UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah An-Naml - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


طسٓۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡقُرۡءَانِ وَكِتَابٖ مُّبِينٍ

Daa Siin1 Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab iska cad
Surah An-Naml, Verse 1


هُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta
Surah An-Naml, Verse 2


ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ

Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada, oo iyagu ah kuwo Aakhiro yaqiinsan
Surah An-Naml, Verse 3


إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُمۡ يَعۡمَهُونَ

Ma xagga kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, waxaan hubaal u qurxinnay acmaashooda, waana ay ku jaha wareersan yihiin habowgooda
Surah An-Naml, Verse 4


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ وَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ

Kuwaanu waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan). Oo Aakhirada iyaga uun baa ugu khasaare badan
Surah An-Naml, Verse 5


وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلۡقُرۡءَانَ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ عَلِيمٍ

Oo hubaal, adiga wuxuu xaqiiq kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimmka, wax kasta Ogsoon (Allaah)
Surah An-Naml, Verse 6


إِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهۡلِهِۦٓ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا سَـَٔاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ ءَاتِيكُم بِشِهَابٖ قَبَسٖ لَّعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ

Waa tii uu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Hubaal waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhim- bilo dab ah si aad u diirisaan nafahiinna
Surah An-Naml, Verse 7


فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِيَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِي ٱلنَّارِ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Markiise uu yimid halkaa, cod baa dha- waaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dab- ka agti ah iyo waxa hareera jooga,oo xurmo waxaa leh oo hufan Alle, Rabbiga uunanka
Surah An-Naml, Verse 8


يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

“Muusow! Hubaal Waa Aniga! Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan
Surah An-Naml, Verse 9


وَأَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفۡ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ ٱلۡمُرۡسَلُونَ

“Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dib umuu jaleecin. Muusow! Ha cabsan, hubaal, Rusushu kuma cabsadaan agtayda
Surah An-Naml, Verse 10


إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسۡنَۢا بَعۡدَ سُوٓءٖ فَإِنِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Mid gef geysta maahee markaas taa beddelkeed wanaag fala xumaantii kaddib, markaa hubaal Anigu waxaan ahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah An-Naml, Verse 11


وَأَدۡخِلۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖۖ فِي تِسۡعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَقَوۡمِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ

Oo geli gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo dadkiisa,waa dad caasiyaal ah
Surah An-Naml, Verse 12


فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَٰتُنَا مُبۡصِرَةٗ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir iska cad
Surah An-Naml, Verse 13


وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمٗا وَعُلُوّٗاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

Oo waa dafireen Aayadahaa gardarro iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen. Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii mufsidiinta
Surah An-Naml, Verse 14


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمٗاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo xaqiiq waxaanu cilmi siinnay Daawuud iyo Sulaymaan, oo waxay labduba yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah
Surah An-Naml, Verse 15


وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ

Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Oo wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo iska cad
Surah An-Naml, Verse 16


وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ

Oo askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh waa loo soo kulmiyey Sulaymaan iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan
Surah An-Naml, Verse 17


حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوۡاْ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمۡلِ قَالَتۡ نَمۡلَةٞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمۡلُ ٱدۡخُلُواْ مَسَٰكِنَكُمۡ لَا يَحۡطِمَنَّكُمۡ سُلَيۡمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn
Surah An-Naml, Verse 18


فَتَبَسَّمَ ضَاحِكٗا مِّن قَوۡلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَدۡخِلۡنِي بِرَحۡمَتِكَ فِي عِبَادِكَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Markaasuu muusooday, isagoo la cajabsan hadalkeeda o yidhi: Rabbiyow3! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu dhex geli Naxariistaada addoomahaaga kuwa wanaagsan
Surah An-Naml, Verse 19


وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيۡرَ فَقَالَ مَالِيَ لَآ أَرَى ٱلۡهُدۡهُدَ أَمۡ كَانَ مِنَ ٱلۡغَآئِبِينَ

Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki waayey hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan
Surah An-Naml, Verse 20


لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابٗا شَدِيدًا أَوۡ لَأَاْذۡبَحَنَّهُۥٓ أَوۡ لَيَأۡتِيَنِّي بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ

Waxaan hubaal ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waan gowrici doonaa ama wuxuu ii keeni doonaa xujo cad
Surah An-Naml, Verse 21


فَمَكَثَ غَيۡرَ بَعِيدٖ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ وَجِئۡتُكَ مِن سَبَإِۭ بِنَبَإٖ يَقِينٍ

Mase maqnaan muddo dheer, (oo wuxuu joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin oo waxaan kaaga keenay Saba6 war la hubo
Surah An-Naml, Verse 22


إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةٗ تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٖ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٞ

Hubaal waxaan helay haweeney xukumeysa7, oo la siiyey wax walba8, oo waxay leedahay Carshi aad u Weyn
Surah An-Naml, Verse 23


وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ

Waxaan soo helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, oo shaydaan wuxuu u qurxiyey camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana
Surah An-Naml, Verse 24


أَلَّاۤ يَسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي يُخۡرِجُ ٱلۡخَبۡءَ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُخۡفُونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ

Ma ay u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxa aad qarisaan, iyo waxa aad muujisaanba
Surah An-Naml, Verse 25


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ۩

Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn
Surah An-Naml, Verse 26


۞قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waan arki doonnaa inaad run sheegtay ama inaad tahay (mid) ka mid ah beenlowyada
Surah An-Naml, Verse 27


ٱذۡهَب بِّكِتَٰبِي هَٰذَا فَأَلۡقِهۡ إِلَيۡهِمۡ ثُمَّ تَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَٱنظُرۡ مَاذَا يَرۡجِعُونَ

Qaad waraaqdaydaan oo u dhiib, oo ka soo laabo, oo fiiri wixii ay (jawaab) soo celiyaan”
Surah An-Naml, Verse 28


قَالَتۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ إِنِّيٓ أُلۡقِيَ إِلَيَّ كِتَٰبٞ كَرِيمٌ

Waxay tidhi: Mudanayaal! hubaal waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh
Surah An-Naml, Verse 29


إِنَّهُۥ مِن سُلَيۡمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Hubaal waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim
Surah An-Naml, Verse 30


أَلَّا تَعۡلُواْ عَلَيَّ وَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ

Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah
Surah An-Naml, Verse 31


قَالَتۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَفۡتُونِي فِيٓ أَمۡرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمۡرًا حَتَّىٰ تَشۡهَدُونِ

Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin
Surah An-Naml, Verse 32


قَالُواْ نَحۡنُ أُوْلُواْ قُوَّةٖ وَأُوْلُواْ بَأۡسٖ شَدِيدٖ وَٱلۡأَمۡرُ إِلَيۡكِ فَٱنظُرِي مَاذَا تَأۡمُرِينَ

Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxa aad amreyso
Surah An-Naml, Verse 33


قَالَتۡ إِنَّ ٱلۡمُلُوكَ إِذَا دَخَلُواْ قَرۡيَةً أَفۡسَدُوهَا وَجَعَلُوٓاْ أَعِزَّةَ أَهۡلِهَآ أَذِلَّةٗۚ وَكَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ

Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Oo Sidaas bay falaan
Surah An-Naml, Verse 34


وَإِنِّي مُرۡسِلَةٌ إِلَيۡهِم بِهَدِيَّةٖ فَنَاظِرَةُۢ بِمَ يَرۡجِعُ ٱلۡمُرۡسَلُونَ

Oo hubaal waxaan u dirayaa hadiyad oo sugayaa si aan u eego waxa ay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu (kuwa la diray)
Surah An-Naml, Verse 35


فَلَمَّا جَآءَ سُلَيۡمَٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٖ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيۡرٞ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُمۚ بَلۡ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمۡ تَفۡرَحُونَ

Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Bal waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna
Surah An-Naml, Verse 36


ٱرۡجِعۡ إِلَيۡهِمۡ فَلَنَأۡتِيَنَّهُم بِجُنُودٖ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخۡرِجَنَّهُم مِّنۡهَآ أَذِلَّةٗ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ

U laabo iyaga, waxaan xaqiiq ula imaan doonnaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, oo waxaan hubaal ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho
Surah An-Naml, Verse 37


قَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَيُّكُمۡ يَأۡتِينِي بِعَرۡشِهَا قَبۡلَ أَن يَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ

(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan?”
Surah An-Naml, Verse 38


قَالَ عِفۡرِيتٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَۖ وَإِنِّي عَلَيۡهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٞ

Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Aniga baa kuu keenaya inta aad ka kicin golahaaga, oo hubaal waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah
Surah An-Naml, Verse 39


قَالَ ٱلَّذِي عِندَهُۥ عِلۡمٞ مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن يَرۡتَدَّ إِلَيۡكَ طَرۡفُكَۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسۡتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَٰذَا مِن فَضۡلِ رَبِّي لِيَبۡلُوَنِيٓ ءَأَشۡكُرُ أَمۡ أَكۡفُرُۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيّٞ كَرِيمٞ

Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Aniga baa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Oo markii uu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay_ si uu ii imtixaano inaan mahad naqo ama aan abaal dhaco. Oo mid kastoo mahad naqa wuxuu u mahad naqaa naftiisa, oo mid kastoo abaal dhaca, haddaba hubaal! Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan
Surah An-Naml, Verse 40


قَالَ نَكِّرُواْ لَهَا عَرۡشَهَا نَنظُرۡ أَتَهۡتَدِيٓ أَمۡ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهۡتَدُونَ

Wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato, mise ay ka mid noqoto kuwa aan garanayn
Surah An-Naml, Verse 41


فَلَمَّا جَآءَتۡ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرۡشُكِۖ قَالَتۡ كَأَنَّهُۥ هُوَۚ وَأُوتِينَا ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهَا وَكُنَّا مُسۡلِمِينَ

Oo markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Oo waxaa nala siiyey cilmi horteed, oo waxaanu nahay Muslimiin
Surah An-Naml, Verse 42


وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعۡبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ إِنَّهَا كَانَتۡ مِن قَوۡمٖ كَٰفِرِينَ

Oo waxay caabudeysey Allaah sokadi baa ka jeediyey (Xaqa), hubaal waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah
Surah An-Naml, Verse 43


قِيلَ لَهَا ٱدۡخُلِي ٱلصَّرۡحَۖ فَلَمَّا رَأَتۡهُ حَسِبَتۡهُ لُجَّةٗ وَكَشَفَتۡ عَن سَاقَيۡهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرۡحٞ مُّمَرَّدٞ مِّن قَوَارِيرَۗ قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي وَأَسۡلَمۡتُ مَعَ سُلَيۡمَٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waxaa lagu yidhi: Gal Qasarka, markiise ay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaas bay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen12; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan, oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Hubaal waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan isu dhiibay la jirka Sulaymaan xagga Alle, Rabbiga uunanka
Surah An-Naml, Verse 44


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ

Oo xaqiiq waxaan u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya
Surah An-Naml, Verse 45


قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

(Saalix) wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariis Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto
Surah An-Naml, Verse 46


قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَـٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ

Waxay yidhahdeen: Waxaa nagu dhacay balaayo iyo baas sababtaada adiga iyo sababta kuwa kula jiraba. Wuxuu yidhi: "Sharaysigiinnu waa xagga Ilaahay15; bal, waxaad tihiin dad la imtaxaanay.”
Surah An-Naml, Verse 47


وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ

Oo waxaa jiray magaalada sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, oo ku fala fasahaad arlada17, oo aan wax hagaajin
Surah An-Naml, Verse 48


قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ

Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisaba goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan qaraabadiisa dhow18: Maa aanu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, oo waxaan hubaal nahay xaqiiq run sheegayaal
Surah An-Naml, Verse 49


وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

Oo waxay tabeeyeen tab, oo Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn
Surah An-Naml, Verse 50


فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ

Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan
Surah An-Naml, Verse 51


فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan gardarradoodii darteed, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo dad garasho leh
Surah An-Naml, Verse 52


وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ

Oo Waxaanu badbaaddinnay kuwii rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha)
Surah An-Naml, Verse 53


وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ

Oo (waxaan dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Ma waxaad fashaan anshax19 xumo idinkoo arkaya
Surah An-Naml, Verse 54


أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ

Ma waxaad u tagtaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Bal waxaad tihiin dad u dhaqma si jaahilnimo ah
Surah An-Naml, Verse 55


۞فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوٓاْ ءَالَ لُوطٖ مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٞ يَتَطَهَّرُونَ

Mase ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara intii raacday Luud magaaladiinna, hubaal waa dad is daahirine
Surah An-Naml, Verse 56


فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَٰهَا مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ

Markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii raacday, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay)
Surah An-Naml, Verse 57


وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Oo Waxaanu ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo ah). Xumaa roobka kuwa loo digay
Surah An-Naml, Verse 58


قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ وَسَلَٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَىٰٓۗ ءَآللَّهُ خَيۡرٌ أَمَّا يُشۡرِكُونَ

Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa dushooda uu doortay. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan
Surah An-Naml, Verse 59


أَمَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهۡجَةٖ مَّا كَانَ لَكُمۡ أَن تُنۢبِتُواْ شَجَرَهَآۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ يَعۡدِلُونَ

Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo shuba biyo (roob) xagga daruurta, markaas aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa dad ka weecda (Xaqa)
Surah An-Naml, Verse 60


أَمَّن جَعَلَ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَجَعَلَ خِلَٰلَهَآ أَنۡهَٰرٗا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِيَ وَجَعَلَ بَيۡنَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ حَاجِزًاۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Mise, Kan ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, oo yeelay dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh
Surah An-Naml, Verse 61


أَمَّن يُجِيبُ ٱلۡمُضۡطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكۡشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجۡعَلُكُمۡ خُلَفَآءَ ٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ

Mise, Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, oo wuxuu idinka yeeli kuwa u hara (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa inta aad xusuusataan
Surah An-Naml, Verse 62


أَمَّن يَهۡدِيكُمۡ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَمَن يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦٓۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ تَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Mise, Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada
Surah An-Naml, Verse 63


أَمَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Mise, Kan billaaba asal ahaan abuurka, markaas soo celin doona, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna haddaad tihiin run sheegayaal
Surah An-Naml, Verse 64


قُل لَّا يَعۡلَمُ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلۡغَيۡبَ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ

Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, oo ma oga goorta la soo bixin doono (Qiyaamaha)
Surah An-Naml, Verse 65


بَلِ ٱدَّـٰرَكَ عِلۡمُهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّنۡهَاۖ بَلۡ هُم مِّنۡهَا عَمُونَ

Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Balse, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la' yihiin
Surah An-Naml, Verse 66


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبٗا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخۡرَجُونَ

Oo kuwaa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqon- no ciid, innaga iyo aabbayaashayoba,miyaa xaqiiq nala soo bixin doonaa (mar kale)
Surah An-Naml, Verse 67


لَقَدۡ وُعِدۡنَا هَٰذَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

Waxaa xaqiiq naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore
Surah An-Naml, Verse 68


قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribtii Dambiilayaasha
Surah An-Naml, Verse 69


وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُن فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ

Oo ha u murugoon, oo ha ka walbahaarin waxa ay qrosheeyaan darteed
Surah An-Naml, Verse 70


وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Oo waxay yidhaahdaan: Goorma bay gooddintani dhici doontaa? Haddii aad tihiin run sheegayaal
Surah An-Naml, Verse 71


قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي تَسۡتَعۡجِلُونَ

Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxa aad rabtaan in la soo dedjiyo
Surah An-Naml, Verse 72


وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ

Oo hubaal Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan
Surah An-Naml, Verse 73


وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ

Oo hubaal, Rabbigaa xaqiiq waa Ogsoon yahay waxa ay laabahoodu qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba
Surah An-Naml, Verse 74


وَمَا مِنۡ غَآئِبَةٖ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ

Oo ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad
Surah An-Naml, Verse 75


إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ أَكۡثَرَ ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Hubaal Qur’aankani wuxuu daaha uga qaadaa ilmahii Israa’iil badi waxaa ay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin
Surah An-Naml, Verse 76


وَإِنَّهُۥ لَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo hubaal Waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta
Surah An-Naml, Verse 77


إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُم بِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ

Hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga xukunkiisa, oo waa Isaga Awood Badanaha, wax kasta Ogsoonaha ah
Surah An-Naml, Verse 78


فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلۡحَقِّ ٱلۡمُبِينِ

Ee isku hallee Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad
Surah An-Naml, Verse 79


إِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ

Hubaal adigu wax ma maqashiin kartid meytida, oo ma maqashiin kartid dhagoola- ha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan
Surah An-Naml, Verse 80


وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِي ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ

Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu hoggaansan Muslimiinta ah
Surah An-Naml, Verse 81


۞وَإِذَا وَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِمۡ أَخۡرَجۡنَا لَهُمۡ دَآبَّةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ تُكَلِّمُهُمۡ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ

Oo marka uu Qawlku ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin donnaa Daabbad arlada, la hadleysa, inayan dadku rumeyn Aayadahayaga darteed
Surah An-Naml, Verse 82


وَيَوۡمَ نَحۡشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ فَوۡجٗا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمۡ يُوزَعُونَ

Oo Maalinta aan ka soo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga, markaasna waxaa loo kala saari doonaa qayb qayb
Surah An-Naml, Verse 83


حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبۡتُم بِـَٔايَٰتِي وَلَمۡ تُحِيطُواْ بِهَا عِلۡمًا أَمَّاذَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan doonaa: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinka oo aan ku koobin cilmi, ama maxay aheyd waxa aad fasheen
Surah An-Naml, Verse 84


وَوَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِم بِمَا ظَلَمُواْ فَهُمۡ لَا يَنطِقُونَ

Oo waxaa ku dhici doona Qowlkii (Cadaabka)24, gefefkii ay geysteen darteed, marka ma hadli doonaan
Surah An-Naml, Verse 85


أَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِيَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Mawaysan u fiirsan inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad rumeysan
Surah An-Naml, Verse 86


وَيَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۚ وَكُلٌّ أَتَوۡهُ دَٰخِرِينَ

Oo Maalinta buunka la afuufo, markaa kuwaa ku sugan samooyinka iyo kuwaa ku sugan arlada waxay la dhici doonaan naxdin mid maahee Allaah uu doono (oo ka cafiyo), kulligoodna waxay u imaan doonaan iyagoo dullaysan
Surah An-Naml, Verse 87


وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةٗ وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ

Oo waad arkaysaa buuraha aad mooddo wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee u sameeyey wax walba si hagaagsan. Hubaal waa u Xog ogaal waxa aad fashaan
Surah An-Naml, Verse 88


مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٖ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ

Mid kastoo la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin
Surah An-Naml, Verse 89


وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Oo mid kastoo la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri doonaa weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku jaaseeyaa waxaan ahayn waxaad fasheen
Surah An-Naml, Verse 90


إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٖۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah kuwa isu dhiiba (Ilaahay)
Surah An-Naml, Verse 91


وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ

Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ee qofkii hanuuna, wuxuu u hanuunaa naftiisa, oo qofkii lumaa, markaa dheh: Anigu waxaan ahay oo keliya mid ka mid ah digayaasha.”
Surah An-Naml, Verse 92


وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعۡرِفُونَهَاۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

Oo dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin tusi doonaa calaamooyinkiisa, waana garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxa aad fashaan
Surah An-Naml, Verse 93


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 26
>> Surah 28

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai