UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Luqman - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


الٓمٓ

Alif Laam Miim
Surah Luqman, Verse 1


تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ

Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka Xakiimka ah
Surah Luqman, Verse 2


هُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّلۡمُحۡسِنِينَ

Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha
Surah Luqman, Verse 3


ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ

Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo iyagu ah kuwo yaqiinsan Aakhirada
Surah Luqman, Verse 4


أُوْلَـٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدٗى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha
Surah Luqman, Verse 5


وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡتَرِي لَهۡوَ ٱلۡحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًاۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ

Oo waxaa ka mid ah dadka mid qaata isaga (Qur’aanka) beddelki hadal maaweelo4 ah si uu uga lumo Jidka Ilaahay isagoon ogeyn, oo ka dhigta jees-jees; Kuwani waxay la kulmi doonaan Cadaab Silcisa
Surah Luqman, Verse 6


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسۡتَكۡبِرٗا كَأَن لَّمۡ يَسۡمَعۡهَا كَأَنَّ فِيٓ أُذُنَيۡهِ وَقۡرٗاۖ فَبَشِّرۡهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga, ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqalba, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ku war geli Cadaab Xanuun Badan
Surah Luqman, Verse 7


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّـٰتُ ٱلنَّعِيمِ

(Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay hubaal mudan doonaan beero barwaaqo ah
Surah Luqman, Verse 8


خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, oo waa Isaga Adkaadaha sare , Xakiimka ah
Surah Luqman, Verse 9


خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ

Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad arkeysaan, oo wuxuu kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Oo Wuxuu ku fidiyey dhexdeeda xoolo nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo shubnay biyo daruurta, markaas sababnay inay ka soo baxaan halkaa (dhir) nooc kastoo wanaagsan leh
Surah Luqman, Verse 10


هَٰذَا خَلۡقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ بَلِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Waa kan Abuurka Ilaahay ee se i tusa bal waxa ay kuwaa sokadi ah abuureen. Mayee, gar ma qaatayaasha waxay ku jiraan habow caddaan ah
Surah Luqman, Verse 11


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا لُقۡمَٰنَ ٱلۡحِكۡمَةَ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِلَّهِۚ وَمَن يَشۡكُرۡ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٞ

Oo xaqiiq waxaanu siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Allaah. Oo kii kastoo mahdiya wuxuu uun u mahad naqi naftiisa, oo kii kastoo ah abaal laawe, haddaba hubaal Allaah waa isku filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Surah Luqman, Verse 12


وَإِذۡ قَالَ لُقۡمَٰنُ لِٱبۡنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَيَّ لَا تُشۡرِكۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّ ٱلشِّرۡكَ لَظُلۡمٌ عَظِيمٞ

Oo waa tii uu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa (Abimelek) isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin waxbana Allaah. Hubaal shirkigu waa gef aad iyo aad u Weyn
Surah Luqman, Verse 13


وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حَمَلَتۡهُ أُمُّهُۥ وَهۡنًا عَلَىٰ وَهۡنٖ وَفِصَٰلُهُۥ فِي عَامَيۡنِ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيۡكَ إِلَيَّ ٱلۡمَصِيرُ

Oo Waxaanu ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, oo gudhinta naas nuujintiisu waa labo sano dhexdood_ ee ii mahad naq aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe
Surah Luqman, Verse 14


وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَاۖ وَصَاحِبۡهُمَا فِي ٱلدُّنۡيَا مَعۡرُوفٗاۖ وَٱتَّبِعۡ سَبِيلَ مَنۡ أَنَابَ إِلَيَّۚ ثُمَّ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Oo haddii ay kugula doodaan si dadaal leh inaad ii shariig yeesho wax aad u cilmi lahayn, ha ka yeelin, oo kula soco adduun- kan si naxariis leh, oo raac jidka kan aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi doonaa waxaad fasheen
Surah Luqman, Verse 15


يَٰبُنَيَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثۡقَالَ حَبَّةٖ مِّنۡ خَرۡدَلٖ فَتَكُن فِي صَخۡرَةٍ أَوۡ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَأۡتِ بِهَا ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٞ

Wiilkaygiyow! Hubaal haddii ay tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirkaa kore ama dhulka hoose, Allaah waa keeni doonaa (ifka). Hubaal Allaah waa daryeel iyo roonaan badan yahayoo og yahay wax kasta aad ba ha u yaryaraadeene oo waa uu Xog hayaa wax waliba
Surah Luqman, Verse 16


يَٰبُنَيَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأۡمُرۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَٱنۡهَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ

Wiilkaygiyow! U oog salaadda si wanaagsan oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir yeelo waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato
Surah Luqman, Verse 17


وَلَا تُصَعِّرۡ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمۡشِ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخۡتَالٖ فَخُورٖ

Oo ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, oo ha ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Allaah ma jecla isla weyne walba oo faan badan
Surah Luqman, Verse 18


وَٱقۡصِدۡ فِي مَشۡيِكَ وَٱغۡضُضۡ مِن صَوۡتِكَۚ إِنَّ أَنكَرَ ٱلۡأَصۡوَٰتِ لَصَوۡتُ ٱلۡحَمِيرِ

Oo raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, oo hoos u dhig codkaaga. hubaal kan ugu xun codadka waa cida dameeraha
Surah Luqman, Verse 19


أَلَمۡ تَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَأَسۡبَغَ عَلَيۡكُمۡ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةٗ وَبَاطِنَةٗۗ وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِي ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَلَا هُدٗى وَلَا كِتَٰبٖ مُّنِيرٖ

Miyeydaan arkayn inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna
Surah Luqman, Verse 20


وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ بَلۡ نَتَّبِعُ مَا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآۚ أَوَلَوۡ كَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ يَدۡعُوهُمۡ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ

Oo marka lagu yidhaahdo: Raaca waxa Allaah soo waxyooday, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxa aanu ka hellay aabayaashayo. Oo ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabta dabka gubitaanka badan
Surah Luqman, Verse 21


۞وَمَن يُسۡلِمۡ وَجۡهَهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ فَقَدِ ٱسۡتَمۡسَكَ بِٱلۡعُرۡوَةِ ٱلۡوُثۡقَىٰۗ وَإِلَى ٱللَّهِ عَٰقِبَةُ ٱلۡأُمُورِ

Oo ku kastoo isu dhiiba isagoo dhan Allaah isagoo ah same fale wuxuu dhab ahaan qabsaday siddaha kalsoonida ee adag. Oo Allaah baa leh oo loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil
Surah Luqman, Verse 22


وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحۡزُنكَ كُفۡرُهُۥٓۚ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Oo ku kastoo rumeyn diida (Xaqa), yey ku murugo gelin rumeyn la’aantiisa, waa Xaggayaga Annaga meel noqodkoodu, oo Waxaanu u sheegi doonnaa waxay faleen. Hubaa Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
Surah Luqman, Verse 23


نُمَتِّعُهُمۡ قَلِيلٗا ثُمَّ نَضۡطَرُّهُمۡ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٖ

Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin doonnaa cadaab aad u adag
Surah Luqman, Verse 24


وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? waxay hubaal odhan doonaan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa mudan Allaah. laakiinse badankoodu ma ogsoona
Surah Luqman, Verse 25


لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxaa leh Allaah. Hubaal Allaah waa isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano
Surah Luqman, Verse 26


وَلَوۡ أَنَّمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ مِن شَجَرَةٍ أَقۡلَٰمٞ وَٱلۡبَحۡرُ يَمُدُّهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦ سَبۡعَةُ أَبۡحُرٖ مَّا نَفِدَتۡ كَلِمَٰتُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ

Oo haddii geed walba ee dhulka jira laga (dhigo) qalimmo, oo baddana (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Ilaahay. Hubaal Allaah waa Adkaade sare, Xakiim ah
Surah Luqman, Verse 27


مَّا خَلۡقُكُمۡ وَلَا بَعۡثُكُمۡ إِلَّا كَنَفۡسٖ وَٰحِدَةٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٌ

Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal Allaah waa Wax kasta Maqle , oo wax kasta Arka
Surah Luqman, Verse 28


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِيٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى وَأَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

Miyaanad arkayn in Allaah ka yeelo habeenka inuu u galo maalinta, oo Wuxuu ka yeelaa maalintana inay u gasho habeenka, oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo go'an; iyo in Allaah Og yahay waxa aad fashaan
Surah Luqman, Verse 29


ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِ ٱلۡبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ

Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Allaah uu Isagu Xaq yahay, oo waxa ka sokeeya ay baryaan uu baadil yahay, iyo inuu Allaah yahay Sarreeyaha, Weynaha ah
Surah Luqman, Verse 30


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱلۡفُلۡكَ تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِنِعۡمَتِ ٱللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنۡ ءَايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ

Miyaadan arkayn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Ilaahay7, si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyin- kiisa? hubaal, arrinkani waxaa ugu jira Calaamooyin samir yeesha kastoo, mahad naq badan
Surah Luqman, Verse 31


وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوۡجٞ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ فَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٖ كَفُورٖ

Oo marka uu hir buuro la moodo uu daboolo, waxay baryaan Allaah Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, qaarkood waxay raacaan jidka dhexdhexaadka ah8. Oo cidina ma diiddo Aayadahayaga aan aheyn axdi laawe kasta, abaal laawe ah
Surah Luqman, Verse 32


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡ وَٱخۡشَوۡاْ يَوۡمٗا لَّا يَجۡزِي وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوۡلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ

Dadow! Iska jira (Ciqaabta) Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geli doonin wax abaal ah wiilki, oo cunugna u geli doonin wax abaal ah waalidki. Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, oo ayaanu idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) ee dhagarta badan xagga Ilaahay
Surah Luqman, Verse 33


إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡأَرۡحَامِۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسٞ مَّاذَا تَكۡسِبُ غَدٗاۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسُۢ بِأَيِّ أَرۡضٖ تَمُوتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرُۢ

Hubaal Allaah Isaga Keliya baa Ogsoon waqtiga Saacadda (Qiyaame), oo soo dejiya roobka, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Oo nafna ma oga maxay kasban doontaa berri10, oo nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman doontaa. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, ka War Haya (wax walba)
Surah Luqman, Verse 34


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 30
>> Surah 32

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai