UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Taha - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


طه

Taa Haa
Surah Taha, Verse 1


مَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لِتَشۡقَىٰٓ

Kuuguma aanu soo waxyoon Qur’aanka inaad ku hungowdo
Surah Taha, Verse 2


إِلَّا تَذۡكِرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰ

Mayee, waa u waano ciddii ka cabsata (Ilaahay)
Surah Taha, Verse 3


تَنزِيلٗا مِّمَّنۡ خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلۡعُلَى

Waa waxyi ka yimid (xagga Allaah ee ah) Kan abuuray arlada iyo samooyinka sare
Surah Taha, Verse 4


ٱلرَّحۡمَٰنُ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ ٱسۡتَوَىٰ

Raxmaanku (Allaah)wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta)
Surah Taha, Verse 5


لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَمَا تَحۡتَ ٱلثَّرَىٰ

Isaga baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa arlada ah iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska
Surah Taha, Verse 6


وَإِن تَجۡهَرۡ بِٱلۡقَوۡلِ فَإِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخۡفَى

Oo haddii aad kor codka ugu qaaddo hadalka, haddaba hubaal, Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan
Surah Taha, Verse 7


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ

Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada aad u Wanaagga iyo Quruxda Badan
Surah Taha, Verse 8


وَهَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

Oo qisadii Muuse ma ku soo gaadhay
Surah Taha, Verse 9


إِذۡ رَءَا نَارٗا فَقَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِقَبَسٍ أَوۡ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدٗى

Markii uu arkay dab, markaasuu wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Jooga halkan! Waxaan hubaal arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka wax i tilmaama
Surah Taha, Verse 10


فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ يَٰمُوسَىٰٓ

Ee markii uu yimid meeshii uu ka ifiyey dabku, waa loo yeedhay: Muusow
Surah Taha, Verse 11


إِنِّيٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخۡلَعۡ نَعۡلَيۡكَ إِنَّكَ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوٗى

Anigu waxaan hubaal ahay Rabbigaa! Ee iska bixi kabahaaga, waxaad hubaal joogtaa togga daahirka ah, ee Duwaa
Surah Taha, Verse 12


وَأَنَا ٱخۡتَرۡتُكَ فَٱسۡتَمِعۡ لِمَا يُوحَىٰٓ

Oo Aniga baa ku doortay ee dhegayso waxaa laguu waxyoodo
Surah Taha, Verse 13


إِنَّنِيٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدۡنِي وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكۡرِيٓ

Hubaal Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Aniga ( oo Keliya) i caabud, oo u oog salaadda Xuskayga
Surah Taha, Verse 14


إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخۡفِيهَا لِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا تَسۡعَىٰ

Hubaal, Saacaddu waa imaanaysaa _ waxaan ku sigtaa inaan ka yeelo caddaan3_si naf walba loogu abaal mariyo waxa ay u dadaasho
Surah Taha, Verse 15


فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنۡهَا مَن لَّا يُؤۡمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرۡدَىٰ

“Ee yaanu mid aan Rumaysnayn oo raaca waxa ay naftii jeceshay kaa weecin xaggeeda4, markaas waad halaagsami
Surah Taha, Verse 16


وَمَا تِلۡكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ

Oo waa maxay waxakani ku jiraa midigtaada Muusow ?”
Surah Taha, Verse 17


قَالَ هِيَ عَصَايَ أَتَوَكَّؤُاْ عَلَيۡهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِي وَلِيَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخۡرَىٰ

Wuxuu yidhi: “ Waa ushayda, waan cuskadaa, oo waxaan ku garaacaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, oo waxaa iigu jira dano kale.”
Surah Taha, Verse 18


قَالَ أَلۡقِهَا يَٰمُوسَىٰ

(Allaah) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”
Surah Taha, Verse 19


فَأَلۡقَىٰهَا فَإِذَا هِيَ حَيَّةٞ تَسۡعَىٰ

Markaasuu tuuray, mise! Waa mas ordaya
Surah Taha, Verse 20


قَالَ خُذۡهَا وَلَا تَخَفۡۖ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلۡأُولَىٰ

(Allaah) wuxuu yidhi: “Qaado, oo ha cabsan, Waxaanu ku celin doonnaa sideedii hore
Surah Taha, Verse 21


وَٱضۡمُمۡ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخۡرَىٰ

Oo ku qabo gacantaada dhinacaagaga, waxay soo bixi doontaa iyadoo caddaan ah (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale
Surah Taha, Verse 22


لِنُرِيَكَ مِنۡ ءَايَٰتِنَا ٱلۡكُبۡرَى

“Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn
Surah Taha, Verse 23


ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

“U tag Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”
Surah Taha, Verse 24


قَالَ رَبِّ ٱشۡرَحۡ لِي صَدۡرِي

(Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda
Surah Taha, Verse 25


وَيَسِّرۡ لِيٓ أَمۡرِي

“Oo ii fududee arrinkayga
Surah Taha, Verse 26


وَٱحۡلُلۡ عُقۡدَةٗ مِّن لِّسَانِي

Oo ka fur guntinta carrabkayga
Surah Taha, Verse 27


يَفۡقَهُواْ قَوۡلِي

“Si ay u fahmaan hadalkayga
Surah Taha, Verse 28


وَٱجۡعَل لِّي وَزِيرٗا مِّنۡ أَهۡلِي

“Oo ii yeel wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga
Surah Taha, Verse 29


هَٰرُونَ أَخِي

Haaruun, walaalkay
Surah Taha, Verse 30


ٱشۡدُدۡ بِهِۦٓ أَزۡرِي

“Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga)
Surah Taha, Verse 31


وَأَشۡرِكۡهُ فِيٓ أَمۡرِي

“Oo igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada)
Surah Taha, Verse 32


كَيۡ نُسَبِّحَكَ كَثِيرٗا

“Si aan kuu xurmo weyneenno oo nazahno in badan
Surah Taha, Verse 33


وَنَذۡكُرَكَ كَثِيرًا

“Oo aan kuu xusno in badan
Surah Taha, Verse 34


إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرٗا

Hubaal Adigu Waxaad tahay Mid mar walba na Arka
Surah Taha, Verse 35


قَالَ قَدۡ أُوتِيتَ سُؤۡلَكَ يَٰمُوسَىٰ

(Allaah) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow
Surah Taha, Verse 36


وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَيۡكَ مَرَّةً أُخۡرَىٰٓ

“Oo waxaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore)
Surah Taha, Verse 37


إِذۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ

“Markii aan u waxyoonnay hooyadaa wixii aan u waxyoonnay
Surah Taha, Verse 38


أَنِ ٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلتَّابُوتِ فَٱقۡذِفِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ فَلۡيُلۡقِهِ ٱلۡيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأۡخُذۡهُ عَدُوّٞ لِّي وَعَدُوّٞ لَّهُۥۚ وَأَلۡقَيۡتُ عَلَيۡكَ مَحَبَّةٗ مِّنِّي وَلِتُصۡنَعَ عَلَىٰ عَيۡنِيٓ

Waxaan ku nidhi: ‘Dhex geli isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri doonaa xeebta, halkaas waxaa qaadan doona mid cadow ii ah, oo isagana cadow u ah! Oo Waxaan ku tuuray dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa ilaalinteyda iyo ogaanshaheyga)
Surah Taha, Verse 39


إِذۡ تَمۡشِيٓ أُخۡتُكَ فَتَقُولُ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ مَن يَكۡفُلُهُۥۖ فَرَجَعۡنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَۚ وَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا فَنَجَّيۡنَٰكَ مِنَ ٱلۡغَمِّ وَفَتَنَّـٰكَ فُتُونٗاۚ فَلَبِثۡتَ سِنِينَ فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ ثُمَّ جِئۡتَ عَلَىٰ قَدَرٖ يَٰمُوسَىٰ

“(Oo waxaan kuu galnay wanaag) markii ay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korineysa (nuujineysa) isaga? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Oo waxaad dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, oo waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Markaas waxaad halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow
Surah Taha, Verse 40


وَٱصۡطَنَعۡتُكَ لِنَفۡسِي

Oo Waxaan kuu soo saaray Nafteyda
Surah Taha, Verse 41


ٱذۡهَبۡ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكۡرِي

“La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, oo ha ka daalina Xuskayga
Surah Taha, Verse 42


ٱذۡهَبَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

Aada labadiinnuba xagga Fircoon, Xaqiiq, waa uu xadgudabaye
Surah Taha, Verse 43


فَقُولَا لَهُۥ قَوۡلٗا لَّيِّنٗا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوۡ يَخۡشَىٰ

“Oo kula hadla hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama uu ka baqaa (Ilaahay)
Surah Taha, Verse 44


قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفۡرُطَ عَلَيۡنَآ أَوۡ أَن يَطۡغَىٰ

Waxay yidhaahdeen: “Rabbiyow! Waxaanu ka cabsan inuu nagu soo degdego si uu noogu gabood falo ama u dhaqmaa si xadgudub badan
Surah Taha, Verse 45


قَالَ لَا تَخَافَآۖ إِنَّنِي مَعَكُمَآ أَسۡمَعُ وَأَرَىٰ

(Allaah) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, hubaal Anigaa idin la jira labadiinnaba, waan maqlayaa oo arkayaa
Surah Taha, Verse 46


فَأۡتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبۡهُمۡۖ قَدۡ جِئۡنَٰكَ بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّكَۖ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلۡهُدَىٰٓ

Ee u taga labadiinnuba isaga (Fircoon) oo dhahaya: hubaal waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil oo ha dhibin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Oo Nabad korkiisa ha ahaato8 kan raaca hunuunka
Surah Taha, Verse 47


إِنَّا قَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡنَآ أَنَّ ٱلۡعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Hubaal Waxaa naloo waxyooday in cadaab ku dhici doono mid kastoo (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”
Surah Taha, Verse 48


قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ

(Fircoon) wuxuu yidhi: “Oo waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
Surah Taha, Verse 49


قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِيٓ أَعۡطَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ خَلۡقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ

(Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo markaa u tilmaamay (yoolkeed).”
Surah Taha, Verse 50


قَالَ فَمَا بَالُ ٱلۡقُرُونِ ٱلۡأُولَىٰ

(Fircoon) wuxuu yidhi: “Ee ka warran xaalka facyadii hore?.”
Surah Taha, Verse 51


قَالَ عِلۡمُهَا عِندَ رَبِّي فِي كِتَٰبٖۖ لَّا يَضِلُّ رَبِّي وَلَا يَنسَى

(Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal. Rabbigay ma gefo, oo wax ma halmaamo_”
Surah Taha, Verse 52


ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَسَلَكَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّن نَّبَاتٖ شَتَّىٰ

Waa (Isaga) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, oo ka soo shubay biyo xagga daruurta, markaas baan ku soo saarnay dhir noocyo kala duwan ah
Surah Taha, Verse 53


كُلُواْ وَٱرۡعَوۡاْ أَنۡعَٰمَكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ

Ee (wax ka) cuna (halkaa) oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (lagu cibrad qaato) kuwa garashada leh
Surah Taha, Verse 54


۞مِنۡهَا خَلَقۡنَٰكُمۡ وَفِيهَا نُعِيدُكُمۡ وَمِنۡهَا نُخۡرِجُكُمۡ تَارَةً أُخۡرَىٰ

Xaggeeda (arlada) ayaan idinka abuurnay, oo gudaheeda baan idinku celin doonnaa, oo xaggeeda baan idinka soo dhex saari doonnaa mar kale
Surah Taha, Verse 55


وَلَقَدۡ أَرَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ

Oo xaqiiq waxaan tusnay isaga (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase uu dafiray oo diiday
Surah Taha, Verse 56


قَالَ أَجِئۡتَنَا لِتُخۡرِجَنَا مِنۡ أَرۡضِنَا بِسِحۡرِكَ يَٰمُوسَىٰ

Wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow
Surah Taha, Verse 57


فَلَنَأۡتِيَنَّكَ بِسِحۡرٖ مِّثۡلِهِۦ فَٱجۡعَلۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكَ مَوۡعِدٗا لَّا نُخۡلِفُهُۥ نَحۡنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانٗا سُوٗى

Haddaba Waxaan innaguna hubaal kuula iman doonnaa sixir la mid ah; ee noo qabo ballan aan ku kulanno annaga iyo adiguba, oo aanaan ka dib dhici doonin annagu iyo adiguba midna oo meel fagaare ah
Surah Taha, Verse 58


قَالَ مَوۡعِدُكُمۡ يَوۡمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحۡشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحٗى

(Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, marka dadku isu soo ururaan barqadii.”
Surah Taha, Verse 59


فَتَوَلَّىٰ فِرۡعَوۡنُ فَجَمَعَ كَيۡدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ

Markaasuu Fircoon tagey, oo isu keenay tabihiisii, markaas yimid
Surah Taha, Verse 60


قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيۡلَكُمۡ لَا تَفۡتَرُواْ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا فَيُسۡحِتَكُم بِعَذَابٖۖ وَقَدۡ خَابَ مَنِ ٱفۡتَرَىٰ

Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Ilaahay si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Oo kii la yimaadaa (been) xaqiiq waa mid hoogay oo halaagsamay.”
Surah Taha, Verse 61


فَتَنَٰزَعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَىٰ

Markaas bay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda
Surah Taha, Verse 62


قَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَٰنِ لَسَٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخۡرِجَاكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِمَا وَيَذۡهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلۡمُثۡلَىٰ

“Waxay yidhaahdeen: Kuwani hubaal waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (diintiinna ama dhaqanka iyo caadadiinna)
Surah Taha, Verse 63


