Surah An-Noor Verse 61 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah An-Noorلَّيۡسَ عَلَى ٱلۡأَعۡمَىٰ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡأَعۡرَجِ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرِيضِ حَرَجٞ وَلَا عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ أَن تَأۡكُلُواْ مِنۢ بُيُوتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ ءَابَآئِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أُمَّهَٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ إِخۡوَٰنِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَخَوَٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَعۡمَٰمِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ عَمَّـٰتِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ أَخۡوَٰلِكُمۡ أَوۡ بُيُوتِ خَٰلَٰتِكُمۡ أَوۡ مَا مَلَكۡتُم مَّفَاتِحَهُۥٓ أَوۡ صَدِيقِكُمۡۚ لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَأۡكُلُواْ جَمِيعًا أَوۡ أَشۡتَاتٗاۚ فَإِذَا دَخَلۡتُم بُيُوتٗا فَسَلِّمُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ تَحِيَّةٗ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُبَٰرَكَةٗ طَيِّبَةٗۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
Ma saarna dhib Indhoolaha, oo ma saarna dhib laan garaha, oo ma saarna dhib bukaan qabka, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxa aad hanataan furayaashooda35, ama (guryaha) saaxiibkiin, oo idinkuma saarna dambi haddii aad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Haddaba marka aad galeysaan guryaha, ku salaamo dadkiinna salaan xagga Ilaahay ah, barakaysan (oo) wanaagsan36. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan