Surah Ash-Shuara - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
طسٓمٓ
Taa Siin Miim
Surah Ash-Shuara, Verse 1
تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan
Surah Ash-Shuara, Verse 2
لَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed
Surah Ash-Shuara, Verse 3
إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةٗ فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ
Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen
Surah Ash-Shuara, Verse 4
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ
Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada
Surah Ash-Shuara, Verse 5
فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَـٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona
Surah Ash-Shuara, Verse 6
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ
Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo
Surah Ash-Shuara, Verse 7
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona
Surah Ash-Shuara, Verse 8
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 9
وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah
Surah Ash-Shuara, Verse 10
قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ
Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah)
Surah Ash-Shuara, Verse 11
قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan
Surah Ash-Shuara, Verse 12
وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ
Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo)
Surah Ash-Shuara, Verse 13
وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٞ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ
Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan
Surah Ash-Shuara, Verse 14
قَالَ كَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ
(Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna
Surah Ash-Shuara, Verse 15
فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 16
أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil
Surah Ash-Shuara, Verse 17
قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدٗا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ
(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada
Surah Ash-Shuara, Verse 18
وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha
Surah Ash-Shuara, Verse 19
قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذٗا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn
Surah Ash-Shuara, Verse 20
فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمٗا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha
Surah Ash-Shuara, Verse 21
وَتِلۡكَ نِعۡمَةٞ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil
Surah Ash-Shuara, Verse 22
قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 23
قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan
Surah Ash-Shuara, Verse 24
قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ
Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn
Surah Ash-Shuara, Verse 25
قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
(Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore
Surah Ash-Shuara, Verse 26
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٞ
(Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay
Surah Ash-Shuara, Verse 27
قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ
(Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin
Surah Ash-Shuara, Verse 28
قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ
(Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran
Surah Ash-Shuara, Verse 29
قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٖ مُّبِينٖ
(Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad
Surah Ash-Shuara, Verse 30
قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada
Surah Ash-Shuara, Verse 31
فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ
Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda
Surah Ash-Shuara, Verse 32
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّـٰظِرِينَ
Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya
Surah Ash-Shuara, Verse 33
قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ
(Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer
Surah Ash-Shuara, Verse 34
يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ
Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan
Surah Ash-Shuara, Verse 35
قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya
Surah Ash-Shuara, Verse 36
يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٖ
Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer
Surah Ash-Shuara, Verse 37
فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan
Surah Ash-Shuara, Verse 38
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ
Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi
Surah Ash-Shuara, Verse 39
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan
Surah Ash-Shuara, Verse 40
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno
Surah Ash-Shuara, Verse 41
قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
(Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow
Surah Ash-Shuara, Verse 42
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ
(Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan
Surah Ash-Shuara, Verse 43
فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona
Surah Ash-Shuara, Verse 44
فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ
Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen
Surah Ash-Shuara, Verse 45
فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ
Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed
Surah Ash-Shuara, Verse 46
قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 47
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
Rabbiga Muuse iyo Haaruun
Surah Ash-Shuara, Verse 48
قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ
(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin
Surah Ash-Shuara, Verse 49
قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa
Surah Ash-Shuara, Verse 50
إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa)
Surah Ash-Shuara, Verse 51
۞وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye
Surah Ash-Shuara, Verse 52
فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood
Surah Ash-Shuara, Verse 53
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٞ قَلِيلُونَ
Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar
Surah Ash-Shuara, Verse 54
وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ
Oo hubaal way na cadho geliyeen
Surah Ash-Shuara, Verse 55
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ
Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon
Surah Ash-Shuara, Verse 56
فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ
Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo
Surah Ash-Shuara, Verse 57
وَكُنُوزٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ
Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan
Surah Ash-Shuara, Verse 58
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil
Surah Ash-Shuara, Verse 59
فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ
Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah
Surah Ash-Shuara, Verse 60
فَلَمَّا تَرَـٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ
Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay”
Surah Ash-Shuara, Verse 61
قَالَ كَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
(Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo
Surah Ash-Shuara, Verse 62
فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٖ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ
Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn
Surah Ash-Shuara, Verse 63
وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ
Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon)
Surah Ash-Shuara, Verse 64
وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan
Surah Ash-Shuara, Verse 65
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale
Surah Ash-Shuara, Verse 66
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona
Surah Ash-Shuara, Verse 67
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan
Surah Ash-Shuara, Verse 68
وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ
Oo u akhri qisadii Ibraahiim
Surah Ash-Shuara, Verse 69
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ
Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan
Surah Ash-Shuara, Verse 70
قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامٗا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ
Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad
Surah Ash-Shuara, Verse 71
قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan
Surah Ash-Shuara, Verse 72
أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ
Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan
Surah Ash-Shuara, Verse 73
قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ
Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya
Surah Ash-Shuara, Verse 74
قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen
Surah Ash-Shuara, Verse 75
أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ
“Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba
Surah Ash-Shuara, Verse 76
فَإِنَّهُمۡ عَدُوّٞ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 77
ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ
“Ee i abuuray, haddana i hanuunshay
Surah Ash-Shuara, Verse 78
وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ
‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo
Surah Ash-Shuara, Verse 79
وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ
Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya
Surah Ash-Shuara, Verse 80
وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ
Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale)
Surah Ash-Shuara, Verse 81
وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ
Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta
Surah Ash-Shuara, Verse 82
رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّـٰلِحِينَ
Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan
Surah Ash-Shuara, Verse 83
وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda
Surah Ash-Shuara, Verse 84
وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah
Surah Ash-Shuara, Verse 85
وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan
Surah Ash-Shuara, Verse 86
وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ
Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib)
Surah Ash-Shuara, Verse 87
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ
Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna
Surah Ash-Shuara, Verse 88
إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ
Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm)
Surah Ash-Shuara, Verse 89
وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ
Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 90
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ
Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan
Surah Ash-Shuara, Verse 91
وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ
Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen
Surah Ash-Shuara, Verse 92
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ
Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda
Surah Ash-Shuara, Verse 93
فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ
Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba
Surah Ash-Shuara, Verse 94
وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ
Iyo askartii ibliis oo dhanba
Surah Ash-Shuara, Verse 95
قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ
Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta)
Surah Ash-Shuara, Verse 96
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda
Surah Ash-Shuara, Verse 97
إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 98
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin
Surah Ash-Shuara, Verse 99
فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ
Haatan ma lihin wax garab na siiya
Surah Ash-Shuara, Verse 100
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ
Iyo saaxiib run ah midna
Surah Ash-Shuara, Verse 101
فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
(Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta
Surah Ash-Shuara, Verse 102
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn
Surah Ash-Shuara, Verse 103
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 104
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii
Surah Ash-Shuara, Verse 105
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 106
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah
Surah Ash-Shuara, Verse 107
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 108
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
“Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 109
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 110
۞قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ
Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen
Surah Ash-Shuara, Verse 111
قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan
Surah Ash-Shuara, Verse 112
إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ
“Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin
Surah Ash-Shuara, Verse 113
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Oo anigu ma eryayo mu’miniinta
Surah Ash-Shuara, Verse 114
إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ
Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad
Surah Ash-Shuara, Verse 115
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ
Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan)
Surah Ash-Shuara, Verse 116
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen
Surah Ash-Shuara, Verse 117
فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah
Surah Ash-Shuara, Verse 118
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday
Surah Ash-Shuara, Verse 119
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ
Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii)
Surah Ash-Shuara, Verse 120
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn
Surah Ash-Shuara, Verse 121
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 122
كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Caad waxay beeniyeen Rusushii
Surah Ash-Shuara, Verse 123
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 124
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah
Surah Ash-Shuara, Verse 125
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 126
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 127
أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ
Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan
Surah Ash-Shuara, Verse 128
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ
Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan
Surah Ash-Shuara, Verse 129
وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ
Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah
Surah Ash-Shuara, Verse 130
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 131
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ
Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin
Surah Ash-Shuara, Verse 132
أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ
Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur
Surah Ash-Shuara, Verse 133
وَجَنَّـٰتٖ وَعُيُونٍ
Iyo beero tanaad ah iyo ilo
Surah Ash-Shuara, Verse 134
إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn
Surah Ash-Shuara, Verse 135
قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ
Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya
Surah Ash-Shuara, Verse 136
إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay)
Surah Ash-Shuara, Verse 137
وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
Oo ma nihin kuwo la cadaabayo
Surah Ash-Shuara, Verse 138
فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn
Surah Ash-Shuara, Verse 139
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 140
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Thamuud waxay beenisay Rusushii
Surah Ash-Shuara, Verse 141
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 142
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah
Surah Ash-Shuara, Verse 143
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 144
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 145
أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ
Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah
Surah Ash-Shuara, Verse 146
فِي جَنَّـٰتٖ وَعُيُونٖ
Ku sugan beero iyo ilo
Surah Ash-Shuara, Verse 147
وَزُرُوعٖ وَنَخۡلٖ طَلۡعُهَا هَضِيمٞ
Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin
Surah Ash-Shuara, Verse 148
وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا فَٰرِهِينَ
Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn
Surah Ash-Shuara, Verse 149
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 150
وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha
Surah Ash-Shuara, Verse 151
ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin
Surah Ash-Shuara, Verse 152
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran
Surah Ash-Shuara, Verse 153
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso
Surah Ash-Shuara, Verse 154
قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٞ لَّهَا شِرۡبٞ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
(Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan
Surah Ash-Shuara, Verse 155
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn
Surah Ash-Shuara, Verse 156
فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ
Waase dileen, markaasay ka shallaayeen
Surah Ash-Shuara, Verse 157
فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn
Surah Ash-Shuara, Verse 158
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 159
كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii
Surah Ash-Shuara, Verse 160
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 161
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah
Surah Ash-Shuara, Verse 162
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 163
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 164
أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 165
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ
Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba
Surah Ash-Shuara, Verse 166
قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ
Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro
Surah Ash-Shuara, Verse 167
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ
(Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun)
Surah Ash-Shuara, Verse 168
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ
Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan
Surah Ash-Shuara, Verse 169
فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan
Surah Ash-Shuara, Verse 170
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta)
Surah Ash-Shuara, Verse 171
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale
Surah Ash-Shuara, Verse 172
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ
Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay
Surah Ash-Shuara, Verse 173
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn
Surah Ash-Shuara, Verse 174
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 175
كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii
Surah Ash-Shuara, Verse 176
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha)
Surah Ash-Shuara, Verse 177
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah
Surah Ash-Shuara, Verse 178
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca
Surah Ash-Shuara, Verse 179
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 180
۞أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ
Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima
Surah Ash-Shuara, Verse 181
وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ
Oo wax ku miisaama Miisaan toosan
Surah Ash-Shuara, Verse 182
وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad
Surah Ash-Shuara, Verse 183
وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ
Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba
Surah Ash-Shuara, Verse 184
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran
Surah Ash-Shuara, Verse 185
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada
Surah Ash-Shuara, Verse 186
فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada
Surah Ash-Shuara, Verse 187
قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ
Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan
Surah Ash-Shuara, Verse 188
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ
Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn
Surah Ash-Shuara, Verse 189
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn
Surah Ash-Shuara, Verse 190
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 191
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka
Surah Ash-Shuara, Verse 192
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ
Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay)
Surah Ash-Shuara, Verse 193
عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ
Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha
Surah Ash-Shuara, Verse 194
بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ
Isago af Carabi faseex ah
Surah Ash-Shuara, Verse 195
وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ
Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore
Surah Ash-Shuara, Verse 196
أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَـٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin
Surah Ash-Shuara, Verse 197
وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ
Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood
Surah Ash-Shuara, Verse 198
فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray
Surah Ash-Shuara, Verse 199
كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha
Surah Ash-Shuara, Verse 200
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ
Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan
Surah Ash-Shuara, Verse 201
فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn
Surah Ash-Shuara, Verse 202
فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ
Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)
Surah Ash-Shuara, Verse 203
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
Ee ma cadaabtayada bay degdegsan
Surah Ash-Shuara, Verse 204
أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ
Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin
Surah Ash-Shuara, Verse 205
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ
Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo
Surah Ash-Shuara, Verse 206
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ
Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan
Surah Ash-Shuara, Verse 207
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal
Surah Ash-Shuara, Verse 208
ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka)
Surah Ash-Shuara, Verse 209
وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ
Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan)
Surah Ash-Shuara, Verse 210
وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ
Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan
Surah Ash-Shuara, Verse 211
إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ
Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga
Surah Ash-Shuara, Verse 212
فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ
Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo
Surah Ash-Shuara, Verse 213
وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ
Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow
Surah Ash-Shuara, Verse 214
وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta
Surah Ash-Shuara, Verse 215
فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan
Surah Ash-Shuara, Verse 216
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan
Surah Ash-Shuara, Verse 217
ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
Kan ku arka marka aad kaceyso
Surah Ash-Shuara, Verse 218
وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّـٰجِدِينَ
Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah)
Surah Ash-Shuara, Verse 219
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Ash-Shuara, Verse 220
هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ
Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada
Surah Ash-Shuara, Verse 221
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah
Surah Ash-Shuara, Verse 222
يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ
Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo
Surah Ash-Shuara, Verse 223
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ
Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca
Surah Ash-Shuara, Verse 224
أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٖ يَهِيمُونَ
Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba
Surah Ash-Shuara, Verse 225
وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ
Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn
Surah Ash-Shuara, Verse 226
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٖ يَنقَلِبُونَ
Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan
Surah Ash-Shuara, Verse 227