UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Maryam - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


كٓهيعٓصٓ

Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad
Surah Maryam, Verse 1


ذِكۡرُ رَحۡمَتِ رَبِّكَ عَبۡدَهُۥ زَكَرِيَّآ

Xusid wax ka mid ah Naxariista Rabbigaa uu u galay addoonkiisii Sakariya
Surah Maryam, Verse 2


إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيّٗا

Markii uu u dhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (Alle baryey)
Surah Maryam, Verse 3


قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ ٱلۡعَظۡمُ مِنِّي وَٱشۡتَعَلَ ٱلرَّأۡسُ شَيۡبٗا وَلَمۡ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيّٗا

Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, xaqiiq lafahaygii way daciifeen filweyni darteed, oo madaxeygu wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, oo marnaba ma ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiow mid ku qada
Surah Maryam, Verse 4


وَإِنِّي خِفۡتُ ٱلۡمَوَٰلِيَ مِن وَرَآءِي وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا فَهَبۡ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا

Oo dhabtii Waxaan ka cabsi qabaa xigtada iga dambeysa, oo marwadeydu waa ma dhaleys3. Ee iga sii Xaggaaga waraso
Surah Maryam, Verse 5


يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنۡ ءَالِ يَعۡقُوبَۖ وَٱجۡعَلۡهُ رَبِّ رَضِيّٗا

I dhaxla4, oo wax ka dhaxla reer Yacquub oo ka dhig Rabbiyow mid aad kuu raalli geliya
Surah Maryam, Verse 6


يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسۡمُهُۥ يَحۡيَىٰ لَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ مِن قَبۡلُ سَمِيّٗا

(Waxaa lagu yidhi): “Sakariyow! Dhabtii Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu ahaan Yaxyaa. ma aanu u yeelin cidna hortaa magacaan
Surah Maryam, Verse 7


قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَكَانَتِ ٱمۡرَأَتِي عَاقِرٗا وَقَدۡ بَلَغۡتُ مِنَ ٱلۡكِبَرِ عِتِيّٗا

Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays, oo anigu waxaa gaaray gabow aad u weyn
Surah Maryam, Verse 8


قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞ وَقَدۡ خَلَقۡتُكَ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ تَكُ شَيۡـٔٗا

(Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkiiba horeba adigoo aan waxba ahayn
Surah Maryam, Verse 9


قَالَ رَبِّ ٱجۡعَل لِّيٓ ءَايَةٗۖ قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٖ سَوِيّٗا

(Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaama- ddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.”
Surah Maryam, Verse 10


فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنَ ٱلۡمِحۡرَابِ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ أَن سَبِّحُواْ بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا

Markaas buu uga soo baxay qolodiisii qolkii salaadda, oo u tilmaamay inay (Alle) xurmo weynaayaan oo nazahaan subax iyo galabba
Surah Maryam, Verse 11


يَٰيَحۡيَىٰ خُذِ ٱلۡكِتَٰبَ بِقُوَّةٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحُكۡمَ صَبِيّٗا

(Allaah Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Oo Waxaanu siinnay xukun isagoo kuray yar ah
Surah Maryam, Verse 12


وَحَنَانٗا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةٗۖ وَكَانَ تَقِيّٗا

iyo gacaltooyo Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Ilaahay oo ka dhowrsada xumaha
Surah Maryam, Verse 13


وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَيۡهِ وَلَمۡ يَكُن جَبَّارًا عَصِيّٗا

Oo baarri u ah waalidkiis, oo ma aheyn macangag, caasi ah madax adag
Surah Maryam, Verse 14


وَسَلَٰمٌ عَلَيۡهِ يَوۡمَ وُلِدَ وَيَوۡمَ يَمُوتُ وَيَوۡمَ يُبۡعَثُ حَيّٗا

Oo nabad korkiisa ha ahaato maalintii u dhashay, iyo maalinta uu dhiman iyo maalinta la soo bixin doono isagoo nool
Surah Maryam, Verse 15


وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَرۡيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتۡ مِنۡ أَهۡلِهَا مَكَانٗا شَرۡقِيّٗا

Oo ku xus Kitaabka (qisadii) Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka Bariga ah
Surah Maryam, Verse 16


فَٱتَّخَذَتۡ مِن دُونِهِمۡ حِجَابٗا فَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرٗا سَوِيّٗا

