UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Al-Furqan - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


تَبَارَكَ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡفُرۡقَانَ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦ لِيَكُونَ لِلۡعَٰلَمِينَ نَذِيرًا

Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Allaah ee) ku soo dejiyey Furqaanka addoonkiisa si ugu noqdo caalamka dige
Surah Al-Furqan, Verse 1


ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖ فَقَدَّرَهُۥ تَقۡدِيرٗا

Kan (Allaah ee) iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo aan yeelan dhallaan oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Boqortooyada. Ee abuuray wax walba, markaas u qaddaray qaddar
Surah Al-Furqan, Verse 2


وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗ لَّا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ وَلَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا وَلَا يَمۡلِكُونَ مَوۡتٗا وَلَا حَيَوٰةٗ وَلَا نُشُورٗا

Oo waxay yeesheen sokadi ilaahyo aan waxba abuurin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo saaraan qabri iyagoo nool
Surah Al-Furqan, Verse 3


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٌ ٱفۡتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيۡهِ قَوۡمٌ ءَاخَرُونَۖ فَقَدۡ جَآءُو ظُلۡمٗا وَزُورٗا

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: “Waxakanu ma aha waxaan aheyn been uu isagu hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmayeen, marka dhab ahaan waxay geysteen gef oo ku hadleen been.”
Surah Al-Furqan, Verse 4


وَقَالُوٓاْ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٱكۡتَتَبَهَا فَهِيَ تُمۡلَىٰ عَلَيۡهِ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلٗا

Oo waxay yidhaahdaan: “Waa sheekooyinkii dadkii hore -- waa uu soo qortay, marka waa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba
Surah Al-Furqan, Verse 5


قُلۡ أَنزَلَهُ ٱلَّذِي يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا

Dheh: “Waxaa soo waxyooday Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxaris Badan
Surah Al-Furqan, Verse 6


وَقَالُواْ مَالِ هَٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأۡكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشِي فِي ٱلۡأَسۡوَاقِ لَوۡلَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مَلَكٞ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا

Oo waxay yidhaahdaan: “Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cunaa cuntada, oo uu u socdaa suuqyada (sidayada oo kale). maxaa malag loogu soo diri waayey ee ahaada mid la diga
Surah Al-Furqan, Verse 7


أَوۡ يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡهِ كَنزٌ أَوۡ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٞ يَأۡكُلُ مِنۡهَاۚ وَقَالَ ٱلظَّـٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلٗا مَّسۡحُورًا

“Ama (maxaa) loog soo rogi waayey khaznad samada (uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Oo geflowyada waxay yidhaahdeen: Ma raacaysaan waxaan aheyn nin sixran.”
Surah Al-Furqan, Verse 8


ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَٰلَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلٗا

Eeg waxa ay kugu shabbahaan tusaale ahaan, marka waa ay lumeen, sidaas awgeed ma ay kari doonaan inay helaan jid
Surah Al-Furqan, Verse 9


تَبَارَكَ ٱلَّذِيٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيۡرٗا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَيَجۡعَل لَّكَ قُصُورَۢا

Waxaa barako iyo khayr badan Kan Isagu, haddii uu doono ku siin doona wax ka khayr badan waxakan_Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, oo wuxuu ku siin doonaa daaro waaweyn
Surah Al-Furqan, Verse 10


بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلسَّاعَةِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا

Balse waxay beeniyaan Saacadda, oo waxaanu u diyaarinnay dab huraya kii isagu beeniya Saacadda (Qiyaame)
Surah Al-Furqan, Verse 11


إِذَا رَأَتۡهُم مِّن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ سَمِعُواْ لَهَا تَغَيُّظٗا وَزَفِيرٗا

Marka ay (Naartu) uga muuqato meel fog, waxay ka maqlaan caro daran iyo cartan
Surah Al-Furqan, Verse 12


وَإِذَآ أُلۡقُواْ مِنۡهَا مَكَانٗا ضَيِّقٗا مُّقَرَّنِينَ دَعَوۡاْ هُنَالِكَ ثُبُورٗا

Oo marka lagu tuuro meel cidhiidhi ah gudaheeda, iyagoo isku xirxiran, waxay halkaa u yeertaan halaag
Surah Al-Furqan, Verse 13


لَّا تَدۡعُواْ ٱلۡيَوۡمَ ثُبُورٗا وَٰحِدٗا وَٱدۡعُواْ ثُبُورٗا كَثِيرٗا

Ha u yeerannina maanta halaag mar keliya ah, ee u yeerta halaag badan
Surah Al-Furqan, Verse 14


قُلۡ أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ أَمۡ جَنَّةُ ٱلۡخُلۡدِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۚ كَانَتۡ لَهُمۡ جَزَآءٗ وَمَصِيرٗا

Dheh: Ma arrinkani baa wanaagsan _mise Beerta waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waxay u ahaan abaal marin iyo aayo wanaagsan
Surah Al-Furqan, Verse 15


لَّهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعۡدٗا مَّسۡـُٔولٗا

Waxay ku mudan gudaheeda wixii ay doonaanba iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa
Surah Al-Furqan, Verse 16


وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمۡ أَضۡلَلۡتُمۡ عِبَادِي هَـٰٓؤُلَآءِ أَمۡ هُمۡ ضَلُّواْ ٱلسَّبِيلَ

Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo wax kasta ay caabudeenba Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinka baa lumiyey addoomahaygaan, mise iyaga baa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.”
Surah Al-Furqan, Verse 17


قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِي لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعۡتَهُمۡ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ نَسُواْ ٱلذِّكۡرَ وَكَانُواْ قَوۡمَۢا بُورٗا

Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adiga baa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno gargaarayaal Adiga ka sokow, laakiinse waxaad u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, oo waxay ahaayeen qolo halaagsamay
Surah Al-Furqan, Verse 18


فَقَدۡ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسۡتَطِيعُونَ صَرۡفٗا وَلَا نَصۡرٗاۚ وَمَن يَظۡلِم مِّنكُمۡ نُذِقۡهُ عَذَابٗا كَبِيرٗا

Sidaas bay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kari doontaan furasho iyo gargaar midna. Oo mid kastoo idinka mid ah ee gar ma qaate ah, waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab aad u weyn
Surah Al-Furqan, Verse 19


وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمۡ لَيَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشُونَ فِي ٱلۡأَسۡوَاقِۗ وَجَعَلۡنَا بَعۡضَكُمۡ لِبَعۡضٖ فِتۡنَةً أَتَصۡبِرُونَۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرٗا

Oo ma soo dirin hortaa adiga wax Rusul ah balse waxay hubaal cuni jireen cunto, oo mari jireen suuqyada. Oo Waxaanu uga dhignay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee haddaba samir ma yeelan doontaan? Oo Rabbigaa waa Mid Arkaya
Surah Al-Furqan, Verse 20


۞وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ أَوۡ نَرَىٰ رَبَّنَاۗ لَقَدِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ وَعَتَوۡ عُتُوّٗا كَبِيرٗا

Oo kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdaan: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey, ama ( maxaan) u arki weyney Rabbigayo (Allaah)?” Haddaba xaqiiq aad bay isula weynaadeen oo madax adeygeen madax adayg weyn
Surah Al-Furqan, Verse 21


يَوۡمَ يَرَوۡنَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةَ لَا بُشۡرَىٰ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُجۡرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا

Maalinta ay arkaan malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas dambiilayaasha, oo Waxay (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban
Surah Al-Furqan, Verse 22


وَقَدِمۡنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُواْ مِنۡ عَمَلٖ فَجَعَلۡنَٰهُ هَبَآءٗ مَّنثُورًا

Oo Waxaan hor keeni doonnaa9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo waxaanu ka dhigi doonnaa sida boor hawada ku baabba’ay
Surah Al-Furqan, Verse 23


أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ يَوۡمَئِذٍ خَيۡرٞ مُّسۡتَقَرّٗا وَأَحۡسَنُ مَقِيلٗا

Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan doonaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi wanaagsan
Surah Al-Furqan, Verse 24


وَيَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلۡغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا

Oo Maalinta marka samada dillaac la furmi doonto oo daruuro (ka soo baxaan)10, oo malaa’gta la soo dejin doono iyagoo u soo degaya ( saf saf)
Surah Al-Furqan, Verse 25


ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّ لِلرَّحۡمَٰنِۚ وَكَانَ يَوۡمًا عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ عَسِيرٗا

Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada
Surah Al-Furqan, Verse 26


وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلٗا

Oo Maalinta gar ma qaataha uu qaniini doono gacmihiisa isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka
Surah Al-Furqan, Verse 27


يَٰوَيۡلَتَىٰ لَيۡتَنِي لَمۡ أَتَّخِذۡ فُلَانًا خَلِيلٗا

Hooggayga weeyee! Haddii aanan ka dhigin lahayn hebel saaxiib
Surah Al-Furqan, Verse 28


لَّقَدۡ أَضَلَّنِي عَنِ ٱلذِّكۡرِ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَنِيۗ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِلۡإِنسَٰنِ خَذُولٗا

Xaqiiq wuxuu iga habaabiyey13 waanada, inta uu ii yimid kaddib. Oo Shaydaanku wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah
Surah Al-Furqan, Verse 29


وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوۡمِي ٱتَّخَذُواْ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ مَهۡجُورٗا

Oo wuxuu Rasuulku ku calaacalay: “Rabbiyow! Hubaal dadkeygii waxay ka dhigteen Qur’aankan sida wax laga tagey
Surah Al-Furqan, Verse 30


وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا مِّنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيٗا وَنَصِيرٗا

Oo sidaas baan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah dambiilayaasha. Oo ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado
Surah Al-Furqan, Verse 31


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلٗا

Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaan isugu duwnay isku duwid fiican
Surah Al-Furqan, Verse 32


وَلَا يَأۡتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَأَحۡسَنَ تَفۡسِيرًا

Oo ma jirto dood ay kuula iman doonaan, bal waxaan kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan
Surah Al-Furqan, Verse 33


ٱلَّذِينَ يُحۡشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُوْلَـٰٓئِكَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضَلُّ سَبِيلٗا

(Ma xagga) kuwa laysugu soo kulim doona (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, oo ka sii lumid badan Jidka
Surah Al-Furqan, Verse 34


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرٗا

Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo waxaan ka yeel- lay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye
Surah Al-Furqan, Verse 35


فَقُلۡنَا ٱذۡهَبَآ إِلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرۡنَٰهُمۡ تَدۡمِيرٗا

Oo Waxaanu nidhi: Aada labaddiinnuba qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan
Surah Al-Furqan, Verse 36


وَقَوۡمَ نُوحٖ لَّمَّا كَذَّبُواْ ٱلرُّسُلَ أَغۡرَقۡنَٰهُمۡ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ لِلنَّاسِ ءَايَةٗۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِلظَّـٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا

Oo dadkii Nuux, markii ay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay oo uga dhignay calaamo dadka. Oo Waxaanu u diyaarinnay cadaab daran gar ma qaatayaasha
Surah Al-Furqan, Verse 37


وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَأَصۡحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونَۢا بَيۡنَ ذَٰلِكَ كَثِيرٗا

Oo (Sidoo kle) Caad iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan
Surah Al-Furqan, Verse 38


وَكُلّٗا ضَرَبۡنَا لَهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَۖ وَكُلّٗا تَبَّرۡنَا تَتۡبِيرٗا

Oo mid walba waxaanu siinnay tusaalooyin, oo mid walba waxaan halaagnay halaag daran
Surah Al-Furqan, Verse 39


وَلَقَدۡ أَتَوۡاْ عَلَى ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِيٓ أُمۡطِرَتۡ مَطَرَ ٱلسَّوۡءِۚ أَفَلَمۡ يَكُونُواْ يَرَوۡنَهَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ نُشُورٗا

Oo xaqiiq waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)
Surah Al-Furqan, Verse 40


وَإِذَا رَأَوۡكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا

Oo markay ku arkaan kaama dhigtaan waxaan ahayn dheel-dheel (oo waxay yidhaahdaan): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado
Surah Al-Furqan, Verse 41


إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا لَوۡلَآ أَن صَبَرۡنَا عَلَيۡهَاۚ وَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ حِينَ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ مَنۡ أَضَلُّ سَبِيلًا

Wuxuu ku dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku samir yeelanayn. Oo way ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kaa ka lunsan Jidka (Toosan)
Surah Al-Furqan, Verse 42


أَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيۡهِ وَكِيلًا

Miyaad aragtay kan isagu ka yeesha waxay naftiisa jeceshahay ilaahiisa? Ma waxaad haddaba adigu u noqon kartaa wakiil
Surah Al-Furqan, Verse 43


أَمۡ تَحۡسَبُ أَنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَسۡمَعُونَ أَوۡ يَعۡقِلُونَۚ إِنۡ هُمۡ إِلَّا كَٱلۡأَنۡعَٰمِ بَلۡ هُمۡ أَضَلُّ سَبِيلًا

Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax fahmaan? Ma ay aha waxaan aheyn xoolaha oo kale19, mayee way ka sii jid lunsan yihiin (oo ka sii liitaan)
Surah Al-Furqan, Verse 44


أَلَمۡ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيۡفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوۡ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنٗا ثُمَّ جَعَلۡنَا ٱلشَّمۡسَ عَلَيۡهِ دَلِيلٗا

Miyaadan u fiirsan (farsamada) Rabbigaa, sida uu u fidiyo hooska? Oo haddii uu doono, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa mid xasilan (taagan), markaasaan uga dhignay qorraxda tilmaan ay leedahay
Surah Al-Furqan, Verse 45


ثُمَّ قَبَضۡنَٰهُ إِلَيۡنَا قَبۡضٗا يَسِيرٗا

Markaasaan u soo qaadnaa xaggayaga qaadid aayar ah oo yar
Surah Al-Furqan, Verse 46


وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِبَاسٗا وَٱلنَّوۡمَ سُبَاتٗا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورٗا

Oo (Alle) Isaga weeye Kan idiin ka dhigay habeenka hu22', hurdadana nasa- sho, oo wuxuu ka dhigay maalinta foof
Surah Al-Furqan, Verse 47


وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ طَهُورٗا

Oo Isaga weeye Kan soo dira dabay- laha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), oo Waxaanu ka soo soo shubnaa xagga daruurta biyo daahir ah
Surah Al-Furqan, Verse 48


لِّنُحۡـِۧيَ بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗا وَنُسۡقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقۡنَآ أَنۡعَٰمٗا وَأَنَاسِيَّ كَثِيرٗا

Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad aad u badanba leh
Surah Al-Furqan, Verse 49


وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَٰهُ بَيۡنَهُمۡ لِيَذَّكَّرُواْ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورٗا

Oo waan u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka ama biyaha) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo
Surah Al-Furqan, Verse 50


وَلَوۡ شِئۡنَا لَبَعَثۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٖ نَّذِيرٗا

Oo haddii aan doonno, waxaan xaqiiq u soo diri laheyn magaalo walba dige
Surah Al-Furqan, Verse 51


فَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَجَٰهِدۡهُم بِهِۦ جِهَادٗا كَبِيرٗا

Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad (Qur'aanka) jihaad aad u weyn
Surah Al-Furqan, Verse 52


۞وَهُوَ ٱلَّذِي مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞ وَجَعَلَ بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٗا وَحِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا

Oo Isaga weeye (Allaah) Kan isku sii daayey labada badood, midda macaan ee lagu oon baxo , iyo midka kale ee milix jaan iyo qaraar ah ee milixeeda afka huriso, oo Wuxuu dhigay xayir iyo xijaab kala dhex yaal
Surah Al-Furqan, Verse 53


وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ مِنَ ٱلۡمَآءِ بَشَرٗا فَجَعَلَهُۥ نَسَبٗا وَصِهۡرٗاۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرٗا

Oo Isaga weeye Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Oo (Alle) Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara
Surah Al-Furqan, Verse 54


وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمۡ وَلَا يَضُرُّهُمۡۗ وَكَانَ ٱلۡكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرٗا

Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tarin, waxna yeelin, oo gaalku mar waliba waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi
Surah Al-Furqan, Verse 55


وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا

Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn bishaareeye iyo inaad dige ahaato
Surah Al-Furqan, Verse 56


قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا

Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Risaalada), waxaan ahayn in qofkii doona uu qaado jid xagga Rabbigi
Surah Al-Furqan, Verse 57


وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡحَيِّ ٱلَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِهِۦۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا

Oo isku hallee Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, oo ku tasbiixso Ammaanahiisa, oo ku Filan Isagu inuu dambiyada addommahiisa u ahaado xog ogaal
Surah Al-Furqan, Verse 58


ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَسۡـَٔلۡ بِهِۦ خَبِيرٗا

Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah). Ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah
Surah Al-Furqan, Verse 59


وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسۡجُدُواْۤ لِلرَّحۡمَٰنِ قَالُواْ وَمَا ٱلرَّحۡمَٰنُ أَنَسۡجُدُ لِمَا تَأۡمُرُنَا وَزَادَهُمۡ نُفُورٗا۩

Oo marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka. Waxay yidhaahdaan: Oo waa maxay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudnaa waxaa aad adigu nagu amarto? Oo Wuxuu u kordhiyaa didmo
Surah Al-Furqan, Verse 60


تَبَارَكَ ٱلَّذِي جَعَلَ فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجٗا وَقَمَرٗا مُّنِيرٗا

Waxaa khayr iyo barako badan Kan u yeelay burjiyo samada, oo ka yeelay dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya
Surah Al-Furqan, Verse 61


وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ خِلۡفَةٗ لِّمَنۡ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوۡ أَرَادَ شُكُورٗا

Oo Isaga weeye (Allaah) Kan uga dhigay habeenka iyo maalinta is dhaaf, kan isagu raba inuu waano qaato ama raba inuu mahad naqo
Surah Al-Furqan, Verse 62


وَعِبَادُ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمۡشُونَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ هَوۡنٗا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلۡجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمٗا

Oo Addoomaha Raxmaanku waa kuwa ku mara dhulka miyir26, oo markay maan-gaabyad kula hadlaan (ereyo xun) waxay yidhaahdaan oo ku qaabilaan hadal ka maran gef ama xumaan
Surah Al-Furqan, Verse 63


وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمۡ سُجَّدٗا وَقِيَٰمٗا

Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood iyo taagnaan
Surah Al-Furqan, Verse 64


وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصۡرِفۡ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا

Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, hubaal! Cadaabteedu waa wax joogta ah
Surah Al-Furqan, Verse 65


إِنَّهَا سَآءَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا

Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego
Surah Al-Furqan, Verse 66


وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُواْ لَمۡ يُسۡرِفُواْ وَلَمۡ يَقۡتُرُواْ وَكَانَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ قَوَامٗا

Oo waa kuwa marka ay wax bixiyaan aan xad-dhaafin ama aan masuugin, oo labadaas dhexdooda ku toosnaada
Surah Al-Furqan, Verse 67


وَٱلَّذِينَ لَا يَدۡعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقۡتُلُونَ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَا يَزۡنُونَۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ يَلۡقَ أَثَامٗا

Oo waa kuwa aan baryin ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn gar, iyo (kuwa) aan gelin zino, oo qofkii falaa kani, wuxuu la kulmi doonaa eedsiin dambiguu galay ah
Surah Al-Furqan, Verse 68


يُضَٰعَفۡ لَهُ ٱلۡعَذَابُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَيَخۡلُدۡ فِيهِۦ مُهَانًا

Cadaabta waa loo laab laabi doonaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuu ku dhex waari doonaa isagoo dulleysan
Surah Al-Furqan, Verse 69


إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلٗا صَٰلِحٗا فَأُوْلَـٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٖۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا

Marka laga reebo kan isagu toobad keena ee rumeeya ee sama fala, haddaba kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu beddeli doonaa xumaatadoodii xasanaad Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Furqan, Verse 70


وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابٗا

Oo mid kastoo toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laabtaa xagga Ilaahay laabasho wanaagsan
Surah Al-Furqan, Verse 71


وَٱلَّذِينَ لَا يَشۡهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّواْ بِٱللَّغۡوِ مَرُّواْ كِرَامٗا

Oo waa kuwa aan furin markhaati been ah, oo marka ay soo ag maraan wax uun hadal macno darro ah ku dhaafa sharaf
Surah Al-Furqan, Verse 72


وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَمۡ يَخِرُّواْ عَلَيۡهَا صُمّٗا وَعُمۡيَانٗا

Oo waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan
Surah Al-Furqan, Verse 73


وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبۡ لَنَا مِنۡ أَزۡوَٰجِنَا وَذُرِّيَّـٰتِنَا قُرَّةَ أَعۡيُنٖ وَٱجۡعَلۡنَا لِلۡمُتَّقِينَ إِمَامًا

Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, oo nooga dhig kuwo ku dayasho san leh xagga kuwa iska jira (xumaha)
Surah Al-Furqan, Verse 74


أُوْلَـٰٓئِكَ يُجۡزَوۡنَ ٱلۡغُرۡفَةَ بِمَا صَبَرُواْ وَيُلَقَّوۡنَ فِيهَا تَحِيَّةٗ وَسَلَٰمًا

Kuwani waxaa lagu abaal marin doonaa dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare
Surah Al-Furqan, Verse 75


خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ حَسُنَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا

Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ay ahaataa
Surah Al-Furqan, Verse 76


قُلۡ مَا يَعۡبَؤُاْ بِكُمۡ رَبِّي لَوۡلَا دُعَآؤُكُمۡۖ فَقَدۡ كَذَّبۡتُمۡ فَسَوۡفَ يَكُونُ لِزَامَۢا

Ku dheh; “Rabbigay dan idiinma galeen haddii aydaan barideen30. Haatanse dhabtii waad beeniseen (Xaqa).Marka taa- si iyada ah (cadaabta) waxay ahaan doontaa mid idin heysata
Surah Al-Furqan, Verse 77


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 24
>> Surah 26

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai