Surah Al-Ankaboot - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
الٓمٓ
Alif Laam-Miim
Surah Al-Ankaboot, Verse 1
أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ
Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waanu rumey- sannahay (Xaqa)iyagoo aan la imtixaamin
Surah Al-Ankaboot, Verse 2
وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ
Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Oo Allaah xaqiiq wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), oo xaqiiq wuu muujin beenlowyada
Surah Al-Ankaboot, Verse 3
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha inay naga fakan karaan? Xumaa waxa ay guddoonshaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 4
مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Qofkii rajo ka qaba la kulanka Ilaahay, haddaba hubaal muddada uu Allaah (qoray) way imaaneysaa, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Ankaboot, Verse 5
وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفۡسِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalahayaa naftiisa. Hubaal Allaah waa ka deeqtoon yahay uunanka
Surah Al-Ankaboot, Verse 6
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَحۡسَنَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan hubaal u asturi xumahooda, oo waxaan hubaal u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay faleen
Surah Al-Ankaboot, Verse 7
وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حُسۡنٗاۖ وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَآۚ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Oo Waxaanu ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) wax aad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, marka waxaan idiin sheegi doonaa waxa aad fasheen
Surah Al-Ankaboot, Verse 8
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُدۡخِلَنَّهُمۡ فِي ٱلصَّـٰلِحِينَ
Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, Waxaanu hubaal ka yeeli inay dhex ahaadaan kuwa wanaagsan
Surah Al-Ankaboot, Verse 9
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِيَ فِي ٱللَّهِ جَعَلَ فِتۡنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِۖ وَلَئِن جَآءَ نَصۡرٞ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمۡۚ أَوَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah, markiise lagu dhibaateeyo Allaah darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Ilaahay, oo haddii uu ka yimaaddo gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiintaa) hubaal odhanayaan: Waxaanu aheyn kuwa idin la jira. Ma wuusan Allaah ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha uumanka
Surah Al-Ankaboot, Verse 10
وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ
Oo hubaal Alle wuu muujin kuwa rumey- san, oo hubaal wuu muujin munaafiqiinta
Surah Al-Ankaboot, Verse 11
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبِعُواْ سَبِيلَنَا وَلۡنَحۡمِلۡ خَطَٰيَٰكُمۡ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنۡ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَيۡءٍۖ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
Oo kuwa rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeysan: Soo raaca jidkayaga oo waxaan idinka qaadi doonnaa dambiyadiinna3. Oo marnaba ma aha kuwo ka qaadi doona wax ka mid ah dambiyadooda; hubaal waa beenlawyo
Surah Al-Ankaboot, Verse 12
وَلَيَحۡمِلُنَّ أَثۡقَالَهُمۡ وَأَثۡقَالٗا مَّعَ أَثۡقَالِهِمۡۖ وَلَيُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
Oo xaqiiq waxay qaadi culaysyadoo- da4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysya- dooda, oo waxaa la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuurteen
Surah Al-Ankaboot, Verse 13
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمۡ أَلۡفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمۡسِينَ عَامٗا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ
Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dad- kiisii, oo wuxuu dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, oo waxaa qaaday Duufaantii iyagoo ah gar ma qaatayaal
Surah Al-Ankaboot, Verse 14
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Oo Waa badbaadinnay isaga (Nuux) iyo kuwii kula jirayba Doonnida, oo waxaan uga dhignay calaamo5(digniin)ummadaha
Surah Al-Ankaboot, Verse 15
وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
Oo (waxaan soo dirnay) Ibraahiim markii uu ku lahaa dadkiisii: Caabuda, Allaah (Keliya) oo dhowra (xilka uu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin
Surah Al-Ankaboot, Verse 16
إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
Waxaad uun caabuddaan sanammo halkii Ilaahay, oo been abuur sameysaan. Hubaal, kuwa aad caabuddaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis (oo keliya) oo caabuda oo ku mahdiya. Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa (dhammaan)
Surah Al-Ankaboot, Verse 17
وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
Haddiise aad beenisaan (Xaqa), ummado idinka horreeyey baa xaqiiq beeniyey (Xaqa) . Oo ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Fartiinta)
Surah Al-Ankaboot, Verse 18
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ
Mawaysan u fiirsan sida Allaah u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin doono? Hubaal arrinkaasi Allaah wuu u fudud yahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 19
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
Dheh: Ku socdaala dhulka oo fiiriya sida (Allaah) u billaabo uunka, haddana Allaah u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Allaah wax walba wuu Karaa
Surah Al-Ankaboot, Verse 20
يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ
Wuxuu ciqaabaa qofkuu doono, oo u naxariistaa qofkuu doono, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
Surah Al-Ankaboot, Verse 21
وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ
Oo ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, oo ma lihidin Allaah sokadi gacal idin xafidi iyo gargaare midna
Surah Al-Ankaboot, Verse 22
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَـٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
Oo kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab xanuun badan
Surah Al-Ankaboot, Verse 23
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Marka ma ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Dila isaga ama guba. Markaas buu Allaah ka bad- baadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin dad rumaysan
Surah Al-Ankaboot, Verse 24
وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّـٰصِرِينَ
Oo (Ibraahiim) wuxu yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) sanammo Allaah sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dhaleeceyn qaarka kale, oo qaarkiin wuxuu lacnadi qaarka kale, oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma lahaan doontaan wax idiin soo gargaara
Surah Al-Ankaboot, Verse 25
۞فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Oo Luud baa rumeeyey isaga. Oo (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, waa Awood Badanaha, Xakiimka ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 26
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub,oo waxaannu ka yeelnay Nabinnima- da iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, oo Waxaanu ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan
Surah Al-Ankaboot, Verse 27
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Oo (waxaan soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa dadkiisii: Hubaal waxaad idinku ku eedeysan tihiin xumaan (khaniisnimo) uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha
Surah Al-Ankaboot, Verse 28
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Ma waxaad u tagtaan ragga, oo goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Allaah haddii aad ka mid tahay run sheegyada
Surah Al-Ankaboot, Verse 29
قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan fasahaadka badan
Surah Al-Ankaboot, Verse 30
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُوٓاْ إِنَّا مُهۡلِكُوٓاْ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِۖ إِنَّ أَهۡلَهَا كَانُواْ ظَٰلِمِينَ
Oo markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa gar ma qaatayaal
Surah Al-Ankaboot, Verse 31
قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطٗاۚ قَالُواْ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَن فِيهَاۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Xaqiiq waxaa ku nool Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, hubaal waanu badbaadin doonnaa isaga (Luud) iyo ehelkiisaba,_marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal
Surah Al-Ankaboot, Verse 32
وَلَمَّآ أَن جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗاۖ وَقَالُواْ لَا تَخَفۡ وَلَا تَحۡزَنۡ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهۡلَكَ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud wuu u murugooday10 dartood, oo dareemay awood darro (si uu u difaaco) ; Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan oo ha murugoon. Hubaal waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaagaba, marka laga reebo xaaskaaga, waxay ahaan doontaa mid ka mid ah kuwaa ku hari doona gadaal
Surah Al-Ankaboot, Verse 33
إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
Hubaal waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga yimaada samada inay caasiyoobeen darteed
Surah Al-Ankaboot, Verse 34
وَلَقَد تَّرَكۡنَا مِنۡهَآ ءَايَةَۢ بَيِّنَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
Oo xaqiiq waxaan uga tagnay halkaa calaamo (digniin) cad dad garasho leh
Surah Al-Ankaboot, Verse 35
وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗا فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱرۡجُواْ ٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
Oo Xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Dadkayow! Caabuda Allaah oo ka cabsada Maalinta Dambeysa (Aakhirada) oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad
Surah Al-Ankaboot, Verse 36
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
Wayse beeniyeen, markaas baa dhul gariir daran qabsaday, oo waxay noqdeen kuwo (baqti) ah oo guryahooda daadsan
Surah Al-Ankaboot, Verse 37
وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَٰكِنِهِمۡۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُواْ مُسۡتَبۡصِرِينَ
Oo (waxaan rognay) Caad iyo Thamuud. Oo xaqiiq waxay idiinka muuqataa (baabbi’intoodii) guryahoodii. Oo shaydaan baa u qurxiyey camalladoodii oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen kuwo garasho iyo garaad leh
Surah Al-Ankaboot, Verse 38
وَقَٰرُونَ وَفِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانُواْ سَٰبِقِينَ
Oo (Waxaan rognay) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan. Oo xaqiiq wuxuu Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen oo kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabtayada)
Surah Al-Ankaboot, Verse 39
فَكُلًّا أَخَذۡنَا بِذَنۢبِهِۦۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِ حَاصِبٗا وَمِنۡهُم مَّنۡ أَخَذَتۡهُ ٱلصَّيۡحَةُ وَمِنۡهُم مَّنۡ خَسَفۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ وَمِنۡهُم مَّنۡ أَغۡرَقۡنَاۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
Marka mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay dambigooda, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran, oo waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn, oo waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka; oo waxaa ka mid ahaa kuwo aan qarqinnay. Ma aheyn Allaah inuu ku gardarrooday, laakiinse iyaga baa nafahooda u gefayey
Surah Al-Ankaboot, Verse 40
مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلۡعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتۡ بَيۡتٗاۖ وَإِنَّ أَوۡهَنَ ٱلۡبُيُوتِ لَبَيۡتُ ٱلۡعَنكَبُوتِۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
Mataalka kuwaa sameysta ilaaliyaal aan aheyn Allaah waa sida mataalka caaro, yeelatay guri,oo hubaal waxaa ugu liita gur- yaha, guriga caarada; haddii ay og yihiin
Surah Al-Ankaboot, Verse 41
إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Hubaal Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay baryaan Isaga sokadi. Oo waa Awood Badanaha, Xakiimka ah
Surah Al-Ankaboot, Verse 42
وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِۖ وَمَا يَعۡقِلُهَآ إِلَّا ٱلۡعَٰلِمُونَ
Oo (ma xagga) tusaalooyinkan, waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwaa cilmiga leh
Surah Al-Ankaboot, Verse 43
خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta
Surah Al-Ankaboot, Verse 44
ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ
Akhri (Nabi Muxammadow) waxaa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka, oo u oog salaadda si wanaagsan. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo Munkarka, oo xaqiiq xusidda Allaah baa wax waliba ka weyn. Oo Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 45
۞وَلَا تُجَٰدِلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡۖ وَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَأُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمۡ وَٰحِدٞ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
Oo ha la doodina ehlu Kitaabka inay tahay maahee taasi sida ugu wanaagsan, marka laga reebo kuwooda ka midka ah ee u dhaqma si caddaalad darro ah, oo dhaha: Waxaanu rumaysannahay waxa nalagu soo dejiyey waxyi ahaanta iyo waxa la idinku soo dejiyey ee waxyi ah; oo Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, oo innagu Isaga baan u hoggaansannahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 46
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَۚ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۖ وَمِنۡ هَـٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلۡكَٰفِرُونَ
Oo sidaas baan waxaan kugu soo waxyoonnay Kitaabka (Qur’aanka). Marka kuwa aanu siinnay Kitaabka way rumeysan yihiin, oo kuwani waxaa ka mid ah oo jira kuwo rumeysan, oo ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 47
وَمَا كُنتَ تَتۡلُواْ مِن قَبۡلِهِۦ مِن كِتَٰبٖ وَلَا تَخُطُّهُۥ بِيَمِينِكَۖ إِذٗا لَّٱرۡتَابَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
Oo ma aad akhriyin horti wax Kitaab ah, mana aad ku qorin midna gacantaada midig, markaas kuwa sheega waxyaalo aan run ahayn waa ay shakiyi lahaayeen
Surah Al-Ankaboot, Verse 48
بَلۡ هُوَ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ فِي صُدُورِ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلظَّـٰلِمُونَ
Mayee! kuwakani waa Aayado cad cad oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, oo ma diidaan Aayadahaga waxaan ahayn gar ma qaatayaasha
Surah Al-Ankaboot, Verse 49
وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَٰتٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ
Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa oo Keliya xagga Allaah, oo anigu waxaan uun ahay dige cad
Surah Al-Ankaboot, Verse 50
أَوَلَمۡ يَكۡفِهِمۡ أَنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحۡمَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
Miyaanay ku fillayn inaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka loo akhriyo? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano dad rumaysan
Surah Al-Ankaboot, Verse 51
قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ شَهِيدٗاۖ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ وَكَفَرُواْ بِٱللَّهِ أُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
Dheh: Allaah baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo rumeysan diida Allaah, waa kuwani uun kuwa iyagu ah hoogayaasha
Surah Al-Ankaboot, Verse 52
وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
Oo waxay ku warsadaaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Oo hubaal wuxuu ugu iman doonaa kedo iyagoo aan dareensanayn
Surah Al-Ankaboot, Verse 53
يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
Waxay ku warsadaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 54
يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Maalinta marka cadaabka ka dabooli doono dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, oo wuxuu odhan doonaa: Dhadhamiya waxaad fasheen
Surah Al-Ankaboot, Verse 55
يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّـٰيَ فَٱعۡبُدُونِ
Addoomahayga rumeysanow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda
Surah Al-Ankaboot, Verse 56
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ
Naf walbaa waa tii dhadhamisa dhimashada. markaas Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa
Surah Al-Ankaboot, Verse 57
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ
Oo kuwa rumeysan oo samaha fala waxaanu hubaal ka siin doonnaa hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fasha
Surah Al-Ankaboot, Verse 58
ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ
waa kuwa sabra oo Rabbigood ku kalsoon
Surah Al-Ankaboot, Verse 59
وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Oo badanaa noole dhul socod ah, oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Allaah baa arsaaqa iyo idinkaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
Surah Al-Ankaboot, Verse 60
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay
Surah Al-Ankaboot, Verse 61
ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 62
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
Oo haddii aad weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, markaa ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay hubaal odhan: Allaah. Dheh: Am- maan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Alle. Badankooduse wax ma gartaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 63
وَمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا لَهۡوٞ وَلَعِبٞۚ وَإِنَّ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ لَهِيَ ٱلۡحَيَوَانُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
Oo ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn maaweelo iyo madaddaalo. Oo hubaal Daarta dambeysa,_ weeyaan nolosha dhabta ah (waarista), waase haddii ay og yihiin
Surah Al-Ankaboot, Verse 64
فَإِذَا رَكِبُواْ فِي ٱلۡفُلۡكِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ إِذَا هُمۡ يُشۡرِكُونَ
Oo marka ay fuulaan doonyaha, waxay baryaan Allaah (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaas bay u shariik- yeelaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 65
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ وَلِيَتَمَتَّعُواْۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
Sidaas bay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeystaan12, durbase way ogaan doonaan
Surah Al-Ankaboot, Verse 66
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا حَرَمًا ءَامِنٗا وَيُتَخَطَّفُ ٱلنَّاسُ مِنۡ حَوۡلِهِمۡۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَكۡفُرُونَ
Miyaanay arkayn inaanu yeellay Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma waxaan jirin oo been ah bay weli rumeysan yihiin, oo ku gaaloobaan Nicmadda Ilaahay
Surah Al-Ankaboot, Verse 67
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ
Oo yaa ka gardarro iyo gef badan kan ka been sheega Allaah ama beeniya Xaqu marka uu u yimaado? Miyaanay se ahayn Naarta hoyga gaalada
Surah Al-Ankaboot, Verse 68
وَٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ فِينَا لَنَهۡدِيَنَّهُمۡ سُبُلَنَاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Oo (ma) kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga, waxaanu hubaal ku hanuunin doonnaa Jidadkayaga oo hubaal Allaah wuxuu la jiraa sama falayaasha
Surah Al-Ankaboot, Verse 69