UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Ar-Room - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓمٓ

Alif laam-miim
Surah Ar-Room, Verse 1


غُلِبَتِ ٱلرُّومُ

Ruum waxaa lagaga adkaaday
Surah Ar-Room, Verse 2


فِيٓ أَدۡنَى ٱلۡأَرۡضِ وَهُم مِّنۢ بَعۡدِ غَلَبِهِمۡ سَيَغۡلِبُونَ

Dhulka soke ee hooseeya (Shaam iyo Falastiin), iyaguna, kaddib marka laga adkaado, way adkaan doonaan
Surah Ar-Room, Verse 3


فِي بِضۡعِ سِنِينَۗ لِلَّهِ ٱلۡأَمۡرُ مِن قَبۡلُ وَمِنۢ بَعۡدُۚ وَيَوۡمَئِذٖ يَفۡرَحُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Dhowr sano gudahood, Amarka waxaa iska leh Allaah oo Keliya ka hor iyo kaddibba. Oo Maalintaas bay mu’miniintu ku farxi doonaan
Surah Ar-Room, Verse 4


بِنَصۡرِ ٱللَّهِۚ يَنصُرُ مَن يَشَآءُۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Gargaarka Ilaahay, wuxuu u gargaaraa kuu doono, oo waa Isaga Adkaadaha sare, Naxariista Badan
Surah Ar-Room, Verse 5


وَعۡدَ ٱللَّهِۖ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ

(Kani) Waa Ballan Ilaahay, Allaah kama uu baxo Ballankiisa, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
Surah Ar-Room, Verse 6


يَعۡلَمُونَ ظَٰهِرٗا مِّنَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ عَنِ ٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ غَٰفِلُونَ

Waxay yaqaaniin daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, ha yeeshee nolosha dambeysa wayba moog yihiin
Surah Ar-Room, Verse 7


أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآيِٕ رَبِّهِمۡ لَكَٰفِرُونَ

Mawaysan ka fakarin nafahooda: Allaah uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo go'an? Oo hubaal in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood way beeniyaan
Surah Ar-Room, Verse 8


أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَأَثَارُواْ ٱلۡأَرۡضَ وَعَمَرُوهَآ أَكۡثَرَ مِمَّا عَمَرُوهَا وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

Miyaanay marin dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan, oo qoday dhulka oo u camiray si ka badan sida ay kuwani u camireen, oo waxaa halkaa ula yimid Rusushii loo soo diray xujooyin cad, oo Allaah ma ahayn mid ku gardarrooda, ee iyaga baa nafahooda ku gardarrooday
Surah Ar-Room, Verse 9


ثُمَّ كَانَ عَٰقِبَةَ ٱلَّذِينَ أَسَـٰٓـُٔواْ ٱلسُّوٓأَىٰٓ أَن كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَكَانُواْ بِهَا يَسۡتَهۡزِءُونَ

Markaas xumaan bay ahayd cidhibta kuwii xuma falay, inay beeniyeen Aayadaha Ilaahay darteed oo ay ku jees-jeesi jireen
Surah Ar-Room, Verse 10


ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ

Allaah baa asal ahaan billaaba abuurista, haddana dib u soo abuuraya (dhimasho kaddib), markaas Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa
Surah Ar-Room, Verse 11


وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُبۡلِسُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu ayey quusan doonaan Dambiilayaashu
Surah Ar-Room, Verse 12


وَلَمۡ يَكُن لَّهُم مِّن شُرَكَآئِهِمۡ شُفَعَـٰٓؤُاْ وَكَانُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ كَٰفِرِينَ

Oo ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuwii ay (Allaah) la wadaajiyeen (cibaadada), oo waxay beenin doonaan kuwii ay hore ula wadaajiyeen (cibaadada)
Surah Ar-Room, Verse 13


وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوۡمَئِذٖ يَتَفَرَّقُونَ

Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu waa Maalinta ay kala bixi doonaan
Surah Ar-Room, Verse 14


فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَهُمۡ فِي رَوۡضَةٖ يُحۡبَرُونَ

