Surah Al-Hajj Verse 30 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Hajjذَٰلِكَۖ وَمَن يُعَظِّمۡ حُرُمَٰتِ ٱللَّهِ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّهُۥ عِندَ رَبِّهِۦۗ وَأُحِلَّتۡ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡۖ فَٱجۡتَنِبُواْ ٱلرِّجۡسَ مِنَ ٱلۡأَوۡثَٰنِ وَٱجۡتَنِبُواْ قَوۡلَ ٱلزُّورِ
Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya waxyaalaha uu reebay Allaah8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Oo waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, oo ka fogaada hadalka beenta ah