Surah Al-Ankaboot - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
الٓمٓ
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida la soo sheegay)
Surah Al-Ankaboot, Verse 1
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ
ma wuxuu u maleeyey Dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan rumeynay oon la imtixaamayn
Surah Al-Ankaboot, Verse 2
وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ
dhab ahaan yaan u imtixaanay kuwii ka horreeyay, Eebana wuu muujin kuwii run sheegay, wuxuuna muujin kuwa beenlowga ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 3
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
mise waxay u maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari) waxaa xun waxay xukumi
Surah Al-Ankaboot, Verse 4
مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
ruuxii rajayn (ka cabsan) la kulanka Eebe, Ajashii Eebe (uu qadaray) way imaan, Eebana waa maqle oge ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 5
وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفۡسِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Eebana waa ka kaaftoon yahay caalamka
Surah Al-Ankaboot, Verse 6
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَحۡسَنَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
kuwa (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan asturaynaa xumaantooda, waxaana ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen
Surah Al-Ankaboot, Verse 7
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حُسۡنٗاۖ وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَآۚ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
waxaan u dardaaaranay Dadka Labadiisii Waalid wanaagfalkooda, hadday kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn (Gaalowdo) ha ku adeecin, xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami (abaalna marin) waxaad camalfali jirteen
Surah Al-Ankaboot, Verse 8
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُدۡخِلَنَّهُمۡ فِي ٱلصَّـٰلِحِينَ
kuwiise (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa suuban (Janada)
Surah Al-Ankaboot, Verse 9
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِيَ فِي ٱللَّهِ جَعَلَ فِتۡنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِۖ وَلَئِن جَآءَ نَصۡرٞ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمۡۚ أَوَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Eebe, markii lagu dhibo Eebe dartiisna kayeela imtixaamka Dadka (dhibookda) cadaabka Eebe oo kale, hadday timaado Guul xagga Eebe ka ahaatay waxay dhahaan anagu waan idin lajiraa, Eebe miyuusan ahayn kan og waxa laabta Dadka ku jira
Surah Al-Ankaboot, Verse 10
وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ
dhab ahaan yuu u muujin Eebe kuwa xaqa rumeeyey, dhab ahaanna wuxuu u muujin kuwa munaafiqiinta ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 11
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبِعُواْ سَبِيلَنَا وَلۡنَحۡمِلۡ خَطَٰيَٰكُمۡ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنۡ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَيۡءٍۖ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
waxay ku dhaheen kuwii galoobay kuwii xaqa rumeeyey raaca waddadannada aan xambaarro gafafkiinee, mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda ah, ee waa beenaalayaal
Surah Al-Ankaboot, Verse 12
وَلَيَحۡمِلُنَّ أَثۡقَالَهُمۡ وَأَثۡقَالٗا مَّعَ أَثۡقَالِهِمۡۖ وَلَيُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
waxayse dhab ahaan xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo Culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame waxay been abuuran jireen
Surah Al-Ankaboot, Verse 13
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمۡ أَلۡفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمۡسِينَ عَامٗا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ
dhab ahaan baan ugu dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku dhexnagaaday Kun sano oo kontan la'waxaana wabtay dhuufaankii (Halaagii Biyaha) iyagoo daalimiin ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 14
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
waana korinay Nuux iyo Dadkii Doonta, waxaana ka yeellay aayad (uu ku waantoomo) Caalamku
Surah Al-Ankaboot, Verse 15
وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
(Nabi) Ibraahimna (waa diray) wuxuuna ku yidhi qoomkiisii Cabuda Eebe akana dhawrsada saasaa idiin khayrbadane haddaad wax ogtihiin
Surah Al-Ankaboot, Verse 16
إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
waxaad uun caabudaysaan Eebe ka sokow Sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Eebe ka sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebe rizqiga Cabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydin celine
Surah Al-Ankaboot, Verse 17
وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
haddaad Beenisaan (Xaqa) waxaa beeniyey Umado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn
Surah Al-Ankaboot, Verse 18
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
miyeyna arkayn sida Eebe u billaabay (Abuuridda) Khalqiga una soo celin, arrintaasna Eebe waa u fududahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 19
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
waxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u biilaabay khalqiga, hadana Eebe u ahaysiin abuuridda dambe (Soo bixinta), Eebana wax walba wuu karaa
Surah Al-Ankaboot, Verse 20
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ
wuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna u naxariistaa cidduu doono xaggiisaana laydiin celin
Surah Al-Ankaboot, Verse 21
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
idinkuna ma tihidin kuwa Eebe ku daaliya Dhulka iyo Samada midna wax Eebe ka soohadhay oo idiin sokeeya ah ama idiin gargaarina ma jiro
Surah Al-Ankaboot, Verse 22
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَـٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen naxariistayda waxaana kuwaas u sugnaaday Cadaab daran
Surah Al-Ankaboot, Verse 23
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Jawaabtii Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka koriyey Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn
Surah Al-Ankaboot, Verse 24
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
wuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl dhexdiinna ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina idiin ma sugnaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 25
۞فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
waxaa rumeeyey Nabi Ibraahim (Nabi) Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u hijroon Eebehay illeen waa adkaade falsane
Surah Al-Ankaboot, Verse 26
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
waxaana siinay isxaaq iyo yacquub waxaana yeelay faraciisii Nabinimo iyo Kitaab (loo soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suuban
Surah Al-Ankaboot, Verse 27
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
«Nabi» Luudhna «xusuuso» markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan aan cidna idiinkahormarin addunyada
Surah Al-Ankaboot, Verse 28
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
idinku ma waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka Kulana imaanaysaan Naadigiina wax la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii inay dhahaan noo keen cadaabka Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha mooyee
Surah Al-Ankaboot, Verse 29
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
wuxuuna yidhi Eebow iiga gargaar qoomka wax fasaadiya
Surah Al-Ankaboot, Verse 30
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُوٓاْ إِنَّا مُهۡلِكُوٓاْ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِۖ إِنَّ أَهۡلَهَا كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
markay ulatimid fariintanadii (Malaa'igtii) Nabi Ibraahim bishaaro waxay dhaheen anagu waxaan halaagayna ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine
Surah Al-Ankaboot, Verse 31
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطٗاۚ قَالُواْ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَن فِيهَاۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
(wuxuu yidhi Nabi Ibraahim) waxaa ku sugan Luudh, waxay dhaheen anagaa og cidda dhexdeeda ah waanu korinaynaa Luudh iyo ehelkiisa Haweenaydiisa mooyee oo noqon ku wa halaaggu ku hadhi
Surah Al-Ankaboot, Verse 32
وَلَمَّآ أَن جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗاۖ وَقَالُواْ لَا تَخَفۡ وَلَا تَحۡزَنۡ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهۡلَكَ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
markay Rasuuladanadii (Malaa'igtii) u timid Luudh wuu ka tiiraanyooday wuuna la cidhiidhyamay waxayna ku dhaheen ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga iyo ehelkaagabee Haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa lahalaagi
Surah Al-Ankaboot, Verse 33
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
waxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid faasiqnimadooda darteed
Surah Al-Ankaboot, Verse 34
وَلَقَد تَّرَكۡنَا مِنۡهَآ ءَايَةَۢ بَيِّنَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata Qoomkii wax kasi
Surah Al-Ankaboot, Verse 35
وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗا فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱرۡجُواْ ٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
ree Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana (ka yaaba) Maalintii dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin
Surah Al-Ankaboot, Verse 36
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
markaasay beeniyeen waxaana qabtay Gariir (iyo Qaylo) waxayna noqdeen kuwo Lawyaha u dhaca
Surah Al-Ankaboot, Verse 37
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَٰكِنِهِمۡۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُواْ مُسۡتَبۡصِرِينَ
Caad iyo Thamuudna (waan halaagnay), «halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa Guryahoodii, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka waxayna ahaayeen kuwo wax arka (haday waantoobi)
Surah Al-Ankaboot, Verse 38
وَقَٰرُونَ وَفِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانُواْ سَٰبِقِينَ
Qaaruun, Fircoon iyo Haamaana (waa lahalaagay), dhab ahaanna wuxuu ugula yimid (Nabi) Muuse xujooyin wayna isku kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn (carari) kara
Surah Al-Ankaboot, Verse 39
فَكُلًّا أَخَذۡنَا بِذَنۢبِهِۦۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِ حَاصِبٗا وَمِنۡهُم مَّنۡ أَخَذَتۡهُ ٱلصَّيۡحَةُ وَمِنۡهُم مَّنۡ خَسَفۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ وَمِنۡهُم مَّنۡ أَغۡرَقۡنَاۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
dhammantood waxaan u qabanay dambigooda, waxaa ka mid ah mid aan ku diray Dabayl Dhagax wadata, waxaa ka mid ah miday qabtay Qaylo, waxaa ka mid ah midaan la goynay Dhulka, waxaa ka mid ah midaan maanshaynay, Eebana ma aha kii dulmiya hasayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey
Surah Al-Ankaboot, Verse 40
مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلۡعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتۡ بَيۡتٗاۖ وَإِنَّ أَوۡهَنَ ٱلۡبُيُوتِ لَبَيۡتُ ٱلۡعَنكَبُوتِۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
kuwii yeeshay Eebe kasokow Awliyo (sokeeye u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri waxaana ugu xun Guri' Guri Caaro hadday wax ogyihiin
Surah Al-Ankaboot, Verse 41
إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Eebe waa ogyahay waxay baryayaan (Caabudayaan) oo isaga kasoo hadhay, Eebana waa adkaade falsan
Surah Al-Ankaboot, Verse 42
وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِۖ وَمَا يَعۡقِلُهَآ إِلَّا ٱلۡعَٰلِمُونَ
taasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka'wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro
Surah Al-Ankaboot, Verse 43
خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
Eebaa u abuuray Samooyinka iyo Dhulka si xaq ah, arrintaasna Calaamaa ugu sugan Mu'miniinta
Surah Al-Ankaboot, Verse 44
ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ
Akhri (Nabiyow) waxa luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog Salaaddana maxaayeelaySalaaddu waxay ka reebta (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Eebaana weyn, Eebana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 45
۞وَلَا تُجَٰدِلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡۖ وَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَأُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمۡ وَٰحِدٞ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
hakula murmina ehelu Kitaabka wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga fala oo ka mid ah, waxaadna dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii laydinku soo dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u hogaansanay
Surah Al-Ankaboot, Verse 46
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَۚ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۖ وَمِنۡ هَـٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلۡكَٰفِرُونَ
saasaanu kuugu soodajiney Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa ka mid ah kuwo rumeyn (ree Makaad), mana diido aayaadkanaga Gaalmooyee
Surah Al-Ankaboot, Verse 47
وَمَا كُنتَ تَتۡلُواْ مِن قَبۡلِهِۦ مِن كِتَٰبٖ وَلَا تَخُطُّهُۥ بِيَمِينِكَۖ إِذٗا لَّٱرۡتَابَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
matihid mid wax akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada markaas ay shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda
Surah Al-Ankaboot, Verse 48
بَلۡ هُوَ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ فِي صُدُورِ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلظَّـٰلِمُونَ
waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro
Surah Al-Ankaboot, Verse 49
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَٰتٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
waxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige muuqda
Surah Al-Ankaboot, Verse 50
أَوَلَمۡ يَكۡفِهِمۡ أَنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحۡمَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
miyuusanse ku fileyn inaan kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa)
Surah Al-Ankaboot, Verse 51
قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ شَهِيدٗاۖ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ وَكَفَرُواْ بِٱللَّهِ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray
Surah Al-Ankaboot, Verse 52
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
waxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban waxaa u imaan lahaa Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn
Surah Al-Ankaboot, Verse 53
يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
waxay kaa dadajisan Cadaab, Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 54
يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
maalinta (Qiyaamada) waxaa dabooli Gaalada Cadaab korkooda iyo Lugahooda hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebe dhadhamiya waxaad Camalfali jirteen
Surah Al-Ankaboot, Verse 55
يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّـٰيَ فَٱعۡبُدُونِ
addoomadayda rumeeyow Dhulkayga waa waasac ee Aniga uun i caabuda
Surah Al-Ankaboot, Verse 56
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
Nafkastaa waxay dhadhamin Geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas
Surah Al-Ankaboot, Verse 57
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
kuwa (xaqa) rumeeyey Camalfiicanna falay waxaanu dajin Jannada Qolol ay dureri dhexdeeda wabiyaal ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan ujuurada kuwa shaqeeyey (Jannada)
Surah Al-Ankaboot, Verse 58
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
ee ah kuwa samray Eebahoodna tala saarta
Surah Al-Ankaboot, Verse 59
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
badanaa dhul socod aan xambaaran karin rizqigeeda ee Eebe arzuqo iyada iyo idinkaba. Eebana waa maqle oge ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 60
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
haddaad waydiiso Gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka oo sakhiray Qoraxda iyo Dayaxa, waxay odhan Ilaahay, ee xagee loo iili Gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 61
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
Eebaa u waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa ah, kuna cidhiidhya (kuu doono), Eebana wax walba waa ogyahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 62
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
haddaad waydiiso Gaalada yaa ka soo dajiya Samada Biyo oo ku nooleeya dhulka intuu dhintay (abaaroobay) kadib waxay odhan Ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, badankooduse wax ma kasayaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 63
وَمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا لَهۡوٞ وَلَعِبٞۚ وَإِنَّ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ لَهِيَ ٱلۡحَيَوَانُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
mana aha noloshan adduunyo Ciyaar iyo dheeldheel mooyee, Daarta aakhiraana meel nololeed ah hadday wax ogyihiin Dadku
Surah Al-Ankaboot, Verse 64
فَإِذَا رَكِبُواْ فِي ٱلۡفُلۡكِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ إِذَا هُمۡ يُشۡرِكُونَ
markay koraan Doonta waxay baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Cibaadada, markuu u koriyo (oo geeyo) Barrigana (Dhulkana) markaasay u shariigyeelaan (wax la caabudaan)
Surah Al-Ankaboot, Verse 65
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ وَلِيَتَمَتَّعُواْۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
si ay uga gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan (Cidhibteeda)
Surah Al-Ankaboot, Verse 66
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا حَرَمًا ءَامِنٗا وَيُتَخَطَّفُ ٱلنَّاسُ مِنۡ حَوۡلِهِمۡۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَكۡفُرُونَ
miyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo ladafayo Dadka dhinacyadooda ah, mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi
Surah Al-Ankaboot, Verse 67
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ
Cidna kama dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 68
وَٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ فِينَا لَنَهۡدِيَنَّهُمۡ سُبُلَنَاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
kuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala
Surah Al-Ankaboot, Verse 69