Surah An-Noor Verse 62 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Noorإِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَإِذَا كَانُواْ مَعَهُۥ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ جَامِعٖ لَّمۡ يَذۡهَبُواْ حَتَّىٰ يَسۡتَـٔۡذِنُوهُۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَـٔۡذِنُونَكَ أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ فَإِذَا ٱسۡتَـٔۡذَنُوكَ لِبَعۡضِ شَأۡنِهِمۡ فَأۡذَن لِّمَن شِئۡتَ مِنۡهُمۡ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمُ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
Waxaa oo keliya mu’miniin ah kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa, oo marka ay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tagin jeer ay idan qaataan. Hubaal! kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. Ee haddii ay idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, oo uga bari dambi dhaaf Allaah. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan