudahi nooc kasta oo tusaale ah, oo Aadmigu waa kan badi wax walba ugu dood badan
Surah Al-Kahf, Verse 54
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّهُمۡ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ قُبُلٗا
Oo ma jiro wax ka reeba dadka inay rumeeyaan marka uu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan dembi dhaaf Rabbigood, aan ahayn inay u timaado wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah
Surah Al-Kahf, Verse 55
وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۚ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّۖ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَمَآ أُنذِرُواْ هُزُوٗا
Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, oo kuwa Xaqa diida waxay ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa. Oo waxay ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel
Surah Al-Kahf, Verse 56
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعۡرَضَ عَنۡهَا وَنَسِيَ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُۚ إِنَّا جَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۖ وَإِن تَدۡعُهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ فَلَن يَهۡتَدُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا
Oo yaa ka gardarro badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigii, markaas ka sii jeesada oo hilmaama waxa ay labadiisa gacmood horay u faleen? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, oo haddii aad ugu yeedho hanuunka, haddaba ma hanuuni doonaan weligood
Surah Al-Kahf, Verse 57
وَرَبُّكَ ٱلۡغَفُورُ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۖ لَوۡ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُواْ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلۡعَذَابَۚ بَل لَّهُم مَّوۡعِدٞ لَّن يَجِدُواْ مِن دُونِهِۦ مَوۡئِلٗا
Oo Rabbigaa waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Haddii uu u qaban lahaa waxa ay kasbadaan (oo dembiyo ah), wuxuu hubaal u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an oo aanay heli doonin meel ay ka magan galaan
Surah Al-Kahf, Verse 58
وَتِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰٓ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَعَلۡنَا لِمَهۡلِكِهِم مَّوۡعِدٗا
Oo (ma xagga) magaalooyinkan waa aan halaagnay markay u dhaqmeen si caddaad darro ah, oo waxaanu u qabannay waqti go’an halaaggoodii
Surah Al-Kahf, Verse 59
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبۡرَحُ حَتَّىٰٓ أَبۡلُغَ مَجۡمَعَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ أَوۡ أَمۡضِيَ حُقُبٗا
Oo waa tii uu Muuse ku yidhi adeegahiisa (Yuushac bin Nuun): Ma joogsan doono jeer aan gaaro halka ay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan
Surah Al-Kahf, Verse 60
فَلَمَّا بَلَغَا مَجۡمَعَ بَيۡنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ سَرَبٗا
Markayse gaareen halka ay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo qaaday jidkiisa xagga badda, isagoo horay u sii socda
Surah Al-Kahf, Verse 61
فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدۡ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبٗا
Oo markay in badan dhaafeen, wuxuu ku yidhi adeegihiisa: Noo keen raashinkayaga subaxa; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan
Surah Al-Kahf, Verse 62
قَالَ أَرَءَيۡتَ إِذۡ أَوَيۡنَآ إِلَى ٱلصَّخۡرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ ٱلۡحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيۡطَٰنُ أَنۡ أَذۡكُرَهُۥۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ عَجَبٗا
Wuxuu yidhi: Ma aragtay markii aan harsannay buurtii dhagaxa ahayd markaas waxaan hilmaamay kalluunkii, oo ma jiro wax I hilmaansiiyey inaan ka hadlo aan ahayn shaydaan. Oo wuxuu qaaday jidkiisa xagga badda, yaab badanaa
Surah Al-Kahf, Verse 63
قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبۡغِۚ فَٱرۡتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصٗا
Wuxuu yidhi: Arrinkani waa wixii aan doonaynay, Markaas bay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii
Surah Al-Kahf, Verse 64
فَوَجَدَا عَبۡدٗا مِّنۡ عِبَادِنَآ ءَاتَيۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَعَلَّمۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلۡمٗا
Markaas bay waxay heleen addoon ka mid ah addoommahayga oo aan ka siinnay Naxariis xaggayaga, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi
Surah Al-Kahf, Verse 65
قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلۡ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمۡتَ رُشۡدٗا
Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raacaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno
Surah Al-Kahf, Verse 66
قَالَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
Wuxuu yidhi: Hubaal ma lahaan kartid la jirkay samir
Surah Al-Kahf, Verse 67
وَكَيۡفَ تَصۡبِرُ عَلَىٰ مَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ خُبۡرٗا
Oo sidee baad ugu samir yeelan kareysaa wax aadan cilmi ku koobin
Surah Al-Kahf, Verse 68
قَالَ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرٗا وَلَآ أَعۡصِي لَكَ أَمۡرٗا
Wuxuu yidhi: Haddii Allaah Idmo, waxaad iga heli doontaa samir, oo kuguma caasiyi doono arrinna
Surah Al-Kahf, Verse 69
قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعۡتَنِي فَلَا تَسۡـَٔلۡنِي عَن شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ أُحۡدِثَ لَكَ مِنۡهُ ذِكۡرٗا
Wuxuu yidhi: Haddii aad i raaceyso markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan anigu kaaga warramo maahee
Surah Al-Kahf, Verse 70
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِي ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَاۖ قَالَ أَخَرَقۡتَهَا لِتُغۡرِقَ أَهۡلَهَا لَقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـًٔا إِمۡرٗا
Markaas bay tageen (oo qaadeen waddada), ilaa, ay koreen doonni, waa uu duleeliyey; (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Xaqiiq Waxaad fashay arrin aad u fool xun
Surah Al-Kahf, Verse 71
قَالَ أَلَمۡ أَقُلۡ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
Wuxuu yiri: Sow kuuma aan sheegin, inaadan kari doonin inaad ii yeelato samir
Surah Al-Kahf, Verse 72
قَالَ لَا تُؤَاخِذۡنِي بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرۡهِقۡنِي مِنۡ أَمۡرِي عُسۡرٗا
Wuxuu yidhi: Ha ii qaban wixii iiga dhaca hilmaan17, oo ha I galin wax adag aan dhibsado oo arrinkan la xiriira
Surah Al-Kahf, Verse 73
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمٗا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا زَكِيَّةَۢ بِغَيۡرِ نَفۡسٖ لَّقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـٔٗا نُّكۡرٗا
Markaas bay tageen ilaa ay la kulmeen wiil, markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf aan dambi galabsan oo aan naf dilin? Xaqiiq waxaad fashay xumaan weyn aan la qaadan karin
Surah Al-Kahf, Verse 74
۞قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا
(Khidir) wuxuu yidhi: Miyaanan kuu sheegin inaadan kari doonin inaad samir ila yeelato
Surah Al-Kahf, Verse 75
قَالَ إِن سَأَلۡتُكَ عَن شَيۡءِۭ بَعۡدَهَا فَلَا تُصَٰحِبۡنِيۖ قَدۡ بَلَغۡتَ مِن لَّدُنِّي عُذۡرٗا
(Muuse) wuxuu yidhi: Haddii aan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, dhab ahaan waxaad heshay cudur daar xagga arrinkeyga
Surah Al-Kahf, Verse 76
فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهۡلَ قَرۡيَةٍ ٱسۡتَطۡعَمَآ أَهۡلَهَا فَأَبَوۡاْ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارٗا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥۖ قَالَ لَوۡ شِئۡتَ لَتَّخَذۡتَ عَلَيۡهِ أَجۡرٗا
Markaas bay tageen jeer markii ay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay warsadeen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan18; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaas buu (Khidir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddii aad doonto, dhab ahaan gunno ayaad ku qaadan lahayd
Surah Al-Kahf, Verse 77
قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيۡنِي وَبَيۡنِكَۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأۡوِيلِ مَا لَمۡ تَسۡتَطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرًا
(Khidir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi doonaa fasiraadda wixii aad u samir yeelan kari weyday
Surah Al-Kahf, Verse 78
أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتۡ لِمَسَٰكِينَ يَعۡمَلُونَ فِي ٱلۡبَحۡرِ فَأَرَدتُّ أَنۡ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٞ يَأۡخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصۡبٗا
Ma doonnida, iyada waxaa lahaa dad masaakiin ah oo badda ka xoogsada. Markaas waxaan doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab
Surah Al-Kahf, Verse 79
وَأَمَّا ٱلۡغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤۡمِنَيۡنِ فَخَشِينَآ أَن يُرۡهِقَهُمَا طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗا
Oo ma wiilka, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, oo waxaanu ka baqnay inuu ku dhib gasho caasiyoobid iyo abaal darro
Surah Al-Kahf, Verse 80
فَأَرَدۡنَآ أَن يُبۡدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيۡرٗا مِّنۡهُ زَكَوٰةٗ وَأَقۡرَبَ رُحۡمٗا
Marka waxaan doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka daahirsan oo naxariisasho dhow
Surah Al-Kahf, Verse 81
وَأَمَّا ٱلۡجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيۡنِ يَتِيمَيۡنِ فِي ٱلۡمَدِينَةِ وَكَانَ تَحۡتَهُۥ كَنزٞ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحٗا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبۡلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسۡتَخۡرِجَا كَنزَهُمَا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ وَمَا فَعَلۡتُهُۥ عَنۡ أَمۡرِيۚ ذَٰلِكَ تَأۡوِيلُ مَا لَمۡ تَسۡطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرٗا
Oo ma gidaarka, isaga waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; oo waxaa hoostiisa yaalay khaznad ay iyagu leeyihiin; oo aabbahood wuxuu ahaa nin wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; oo kuma aan samayn waxaan falay amarkay. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan weyday
Surah Al-Kahf, Verse 82
وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَن ذِي ٱلۡقَرۡنَيۡنِۖ قُلۡ سَأَتۡلُواْ عَلَيۡكُم مِّنۡهُ ذِكۡرًا
Oo waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin ka sheegi doonaa wax ka mid ah warkiisa
Surah Al-Kahf, Verse 83
إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِن كُلِّ شَيۡءٖ سَبَبٗا
Hubaal Waxaan ku awood siinnay dhulka, oo siinnay isaga asbaabtii uu ku gaari lahaa cilmiga wax walba
Surah Al-Kahf, Verse 84
فَأَتۡبَعَ سَبَبًا
Markaas buu qaaday jid
Surah Al-Kahf, Verse 85
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغۡرِبَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَغۡرُبُ فِي عَيۡنٍ حَمِئَةٖ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوۡمٗاۖ قُلۡنَا يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمۡ حُسۡنٗا
Ilaa, markuu gaaray meesha ay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa bad madow, oo ka helay agteeda qolo19. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto ama u axsaan fasho
Surah Al-Kahf, Verse 86
قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوۡفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابٗا نُّكۡرٗا
Wuxuu yidhi: Ma ka isagu gardaran (oo naga fallaagooba)20, waa aanu cadaabi (dili) doonnaa, haddana waxaa isaga loo celin doonaa xagga Rabbgiis; oo wuxuu ku cadaabi doona cadaab daran
Surah Al-Kahf, Verse 87
وَأَمَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنۡ أَمۡرِنَا يُسۡرٗا
Oo ma xagga kan isagu (Xaqa) rumeysan oo sama fala, wuxuu mudan doonaa abaal gud wanaagsan. Oo waxaan kula hadli doonnaa isagaa ereyo nugul oo amarkayaga ah
Surah Al-Kahf, Verse 88
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
Markaasuu qaaday jid (kale)
Surah Al-Kahf, Verse 89
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطۡلِعَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَطۡلُعُ عَلَىٰ قَوۡمٖ لَّمۡ نَجۡعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتۡرٗا
Ilaa markuu gaaray meesha ay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan
Surah Al-Kahf, Verse 90
كَذَٰلِكَۖ وَقَدۡ أَحَطۡنَا بِمَا لَدَيۡهِ خُبۡرٗا
Sidaas weeyee! Oo Waxaan ku koobnay ogaansho waxa uu heystay
Surah Al-Kahf, Verse 91
ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا
Markaasuu qaaday jid (kale)
Surah Al-Kahf, Verse 92
حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيۡنَ ٱلسَّدَّيۡنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوۡمٗا لَّا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ قَوۡلٗا
Ilaa markuu gaaray (meel) labada buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba
Surah Al-Kahf, Verse 93
قَالُواْ يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِنَّ يَأۡجُوجَ وَمَأۡجُوجَ مُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَهَلۡ نَجۡعَلُ لَكَ خَرۡجًا عَلَىٰٓ أَن تَجۡعَلَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَهُمۡ سَدّٗا
Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Hubaal23 waxay Yuug iyo yamaayuug ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa gunno waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga moos-xir
Surah Al-Kahf, Verse 94
قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيۡرٞ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجۡعَلۡ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُمۡ رَدۡمًا
Wuxuu yidhi: Waxaa uu Rabbigay I siiyey awood baa khayr roon, ee uun igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli doonaa moos xir dhexdiinna idinka iyo iyaga
Surah Al-Kahf, Verse 95
ءَاتُونِي زُبَرَ ٱلۡحَدِيدِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيۡنَ ٱلصَّدَفَيۡنِ قَالَ ٱنفُخُواْۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارٗا قَالَ ءَاتُونِيٓ أُفۡرِغۡ عَلَيۡهِ قِطۡرٗا
Ii keena laban bir ah; jeer markuu buuxshay dhinacyda labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka dhigay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubo’e
Surah Al-Kahf, Verse 96
فَمَا ٱسۡطَٰعُوٓاْ أَن يَظۡهَرُوهُ وَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ لَهُۥ نَقۡبٗا
Markaa way kari waayeen inay ka soo kor baxaan ama ay u yeelaan duleel
Surah Al-Kahf, Verse 97
قَالَ هَٰذَا رَحۡمَةٞ مِّن رَّبِّيۖ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ رَبِّي جَعَلَهُۥ دَكَّآءَۖ وَكَانَ وَعۡدُ رَبِّي حَقّٗا
Wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi doonaa dhulka, Oo Yabooha Rabbigay waa xaq
Surah Al-Kahf, Verse 98
۞وَتَرَكۡنَا بَعۡضَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ يَمُوجُ فِي بَعۡضٖۖ وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَجَمَعۡنَٰهُمۡ جَمۡعٗا
Oo maalintaas Waxaan u dayn doonnaa qaarkood ka mid ah inuuu u dhexeeyo khilaaf qaar kale, oo Buunka baa la afuufi doonaa, markaasaan soo kulmin doonnaa iyagoo dhan
Surah Al-Kahf, Verse 99
وَعَرَضۡنَا جَهَنَّمَ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡكَٰفِرِينَ عَرۡضًا
Oo Waxaan soo bixin doonnaa Naarta oo ka muuqata maalintaas gaalada hortood
Surah Al-Kahf, Verse 100
ٱلَّذِينَ كَانَتۡ أَعۡيُنُهُمۡ فِي غِطَآءٍ عَن ذِكۡرِي وَكَانُواْ لَا يَسۡتَطِيعُونَ سَمۡعًا
Kuwaa ay indhahoodu ka daboollaa- yeen Waanadayada25, ee aan kari jirin inay maqlaan
Surah Al-Kahf, Verse 101
أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن يَتَّخِذُواْ عِبَادِي مِن دُونِيٓ أَوۡلِيَآءَۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ نُزُلٗا
Ma waxay haddaba kuwa gaalada ahi moodaan inay (anfaceyso) inay ka dhigtaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Hubaal Waxaan u diyaarinnay Naar degaan ahaan gaalada
Surah Al-Kahf, Verse 102
قُلۡ هَلۡ نُنَبِّئُكُم بِٱلۡأَخۡسَرِينَ أَعۡمَٰلًا
Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan
Surah Al-Kahf, Verse 103
ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعۡيُهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ يُحۡسِنُونَ صُنۡعًا
Waa kuwaa camalkooda ku lumo noloshan adduunka iyagoo mooda inay sama falaan
Surah Al-Kahf, Verse 104
أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَلَا نُقِيمُ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَزۡنٗا
Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Ee sidaas awgeed uma yeeli doonno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha
Surah Al-Kahf, Verse 105
ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمۡ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُواْ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَرُسُلِي هُزُوًا
Sidaas waa in abaalkoodu yahay Naar; gaalnimadooda darteed, iyo ka dhigasha- dooda Aayadahayga iyo Rusushaydii dheel
Surah Al-Kahf, Verse 106
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ كَانَتۡ لَهُمۡ جَنَّـٰتُ ٱلۡفِرۡدَوۡسِ نُزُلًا
Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee sa- maha fala waxay mudan doonaan beeraha Al-Firdoos27oo u degmo ahaan doonta
Surah Al-Kahf, Verse 107
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلٗا
Iyagoo ku dhex waaraya (weligood) mana rabi doonaan in looga rug dooriyo
Surah Al-Kahf, Verse 108
قُل لَّوۡ كَانَ ٱلۡبَحۡرُ مِدَادٗا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّي لَنَفِدَ ٱلۡبَحۡرُ قَبۡلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّي وَلَوۡ جِئۡنَا بِمِثۡلِهِۦ مَدَدٗا
Dheh: Haddii ay baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay28, Hubaal, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddii aan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato
Surah Al-Kahf, Verse 109
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَمَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلۡيَعۡمَلۡ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَلَا يُشۡرِكۡ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدَۢا
Dheh: Waxaan anigu uun ahay qof dhimanayoo idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Allaah Keliya, ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha falo camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigii
Surah Al-Kahf, Verse 110