Ee ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama- ha falay, waxaa laga yeeli kuwo faraxsan beer gudaheed
Surah Ar-Room, Verse 15


وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَلِقَآيِٕ ٱلۡأٓخِرَةِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ

Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan waayey oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada,_ kuwani cadaabka ayaa la keeni doonaa
Surah Ar-Room, Verse 16


فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمۡسُونَ وَحِينَ تُصۡبِحُونَ

Ee xurmad oo dhan waxaa leh oo hufan Allaah marka aad galab dhacsataan iyo marka aad waabariisataanba
Surah Ar-Room, Verse 17


وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَعَشِيّٗا وَحِينَ تُظۡهِرُونَ

Oo Isaga baa ku leh ammaan idilkeed iyo mahadba samooyinka iyo arlada, oo ammaan caweysinka iyo duhurnimadaba
Surah Ar-Room, Verse 18


يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَيُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ وَكَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ

Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Oo wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa
Surah Ar-Room, Verse 19


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٞ تَنتَشِرُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Awooddiisa) inuu idinka abuuray carro, markaas mise waxaadba tihiin dad foof ah ee firirsan
Surah Ar-Room, Verse 20


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا لِّتَسۡكُنُوٓاْ إِلَيۡهَا وَجَعَلَ بَيۡنَكُم مَّوَدَّةٗ وَرَحۡمَةًۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, oo Wuxuu dhexdiinna dhigay kalgacalo iyo naxariis, hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekereysa
Surah Ar-Room, Verse 21


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفُ أَلۡسِنَتِكُمۡ وَأَلۡوَٰنِكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡعَٰلِمِينَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh
Surah Ar-Room, Verse 22


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ مَنَامُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱبۡتِغَآؤُكُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna iyo doonashadiinna Deeqdiisa habeen iyo maalinba. Hubaal waxaa arrin- kani ugu sugan Calaamooyin qolo wax maqasha
Surah Ar-Room, Verse 23


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَيُحۡيِۦ بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, oo Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo garasho leh
Surah Ar-Room, Verse 24


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن تَقُومَ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ بِأَمۡرِهِۦۚ ثُمَّ إِذَا دَعَاكُمۡ دَعۡوَةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ إِذَآ أَنتُمۡ تَخۡرُجُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku sakhiran yihiin Amarkiisa, haddana marka uu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo bixi doontaaan
Surah Ar-Room, Verse 25


وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ

Oo Isaga baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligoodba Isaga bay u hoggaansan yihiin
Surah Ar-Room, Verse 26


وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Oo waa isaga Kan asal ahaan billaaba uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, oo aad bay ugu sahlan tahay. Oo Isaga baa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, oo Waa Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah
Surah Ar-Room, Verse 27


ضَرَبَ لَكُم مَّثَلٗا مِّنۡ أَنفُسِكُمۡۖ هَل لَّكُم مِّن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن شُرَكَآءَ فِي مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ فَأَنتُمۡ فِيهِ سَوَآءٞ تَخَافُونَهُمۡ كَخِيفَتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ

Wuxuu idiinka yeelay tusaale nafahiinna ee Miyey idinla wadaaagaan kuwa ay midigtiinnu hanato waxa aan idiin siinnay risiq ahaanta oo aad idinku u wada siman tihiin? oo aad uga cabsataan sida aad iskaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaas baan ugu dhignaa Aayadaha caddaan qolo garasho leh
Surah Ar-Room, Verse 28


بَلِ ٱتَّبَعَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ فَمَن يَهۡدِي مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّـٰصِرِينَ

Mayee, kuwa ah gar ma qaatayaasha waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan iyagoo aan waxba ogeyn, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah lumiyo? Oo uma sugnaan doonaan wax u gargaara
Surah Ar-Room, Verse 29


فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗاۚ فِطۡرَتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي فَطَرَ ٱلنَّاسَ عَلَيۡهَاۚ لَا تَبۡدِيلَ لِخَلۡقِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ

Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay, sidaa uu (kugu amray) baa ah diinta qumman, laakiinse dadka badankiisu ma ay ogsoona
Surah Ar-Room, Verse 30


۞مُنِيبِينَ إِلَيۡهِ وَٱتَّقُوهُ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

(idinkoo) u soo laabanaya Isaga, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo hagaajiya salaadda, oo ha ka mid ahaannina Mushrikiinta
Surah Ar-Room, Verse 31


مِنَ ٱلَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمۡ وَكَانُواْ شِيَعٗاۖ كُلُّ حِزۡبِۭ بِمَا لَدَيۡهِمۡ فَرِحُونَ

Oo ka mid ah kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday shiico, xizbi walbaa waxa ay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin
Surah Ar-Room, Verse 32


وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرّٞ دَعَوۡاْ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنۡهُ رَحۡمَةً إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ

Oo marka uu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (wax kale) Rabbigood u shariig yeelaan
Surah Ar-Room, Verse 33


لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ

Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) durbase waad ogaan doontaan
Surah Ar-Room, Verse 34


أَمۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُواْ بِهِۦ يُشۡرِكُونَ

Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, markaa ka hadla waxa ay Isaga u shariig yeelaan
Surah Ar-Room, Verse 35


وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ فَرِحُواْ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ إِذَا هُمۡ يَقۡنَطُونَ

Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, oo haddii ay soo gaarto xumaato ay sababtay wixii ay gacmahoodu horey u geysteen, mise wayba quustaan
Surah Ar-Room, Verse 36


أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Mawaysan arkayn inuu Allaah u ballaariyo risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhi- yo (kuu doono). Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan
Surah Ar-Room, Verse 37


فَـَٔاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Ee sii kan qaraabada dhow ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha
Surah Ar-Room, Verse 38


وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ

Oo wax kastoo aad bixisaan oo ribo ah, si ay ugu ziyaaddo maalka dadka6, kuma ziyaaddo Allaah agtiis; oo wax kastoo aad bixisaan sako7 ah idinkoo doonaya Wejiga Ilaahay, waa kuwani kuwa heli doona ajar labo laab ah
Surah Ar-Room, Verse 39


ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ ثُمَّ رَزَقَكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡۖ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفۡعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَيۡءٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin doona, haddana idin soo nooleyn doona. Miyey jiraan kuwa aad la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan, oo wuu ka Sarreeyaa waxaa ay u shariig yeelaan
Surah Ar-Room, Verse 40


ظَهَرَ ٱلۡفَسَادُ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ بِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِي ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعۡضَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ

Waxaa ka soo muuqday fasahaad barriga iyo baddaba oo ka dhashay waxa ay gacmahu dadku galabsadeen, si uu u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in soo noqdaan
Surah Ar-Room, Verse 41


قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلُۚ كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّشۡرِكِينَ

Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya sidee bay aheyd cidhibta kuwii hore. Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin
Surah Ar-Room, Verse 42


فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ ٱلۡقَيِّمِ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۖ يَوۡمَئِذٖ يَصَّدَّعُونَ

Ee u jeedi wejigaaga toos diinta hagaagsan inta aysan ka imaan Allaah Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi doonaan
Surah Ar-Room, Verse 43


مَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِأَنفُسِهِمۡ يَمۡهَدُونَ

Kii kastoo xaqa diida (isaga bay dhibeysaa) xaq diiddadiisu, oo kii kastoo sama fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san
Surah Ar-Room, Verse 44


لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡكَٰفِرِينَ

Si uu Allaah ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala wax ka mid ah deeqdiisa; hubaal Isagu ma uu jecla gaalada
Surah Ar-Room, Verse 45


وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن يُرۡسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٖ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَلِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabaylaha sida wax san oo lagu farxo (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan wax ka mid ah Deeqdiisa, bal inaad mahad noqdaan
Surah Ar-Room, Verse 46


وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱنتَقَمۡنَا مِنَ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْۖ وَكَانَ حَقًّا عَلَيۡنَا نَصۡرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Oo xaqiiq Waxaan u soo dirnay hortaa adiga Rusul dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, markaas waanu ka aarsannay kuwii ahaa dambiilayaasha. Oo waxaa abad xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta
Surah Ar-Room, Verse 47


ٱللَّهُ ٱلَّذِي يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَيَبۡسُطُهُۥ فِي ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ يَشَآءُ وَيَجۡعَلُهُۥ كِسَفٗا فَتَرَى ٱلۡوَدۡقَ يَخۡرُجُ مِنۡ خِلَٰلِهِۦۖ فَإِذَآ أَصَابَ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ

Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaaan daruur, uu ugu baahiyo cirka sidii uu doono, ee ka dhiga goosimo, markaas waxaad aragtaan roobka oo ka soo dhex baxaya, haddana marka uu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise markaas way faraxsan yihiin
Surah Ar-Room, Verse 48


وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيۡهِم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمُبۡلِسِينَ

Inkastoo ay ahaayeen ka hor intii aan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo xaqiiq ka quus joogay
Surah Ar-Room, Verse 49


فَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ ءَاثَٰرِ رَحۡمَتِ ٱللَّهِ كَيۡفَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Ee fiiri raadadka Raxmadda Ilaahay; sida uu ugu nolol siiyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal Kaasi wuxuu nooleyn doonaa meytida, oo wax walba Isagu wuu Karaa
Surah Ar-Room, Verse 50


وَلَئِنۡ أَرۡسَلۡنَا رِيحٗا فَرَأَوۡهُ مُصۡفَرّٗا لَّظَلُّواْ مِنۢ بَعۡدِهِۦ يَكۡفُرُونَ

Oo haddii aan dirno dabeyl daran, oo ay arkaan iyadoo doorsoontoo caddaatay, waxay markaas kaddib sii wadaan inay gaaloobaan
Surah Ar-Room, Verse 51


فَإِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ

Ee adigu hubaal ma kartid inaad ka yeesho maytida inay wax maqlaan, oo ma kartid inaad ka yeesho kuwa dhegaha la’ inay maqlaan dhawaaqa, marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan
Surah Ar-Room, Verse 52


وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِ ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ

Mana ka hanuunin kartid kuwa indhaha la’ lunsanaantooda, cidna wax ma maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo iyagu u hoggaansan
Surah Ar-Room, Verse 53


۞ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن ضَعۡفٖ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ ضَعۡفٖ قُوَّةٗ ثُمَّ جَعَلَ مِنۢ بَعۡدِ قُوَّةٖ ضَعۡفٗا وَشَيۡبَةٗۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡقَدِيرُ

Allaah waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Oo Waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Awoodda Badan
Surah Ar-Room, Verse 54


وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يُقۡسِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ مَا لَبِثُواْ غَيۡرَ سَاعَةٖۚ كَذَٰلِكَ كَانُواْ يُؤۡفَكُونَ

Oo Maalinta ay saacadda dhici doonto, waxay ku dhaaran doonaan dambiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaas bay xaqa uga leexdaan weligood
Surah Ar-Room, Verse 55


وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَٱلۡإِيمَٰنَ لَقَدۡ لَبِثۡتُمۡ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡبَعۡثِۖ فَهَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡبَعۡثِ وَلَٰكِنَّكُمۡ كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

Oo kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan doonaan: Dhab ahaan Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay tan iyo maalinta isa soo Bixinta, marka tani waa Maalintii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn
Surah Ar-Room, Verse 56


فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَعۡذِرَتُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ

Maalintaas cudur daarashadoodu wax uma tari doonto kuwii ahaa gar maqaatayaasha, lagamana aqbali doono raalli gelin
Surah Ar-Room, Verse 57


وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَلَئِن جِئۡتَهُم بِـَٔايَةٖ لَّيَقُولَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُبۡطِلُونَ

Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaa- dannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal
Surah Ar-Room, Verse 58


كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

Sidaas buu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn
Surah Ar-Room, Verse 59


فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ وَلَا يَسۡتَخِفَّنَّكَ ٱلَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ

Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq, oo yeysan ku liidsan kuwa aan (Xaqa) yaqiinsaneyn
Surah Ar-Room, Verse 60


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 29
>> Surah 31

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai