UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Mumenoon - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta
Surah Al-Mumenoon, Verse 1


ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ

Ah kuwa Salaaddooda ku Khushuuca
Surah Al-Mumenoon, Verse 2


وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ

Oo ah kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada
Surah Al-Mumenoon, Verse 3


وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ

Oo ah kuwa Fala Zakada «bixiya»
Surah Al-Mumenoon, Verse 4


وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya
Surah Al-Mumenoon, Verse 5


إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ

Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas
Surah Al-Mumenoon, Verse 6


فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ

Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal
Surah Al-Mumenoon, Verse 7


وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ

Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra
Surah Al-Mumenoon, Verse 8


وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمۡ يُحَافِظُونَ

waana kuwa Salaadda Ilaaliya
Surah Al-Mumenoon, Verse 9


أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡوَٰرِثُونَ

Kuwaasu waa kuwa Dhaxli
Surah Al-Mumenoon, Verse 10


ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡفِرۡدَوۡسَ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ

oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari
Surah Al-Mumenoon, Verse 11


وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن طِينٖ

Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo
Surah Al-Mumenoon, Verse 12


ثُمَّ جَعَلۡنَٰهُ نُطۡفَةٗ فِي قَرَارٖ مَّكِينٖ

Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan
Surah Al-Mumenoon, Verse 13


ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ

Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay
Surah Al-Mumenoon, Verse 14


ثُمَّ إِنَّكُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ

Markaas Idinku Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 15


ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تُبۡعَثُونَ

Markaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin
Surah Al-Mumenoon, Verse 16


وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا فَوۡقَكُمۡ سَبۡعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلۡخَلۡقِ غَٰفِلِينَ

Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan
Surah Al-Mumenoon, Verse 17


وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءَۢ بِقَدَرٖ فَأَسۡكَنَّـٰهُ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابِۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ

Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa
Surah Al-Mumenoon, Verse 18


فَأَنشَأۡنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّـٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ لَّكُمۡ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 19


وَشَجَرَةٗ تَخۡرُجُ مِن طُورِ سَيۡنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهۡنِ وَصِبۡغٖ لِّلۡأٓكِلِينَ

Iyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni
Surah Al-Mumenoon, Verse 20


وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهَا وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ كَثِيرَةٞ وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ

Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka Cuntaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 21


وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ

Korkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa
Surah Al-Mumenoon, Verse 22


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 23


فَقَالَ ٱلۡمَلَؤُاْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيۡكُمۡ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَـٰٓئِكَةٗ مَّا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ

Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey
Surah Al-Mumenoon, Verse 24


إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلُۢ بِهِۦ جِنَّةٞ فَتَرَبَّصُواْ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٖ

Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida
Surah Al-Mumenoon, Verse 25


قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ

Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 26


فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِ أَنِ ٱصۡنَعِ ٱلۡفُلۡكَ بِأَعۡيُنِنَا وَوَحۡيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ فَٱسۡلُكۡ فِيهَا مِن كُلّٖ زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَأَهۡلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيۡهِ ٱلۡقَوۡلُ مِنۡهُمۡۖ وَلَا تُخَٰطِبۡنِي فِي ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِنَّهُم مُّغۡرَقُونَ

Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne
Surah Al-Mumenoon, Verse 27


فَإِذَا ٱسۡتَوَيۡتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلۡفُلۡكِ فَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 28


وَقُل رَّبِّ أَنزِلۡنِي مُنزَلٗا مُّبَارَكٗا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ

Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee
Surah Al-Mumenoon, Verse 29


إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ وَإِن كُنَّا لَمُبۡتَلِينَ

Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama
Surah Al-Mumenoon, Verse 30


ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ

Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale
Surah Al-Mumenoon, Verse 31


فَأَرۡسَلۡنَا فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡهُمۡ أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 32


وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَتۡرَفۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يَأۡكُلُ مِمَّا تَأۡكُلُونَ مِنۡهُ وَيَشۡرَبُ مِمَّا تَشۡرَبُونَ

waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 33


وَلَئِنۡ أَطَعۡتُم بَشَرٗا مِّثۡلَكُمۡ إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ

Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen
Surah Al-Mumenoon, Verse 34


أَيَعِدُكُمۡ أَنَّكُمۡ إِذَا مِتُّمۡ وَكُنتُمۡ تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخۡرَجُونَ

ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin soo Boxin
Surah Al-Mumenoon, Verse 35


۞هَيۡهَاتَ هَيۡهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ

Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa laydinku Goodin
Surah Al-Mumenoon, Verse 36


إِنۡ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنۡيَا نَمُوتُ وَنَحۡيَا وَمَا نَحۡنُ بِمَبۡعُوثِينَ

Ma aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin
Surah Al-Mumenoon, Verse 37


إِنۡ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا وَمَا نَحۡنُ لَهُۥ بِمُؤۡمِنِينَ

Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 38


قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي بِمَا كَذَّبُونِ

Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 39


قَالَ عَمَّا قَلِيلٖ لَّيُصۡبِحُنَّ نَٰدِمِينَ

Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda
Surah Al-Mumenoon, Verse 40


فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ بِٱلۡحَقِّ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ غُثَآءٗۚ فَبُعۡدٗا لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta
Surah Al-Mumenoon, Verse 41


ثُمَّ أَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قُرُونًا ءَاخَرِينَ

Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale
Surah Al-Mumenoon, Verse 42


مَا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ

Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto
Surah Al-Mumenoon, Verse 43


ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا رُسُلَنَا تَتۡرَاۖ كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةٗ رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُۖ فَأَتۡبَعۡنَا بَعۡضَهُم بَعۡضٗا وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَۚ فَبُعۡدٗا لِّقَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ

Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn
Surah Al-Mumenoon, Verse 44


ثُمَّ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ

Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad
Surah Al-Mumenoon, Verse 45


إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمًا عَالِينَ

Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya
Surah Al-Mumenoon, Verse 46


فَقَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لِبَشَرَيۡنِ مِثۡلِنَا وَقَوۡمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ

waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo
Surah Al-Mumenoon, Verse 47


فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡلَكِينَ

Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay
Surah Al-Mumenoon, Verse 48


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ

Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 49


وَجَعَلۡنَا ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةٗ وَءَاوَيۡنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبۡوَةٖ ذَاتِ قَرَارٖ وَمَعِينٖ

Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh
Surah Al-Mumenoon, Verse 50


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُواْ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ

Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye
Surah Al-Mumenoon, Verse 51


وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱتَّقُونِ

Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada
Surah Al-Mumenoon, Verse 52


فَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡ زُبُرٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ

Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin
Surah Al-Mumenoon, Verse 53


فَذَرۡهُمۡ فِي غَمۡرَتِهِمۡ حَتَّىٰ حِينٍ

ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo
Surah Al-Mumenoon, Verse 54


أَيَحۡسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٖ وَبَنِينَ

ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 55


نُسَارِعُ لَهُمۡ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ بَل لَّا يَشۡعُرُونَ

Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga
Surah Al-Mumenoon, Verse 56


إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ خَشۡيَةِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ

kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid
Surah Al-Mumenoon, Verse 57


وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ

kuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya
Surah Al-Mumenoon, Verse 58


وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمۡ لَا يُشۡرِكُونَ

kuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin
Surah Al-Mumenoon, Verse 59


وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ

kuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon
Surah Al-Mumenoon, Verse 60


أُوْلَـٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَهُمۡ لَهَا سَٰبِقُونَ

Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay
Surah Al-Mumenoon, Verse 61


وَلَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ وَلَدَيۡنَا كِتَٰبٞ يَنطِقُ بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana
Surah Al-Mumenoon, Verse 62


بَلۡ قُلُوبُهُمۡ فِي غَمۡرَةٖ مِّنۡ هَٰذَا وَلَهُمۡ أَعۡمَٰلٞ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمۡ لَهَا عَٰمِلُونَ

waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali
Surah Al-Mumenoon, Verse 63


حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذۡنَا مُتۡرَفِيهِم بِٱلۡعَذَابِ إِذَا هُمۡ يَجۡـَٔرُونَ

Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 64


لَا تَجۡـَٔرُواْ ٱلۡيَوۡمَۖ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ

(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree
Surah Al-Mumenoon, Verse 65


قَدۡ كَانَتۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ تَنكِصُونَ

Waxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida)
Surah Al-Mumenoon, Verse 66


مُسۡتَكۡبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرٗا تَهۡجُرُونَ

Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal Xun
Surah Al-Mumenoon, Verse 67


أَفَلَمۡ يَدَّبَّرُواْ ٱلۡقَوۡلَ أَمۡ جَآءَهُم مَّا لَمۡ يَأۡتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore
Surah Al-Mumenoon, Verse 68


أَمۡ لَمۡ يَعۡرِفُواْ رَسُولَهُمۡ فَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ

Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi
Surah Al-Mumenoon, Verse 69


أَمۡ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةُۢۚ بَلۡ جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ وَأَكۡثَرُهُمۡ لِلۡحَقِّ كَٰرِهُونَ

Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici
Surah Al-Mumenoon, Verse 70


وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلۡحَقُّ أَهۡوَآءَهُمۡ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِذِكۡرِهِمۡ فَهُمۡ عَن ذِكۡرِهِم مُّعۡرِضُونَ

Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka
Surah Al-Mumenoon, Verse 71


أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ خَرۡجٗا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيۡرٞۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰزِقِينَ

Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe
Surah Al-Mumenoon, Verse 72


وَإِنَّكَ لَتَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Adiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan
Surah Al-Mumenoon, Verse 73


وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ

Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan
Surah Al-Mumenoon, Verse 74


۞وَلَوۡ رَحِمۡنَٰهُمۡ وَكَشَفۡنَا مَا بِهِم مِّن ضُرّٖ لَّلَجُّواْ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ

Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la
Surah Al-Mumenoon, Verse 75


وَلَقَدۡ أَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ فَمَا ٱسۡتَكَانُواْ لِرَبِّهِمۡ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ

Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin
Surah Al-Mumenoon, Verse 76


حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا ذَا عَذَابٖ شَدِيدٍ إِذَا هُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ

Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 77


وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ

Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe)
Surah Al-Mumenoon, Verse 78


وَهُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

Eebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina
Surah Al-Mumenoon, Verse 79


وَهُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخۡتِلَٰفُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 80


بَلۡ قَالُواْ مِثۡلَ مَا قَالَ ٱلۡأَوَّلُونَ

Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii)
Surah Al-Mumenoon, Verse 81


قَالُوٓاْ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin
Surah Al-Mumenoon, Verse 82


لَقَدۡ وُعِدۡنَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 83


قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin
Surah Al-Mumenoon, Verse 84


سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 85


قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ

Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 86


سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 87


قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin
Surah Al-Mumenoon, Verse 88


سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ

Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri
Surah Al-Mumenoon, Verse 89


بَلۡ أَتَيۡنَٰهُم بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ

Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal
Surah Al-Mumenoon, Verse 90


مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٖ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنۡ إِلَٰهٍۚ إِذٗا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهِۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami
Surah Al-Mumenoon, Verse 91


عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin
Surah Al-Mumenoon, Verse 92


قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّي مَا يُوعَدُونَ

Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay
Surah Al-Mumenoon, Verse 93


رَبِّ فَلَا تَجۡعَلۡنِي فِي ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 94


وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمۡ لَقَٰدِرُونَ

Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa
Surah Al-Mumenoon, Verse 95


ٱدۡفَعۡ بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ ٱلسَّيِّئَةَۚ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَصِفُونَ

ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi)
Surah Al-Mumenoon, Verse 96


وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنۡ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ

Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta
Surah Al-Mumenoon, Verse 97


وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحۡضُرُونِ

Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu
Surah Al-Mumenoon, Verse 98


حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ رَبِّ ٱرۡجِعُونِ

Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya
Surah Al-Mumenoon, Verse 99


لَعَلِّيٓ أَعۡمَلُ صَٰلِحٗا فِيمَا تَرَكۡتُۚ كَلَّآۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَاۖ وَمِن وَرَآئِهِم بَرۡزَخٌ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ

Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin
Surah Al-Mumenoon, Verse 100


فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ

Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan
Surah Al-Mumenoon, Verse 101


فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay
Surah Al-Mumenoon, Verse 102


وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فِي جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ

Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari
Surah Al-Mumenoon, Verse 103


تَلۡفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمۡ فِيهَا كَٰلِحُونَ

Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran
Surah Al-Mumenoon, Verse 104


أَلَمۡ تَكُنۡ ءَايَٰتِي تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen
Surah Al-Mumenoon, Verse 105


قَالُواْ رَبَّنَا غَلَبَتۡ عَلَيۡنَا شِقۡوَتُنَا وَكُنَّا قَوۡمٗا ضَآلِّينَ

Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar Dhunsan
Surah Al-Mumenoon, Verse 106


رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡهَا فَإِنۡ عُدۡنَا فَإِنَّا ظَٰلِمُونَ

Eebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah
Surah Al-Mumenoon, Verse 107


قَالَ ٱخۡسَـُٔواْ فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ

Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina
Surah Al-Mumenoon, Verse 108


إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡ عِبَادِي يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰحِمِينَ

Waxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone
Surah Al-Mumenoon, Verse 109


فَٱتَّخَذۡتُمُوهُمۡ سِخۡرِيًّا حَتَّىٰٓ أَنسَوۡكُمۡ ذِكۡرِي وَكُنتُم مِّنۡهُمۡ تَضۡحَكُونَ

Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna Qoslayseen
Surah Al-Mumenoon, Verse 110


إِنِّي جَزَيۡتُهُمُ ٱلۡيَوۡمَ بِمَا صَبَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ

Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay
Surah Al-Mumenoon, Verse 111


قَٰلَ كَمۡ لَبِثۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ عَدَدَ سِنِينَ

Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka
Surah Al-Mumenoon, Verse 112


قَالُواْ لَبِثۡنَا يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٖ فَسۡـَٔلِ ٱلۡعَآدِّينَ

Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya «Malaa'gta»
Surah Al-Mumenoon, Verse 113


قَٰلَ إِن لَّبِثۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗاۖ لَّوۡ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin
Surah Al-Mumenoon, Verse 114


أَفَحَسِبۡتُمۡ أَنَّمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ عَبَثٗا وَأَنَّكُمۡ إِلَيۡنَا لَا تُرۡجَعُونَ

ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn
Surah Al-Mumenoon, Verse 115


فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡحَقُّۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡكَرِيمِ

Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh
Surah Al-Mumenoon, Verse 116


وَمَن يَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ لَا بُرۡهَٰنَ لَهُۥ بِهِۦ فَإِنَّمَا حِسَابُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ

Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo
Surah Al-Mumenoon, Verse 117


وَقُل رَّبِّ ٱغۡفِرۡ وَٱرۡحَمۡ وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰحِمِينَ

Waxaad Dhahdaa Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone
Surah Al-Mumenoon, Verse 118


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 22
>> Surah 24

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai