Surah Al-Mumenoon - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
Liibanayaal xaqiiq waa mu’miniinta
Surah Al-Mumenoon, Verse 1
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ
Kuwa ku khushuuca salaadahooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 2
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ
Ee ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun (sooma oo salaada)
Surah Al-Mumenoon, Verse 3
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ
Ee ah kuwa bixiya sakada
Surah Al-Mumenoon, Verse 4
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
Ee ah kuwa ka ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah (galmo xaaraan ah)
Surah Al-Mumenoon, Verse 5
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
U taga uun (galmooda) afooyinkooda ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan1 markaa hubaal ma ah kuwo eed leh
Surah Al-Mumenoon, Verse 6
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
Kii kastoo se doona wax (galmo) intaas dhaafsiisan, haddaba waa kuwaas xad gudbayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 7
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
Ee ah kuwaa ammaanooyinkooda iyo axdiyadooda dhowra
Surah Al-Mumenoon, Verse 8
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
Ee iyagu xafida salaadahooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 9
أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
Waa kuwan dhaxlayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 10
ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Ee dhaxli doona Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waari doonaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 11
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ
Oo xaqiiq Waxaanu ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo
Surah Al-Mumenoon, Verse 12
ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ
Haddana Waxaan ka sameynay iniin yar ku sugan gunta meel aamin ah (riximka)
Surah Al-Mumenoon, Verse 13
ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ
Markaas waxaan ka dhignay iniintii xinjir, oo waxaan ka dhignay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, oo waxaan u sameynay cadkii hilibka lafo, oo waxaan huwinnay lafihii hilib, markaas waxaan ka unugnay abuur kale. Ee waxaa barako Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 14
ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ
Oo hubaal intaas kaddib, xaqiiq idinku waa dhiman doontaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 15
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ
Markaa hubaal, idinku Maalinta Qiyaamaha waa la idin soo bixin doonaa
Surah Al-Mumenoon, Verse 16
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ
Oo xaqiiq Waxaan yeelnay korkiinna toddoba samo, oo ma nahin marnaba kuwo moog waxa aan abuurnay
Surah Al-Mumenoon, Verse 17
وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَسۡكَنَّـٰهُ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابِۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ
Oo Waxaanu ka soo shubnay biyo xagga daruurta in qaddaran oo qiyaas ah, oo dhignay dhulka, oo hubaal waan Karnaa inaan la tagno
Surah Al-Mumenoon, Verse 18
فَأَنشَأۡنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّـٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ لَّكُمۡ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
Oo waxaan idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 19
وَشَجَرَةٗ تَخۡرُجُ مِن طُورِ سَيۡنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهۡنِ وَصِبۡغٖ لِّلۡأٓكِلِينَ
Iyo geed ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar (zaytuun) kuwaa cuna
Surah Al-Mumenoon, Verse 20
وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha xaqiiq cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo iyagana wax ayaad ka cuntaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 21
وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ
Oo dushooda iyo doonyaha korkooda waa la idinku rar qaadaa
Surah Al-Mumenoon, Verse 22
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dadkiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Dadkeygiiyow! Caabuda Allaah. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, ee miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)
Surah Al-Mumenoon, Verse 23
فَقَالَ ٱلۡمَلَؤُاْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيۡكُمۡ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةٗ مَّا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ
Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, oo raba inuu idin ka sare maro, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore
Surah Al-Mumenoon, Verse 24
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلُۢ بِهِۦ جِنَّةٞ فَتَرَبَّصُواْ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٖ
Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin waalli qaba, ee u sabra in muddo ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 25
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”
Surah Al-Mumenoon, Verse 26
فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ أَنِ ٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ فَٱسۡلُكۡ فِيهَا مِن كُلّٖ زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَأَهۡلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيۡهِ ٱلۡقَوۡلُ مِنۡهُمۡۖ وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ
Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, ee markuu Amarkayagu yimaado, oo togga biyo soo fataho, ku qaad doonnida noole walba lammaanki (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday, aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, oo ha igala hadlin (arrinka) kuwaa gar ma qaatayaasha ah, hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono
Surah Al-Mumenoon, Verse 27
فَإِذَا ٱسۡتَوَيۡتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلۡفُلۡكِ فَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Ee markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda gar ma qaatayaasha ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 28
وَقُل رَّبِّ أَنزِلۡنِي مُنزَلٗا مُّبَارَكٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ
Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degmo barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa”
Surah Al-Mumenoon, Verse 29
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ وَإِن كُنَّا لَمُبۡتَلِينَ
Hubaal, Arrinkani waxaa ku sugan calaamooyin oo Annagu Waxaanu nahay abad kuwa imtixaama (dadka)
Surah Al-Mumenoon, Verse 30
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ
Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale
Surah Al-Mumenoon, Verse 31
فَأَرۡسَلۡنَا فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Oo Waxaanu u soo dirnay dhexdood Rasuul4 (Nabi Huud) iyaga ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyey- daan haddaba ka joogeyn (xumaha)
Surah Al-Mumenoon, Verse 32
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَتۡرَفۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يَأۡكُلُ مِمَّا تَأۡكُلُونَ مِنۡهُ وَيَشۡرَبُ مِمَّا تَشۡرَبُونَ
Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisa ee rumeyn diiday (Xaqa) ee beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah. cunaya wax ka mid ah waxa aad cuntaan, oo cabbaya wax ka mid ah waxa aad cabtaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 33
وَلَئِنۡ أَطَعۡتُم بَشَرٗا مِّثۡلَكُمۡ إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
“Oo haddii aad adeecdaan Aadmi idin la mid ah, markaa hubaal waxaad ahaaneysaan xaqiiq khasaara qabayaal
Surah Al-Mumenoon, Verse 34
أَيَعِدُكُمۡ أَنَّكُمۡ إِذَا مِتُّمۡ وَكُنتُمۡ تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخۡرَجُونَ
“Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in markaa aad ahaan doontaan kuwo la soo bixiyo (nooleeyo mar kale)
Surah Al-Mumenoon, Verse 35
۞هَيۡهَاتَ هَيۡهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ
Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhici doonin)
Surah Al-Mumenoon, Verse 36
إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ
“Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! waan iska dhimannaa oo iska noolaannaa! Oo ma nala soo bixin doono (mar kale)
Surah Al-Mumenoon, Verse 37
إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا وَمَا نَحۡنُ لَهُۥ بِمُؤۡمِنِينَ
“Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Allaah, oo ma yeeleyno inaan rumeyno.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 38
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 39
قَالَ عَمَّا قَلِيلٖ لَّيُصۡبِحُنَّ نَٰدِمِينَ
(Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay hubaal ahaan doonaan kuwo ka shallaaya (waxa ay leeyihiin)
Surah Al-Mumenoon, Verse 40
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ بِٱلۡحَقِّ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ غُثَآءٗۚ فَبُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Markaasaa waxaa qabtay qarax si xaq ah, oo waxaan ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen dadka ah gar ma qaatayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 41
ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قُرُونًا ءَاخَرِينَ
Markaa Waxaan soo saarnay iyaga kadambow facyo kale
Surah Al-Mumenoon, Verse 42
مَا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta
Surah Al-Mumenoon, Verse 43
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا تَتۡرَاۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةٗ رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُۖ فَأَتۡبَعۡنَا بَعۡضَهُم بَعۡضٗا وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَۚ فَبُعۡدٗا لِّقَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ
Markaas Waxaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kasta oo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu waa ay beeniyaan, kolkaas baan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale, oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhacaan qolodii (Xaqa) rumeysan diida
Surah Al-Mumenoon, Verse 44
ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad
Surah Al-Mumenoon, Verse 45
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمًا عَالِينَ
Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, oo waxay ahaayeen qolo isla sarreeya
Surah Al-Mumenoon, Verse 46
فَقَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لِبَشَرَيۡنِ مِثۡلِنَا وَقَوۡمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ
Markaasay waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeysan labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 47
فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡلَكِينَ
Markaas bay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la rogay
Surah Al-Mumenoon, Verse 48
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 49
وَجَعَلۡنَا ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةٗ وَءَاوَيۡنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبۡوَةٖ ذَاتِ قَرَارٖ وَمَعِينٖ
Oo Waxaan ka dhignay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad, oo waxaanu ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo ilo biyo socda leh
Surah Al-Mumenoon, Verse 50
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُواْ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ
(idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Hubaal waan ogahay waxa aad fashaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 51
وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱتَّقُونِ
Oo hubaal, Tani diintiinna ah ( Islaamka) waa diin mid keliya ah. oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilka aan idin saaray oo ka fogaada xumaha)
Surah Al-Mumenoon, Verse 52
فَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ زُبُرٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ
Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxa ay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin
Surah Al-Mumenoon, Verse 53
فَذَرۡهُمۡ فِي غَمۡرَتِهِمۡ حَتَّىٰ حِينٍ
Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo
Surah Al-Mumenoon, Verse 54
أَيَحۡسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٖ وَبَنِينَ
Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 55
نُسَارِعُ لَهُمۡ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ بَل لَّا يَشۡعُرُونَ
Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? balse ma dareensana
Surah Al-Mumenoon, Verse 56
إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ خَشۡيَةِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ
Hubaal, kuwa iyagu ay cabsida Rabbigood ku weyn tahay
Surah Al-Mumenoon, Verse 57
وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
Ee iyagu ah kuwa rumeysan Aayadaha Rabbigood
Surah Al-Mumenoon, Verse 58
وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمۡ لَا يُشۡرِكُونَ
Ee ah kuwaa aan cid kale wax la wadaajin Rabbigood
Surah Al-Mumenoon, Verse 59
وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ
Ee ah kuwa bixiya waxa ay bixiyaan (oo sadaqo ah), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon doonaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 60
أُوْلَـٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَهُمۡ لَهَا سَٰبِقُونَ
Kuwani weeye kuwa u degdega khayrka, ee iyagu u dheereeya
Surah Al-Mumenoon, Verse 61
وَلَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ وَلَدَيۡنَا كِتَٰبٞ يَنطِقُ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
Oo ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, oo Waxaa agtannada ah Kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan loo gefi doonin
Surah Al-Mumenoon, Verse 62
بَلۡ قُلُوبُهُمۡ فِي غَمۡرَةٖ مِّنۡ هَٰذَا وَلَهُمۡ أَعۡمَٰلٞ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمۡ لَهَا عَٰمِلُونَ
Mayee’ quluubtooda waxay kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), oo waxay leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 63
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذۡنَا مُتۡرَفِيهِم بِٱلۡعَذَابِ إِذَا هُمۡ يَجۡـَٔرُونَ
Jeer marka aan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab10, markaas bay calaacalaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 64
لَا تَجۡـَٔرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ
Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggaygaga laydiin kama gargaaro’e
Surah Al-Mumenoon, Verse 65
قَدۡ كَانَتۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ تَنكِصُونَ
Xaqiiq Aayadahaygii baa la idiin akhriyey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna
Surah Al-Mumenoon, Verse 66
مُسۡتَكۡبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرٗا تَهۡجُرُونَ
isla weyni darteed, hadal xun ka sheegaya11 (Qur’aanka) idinkoo ka tagaya sida kan ku caaweeya waxaan qiimo lahayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 67
أَفَلَمۡ يَدَّبَّرُواْ ٱلۡقَوۡلَ أَمۡ جَآءَهُم مَّا لَمۡ يَأۡتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Miyaanay haddaba u fiirsan Qowlka, mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore
Surah Al-Mumenoon, Verse 68
أَمۡ لَمۡ يَعۡرِفُواْ رَسُولَهُمۡ فَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 69
أَمۡ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةُۢۚ بَلۡ جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ وَأَكۡثَرُهُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ
Mise waxay leeyihiin: “waalli buu qabaa?” mayee, wuxuu u keenay Xaq, oo badankoodu waxay diiddan yihiin Xaqa
Surah Al-Mumenoon, Verse 70
وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلۡحَقُّ أَهۡوَآءَهُمۡ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِذِكۡرِهِمۡ فَهُمۡ عَن ذِكۡرِهِم مُّعۡرِضُونَ
Oo haddii uu Xaqu raaci lahaa waxa (xun) ay iyagu rabaan, hubaal samooyinka iyo arlada iyo wax walba oo ku jiraaba way baabba’i lahaayeen. Mayee! waxaan u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 71
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ خَرۡجٗا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيۡرٞۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰزِقِينَ
Mise waxaad adigu weydiisataa kharash? Kharashka Rabbigaa baa se kheyr badan, oo waa Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa
Surah Al-Mumenoon, Verse 72
وَإِنَّكَ لَتَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
Oo hubaal adigu waxaad xaqiiq ugu yeertaa Jid Toosan
Surah Al-Mumenoon, Verse 73
وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ
Oo hubaal kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa kuwo Jidka xaqiiq ka iisha
Surah Al-Mumenoon, Verse 74
۞وَلَوۡ رَحِمۡنَٰهُمۡ وَكَشَفۡنَا مَا بِهِم مِّن ضُرّٖ لَّلَجُّواْ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya ee dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda, iyagoo indha la’aan ku wareegeysta
Surah Al-Mumenoon, Verse 75
وَلَقَدۡ أَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ فَمَا ٱسۡتَكَانُواْ لِرَبِّهِمۡ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ
Oo Waxaan horay ugu qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, oo ma khushuucin nafahooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 76
حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا ذَا عَذَابٖ شَدِيدٍ إِذَا هُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ
Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaas bay ku dhex quustaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 77
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
Oo Isaga (Allaah) weeye Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad shukri naqdaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 78
وَهُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
Oo Isaga weeye Kan idinku fidiyey dhulka, oo Xaggiisa ayaa la idiin soo kulmin doonaa
Surah Al-Mumenoon, Verse 79
وَهُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخۡتِلَٰفُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Oo Isaga weeye Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (maareynta) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 80
بَلۡ قَالُواْ مِثۡلَ مَا قَالَ ٱلۡأَوَّلُونَ
Mayee’ waxay yidhaahdaan wax la mid ah wixii ay dadkii hore yidhaahdeen
Surah Al-Mumenoon, Verse 81
قَالُوٓاْ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
Waxay yidhaahdaan: “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin doonaa
Surah Al-Mumenoon, Verse 82
لَقَدۡ وُعِدۡنَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
“Xaqiiq, waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kanina ma aha waxaan ahayn sheeko xariirtii dadkii hore
Surah Al-Mumenoon, Verse 83
قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Dheh “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddii aad garaneysaan?!’’
Surah Al-Mumenoon, Verse 84
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Waxay odhan doonaan: "Allaah!” Dheh: “Ee Miyaydaan haddaba waansameyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 85
قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ
Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 86
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ
Waxay odhan doonaan: “Allaah.” Dheh: Ee miyeydaan iska jireyn cadaabtiisa
Surah Al-Mumenoon, Verse 87
قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Dheh: “Kuma bay Gacantiisa ku jiraan mulkiga wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddii aad garanaysaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 88
سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ
Waxay odhan doonaan: "Allaah". Dheh: “Haddaba xaggee baa la idiin sixray?”
Surah Al-Mumenoon, Verse 89
بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
Balse waxaan u keennay Xaq, oo hubaal iyagu xaqiiq waa beenalayaal
Surah Al-Mumenoon, Verse 90
مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٖ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنۡ إِلَٰهٍۚ إِذٗا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهِۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
Marnaba Allaah ma yeelan wiil, oo marnaba ma ahaan la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu hubaal la tagi lahaa ilaah walba waxa uu abuuray, oo qaarkood waxay hubaal ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah oo waa ka Sarreeyaa waxyaalaha ay tilmaamaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 91
عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba! Ee Wuu ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)
Surah Al-Mumenoon, Verse 92
قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ
Dheh: Rabbiyow! Haddii aad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabta)
Surah Al-Mumenoon, Verse 93
رَبِّ فَلَا تَجۡعَلۡنِي فِي ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Rabbiyow! Markaa ha iga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 94
وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمۡ لَقَٰدِرُونَ
Oo hubaal Annagu inaan ku tusno waxa aan ugu gooddinno xaqiiq waan Awoodnaa
Surah Al-Mumenoon, Verse 95
ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ ٱلسَّيِّئَةَۚ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَصِفُونَ
Ee ku tir xumaanta sida iyadu u wanaagsan, Annaga baa ogsoon waxa ay tilmaamaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 96
وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنۡ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ
Oo dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan galyo weydiistaa waswaasinta shaydaammada
Surah Al-Mumenoon, Verse 97
وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحۡضُرُونِ
Oo waxaan kaa magan galyo weydiistaa Rabbiyow joogitaankooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 98
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ رَبِّ ٱرۡجِعُونِ
Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood, wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi
Surah Al-Mumenoon, Verse 99
لَعَلِّيٓ أَعۡمَلُ صَٰلِحٗا فِيمَا تَرَكۡتُۚ كَلَّآۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَاۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرۡزَخٌ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
Si aan ugu falo wanaag wixii aan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, oo waxa horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono
Surah Al-Mumenoon, Verse 100
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ
Ee marka la afuufo buunka, ma jiri doonto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma weydiin doonaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 101
فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
Ee ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan culus yihiin, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 102
وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فِي جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
Oo ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan ay khafiif yihiin _ kuwan weeye kuwa waayi doona nafahooda iyagoo Naarta ku dhex waari doona
Surah Al-Mumenoon, Verse 103
تَلۡفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمۡ فِيهَا كَٰلِحُونَ
Naartu waxay diiran doontaa wajiyadooda, iyagoo dhexdeeda ku sugnaan balaayo aad u daran
Surah Al-Mumenoon, Verse 104
أَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan diidi jirin.?”
Surah Al-Mumenoon, Verse 105
قَالُواْ رَبَّنَا غَلَبَتۡ عَلَيۡنَا شِقۡوَتُنَا وَكُنَّا قَوۡمٗا ضَآلِّينَ
Markaa waxay odhan doonaan: “Rabbiyow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, oo waxaanu aheyn qolo habowsan
Surah Al-Mumenoon, Verse 106
رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡهَا فَإِنۡ عُدۡنَا فَإِنَّا ظَٰلِمُونَ
Rabbiyow! Naga saar tani (Naarta); haddii aan mar kale u noqonno (xumaan), hubaal waxaanu nahay gar ma qaatayaal.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 107
قَالَ ٱخۡسَـُٔواْ فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ
(Allaah) Wuxuu odhan doonaa: Ku dullooba dhexdeeda, oo ha ila hadlina
Surah Al-Mumenoon, Verse 108
إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰحِمِينَ
Hubaal waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbiyow! waan Rumaysannahay ee noo dambi dhaaf, oo noo naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 109
فَٱتَّخَذۡتُمُوهُمۡ سِخۡرِيًّا حَتَّىٰٓ أَنسَوۡكُمۡ ذِكۡرِي وَكُنتُم مِّنۡهُمۡ تَضۡحَكُونَ
Waxaadse ka dhigateen dheel-dheel ilaa, ay idin illawsiiyeen Xusuddeydii, oo waadba ku qosli jirteen
Surah Al-Mumenoon, Verse 110
إِنِّي جَزَيۡتُهُمُ ٱلۡيَوۡمَ بِمَا صَبَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ
Hubaal Waxaan ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darteed, inay iyagu yihiin liibaanayaasha
Surah Al-Mumenoon, Verse 111
قَٰلَ كَمۡ لَبِثۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ عَدَدَ سِنِينَ
(Alle) wuxuu odhan doonaa: “Immisa sano baad joogteen arlada?”
Surah Al-Mumenoon, Verse 112
قَالُواْ لَبِثۡنَا يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٖ فَسۡـَٔلِ ٱلۡعَآدِّينَ
Waxay odhan doonaan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. balse weydii kuwo tiro yaqaanka ah.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 113
قَٰلَ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗاۖ لَّوۡ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddii aad ogaan lahaydeen
Surah Al-Mumenoon, Verse 114
أَفَحَسِبۡتُمۡ أَنَّمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ عَبَثٗا وَأَنَّكُمۡ إِلَيۡنَا لَا تُرۡجَعُونَ
Ma waxaad haddaba mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggagayaga la idiin soo celineyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 115
فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡكَرِيمِ
Ee waxaa Kor ah Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan
Surah Al-Mumenoon, Verse 116
وَمَن يَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ لَا بُرۡهَٰنَ لَهُۥ بِهِۦ فَإِنَّمَا حِسَابُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ
Oo mid kastoo barya Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaani doonaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 117
وَقُل رَّبِّ ٱغۡفِرۡ وَٱرۡحَمۡ وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰحِمِينَ
Oo dheh: Rabbiyow! Dambi dhaaf oo Naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”
Surah Al-Mumenoon, Verse 118