Surah As-Sajda - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
الٓمٓ
Alif laam-miim
Surah As-Sajda, Verse 1
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga (Allaah) Rabbiga uunanka
Surah As-Sajda, Verse 2
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۚ بَلۡ هُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) bal inay raacaan dhabbaha toosan
Surah As-Sajda, Verse 3
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا شَفِيعٍۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Allaah waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya oo dhan lix Maalmood, markaas Wuxuu dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Isaga sokadi wax gacal ah ama Shafeece. Ee miyeydun haddaba waansameyn
Surah As-Sajda, Verse 4
يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يَعۡرُجُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥٓ أَلۡفَ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ
Wuxuu agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah
Surah As-Sajda, Verse 5
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan, iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha sare, Naxariis Badnaha
Surah As-Sajda, Verse 6
ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥۖ وَبَدَأَ خَلۡقَ ٱلۡإِنسَٰنِ مِن طِينٖ
Kan u dhammeystiray wanaag wax kasta uu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo
Surah As-Sajda, Verse 7
ثُمَّ جَعَلَ نَسۡلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن مَّآءٖ مَّهِينٖ
Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado
Surah As-Sajda, Verse 8
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦۖ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin sameeyey maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahad naqdaan
Surah As-Sajda, Verse 9
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا ضَلَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدِۭۚ بَلۡ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ كَٰفِرُونَ
Oo waxay yidhahdaan: Ma marka aan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa haddaba dhab ahaan noqon doonnaa abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood
Surah As-Sajda, Verse 10
۞قُلۡ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلۡمَوۡتِ ٱلَّذِي وُكِّلَ بِكُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
Dheh: Waxaa idin oofsan doona Malakul mowd la idiin xil saaray, markaas baa xagga Rabbigiin la idin soo celin doonaa
Surah As-Sajda, Verse 11
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلۡمُجۡرِمُونَ نَاكِسُواْ رُءُوسِهِمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ رَبَّنَآ أَبۡصَرۡنَا وَسَمِعۡنَا فَٱرۡجِعۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
Oo haddii aad arki lahayd marka ay dambiilayaashu hoos u rogi doonaan madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbiyow! Haatan aragnay (runta) oo maqallay, ee dib noo celi, waxaan fali camal san, xaqiiq waanu yaqiinsannaye
Surah As-Sajda, Verse 12
وَلَوۡ شِئۡنَا لَأٓتَيۡنَا كُلَّ نَفۡسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ مِنِّي لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
Oo haddii aan doonno, waxaan dhab ahaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawl xaq ah baa horay iga dhacay inaan xaqiiq ka buuxin doono Naar jinka iyo insiga (I caasiya) dhammaan
Surah As-Sajda, Verse 13
فَذُوقُواْ بِمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمۡۖ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Ee dhadhamiya, waayo waxaad dan u geli weydeen la Kulanka Maalintiinnaan, hubaal Annaguna waanu idinka tageynaa, oo dhadhamiya cadaabta waaridda waxaad fasheen darteed
Surah As-Sajda, Verse 14
إِنَّمَا يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِهَا خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَسَبَّحُواْ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ۩
Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanta Rabbigood, oo aan iyagu isla weynaan
Surah As-Sajda, Verse 15
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمۡ عَنِ ٱلۡمَضَاجِعِ يَدۡعُونَ رَبَّهُمۡ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, waxay baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, oo wax uga bixiyaan (si fiican) waxaan aanu siinnay
Surah As-Sajda, Verse 16
فَلَا تَعۡلَمُ نَفۡسٞ مَّآ أُخۡفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعۡيُنٖ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Ee ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) ee ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxa ay faleen
Surah As-Sajda, Verse 17
أَفَمَن كَانَ مُؤۡمِنٗا كَمَن كَانَ فَاسِقٗاۚ لَّا يَسۡتَوُۥنَ
Ee haddaba ma mid mu'min ah baa la mid ah mid isagu caasi ah? Ma ay sinna
Surah As-Sajda, Verse 18
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ جَنَّـٰتُ ٱلۡمَأۡوَىٰ نُزُلَۢا بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Ma kuwa rumeysan ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah waa hoygooda daa’inka ah,marti soor ahaan waxay faleen
Surah As-Sajda, Verse 19
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُواْ فَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَآ أُعِيدُواْ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمۡ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Ma kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naarta, markastoo ay doonaanba inay ka soo baxaan waa lagu celin doonaa oo waxaa lagu odhan: Dhadhamiya cadaabta Naarta aad beenin jirteen
Surah As-Sajda, Verse 20
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَدۡنَىٰ دُونَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَكۡبَرِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
Oo hubaal waxaanu dhadhansiin doonnaa cadaabta aad u dhow5 ka hor cadaabta weyn, bal inay soo noqdaan
Surah As-Sajda, Verse 21
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعۡرَضَ عَنۡهَآۚ إِنَّا مِنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
Oo yaa ka gardarro badan mid isagu lagu waaniyey Aayadaha Rabbigi, markaas ka jeesda? Hubaal waan ka aarsan doonnaa dambiilayaasha
Surah As-Sajda, Verse 22
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَلَا تَكُن فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآئِهِۦۖ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muusaa Kitaabka6, ee ha ka shakiyin la kulankiisa7, oo Waxaanu uga dhignay hanuun ilmahii Israa’iil
Surah As-Sajda, Verse 23
وَجَعَلۡنَا مِنۡهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا لَمَّا صَبَرُواْۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ
Oo Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah iyaga hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen, oo waxay ahaayeen8 kuwo yaqiinsan Aayadahayaga
Surah As-Sajda, Verse 24
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
Hubaal Rabbigaa baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin
Surah As-Sajda, Verse 25
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍۚ أَفَلَا يَسۡمَعُونَ
Oo miyaanay ku hanuuneyn inta aan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay haddaba wax maqleyn
Surah As-Sajda, Verse 26
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَسُوقُ ٱلۡمَآءَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡجُرُزِ فَنُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا تَأۡكُلُ مِنۡهُ أَنۡعَٰمُهُمۡ وَأَنفُسُهُمۡۚ أَفَلَا يُبۡصِرُونَ
Oo miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul diir ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo iyaga nafahoodaba? Ee miyaanay haddaba wax arkeyn
Surah As-Sajda, Verse 27
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡفَتۡحُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Oo waxay yidhaahdaan: Goorma buu kala xukunka dhexdeenna dhici doonaa haddii aad run sheegaysaan
Surah As-Sajda, Verse 28
قُلۡ يَوۡمَ ٱلۡفَتۡحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِيمَٰنُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
Dheh: Maalinta kala xukunku9 iimaanka kuwa (hadda) rumeysan diida waxba uma tari doono kolkaa lamana siin doono fursad
Surah As-Sajda, Verse 29
فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَٱنتَظِرۡ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
Ee isaga jeeso oo sug10, hubaal iyaguna sidoo kale wax bay sugayaan
Surah As-Sajda, Verse 30