Oo waxay ka samaysatay iyadoo cid la’ uga baxday daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil), oo isaga soo dhigay iyada qof Aadmi ah oo isku dhan
Surah Maryam, Verse 17


قَالَتۡ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحۡمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيّٗا

Waxay tidhi: Hubaal anigu Waxaan kaa magan galyo weydiistey Naxariistaha (ee i dhaaf,) haddii aad ka cabsato Ilaahay
Surah Maryam, Verse 18


قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمٗا زَكِيّٗا

Wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) deeqda wiil daahir ah
Surah Maryam, Verse 19


قَالَتۡ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَٰمٞ وَلَمۡ يَمۡسَسۡنِي بَشَرٞ وَلَمۡ أَكُ بَغِيّٗا

Waxay tidhi: “Oo sidee baan u yeelan karaa wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid aan dhowrsanayn?”
Surah Maryam, Verse 20


قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٞۖ وَلِنَجۡعَلَهُۥٓ ءَايَةٗ لِّلنَّاسِ وَرَحۡمَةٗ مِّنَّاۚ وَكَانَ أَمۡرٗا مَّقۡضِيّٗا

Wuxuu yidhi: “Sidaas weeyee, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, oo waxaan uga dhigi doonaa calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo qaddaray
Surah Maryam, Verse 21


۞فَحَمَلَتۡهُ فَٱنتَبَذَتۡ بِهِۦ مَكَانٗا قَصِيّٗا

Markaas bay uurkiisa qaadday, oo waxay ula durugtay meel fog
Surah Maryam, Verse 22


فَأَجَآءَهَا ٱلۡمَخَاضُ إِلَىٰ جِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ قَالَتۡ يَٰلَيۡتَنِي مِتُّ قَبۡلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسۡيٗا مَّنسِيّٗا

Oo xanuunkii foosha baa keenay geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi: “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la waayey araggeeda, la halmaamo”
Surah Maryam, Verse 23


فَنَادَىٰهَا مِن تَحۡتِهَآ أَلَّا تَحۡزَنِي قَدۡ جَعَلَ رَبُّكِ تَحۡتَكِ سَرِيّٗا

Markaas buu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah
Surah Maryam, Verse 24


وَهُزِّيٓ إِلَيۡكِ بِجِذۡعِ ٱلنَّخۡلَةِ تُسَٰقِطۡ عَلَيۡكِ رُطَبٗا جَنِيّٗا

Oo u soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil
Surah Maryam, Verse 25


فَكُلِي وَٱشۡرَبِي وَقَرِّي عَيۡنٗاۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلۡبَشَرِ أَحَدٗا فَقُولِيٓ إِنِّي نَذَرۡتُ لِلرَّحۡمَٰنِ صَوۡمٗا فَلَنۡ أُكَلِّمَ ٱلۡيَوۡمَ إِنسِيّٗا

Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka ka mid ah, dheh: dhabtii Waxaan anigu u nidray Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadli doono maanta cidna aadmi ah.”
Surah Maryam, Verse 26


فَأَتَتۡ بِهِۦ قَوۡمَهَا تَحۡمِلُهُۥۖ قَالُواْ يَٰمَرۡيَمُ لَقَدۡ جِئۡتِ شَيۡـٔٗا فَرِيّٗا

Markaas bay u keentay dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad dhabtii fashay wax (aan la maqal) oo weyn oo yaab leh
Surah Maryam, Verse 27


يَـٰٓأُخۡتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمۡرَأَ سَوۡءٖ وَمَا كَانَتۡ أُمُّكِ بَغِيّٗا

Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, oo ma ahayn hooyadaa haweeney aan dhowrsaneyn.”
Surah Maryam, Verse 28


فَأَشَارَتۡ إِلَيۡهِۖ قَالُواْ كَيۡفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي ٱلۡمَهۡدِ صَبِيّٗا

Markaas bay u tilmaantay xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadli kareynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah
Surah Maryam, Verse 29


قَالَ إِنِّي عَبۡدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِيَ ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلَنِي نَبِيّٗا

(Ciise) wuxuu yidhi: "Hubaal Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu i siin Kitaab (Injiilka) oo uu iga dhigi Nabi;”
Surah Maryam, Verse 30


وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيۡنَ مَا كُنتُ وَأَوۡصَٰنِي بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمۡتُ حَيّٗا

Oo Wuxuu iga dhigay mid barakaysan meel aan joogaba, oo I faray inaan oogo salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.”
Surah Maryam, Verse 31


وَبَرَّۢا بِوَٰلِدَتِي وَلَمۡ يَجۡعَلۡنِي جَبَّارٗا شَقِيّٗا

Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, oo igama dhigin macangag khayr daran
Surah Maryam, Verse 32


وَٱلسَّلَٰمُ عَلَيَّ يَوۡمَ وُلِدتُّ وَيَوۡمَ أَمُوتُ وَيَوۡمَ أُبۡعَثُ حَيّٗا

Nabadi ha ahaato korkayga maalintii aan dhashay iyo maalinta aan dhiman iyo maalinta la i soo bixin doono anigoo nool”
Surah Maryam, Verse 33


ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ قَوۡلَ ٱلۡحَقِّ ٱلَّذِي فِيهِ يَمۡتَرُونَ

Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka qabaan doodda
Surah Maryam, Verse 34


مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٖۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓۚ إِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Kuma habboona Allaah inuu yeesho wiil. Subxaanah (wuu ka ceeb tiran yahay). marka uu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waanu uu yahay
Surah Maryam, Verse 35


وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ

(Ciisaa wuxuu yidhi): “Oo Xaqiiq! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isaga Keliya, kan baa ah Jid Toosan
Surah Maryam, Verse 36


فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن مَّشۡهَدِ يَوۡمٍ عَظِيمٍ

Markaas bay xisbiyadii dhexdooda iska khilaafeen (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaaloobay ka soo gaari doona Maalin aad u murugo weyn
Surah Maryam, Verse 37


أَسۡمِعۡ بِهِمۡ وَأَبۡصِرۡ يَوۡمَ يَأۡتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّـٰلِمُونَ ٱلۡيَوۡمَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Maxay si cad iyagu wax u maqli doonaan oo arki doonaan Maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse geflowyada maanta waxay ku sugan yihiin habow muuqda
Surah Maryam, Verse 38


وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡحَسۡرَةِ إِذۡ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ وَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

Oo uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la goyn doono, haddase dhoohnaan baa heysa, oo ma ba ay rumeysna
Surah Maryam, Verse 39


إِنَّا نَحۡنُ نَرِثُ ٱلۡأَرۡضَ وَمَنۡ عَلَيۡهَا وَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ

Hubaal, Waa Annaga kuwa dhaxli doonnaa arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Oo Xaggayga baa loo soo celin doonaa
Surah Maryam, Verse 40


وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِبۡرَٰهِيمَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيًّا

Oo ku xus Kitaabka (Qisadii) Ibraahiim. Xaqiiq! Wuxuu ahaa runlow, Nabi ah
Surah Maryam, Verse 41


إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ يَـٰٓأَبَتِ لِمَ تَعۡبُدُ مَا لَا يَسۡمَعُ وَلَا يُبۡصِرُ وَلَا يُغۡنِي عَنكَ شَيۡـٔٗا

(Xus) markii uu ku yidhi aabbihiis: “Aabbow! Maxaad u caabuddaa waxaa aan waxba maqlin, oo waxna arkin oo aan waxba ku tari doonin
Surah Maryam, Verse 42


يَـٰٓأَبَتِ إِنِّي قَدۡ جَآءَنِي مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَمۡ يَأۡتِكَ فَٱتَّبِعۡنِيٓ أَهۡدِكَ صِرَٰطٗا سَوِيّٗا

Aabbow! Xaqiiq! Waxaa ii yimid wax ka mid ah cilmi aan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan
Surah Maryam, Verse 43


يَـٰٓأَبَتِ لَا تَعۡبُدِ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ كَانَ لِلرَّحۡمَٰنِ عَصِيّٗا

Aabbow! Ha caabudin (ha adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah
Surah Maryam, Verse 44


يَـٰٓأَبَتِ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيۡطَٰنِ وَلِيّٗا

Aabbow! Anigu waxaan ka cabsi qabaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka saaxiib (naarta gudaheeda)
Surah Maryam, Verse 45


قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنۡ ءَالِهَتِي يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ لَأَرۡجُمَنَّكَۖ وَٱهۡجُرۡنِي مَلِيّٗا

Wuxuu (aabbihii) yidhi:“Ma waxaad adi- gu dan ka lahayn ilaahyadayada, Ibraahii- mow? Haddii aad ka harin (waxakani), hubaashii waan ku dhagaxyeyn. Ee bal iga dheerow muddo dheer
Surah Maryam, Verse 46


قَالَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكَۖ سَأَسۡتَغۡفِرُ لَكَ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ بِي حَفِيّٗا

Ibraahiim wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa dambi Dhaaf Rabbigay. Xaqiiq! waa Mid abad ii Roonaan Badan
Surah Maryam, Verse 47


وَأَعۡتَزِلُكُمۡ وَمَا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدۡعُواْ رَبِّي عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّي شَقِيّٗا

Oo waan idinka fogaan idinka iyo waxa aad baridaanba Allaah sokadi. Oo waxaan baryi doonaa Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaana rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”
Surah Maryam, Verse 48


فَلَمَّا ٱعۡتَزَلَهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا نَبِيّٗا

Haddaba markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayeenba Allaah sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana (oo ka mid ah) Waxaan ka dhignay Nabi
Surah Maryam, Verse 49


وَوَهَبۡنَا لَهُم مِّن رَّحۡمَتِنَا وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ لِسَانَ صِدۡقٍ عَلِيّٗا

Oo Waxaanu siinnay wax ka mid ah Naxariistayada, oo waxaanu u yeelnay xus (sharaf) meeqaan sare ah
Surah Maryam, Verse 50


وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مُوسَىٰٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ مُخۡلَصٗا وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا

Oo ku xus Ktiaabka Muusaa. Xaqiiq Wuxuu ahaa xul la doortay oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
Surah Maryam, Verse 51


وَنَٰدَيۡنَٰهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنِ وَقَرَّبۡنَٰهُ نَجِيّٗا

Oo Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna
Surah Maryam, Verse 52


وَوَهَبۡنَا لَهُۥ مِن رَّحۡمَتِنَآ أَخَاهُ هَٰرُونَ نَبِيّٗا

Oo Waxaanu ugu hibaynay Naxariistayada walaalkii Haaruun Nabi ahaan
Surah Maryam, Verse 53


وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِسۡمَٰعِيلَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صَادِقَ ٱلۡوَعۡدِ وَكَانَ رَسُولٗا نَّبِيّٗا

Oo ku xus Kitaabka Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka dhabeeya oo oofiya ballanka uu galo, oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah
Surah Maryam, Verse 54


وَكَانَ يَأۡمُرُ أَهۡلَهُۥ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِۦ مَرۡضِيّٗا

Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaad iyo Sako, oo wuxuu ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay
Surah Maryam, Verse 55


وَٱذۡكُرۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ إِدۡرِيسَۚ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقٗا نَّبِيّٗا

Oo ku xus Kitaabka Idriis. Xaqiiq Wuxuu ahaa run badane Nabi ah
Surah Maryam, Verse 56


وَرَفَعۡنَٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا

Oo Waxaanu kor ugu qaadnay meel aad u sarreysa
Surah Maryam, Verse 57


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِن ذُرِّيَّةِ ءَادَمَ وَمِمَّنۡ حَمَلۡنَا مَعَ نُوحٖ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡرَـٰٓءِيلَ وَمِمَّنۡ هَدَيۡنَا وَٱجۡتَبَيۡنَآۚ إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُ ٱلرَّحۡمَٰنِ خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَبُكِيّٗا۩

Kuwaasu waxay ahaayeen kuwii uu Allaah u nicmeeyey ka mid ah Nabiyadii, ka mid ah durriyadii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo kuwo ka mid ah durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub)_iyo kuwo ka mid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhaceen dhulka sujuud iyo oohin
Surah Maryam, Verse 58


۞فَخَلَفَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ خَلۡفٌ أَضَاعُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّبَعُواْ ٱلشَّهَوَٰتِۖ فَسَوۡفَ يَلۡقَوۡنَ غَيًّا

Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato; marka waxay la kulmi doonaan hoog
Surah Maryam, Verse 59


إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَـٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ شَيۡـٔٗا

Marka laga reebo kan toobad keena, ee isagu rumeysan (Xaqa), ee sama fala . Kuwaasu waxay geli doonaan Jannada, iyagoo aan waxba laga dhimeyn
Surah Maryam, Verse 60


جَنَّـٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ عِبَادَهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ إِنَّهُۥ كَانَ وَعۡدُهُۥ مَأۡتِيّٗا

Beero nagaya oo uu Naxariistaha ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Xaqiiq ,Yaboohiisu waa kii yimaada
Surah Maryam, Verse 61


لَّا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوًا إِلَّا سَلَٰمٗاۖ وَلَهُمۡ رِزۡقُهُمۡ فِيهَا بُكۡرَةٗ وَعَشِيّٗا

Kuma ay maqli doonaan gudaheeda wax Hadal xun ah, waa uun Salaamo (is nabaadin). Oo Waxay lahaan doonaan risiqooda gudaheeda subax iyo galabba (macnaha kala go' la'aan)
Surah Maryam, Verse 62


تِلۡكَ ٱلۡجَنَّةُ ٱلَّتِي نُورِثُ مِنۡ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيّٗا

Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha
Surah Maryam, Verse 63


وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمۡرِ رَبِّكَۖ لَهُۥ مَا بَيۡنَ أَيۡدِينَا وَمَا خَلۡفَنَا وَمَا بَيۡنَ ذَٰلِكَۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيّٗا

(Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo marnaba ma aha Rabbigaa mid wax halmaama
Surah Maryam, Verse 64


رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا فَٱعۡبُدۡهُ وَٱصۡطَبِرۡ لِعِبَٰدَتِهِۦۚ هَلۡ تَعۡلَمُ لَهُۥ سَمِيّٗا

Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, ee caabud oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah
Surah Maryam, Verse 65


وَيَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَءِذَا مَا مِتُّ لَسَوۡفَ أُخۡرَجُ حَيًّا

Oo Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markii aan dhinto, miyaa la I soo bixin doonaa anigoo nool?”
Surah Maryam, Verse 66


أَوَلَا يَذۡكُرُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ وَلَمۡ يَكُ شَيۡـٔٗا

Mawuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoo aan waxba ahayn
Surah Maryam, Verse 67


فَوَرَبِّكَ لَنَحۡشُرَنَّهُمۡ وَٱلشَّيَٰطِينَ ثُمَّ لَنُحۡضِرَنَّهُمۡ حَوۡلَ جَهَنَّمَ جِثِيّٗا

Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, hubaal waanu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, markaasaa waxaanu keeni doonnaa hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan
Surah Maryam, Verse 68


ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمۡ أَشَدُّ عَلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ عِتِيّٗا

Markaas waxaan hubaal ka soo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka
Surah Maryam, Verse 69


ثُمَّ لَنَحۡنُ أَعۡلَمُ بِٱلَّذِينَ هُمۡ أَوۡلَىٰ بِهَا صِلِيّٗا

Oo hubaal waa Annaga kuwa dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda
Surah Maryam, Verse 70


وَإِن مِّنكُمۡ إِلَّا وَارِدُهَاۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتۡمٗا مَّقۡضِيّٗا

Oo ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mari doonin (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman
Surah Maryam, Verse 71


ثُمَّ نُنَجِّي ٱلَّذِينَ ٱتَّقَواْ وَّنَذَرُ ٱلظَّـٰلِمِينَ فِيهَا جِثِيّٗا

Markaas waxaanu badbaadin doonnaa kuwii iska jiray (xumaha). Oo uga tegi doonnaa gar ma qaatayaasha dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan
Surah Maryam, Verse 72


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ خَيۡرٞ مَّقَامٗا وَأَحۡسَنُ نَدِيّٗا

Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican
Surah Maryam, Verse 73


وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَحۡسَنُ أَثَٰثٗا وَرِءۡيٗا

Intee baana fac halaagnay hortood, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa
Surah Maryam, Verse 74


قُلۡ مَن كَانَ فِي ٱلضَّلَٰلَةِ فَلۡيَمۡدُدۡ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ مَدًّاۚ حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ إِمَّا ٱلۡعَذَابَ وَإِمَّا ٱلسَّاعَةَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضۡعَفُ جُندٗا

Dheh, "kii ku jira habow, haddaba Raxmaanku ha u fidiyo waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga) , jeer marka ay arkaan wixii loo ballan qaaday, oo ah ama cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaamaha), _way ogaan doonaan kii ugu xun degmo ahaan oo liita ciidan ahaan
Surah Maryam, Verse 75


وَيَزِيدُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ هُدٗىۗ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّـٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٞ مَّرَدًّا

Oo Allaah wuxuu u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan
Surah Maryam, Verse 76


أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالٗا وَوَلَدًا

Ee Ma aragtay kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin doonaa (Aakhiro) maal iyo carruur12.”
Surah Maryam, Verse 77


أَطَّلَعَ ٱلۡغَيۡبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan
Surah Maryam, Verse 78


كَلَّاۚ سَنَكۡتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلۡعَذَابِ مَدّٗا

Mayee’ waanu qori doonnaa waxa uu yidhaahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin
Surah Maryam, Verse 79


وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأۡتِينَا فَرۡدٗا

Oo Waxaan ka dhaxli doonnaa waxa uu ka hadlo oo dhan oo wuxuu noo iman doonaa isagoo keli ah
Surah Maryam, Verse 80


وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لِّيَكُونُواْ لَهُمۡ عِزّٗا

Oo waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah), si ay u siiyaan ciso
Surah Maryam, Verse 81


كَلَّاۚ سَيَكۡفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمۡ وَيَكُونُونَ عَلَيۡهِمۡ ضِدًّا

Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, oo way ka soo hor jeesan doonaan col ahaan (Maalinta Qiyaamaha)
Surah Maryam, Verse 82


أَلَمۡ تَرَ أَنَّآ أَرۡسَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمۡ أَزّٗا

Miyaadan arag inaan ku soo dirnay shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah)
Surah Maryam, Verse 83


فَلَا تَعۡجَلۡ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمۡ عَدّٗا

Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an)
Surah Maryam, Verse 84


يَوۡمَ نَحۡشُرُ ٱلۡمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ وَفۡدٗا

Maalinta aan u soo gelbin doonno kuwa iska jira (xumaha) xagga Raxmaanka iyagoo wafdi (sharaf leh) ah
Surah Maryam, Verse 85


وَنَسُوقُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرۡدٗا

Oo aan u soo kaxeyn doonno dambiilayaasha Naarta iyagoo la asqoobay harraad
Surah Maryam, Verse 86


لَّا يَمۡلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

Oo cidina uma lahaan doonto (awood) shafeeco, mid maahee isagu ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan
Surah Maryam, Verse 87


وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗا

Oo waxay yidhaahdaan: Raxamaanku wuxuu yeeshay wiil
Surah Maryam, Verse 88


لَّقَدۡ جِئۡتُمۡ شَيۡـًٔا إِدّٗا

Waxaad fasheen (oo ku hadasheen ) wax aad u fool xun
Surah Maryam, Verse 89


تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِنۡهُ وَتَنشَقُّ ٱلۡأَرۡضُ وَتَخِرُّ ٱلۡجِبَالُ هَدًّا

Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, oo uu dhulkuna kala jeexmo, oo ay buuruhuna isku dumaan
Surah Maryam, Verse 90


أَن دَعَوۡاْ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٗا

Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil
Surah Maryam, Verse 91


وَمَا يَنۢبَغِي لِلرَّحۡمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا

Oo kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil
Surah Maryam, Verse 92


إِن كُلُّ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّآ ءَاتِي ٱلرَّحۡمَٰنِ عَبۡدٗا

Ma jiro wax ku sugan samooyinka iyo arlada bal wuxuu u imaan Raxmaanka isagoo addoon ah
Surah Maryam, Verse 93


لَّقَدۡ أَحۡصَىٰهُمۡ وَعَدَّهُمۡ عَدّٗا

Dhab ahaan waa uu koobay oo tiriyey dhamamaan tirin dhan
Surah Maryam, Verse 94


وَكُلُّهُمۡ ءَاتِيهِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَرۡدًا

Ooo Qof walbaa dhammaantood wuxuu u iman doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo keli ah
Surah Maryam, Verse 95


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ سَيَجۡعَلُ لَهُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وُدّٗا

Xaqiiq, Kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli doonaa kalgacayl (qalbiyada mu’miniinta)
Surah Maryam, Verse 96


فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ ٱلۡمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِۦ قَوۡمٗا لُّدّٗا

Ee (Muxammadow) waxaan uun ugu yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso kuwa iska jira (xumaha), oo aad ugu digto qolo muran badan
Surah Maryam, Verse 97


وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هَلۡ تُحِسُّ مِنۡهُم مِّنۡ أَحَدٍ أَوۡ تَسۡمَعُ لَهُمۡ رِكۡزَۢا

Oo intee baan halaagnay hortood ummad, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah
Surah Maryam, Verse 98


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 18
>> Surah 20

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai