Surah Al-Anbiya - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱقۡتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمۡ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٖ مُّعۡرِضُونَ
(Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa u soo dhowaada dadka halka iyagu ay dhoohnaan la sii jeedaan
Surah Al-Anbiya, Verse 1
مَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّن رَّبِّهِم مُّحۡدَثٍ إِلَّا ٱسۡتَمَعُوهُ وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ
Ma jiro Xus ( Waxyi) uga yimaado isagoo cusub xagga Rabbbigood, bal waxay dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya
Surah Al-Anbiya, Verse 2
لَاهِيَةٗ قُلُوبُهُمۡۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ هَلۡ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡۖ أَفَتَأۡتُونَ ٱلسِّحۡرَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
Oo qalbiyadoodu ka maan la' yihiin, oo kuwaa fala gefka (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan wada hadalkooda sirta ah (iyagoo leh): Kani (Nabigan) ma wax aan ahayn baa qof idinka oo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka
Surah Al-Anbiya, Verse 3
قَالَ رَبِّي يَعۡلَمُ ٱلۡقَوۡلَ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta) (oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.”
Surah Al-Anbiya, Verse 4
بَلۡ قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمِۭ بَلِ ٱفۡتَرَىٰهُ بَلۡ هُوَ شَاعِرٞ فَلۡيَأۡتِنَا بِـَٔايَةٖ كَمَآ أُرۡسِلَ ٱلۡأَوَّلُونَ
Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray! _mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore
Surah Al-Anbiya, Verse 5
مَآ ءَامَنَتۡ قَبۡلَهُم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآۖ أَفَهُمۡ يُؤۡمِنُونَ
Ma jirin magaalo aan halaagnay oo rumeysey iyaga hortood (inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyaga baa rumeyn doona
Surah Al-Anbiya, Verse 6
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ
Oo ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu dikirka (Kitaabka) haddii aydaan wax ogeyn
Surah Al-Anbiya, Verse 7
وَمَا جَعَلۡنَٰهُمۡ جَسَدٗا لَّا يَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُواْ خَٰلِدِينَ
Oo uma aan yeelin iyaga (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), oo ma aheyn kuwo aan dhiman oo ku waara (arlada)
Surah Al-Anbiya, Verse 8
ثُمَّ صَدَقۡنَٰهُمُ ٱلۡوَعۡدَ فَأَنجَيۡنَٰهُمۡ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهۡلَكۡنَا ٱلۡمُسۡرِفِينَ
Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay oo waanu badbaadinnay iyaga iyo ciddii aan doonnay oo waxaanu hallignay xad gudbayaashii
Surah Al-Anbiya, Verse 9
لَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ كِتَٰبٗا فِيهِ ذِكۡرُكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (sharaftiinna) Ee miyeydaan haddaba garasho lahayn
Surah Al-Anbiya, Verse 10
وَكَمۡ قَصَمۡنَا مِن قَرۡيَةٖ كَانَتۡ ظَالِمَةٗ وَأَنشَأۡنَا بَعۡدَهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
Oo intee baan magaalo ay dadkeedu gef galeen baabi’innay4, oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale
Surah Al-Anbiya, Verse 11
فَلَمَّآ أَحَسُّواْ بَأۡسَنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَرۡكُضُونَ
Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan
Surah Al-Anbiya, Verse 12
لَا تَرۡكُضُواْ وَٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰ مَآ أُتۡرِفۡتُمۡ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡـَٔلُونَ
Ha cararina (haatan), ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna , si wax la idiin weydiiyo
Surah Al-Anbiya, Verse 13
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Waxay yidhaahdeen: (Alla) balo ha nagu dhacdee! Waxanynu ahayn gar diid
Surah Al-Anbiya, Verse 14
فَمَا زَالَت تِّلۡكَ دَعۡوَىٰهُمۡ حَتَّىٰ جَعَلۡنَٰهُمۡ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ
Oo calaalcalkoodaas ma ay deyn ilaa aan dabar goynay, oo baqtiyeen (dambas noqdeen)
Surah Al-Anbiya, Verse 15
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
Oo uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel
Surah Al-Anbiya, Verse 16
لَوۡ أَرَدۡنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهۡوٗا لَّٱتَّخَذۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ
Haddii aan rabno inaan yeelanno madaddaallo6, waxaan hubaal ka yeelan lahayn Xaggayaga, haddii aan sidaas falayno
Surah Al-Anbiya, Verse 17
بَلۡ نَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَى ٱلۡبَٰطِلِ فَيَدۡمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٞۚ وَلَكُمُ ٱلۡوَيۡلُ مِمَّا تَصِفُونَ
Bal waxaan Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa; oo hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed
Surah Al-Anbiya, Verse 18
وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَنۡ عِندَهُۥ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسۡتَحۡسِرُونَ
Oo Wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada Isagaa leh; oo kuwa agtiisa jooga ee u dhow (malaa’igta) iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo kama gaabshaan
Surah Al-Anbiya, Verse 19
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفۡتُرُونَ
Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, oo kama daalaan
Surah Al-Anbiya, Verse 20
أَمِ ٱتَّخَذُوٓاْ ءَالِهَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ هُمۡ يُنشِرُونَ
Mise waxay yeesheen (si ay u caabudaan) ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya
Surah Al-Anbiya, Verse 21
لَوۡ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَاۚ فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ
Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiq way fasaadi lahaayeen. Wuu ka ceeb tiran yahay Allaah, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay u tiirshaan
Surah Al-Anbiya, Verse 22
لَا يُسۡـَٔلُ عَمَّا يَفۡعَلُ وَهُمۡ يُسۡـَٔلُونَ
Lama weydiiyo waxa uu falo, halka iyaga la weydiin doono
Surah Al-Anbiya, Verse 23
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡۖ هَٰذَا ذِكۡرُ مَن مَّعِيَ وَذِكۡرُ مَن قَبۡلِيۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡحَقَّۖ فَهُم مُّعۡرِضُونَ
Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Bal badankoodu ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan
Surah Al-Anbiya, Verse 24
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِيٓ إِلَيۡهِ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدُونِ
Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga ahayn, ee i caabuda (Aniga oo keliya).”
Surah Al-Anbiya, Verse 25
وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۚ بَلۡ عِبَادٞ مُّكۡرَمُونَ
Oo waxay yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka ceeb tiran yahay, balse9 waa addoom la sharfay
Surah Al-Anbiya, Verse 26
لَا يَسۡبِقُونَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ وَهُم بِأَمۡرِهِۦ يَعۡمَلُونَ
Kagama hormaraan hadal, oo amarkiisa uun bay iyagu ku camal falaan
Surah Al-Anbiya, Verse 27
يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يَشۡفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ٱرۡتَضَىٰ وَهُم مِّنۡ خَشۡيَتِهِۦ مُشۡفِقُونَ
Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee. Oo cabsidiisa bay la xurmo weeyaan
Surah Al-Anbiya, Verse 28
۞وَمَن يَقُلۡ مِنۡهُمۡ إِنِّيٓ إِلَٰهٞ مِّن دُونِهِۦ فَذَٰلِكَ نَجۡزِيهِ جَهَنَّمَۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo mid kastoo ka mid ah ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Naar. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa gar ma qaatayaasha
Surah Al-Anbiya, Verse 29
أَوَلَمۡ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ كَانَتَا رَتۡقٗا فَفَتَقۡنَٰهُمَاۖ وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَيۡءٍ حَيٍّۚ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ
Oo miyaanay kuwa gaalooba arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, oo Waxaan ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay haddaba rumayn doonin
Surah Al-Anbiya, Verse 30
وَجَعَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمۡ وَجَعَلۡنَا فِيهَا فِجَاجٗا سُبُلٗا لَّعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
Oo Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, oo waxaanu yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan
Surah Al-Anbiya, Verse 31
وَجَعَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ سَقۡفٗا مَّحۡفُوظٗاۖ وَهُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِهَا مُعۡرِضُونَ
Oo Waxaanu ka dhignay samada saqaf ilaashan. Oo waliba iyagu waa ka jeesadaan calaamadaheeda
Surah Al-Anbiya, Verse 32
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ
Oo Waa Isaga Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda
Surah Al-Anbiya, Verse 33
وَمَا جَعَلۡنَا لِبَشَرٖ مِّن قَبۡلِكَ ٱلۡخُلۡدَۖ أَفَإِيْن مِّتَّ فَهُمُ ٱلۡخَٰلِدُونَ
Oo kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey mid waara. Ee haddaba haddii aad adigu dhimato ma iyaga baa waari doona
Surah Al-Anbiya, Verse 34
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَنَبۡلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلۡخَيۡرِ فِتۡنَةٗۖ وَإِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, oo waxaanu idinku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba kala saar darteed, oo Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa
Surah Al-Anbiya, Verse 35
وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي يَذۡكُرُ ءَالِهَتَكُمۡ وَهُم بِذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
Oo marka ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) ku arkaan, kaama dhigtaan waxaan ahayn dheeldheel (oo waxay yidhaahdaan):” Oo ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Allaha Raxmaanka ah
Surah Al-Anbiya, Verse 36
خُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ مِنۡ عَجَلٖۚ سَأُوْرِيكُمۡ ءَايَٰتِي فَلَا تَسۡتَعۡجِلُونِ
Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan haatan idin tusi doonaa calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo
Surah Al-Anbiya, Verse 37
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Oo waxay odhan: “Goorma bay gooddin- tani dhici doontaa haddii aad tihiin kuwo run sheegi?”
Surah Al-Anbiya, Verse 38
لَوۡ يَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمۡ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
Haddii ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) uun ogaan lahaayeen (waqtiga) marka aanay kari doonin inay ka ceshaan Naarta wejiyadooda iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaari doonin (ma degdegsadeen Cadaabka)
Surah Al-Anbiya, Verse 39
بَلۡ تَأۡتِيهِم بَغۡتَةٗ فَتَبۡهَتُهُمۡ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
Bal, waxay ugu iman doontaa kedo, oo way jahawareerin doontaa, marka ma kari doonaan weecinteeda, loomana sugi doono
Surah Al-Anbiya, Verse 40
وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٖ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Oo xaqiiq Rusul (badan) oo kaa horreeyey baa lagu jeesjeesay, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ka mid ahaa ee ku jeesjeesay wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen
Surah Al-Anbiya, Verse 41
قُلۡ مَن يَكۡلَؤُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ بَلۡ هُمۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِم مُّعۡرِضُونَ
Dheh: “Yaa idinka dhowra habeen iyo maalinba xagga Naxariistaha (Allaah)? Bal, waxay iyagu ka sii jeesadaan xusidda Rabbigood
Surah Al-Anbiya, Verse 42
أَمۡ لَهُمۡ ءَالِهَةٞ تَمۡنَعُهُم مِّن دُونِنَاۚ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَ أَنفُسِهِمۡ وَلَا هُم مِّنَّا يُصۡحَبُونَ
Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabtayada? Ma lahaan doonaan awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga
Surah Al-Anbiya, Verse 43
بَلۡ مَتَّعۡنَا هَـٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۗ أَفَلَا يَرَوۡنَ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَآۚ أَفَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
Bal, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba xitaa cimriga loo dheereeyey (markaasay wax is bideen)11 miyaanay haddaba arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ee ma iyagaa haddaba adkaan doona
Surah Al-Anbiya, Verse 44
قُلۡ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلۡوَحۡيِۚ وَلَا يَسۡمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ
Dheh waxaan uun idiinku digayaa waxyi (ka yimid Allaah). Oo kuwa dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo iyaga loo digo
Surah Al-Anbiya, Verse 45
وَلَئِن مَّسَّتۡهُمۡ نَفۡحَةٞ مِّنۡ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Oo haddii hur ka mid ah cadaabta Rabbigaa uu taaban lahaa, waxay hubaal odhan doonaan: Balo ha nagu dhacdee! Waxaan hubaal ahayn gar ma qaatayaal
Surah Al-Anbiya, Verse 46
وَنَضَعُ ٱلۡمَوَٰزِينَ ٱلۡقِسۡطَ لِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَلَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗاۖ وَإِن كَانَ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٍ أَتَيۡنَا بِهَاۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ
Oo Waxaanu dhigi doonnaa miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, marka nafna loolama dhaqmi doono si gardarro ah in yarba ha ahaatee, oo haddii ay ku tahay wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) (weliba) waanu keeni doonnaa. Oo Annagaa ku filan inaan idin xisaabinno
Surah Al-Anbiya, Verse 47
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلۡفُرۡقَانَ وَضِيَآءٗ وَذِكۡرٗا لِّلۡمُتَّقِينَ
Oo xaqiiq waxaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha)
Surah Al-Anbiya, Verse 48
ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشۡفِقُونَ
Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), oo iyagu13 aad uga cabsada Saacadda (Qiyaame)
Surah Al-Anbiya, Verse 49
وَهَٰذَا ذِكۡرٞ مُّبَارَكٌ أَنزَلۡنَٰهُۚ أَفَأَنتُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
Oo kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aan soo waxyoonnay, ee miyaad haddaba diidi doontaan
Surah Al-Anbiya, Verse 50
۞وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ إِبۡرَٰهِيمَ رُشۡدَهُۥ مِن قَبۡلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ
Oo xaqiiq waxaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 oo Waxaaanu u ogeyn si dhan oo wanaagsan
Surah Al-Anbiya, Verse 51
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِيٓ أَنتُمۡ لَهَا عَٰكِفُونَ
Markii uu ku yidhi aabbihii iyo dadkiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabuddaan)?”
Surah Al-Anbiya, Verse 52
قَالُواْ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ
Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
Surah Al-Anbiya, Verse 53
قَالَ لَقَدۡ كُنتُمۡ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
Wuxuu yidhi: “Xaqiiq waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.”
Surah Al-Anbiya, Verse 54
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا بِٱلۡحَقِّ أَمۡ أَنتَ مِنَ ٱللَّـٰعِبِينَ
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noo keentay xaq, mise adigu waxaad ka mid tahay ciyaartoyda?.”
Surah Al-Anbiya, Verse 55
قَالَ بَل رَّبُّكُمۡ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ
Wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan ifka u soo bixiyey, oo aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka markhaati kaca arrinkani
Surah Al-Anbiya, Verse 56
وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصۡنَٰمَكُم بَعۡدَ أَن تُوَلُّواْ مُدۡبِرِينَ
Oo Wallaahi, Waxaan hubaal u degi doonaa qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) sannammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan16?”
Surah Al-Anbiya, Verse 57
فَجَعَلَهُمۡ جُذَٰذًا إِلَّا كَبِيرٗا لَّهُمۡ لَعَلَّهُمۡ إِلَيۡهِ يَرۡجِعُونَ
Markaas buu ka dhigay digada (dhammaantood) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u soo noqdaan (oo ay weydiiyaan)
Surah Al-Anbiya, Verse 58
قَالُواْ مَن فَعَلَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَآ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi hubaal waa mid ka mid ah kuwa gefa?”
Surah Al-Anbiya, Verse 59
قَالُواْ سَمِعۡنَا فَتٗى يَذۡكُرُهُمۡ يُقَالُ لَهُۥٓ إِبۡرَٰهِيمُ
Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”
Surah Al-Anbiya, Verse 60
قَالُواْ فَأۡتُواْ بِهِۦ عَلَىٰٓ أَعۡيُنِ ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡهَدُونَ
Waxay yidhaahdeen: “Haddaba keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.”
Surah Al-Anbiya, Verse 61
قَالُوٓاْ ءَأَنتَ فَعَلۡتَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَا يَـٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow
Surah Al-Anbiya, Verse 62
قَالَ بَلۡ فَعَلَهُۥ كَبِيرُهُمۡ هَٰذَا فَسۡـَٔلُوهُمۡ إِن كَانُواْ يَنطِقُونَ
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Bal ’ waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee bal weydiiya haddii ay hadli karaan!”
Surah Al-Anbiya, Verse 63
فَرَجَعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ فَقَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ أَنتُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ
Markaas bay nafahoodii dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: “hubaal, idinka naf ahaantiinna baa ku jira gef.”
Surah Al-Anbiya, Verse 64
ثُمَّ نُكِسُواْ عَلَىٰ رُءُوسِهِمۡ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَا هَـٰٓؤُلَآءِ يَنطِقُونَ
Markaasaa laga yeelay inay madax hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad ogsoon tahay inayan kuwakani hadlin
Surah Al-Anbiya, Verse 65
قَالَ أَفَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يَضُرُّكُمۡ
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad haddaba caabuddaan Allaah sokadi waxaan waxba idin tarin waxbana idin yeelin
Surah Al-Anbiya, Verse 66
أُفّٖ لَّكُمۡ وَلِمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
“Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi. Miyeydaan haddaba garasho lahayn?”
Surah Al-Anbiya, Verse 67
قَالُواْ حَرِّقُوهُ وَٱنصُرُوٓاْ ءَالِهَتَكُمۡ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
Waxay yidhaahdeen: “Guba isaga oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad (wax) falaysaan.”
Surah Al-Anbiya, Verse 68
قُلۡنَا يَٰنَارُ كُونِي بَرۡدٗا وَسَلَٰمًا عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!”
Surah Al-Anbiya, Verse 69
وَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَخۡسَرِينَ
Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa ugu khasaaraha badan
Surah Al-Anbiya, Verse 70
وَنَجَّيۡنَٰهُ وَلُوطًا إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا لِلۡعَٰلَمِينَ
Oo Waxaan badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan
Surah Al-Anbiya, Verse 71
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ نَافِلَةٗۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا صَٰلِحِينَ
Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, oo mid walbaa waxaan ka dhignay dhammaan kuwo wanaagsan
Surah Al-Anbiya, Verse 72
وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِمۡ فِعۡلَ ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَإِقَامَ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءَ ٱلزَّكَوٰةِۖ وَكَانُواْ لَنَا عَٰبِدِينَ
Oo Waxaanu ka dhignay hoggaami- yeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, oo Waxaanu u waxyoonnay falidda khayraadka, iyo u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta sakada, Oo waxay ahaayeen kuwo Annaga na caabuda
Surah Al-Anbiya, Verse 73
وَلُوطًا ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗا وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِي كَانَت تَّعۡمَلُ ٱلۡخَبَـٰٓئِثَۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٖ فَٰسِقِينَ
Oo (ma) Luud, Waxaanu siinnay Xukun iyo cilmi, oo Waxaanu ka badbaadinnay magaaladii ahayd mid fasha xumaha20. Hubaal waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah
Surah Al-Anbiya, Verse 74
وَأَدۡخَلۡنَٰهُ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُۥ مِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada, hubaal wuxuu (Luud) ka mid ahaa inta wanaagsan
Surah Al-Anbiya, Verse 75
وَنُوحًا إِذۡ نَادَىٰ مِن قَبۡلُ فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
Oo Nuux, waa tii uu noo dhawaaqday kol hore21. Markaasaan ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii dadkiisii)
Surah Al-Anbiya, Verse 76
وَنَصَرۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٖ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ
Oo Waan uga gargaannay dadkii beeniyey Aayadahayaga, hubaal, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaantood
Surah Al-Anbiya, Verse 77
وَدَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ إِذۡ يَحۡكُمَانِ فِي ٱلۡحَرۡثِ إِذۡ نَفَشَتۡ فِيهِ غَنَمُ ٱلۡقَوۡمِ وَكُنَّا لِحُكۡمِهِمۡ شَٰهِدِينَ
Oo Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay adhi dad leeyihiin, oo Waxaanu ka aheyn garsoorkoodii goob joog
Surah Al-Anbiya, Verse 78
فَفَهَّمۡنَٰهَا سُلَيۡمَٰنَۚ وَكُلًّا ءَاتَيۡنَا حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَسَخَّرۡنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلۡجِبَالَ يُسَبِّحۡنَ وَٱلطَّيۡرَۚ وَكُنَّا فَٰعِلِينَ
Markaasaan fahansiinnay Sulaymaan, mid walbana oo ka mid ah waxaan siinnay xukun iyo cilmi, oo Waxaan ka yeelnay buuraha iyo shimbiraha inay Daawuud la qaadaan Alle amaanka. Oo Waa Annaga kuwa falay22 (waxaasi oo idil)
Surah Al-Anbiya, Verse 79
وَعَلَّمۡنَٰهُ صَنۡعَةَ لَبُوسٖ لَّكُمۡ لِتُحۡصِنَكُم مِّنۢ بَأۡسِكُمۡۖ فَهَلۡ أَنتُمۡ شَٰكِرُونَ
Oo Waxaanu barnay isaga sameynta jaakado bir ah aad leedihiin idinka si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin haddaba kuwa shurkri naqaya
Surah Al-Anbiya, Verse 80
وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ عَاصِفَةٗ تَجۡرِي بِأَمۡرِهِۦٓ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيۡءٍ عَٰلِمِينَ
Oo (waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay. Oo Waxaanu nahay kuwo wax walba Ogsoon
Surah Al-Anbiya, Verse 81
وَمِنَ ٱلشَّيَٰطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُۥ وَيَعۡمَلُونَ عَمَلٗا دُونَ ذَٰلِكَۖ وَكُنَّا لَهُمۡ حَٰفِظِينَ
Oo waxaa ka mid ahaa Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh) kuwo u quusa (badda), oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Oo Waa Annaga kuwa dhowrayey
Surah Al-Anbiya, Verse 82
۞وَأَيُّوبَ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَسَّنِيَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرۡحَمُ ٱلرَّـٰحِمِينَ
Oo Ayyuub, waa tii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Dhibaataa igu dhacday, oo Adigu waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
Surah Al-Anbiya, Verse 83
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَكَشَفۡنَا مَا بِهِۦ مِن ضُرّٖۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَذِكۡرَىٰ لِلۡعَٰبِدِينَ
Markaasaan ajiibnay, oo Waxaan ka feydnay dhibtii haysey, oo waxaan siinnay ehelkiisii (uu waayey), iyo in le’eg oo wehlisa,_ Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda
Surah Al-Anbiya, Verse 84
وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِدۡرِيسَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ كُلّٞ مِّنَ ٱلصَّـٰبِرِينَ
Oo Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, giddigood waxay ka mid ahaayeen kuwa samir yeesha
Surah Al-Anbiya, Verse 85
وَأَدۡخَلۡنَٰهُمۡ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada. Hubaal waxay ka mid ahaayeen inta wanaagsan
Surah Al-Anbiya, Verse 86
وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبٗا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقۡدِرَ عَلَيۡهِ فَنَادَىٰ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبۡحَٰنَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo (xus) saaxiibkii nibirigu (Yuunus) waa tii uu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, oo wuxuu mooday inaanan ku ciriiryi doonin (caloosha nibriga ama aan qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn. Adigaa Ceeb tiran, hubaal waxaan anigu ka mid ahay geflowyada
Surah Al-Anbiya, Verse 87
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡغَمِّۚ وَكَذَٰلِكَ نُـۨجِي ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, oo ka badbaadinnay murugadii. Oo sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta
Surah Al-Anbiya, Verse 88
وَزَكَرِيَّآ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرۡنِي فَرۡدٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡوَٰرِثِينَ
Oo Sakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! ha igu dhaafin keli, Oo Adigaa u Kheyr roon dhaxlayaasha.”
Surah Al-Anbiya, Verse 89
فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَوَهَبۡنَا لَهُۥ يَحۡيَىٰ وَأَصۡلَحۡنَا لَهُۥ زَوۡجَهُۥٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَيَدۡعُونَنَا رَغَبٗا وَرَهَبٗاۖ وَكَانُواْ لَنَا خَٰشِعِينَ
Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, oo u hagaajinnay xaaskiisii. hubaal, waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san)
Surah Al-Anbiya, Verse 90
وَٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلۡنَٰهَا وَٱبۡنَهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Iyo tii xafidday jirkeeda (Maryam), markaasaan ku afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda) Ruuxayaga (Jibriil), Oo Waxaan uga dhignay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka
Surah Al-Anbiya, Verse 91
إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُونِ
Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Aniga oo keliya)
Surah Al-Anbiya, Verse 92
وَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡۖ كُلٌّ إِلَيۡنَا رَٰجِعُونَ
Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayaga bay giddi u soo wada noqon doonaan
Surah Al-Anbiya, Verse 93
فَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَلَا كُفۡرَانَ لِسَعۡيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَٰتِبُونَ
Ee mid kastoo samo fala isagoo mu’miin ah, lama burin doono ajarka dadaalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa
Surah Al-Anbiya, Verse 94
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآ أَنَّهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ
Oo Waa wax saaran magaalo kasta aan halaagno inayan dib u soo laaban doonin
Surah Al-Anbiya, Verse 95
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتۡ يَأۡجُوجُ وَمَأۡجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٖ يَنسِلُونَ
Xitaa marka Yuug iyo Yamaayuug laga soo furo (moos xirkii), oo waxay ka soo dhici doonaan taag walba si degdeg ah
Surah Al-Anbiya, Verse 96
وَٱقۡتَرَبَ ٱلۡوَعۡدُ ٱلۡحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَٰخِصَةٌ أَبۡصَٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَٰوَيۡلَنَا قَدۡ كُنَّا فِي غَفۡلَةٖ مِّنۡ هَٰذَا بَلۡ كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Oo Yabooha Xaqa ah wuu soo dhowaan doonaa. Mise markaa, waxaad arki doontaa indhaha kuwii Xaqa diiday oo dhaygagsan. (Waxay odhan doonaan)” Alla balo ha nagu dhacdee! Hubaal waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani;bal waxaanu aheyn kuwo gefsan
Surah Al-Anbiya, Verse 97
إِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمۡ لَهَا وَٰرِدُونَ
Hubaal Idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan shidaalka Naarta, xaggeeda baad idinku geli doontaan
Surah Al-Anbiya, Verse 98
لَوۡ كَانَ هَـٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةٗ مَّا وَرَدُوهَاۖ وَكُلّٞ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Haddii ay kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen halkaa (Naarta), oo kulligood waa ay ku waari doonaan
Surah Al-Anbiya, Verse 99
لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٞ وَهُمۡ فِيهَا لَا يَسۡمَعُونَ
Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan
Surah Al-Anbiya, Verse 100
إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتۡ لَهُم مِّنَّا ٱلۡحُسۡنَىٰٓ أُوْلَـٰٓئِكَ عَنۡهَا مُبۡعَدُونَ
Hubaal, (ma) kuwa ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda waa laga fogeyn doonaa
Surah Al-Anbiya, Verse 101
لَا يَسۡمَعُونَ حَسِيسَهَاۖ وَهُمۡ فِي مَا ٱشۡتَهَتۡ أَنفُسُهُمۡ خَٰلِدُونَ
Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waari doona wixii ay nafahooda rabaan
Surah Al-Anbiya, Verse 102
لَا يَحۡزُنُهُمُ ٱلۡفَزَعُ ٱلۡأَكۡبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ هَٰذَا يَوۡمُكُمُ ٱلَّذِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamaha) ma murugo gelin doono, oo malaa’iguhu waxay ku soo dhoweyn doonaan (salaan iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay
Surah Al-Anbiya, Verse 103
يَوۡمَ نَطۡوِي ٱلسَّمَآءَ كَطَيِّ ٱلسِّجِلِّ لِلۡكُتُبِۚ كَمَا بَدَأۡنَآ أَوَّلَ خَلۡقٖ نُّعِيدُهُۥۚ وَعۡدًا عَلَيۡنَآۚ إِنَّا كُنَّا فَٰعِلِينَ
Maalinta aan u duubi doonno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sida aan u billownay abuuriddii hore, baan ku soo celin doonnaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali doonnaa
Surah Al-Anbiya, Verse 104
وَلَقَدۡ كَتَبۡنَا فِي ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعۡدِ ٱلذِّكۡرِ أَنَّ ٱلۡأَرۡضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ ٱلصَّـٰلِحُونَ
Oo xaqiiq Waxaan ku qornay Zabuurka30 (kutubta Ilaahay) kaddib (markii aan horay ugu ) xusnay Dikirka31, in arlada (Jannada) ay dhaxli doonaan addoomahyaga wanaagsan
Surah Al-Anbiya, Verse 105
إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَٰغٗا لِّقَوۡمٍ عَٰبِدِينَ
Hubaal, Kan gudahiisa waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda
Surah Al-Anbiya, Verse 106
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا رَحۡمَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka
Surah Al-Anbiya, Verse 107
قُلۡ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ
Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya, ee ma u hoggaansami doontaanaan?”
Surah Al-Anbiya, Verse 108
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ ءَاذَنتُكُمۡ عَلَىٰ سَوَآءٖۖ وَإِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٞ مَّا تُوعَدُونَ
Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Oo ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
Surah Al-Anbiya, Verse 109
إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡتُمُونَ
Hubaal Wuxuu Isagu og yahay hadalka kii kor loo qaado, oo wuxuu Og yahay waxa aad qarisaanba
Surah Al-Anbiya, Verse 110
وَإِنۡ أَدۡرِي لَعَلَّهُۥ فِتۡنَةٞ لَّكُمۡ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ
Oo ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda ciqaabtu) iyo raaxo ku eg ilaa muddo
Surah Al-Anbiya, Verse 111
قَٰلَ رَبِّ ٱحۡكُم بِٱلۡحَقِّۗ وَرَبُّنَا ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ku xukun xaq. Oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegtaan
Surah Al-Anbiya, Verse 112