فَأَجۡمِعُواْ كَيۡدَكُمۡ ثُمَّ ٱئۡتُواْ صَفّٗاۚ وَقَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡيَوۡمَ مَنِ ٱسۡتَعۡلَىٰ

“Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa dhabtii liibaani doona maanta kii adkaada ”
Surah Taha, Verse 64


قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَلۡقَىٰ

Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ma adigaa hor tuuri ama annaga baa ahaanna kuwa hor tuuri?”
Surah Taha, Verse 65


قَالَ بَلۡ أَلۡقُواْۖ فَإِذَا حِبَالُهُمۡ وَعِصِيُّهُمۡ يُخَيَّلُ إِلَيۡهِ مِن سِحۡرِهِمۡ أَنَّهَا تَسۡعَىٰ

Wuxuu yidhi: “Mayee, tuura idinka (marka hore)! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordayaan
Surah Taha, Verse 66


فَأَوۡجَسَ فِي نَفۡسِهِۦ خِيفَةٗ مُّوسَىٰ

Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi
Surah Taha, Verse 67


قُلۡنَا لَا تَخَفۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Waxaanu nidhi: Ha cabsan, hubaal, waa adiga kan sarreyn doona
Surah Taha, Verse 68


وَأَلۡقِ مَا فِي يَمِينِكَ تَلۡقَفۡ مَا صَنَعُوٓاْۖ إِنَّمَا صَنَعُواْ كَيۡدُ سَٰحِرٖۖ وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيۡثُ أَتَىٰ

Oo tuur waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqliqi waxa ay sameeyeen, waxa ay sameeyeen wax kale ma aha ee waa oo keliya xeelad saaxir,saaxirna mar- naba ma liibaano, meel uu ka yimaadaba
Surah Taha, Verse 69


فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدٗا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ

Oo sixiroolayaashii waxaa loo riday hoos iyagoo sujuudaya10. Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeysannahay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”
Surah Taha, Verse 70


قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَۖ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ فِي جُذُوعِ ٱلنَّخۡلِ وَلَتَعۡلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابٗا وَأَبۡقَىٰ

(Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aanan idiin idmin? hubaal, Waa ka idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan xaqiiq u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, oo waxaan xaqiiq idinku daldali doonaa jirridaha geedaha timrta, oo xaqiiq waad ogaan doontaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan
Surah Taha, Verse 71


قَالُواْ لَن نُّؤۡثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِي فَطَرَنَاۖ فَٱقۡضِ مَآ أَنتَ قَاضٍۖ إِنَّمَا تَقۡضِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَآ

Waxay yidhaahdeen: “Marnaba kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami wixii aad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka
Surah Taha, Verse 72


إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغۡفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكۡرَهۡتَنَا عَلَيۡهِ مِنَ ٱلسِّحۡرِۗ وَٱللَّهُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ

Hubaal annagu waxaan rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxa aad nagu khasabtay ee sixir ah. oo Allaah baa khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’in sanaan badan12 (cadaab ahaan)
Surah Taha, Verse 73


إِنَّهُۥ مَن يَأۡتِ رَبَّهُۥ مُجۡرِمٗا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ

Hubaal, mid kastoo u yimaada Rabbigiis isagoo dambiile ah, hubaal, abaalkiisu waa Naar, uusan ku dhiman doonin, kuna noolaan doonin
Surah Taha, Verse 74


وَمَن يَأۡتِهِۦ مُؤۡمِنٗا قَدۡ عَمِلَ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلۡعُلَىٰ

Mid kastoo se u yimaada (Allaah) isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi baa mudan doona derejooyinka sare (meeqaan ahan)
Surah Taha, Verse 75


جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ

Beero ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari doonaan weligood: oo kaasi waa abaalka kan daahiriya naftiisa13 (shirkiga iyo macaasida)
Surah Taha, Verse 76


وَلَقَدۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِي فَٱضۡرِبۡ لَهُمۡ طَرِيقٗا فِي ٱلۡبَحۡرِ يَبَسٗا لَّا تَخَٰفُ دَرَكٗا وَلَا تَخۡشَىٰ

Oo Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh):” Guura ku bax habeenkii iyagoo ay ku wehliyaan addoomahayga oo uga jeex waddo badda dhexdeeda qallalan14, adigoo aan ka cabsan doonin inuu ku qabto oo ku soo gaaro (Fircoon) oo aan ka cabsan doonin (inaad ku qaraqanto badda)
Surah Taha, Verse 77


فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلۡيَمِّ مَا غَشِيَهُمۡ

Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, oo waxaa halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay
Surah Taha, Verse 78


وَأَضَلَّ فِرۡعَوۡنُ قَوۡمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ

Oo Fircoon wuxuu marin habaabiyey qolodiisii, oo ma uu hanuunin
Surah Taha, Verse 79


يَٰبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ قَدۡ أَنجَيۡنَٰكُم مِّنۡ عَدُوِّكُمۡ وَوَٰعَدۡنَٰكُمۡ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلۡأَيۡمَنَ وَنَزَّلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰ

Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka samata bixinnay cadowgiinnii, oo waxaan idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta, oo Waxaan idiin soo dejinnay Manna (macaan_malab)_iyo Salwaa (shim- bir hilib wanaagsan)
Surah Taha, Verse 80


كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَلَا تَطۡغَوۡاْ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبِيۖ وَمَن يَحۡلِلۡ عَلَيۡهِ غَضَبِي فَقَدۡ هَوَىٰ

(Annagoo leh) cuna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, oo ha ku xadugudbina (dhulka ) dhexdiis (ama ha ku gardarroonina dadka kale), yeysan idinku dhicin Cadhadayduye. Oo kii ay ku dhacdo cadhadaydu hubaal waa uu halaagsamay
Surah Taha, Verse 81


وَإِنِّي لَغَفَّارٞ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا ثُمَّ ٱهۡتَدَىٰ

Oo hubaal Anigu waan u dambi Dhaaf Badanahay mid kastoo isagu toobad keena oo (Xaqa rumeysan oo sama fala,markaas- na hanuunka ku sugnaada oo toosnaada)
Surah Taha, Verse 82


۞وَمَآ أَعۡجَلَكَ عَن قَوۡمِكَ يَٰمُوسَىٰ

(Allaah wuxuu yidhi), “Oo maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”
Surah Taha, Verse 83


قَالَ هُمۡ أُوْلَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِي وَعَجِلۡتُ إِلَيۡكَ رَبِّ لِتَرۡضَىٰ

Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, oo waan kuu soo deg-degay Rabbigayow si aad u raalli ahaato
Surah Taha, Verse 84


قَالَ فَإِنَّا قَدۡ فَتَنَّا قَوۡمَكَ مِنۢ بَعۡدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِيُّ

(Allaah) wuxuu yidhi: Annagu se waxaan dhabtii imtixaannay qolodaadii gadaashaa (intii aad ka soo tagtay kaddib), oo Saamirigii baa lumiyey.’
Surah Taha, Verse 85


فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ غَضۡبَٰنَ أَسِفٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ أَلَمۡ يَعِدۡكُمۡ رَبُّكُمۡ وَعۡدًا حَسَنًاۚ أَفَطَالَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡعَهۡدُ أَمۡ أَرَدتُّمۡ أَن يَحِلَّ عَلَيۡكُمۡ غَضَبٞ مِّن رَّبِّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُم مَّوۡعِدِي

Markaas Muuse buu u noqday qolodiisii isagoo cadheysan oo calool xun, Wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Ma wuusan Rabbigiin idiin qaadin ballan qaad wanaagsan16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad dooneyseen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin ah, oo aad markaas ka baxdeen ballankii (wax maqlidda) aad ila gasheen?”
Surah Taha, Verse 86


قَالُواْ مَآ أَخۡلَفۡنَا مَوۡعِدَكَ بِمَلۡكِنَا وَلَٰكِنَّا حُمِّلۡنَآ أَوۡزَارٗا مِّن زِينَةِ ٱلۡقَوۡمِ فَقَذَفۡنَٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلۡقَى ٱلسَّامِرِيُّ

Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, laakiinse waxaa nala saaray culaysyo ka mid ah qalabkii reer (Fircoon) isku qur- xin jireen17 ah, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaas oo kale ayuu As-Saamiri u tuuray
Surah Taha, Verse 87


فَأَخۡرَجَ لَهُمۡ عِجۡلٗا جَسَدٗا لَّهُۥ خُوَارٞ فَقَالُواْ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمۡ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ

Oo wuxuu uga soo saaray (sawir) dibi leh cida dibiga. Oo waxay yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay
Surah Taha, Verse 88


أَفَلَا يَرَوۡنَ أَلَّا يَرۡجِعُ إِلَيۡهِمۡ قَوۡلٗا وَلَا يَمۡلِكُ لَهُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا

Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna
Surah Taha, Verse 89


وَلَقَدۡ قَالَ لَهُمۡ هَٰرُونُ مِن قَبۡلُ يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوٓاْ أَمۡرِي

Oo Haaruun wuxuu ku yidhi ka hor (intaanu soo laaban Muuse): “Dadkaygiyow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, oo hubaal, Rabbigiin waa (Allaah) Raxmaanka (Naxariistaha), ee i soo raaca oo adeeca amarkayga.”
Surah Taha, Verse 90


قَالُواْ لَن نَّبۡرَحَ عَلَيۡهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرۡجِعَ إِلَيۡنَا مُوسَىٰ

Waxay yidhaahdeen: “Ma deyn doonno caabudidda (dibiga) jeer uu noo soo noqdo Muuse.”
Surah Taha, Verse 91


قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذۡ رَأَيۡتَهُمۡ ضَلُّوٓاْ

(Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday (inaad ka reebto); markii aad aragtay inay lumayaan
Surah Taha, Verse 92


أَلَّا تَتَّبِعَنِۖ أَفَعَصَيۡتَ أَمۡرِي

In aad I soo raacdo? Ee ma waxaad caasiday amarkaygii
Surah Taha, Verse 93


قَالَ يَبۡنَؤُمَّ لَا تَأۡخُذۡ بِلِحۡيَتِي وَلَا بِرَأۡسِيٓۖ إِنِّي خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقۡتَ بَيۡنَ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَلَمۡ تَرۡقُبۡ قَوۡلِي

Haaruun wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Hubaal anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil dhexdooda, oo ma aadan dhowrin (ama sugin) qowlkeyga.”
Surah Taha, Verse 94


قَالَ فَمَا خَطۡبُكَ يَٰسَٰمِرِيُّ

(Muuse) wuxuu yidhi: “Oo muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow
Surah Taha, Verse 95


قَالَ بَصُرۡتُ بِمَا لَمۡ يَبۡصُرُواْ بِهِۦ فَقَبَضۡتُ قَبۡضَةٗ مِّنۡ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذۡتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتۡ لِي نَفۡسِي

Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Markaas waxaan ka soo qaaatay sacab muggi (oo ciid ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii jabriil) oo ku tuuray (dabkii lagu riday qalabkii ay isku qurxin jireen si aan uga sameeyo sawir dibi). Sidaas bay ii qurxisay nafteydu
Surah Taha, Verse 96


قَالَ فَٱذۡهَبۡ فَإِنَّ لَكَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَۖ وَإِنَّ لَكَ مَوۡعِدٗا لَّن تُخۡلَفَهُۥۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِي ظَلۡتَ عَلَيۡهِ عَاكِفٗاۖ لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِي ٱلۡيَمِّ نَسۡفًا

(Muuse) wuxuu yidhi: haddaba tag oo naga fagow! Oo hubaal, waxaa go’aan ah noloshan inaad tidhaahdo waa lay gooyey19, oo hubaal waxaa kale oo aad leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabta Aakhiro). Oo dhugo ilaahaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. hubaal waanu gubi doonnaa (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku qarxinno oo waxba aanu ka hari doonin.’
Surah Taha, Verse 97


إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ وَسِعَ كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمٗا

Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuuna ku koobay wax walba Cilmi
Surah Taha, Verse 98


كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ مَا قَدۡ سَبَقَۚ وَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكۡرٗا

Sidaas baan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Oo Waxaanu xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan)
Surah Taha, Verse 99


مَّنۡ أَعۡرَضَ عَنۡهُ فَإِنَّهُۥ يَحۡمِلُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وِزۡرًا

Mid kastoo ka jeesta wuxuu markaas xambaaran doonaa Maalinta Qiyaame culaab culus (dambi aad u weyn)
Surah Taha, Verse 100


خَٰلِدِينَ فِيهِۖ وَسَآءَ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ حِمۡلٗا

Iyagoo ku dhex waari (cadaabta). Oo waa wax u xun iyaga maalinta Qiyaamaha culaab ahaan
Surah Taha, Verse 101


يَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِۚ وَنَحۡشُرُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ زُرۡقٗا

Maaalinta buunka la afuufi doono20 (afuufka labaad): oo waxaan isu soo kulmin doonnaa Dambiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan
Surah Taha, Verse 102


يَتَخَٰفَتُونَ بَيۡنَهُمۡ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا عَشۡرٗا

Oo hoos u wada hadlaya oo isku sheegaya: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”
Surah Taha, Verse 103


نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذۡ يَقُولُ أَمۡثَلُهُمۡ طَرِيقَةً إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا يَوۡمٗا

Annaga baa ka ogsoon waxa ay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan doono, “Ma aydaan joogin (adduunka) waxaan aheyn maalin.”
Surah Taha, Verse 104


وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡجِبَالِ فَقُلۡ يَنسِفُهَا رَبِّي نَسۡفٗا

Oo waxay wax kaa weydiiyaan buuraha, markaa dheh: Rabbigay baa ku baabbi’n doona qarax isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah
Surah Taha, Verse 105


فَيَذَرُهَا قَاعٗا صَفۡصَفٗا

Oo wuxuu ka yeeli doonaa (arlada) meel ban siman ah
Surah Taha, Verse 106


لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجٗا وَلَآ أَمۡتٗا

Aad ku dhex arki doonin meel hoosaysa ama sarreysa.”
Surah Taha, Verse 107


يَوۡمَئِذٖ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِيَ لَا عِوَجَ لَهُۥۖ وَخَشَعَتِ ٱلۡأَصۡوَاتُ لِلرَّحۡمَٰنِ فَلَا تَسۡمَعُ إِلَّا هَمۡسٗا

Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci doonaa (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoo aan leexleexasho lahayn. Oo codadka oo dhan waxay ahaan doonaan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Allaah) horti, marka ma maqli doontid waxaan aheyn shanqarta socodka (lugahooda)
Surah Taha, Verse 108


يَوۡمَئِذٖ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ إِلَّا مَنۡ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَرَضِيَ لَهُۥ قَوۡلٗا

Maalintaas shafeeco wax ma tari doonto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa
Surah Taha, Verse 109


يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلۡمٗا

Wuxuu (Allaah) ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi
Surah Taha, Verse 110


۞وَعَنَتِ ٱلۡوُجُوهُ لِلۡحَيِّ ٱلۡقَيُّومِۖ وَقَدۡ خَابَ مَنۡ حَمَلَ ظُلۡمٗا

Oo dhammaan wejiyadu waxay ku khushuuci doonaan (Allaah horti), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha waxa uunka jira oo dhan. Oo waxaa xaqiiq hoogi doona kan isagu geysta gef uu ka galo (Allaah ama aadmiga)
Surah Taha, Verse 111


وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا يَخَافُ ظُلۡمٗا وَلَا هَضۡمٗا

Kan se isagu samo fala isagoo mu’min ah, ma ka cabsan doono gef loo geysto iyo wax loo dhimo midna
Surah Taha, Verse 112


وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا وَصَرَّفۡنَا فِيهِ مِنَ ٱلۡوَعِيدِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ أَوۡ يُحۡدِثُ لَهُمۡ ذِكۡرٗا

Oo sidaas baan ugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (xumaha), ama uu ku dhaliyo waantow (ama u noqdo wax lagu xusuusto)
Surah Taha, Verse 113


فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۗ وَلَا تَعۡجَلۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مِن قَبۡلِ أَن يُقۡضَىٰٓ إِلَيۡكَ وَحۡيُهُۥۖ وَقُل رَّبِّ زِدۡنِي عِلۡمٗا

Ee waxaa ka Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uunanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
Surah Taha, Verse 114


وَلَقَدۡ عَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبۡلُ فَنَسِيَ وَلَمۡ نَجِدۡ لَهُۥ عَزۡمٗا

Oo waxaan xaqiiq la galnay ballan Aadam mar hore23, wuuse illoobay, oo kama aanu helin go’aan adag
Surah Taha, Verse 115


وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ

Oo (xus) markii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (sujuud slaan ah) Aadam oo way sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday
Surah Taha, Verse 116


فَقُلۡنَا يَـٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوّٞ لَّكَ وَلِزَوۡجِكَ فَلَا يُخۡرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلۡجَنَّةِ فَتَشۡقَىٰٓ

Markaasaan Waxaanu nidhi: Aadamow! Xaqiiq, kani waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibaatoon
Surah Taha, Verse 117


إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعۡرَىٰ

Hubaal waxaad (ballan) ku heysataa inaadan ku gaajoon doonin dhexdeeda kuna arradi doonin
Surah Taha, Verse 118


وَأَنَّكَ لَا تَظۡمَؤُاْ فِيهَا وَلَا تَضۡحَىٰ

Oo hubaal aad ku harraadi doonin, qorrax kulkeedna kugu dhici doonin
Surah Taha, Verse 119


فَوَسۡوَسَ إِلَيۡهِ ٱلشَّيۡطَٰنُ قَالَ يَـٰٓـَٔادَمُ هَلۡ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلۡخُلۡدِ وَمُلۡكٖ لَّا يَبۡلَىٰ

Markaasuu shaydaan hoos wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan weligeed dhammaan doonin?”
Surah Taha, Verse 120


فَأَكَلَا مِنۡهَا فَبَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۚ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ

Markaasay iyagu (Aadam iyo xaaskiisa) wax ka cuneen, markaas ayey cawradoodii u muuqatay, oo waxay billaabeen inay ku nab nabaan korkooda caleemihii Jannada. Oo Aadam wuxuu ku caasiyey Rabbigi, oo gef galay
Surah Taha, Verse 121


ثُمَّ ٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيۡهِ وَهَدَىٰ

Markaasuu Rabbigiis doortay oo ku galladeystay dambi dhaaf oo hanuuniyey
Surah Taha, Verse 122


قَالَ ٱهۡبِطَا مِنۡهَا جَمِيعَۢاۖ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدٗى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشۡقَىٰ

(Allaah) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, (firkiinna) waa u cadow qaarba qaarka kale. Oo haddii uu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, markaa mid kastoo raaca hanuunkayga ma ku lumi doono (adduunkan), mana ku dar xumaan doono (Aakhirada)
Surah Taha, Verse 123


وَمَنۡ أَعۡرَضَ عَن ذِكۡرِي فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةٗ ضَنكٗا وَنَحۡشُرُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَعۡمَىٰ

Oo mid kastoo ka jeesta waanadayda, hubaal wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, oo waxaa la shir keeni (oo la soo bixin) iMaalinta Qiyaamaha isagoo indha la
Surah Taha, Verse 124


قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرۡتَنِيٓ أَعۡمَىٰ وَقَدۡ كُنتُ بَصِيرٗا

Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad iiga soo saartay (iilka oo i shir keentay Qiyaamaha) anigoo indha la’ anigoo (hadda ka hor) wax arki jiray ”
Surah Taha, Verse 125


قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتۡكَ ءَايَٰتُنَا فَنَسِيتَهَاۖ وَكَذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمَ تُنسَىٰ

(Allaah) wuxuu odhan: Sidaas oo kale waxaa kuu yimid calaamooyinkayagii, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi doonaa (Naarta).”
Surah Taha, Verse 126


وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَنۡ أَسۡرَفَ وَلَمۡ يُؤۡمِنۢ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦۚ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبۡقَىٰٓ

Oo sidaas oo kale baan u abaal marinaa kan isagu xadgudba, oo aan ru- meyn calaamooyinka Rabbigii, oo cadaabta Aakhiro ayaa sii daran oo joogto daa'in ah
Surah Taha, Verse 127


أَفَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلنُّهَىٰ

Haddaba, miyaanay u caddaan iyaga inta aan ummado hallignay iyaga hortood oo ay ku dul socdaan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwaasi leh garaadka
Surah Taha, Verse 128


وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامٗا وَأَجَلٞ مُّسَمّٗى

Oo haddii aanay jiri lahayn Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa , in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani, waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka)
Surah Taha, Verse 129


فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ غُرُوبِهَاۖ وَمِنۡ ءَانَآيِٕ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡ وَأَطۡرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرۡضَىٰ

Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqotid
Surah Taha, Verse 130


وَلَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ زَهۡرَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا لِنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَرِزۡقُ رَبِّكَ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰ

Oo ha u taagin indhahaaga waxa aan ugu raaxaynay lammaano kala duwan oo iyaga ka mid ah, (wax kale maahee) waa quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, oo risiqa Rabbigaa baa ka khayr badan oo ka daa’in san
Surah Taha, Verse 131


وَأۡمُرۡ أَهۡلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصۡطَبِرۡ عَلَيۡهَاۖ لَا نَسۡـَٔلُكَ رِزۡقٗاۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكَۗ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلتَّقۡوَىٰ

Oo ku amar salaadda ehelkaaga (iyo dadkaba), oo ku samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annaga baa ku irsaaqeyna. Oo Cidhibta wanaagsan (Jannada) waxaa leh kuwa iska jira (xumaha)
Surah Taha, Verse 132


وَقَالُواْ لَوۡلَا يَأۡتِينَا بِـَٔايَةٖ مِّن رَّبِّهِۦٓۚ أَوَلَمۡ تَأۡتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ

Oo waxay yidhaahdaan: Muxuu noogu keeni waayey calaamad xagga Rabbigii ah?” Oo miyaanay u imaan caddeyn wixii (ku yaallay) Kutubtii hore
Surah Taha, Verse 133


وَلَوۡ أَنَّآ أَهۡلَكۡنَٰهُم بِعَذَابٖ مِّن قَبۡلِهِۦ لَقَالُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ مِن قَبۡلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخۡزَىٰ

Oo haddii aan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor26, waxay hubaal odhan lahaayeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga, ka hor inta aanaan ahaan kuwa dulloobay oo dufoobay
Surah Taha, Verse 134


قُلۡ كُلّٞ مُّتَرَبِّصٞ فَتَرَبَّصُواْۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ أَصۡحَٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِيِّ وَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ

Dheh: Mid walba annaga iyo idinka wax buu sugayaaye ee suga27, waxaad dhowaan ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kan isagu hanuunsan
Surah Taha, Verse 135


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 19
>> Surah 21

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai