Surah As-Sajda - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh
الٓمٓ
waxay ku tusin mugjisada Quraanka
Surah As-Sajda, Verse 1
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa
Surah As-Sajda, Verse 2
أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۚ بَلۡ هُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ
mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si ay u hanuunaan
Surah As-Sajda, Verse 3
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا شَفِيعٍۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ
Eebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn
Surah As-Sajda, Verse 4
يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يَعۡرُجُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥٓ أَلۡفَ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ
amarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana
Surah As-Sajda, Verse 5
ذَٰلِكَ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista
Surah As-Sajda, Verse 6
ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥۖ وَبَدَأَ خَلۡقَ ٱلۡإِنسَٰنِ مِن طِينٖ
Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa)
Surah As-Sajda, Verse 7
ثُمَّ جَعَلَ نَسۡلَهُۥ مِن سُلَٰلَةٖ مِّن مَّآءٖ مَّهِينٖ
markaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar
Surah As-Sajda, Verse 8
ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦۖ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan
Surah As-Sajda, Verse 9
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا ضَلَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدِۭۚ بَلۡ هُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ كَٰفِرُونَ
waxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen
Surah As-Sajda, Verse 10
۞قُلۡ يَتَوَفَّىٰكُم مَّلَكُ ٱلۡمَوۡتِ ٱلَّذِي وُكِّلَ بِكُمۡ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin
Surah As-Sajda, Verse 11
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلۡمُجۡرِمُونَ نَاكِسُواْ رُءُوسِهِمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ رَبَّنَآ أَبۡصَرۡنَا وَسَمِعۡنَا فَٱرۡجِعۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا إِنَّا مُوقِنُونَ
haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh)
Surah As-Sajda, Verse 12
وَلَوۡ شِئۡنَا لَأٓتَيۡنَا كُلَّ نَفۡسٍ هُدَىٰهَا وَلَٰكِنۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ مِنِّي لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ
haddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan
Surah As-Sajda, Verse 13
فَذُوقُواْ بِمَا نَسِيتُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَآ إِنَّا نَسِينَٰكُمۡۖ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis
Surah As-Sajda, Verse 14
إِنَّمَا يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِهَا خَرُّواْۤ سُجَّدٗاۤ وَسَبَّحُواْ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ۩
waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn)
Surah As-Sajda, Verse 15
تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمۡ عَنِ ٱلۡمَضَاجِعِ يَدۡعُونَ رَبَّهُمۡ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ
waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya
Surah As-Sajda, Verse 16
فَلَا تَعۡلَمُ نَفۡسٞ مَّآ أُخۡفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعۡيُنٖ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
ma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis
Surah As-Sajda, Verse 17
أَفَمَن كَانَ مُؤۡمِنٗا كَمَن كَانَ فَاسِقٗاۚ لَّا يَسۡتَوُۥنَ
ruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka
Surah As-Sajda, Verse 18
أَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ جَنَّـٰتُ ٱلۡمَأۡوَىٰ نُزُلَۢا بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay xamal falayeen dartiis
Surah As-Sajda, Verse 19
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فَسَقُواْ فَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ كُلَّمَآ أَرَادُوٓاْ أَن يَخۡرُجُواْ مِنۡهَآ أُعِيدُواْ فِيهَا وَقِيلَ لَهُمۡ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen
Surah As-Sajda, Verse 20
وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَدۡنَىٰ دُونَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَكۡبَرِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed
Surah As-Sajda, Verse 21
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعۡرَضَ عَنۡهَآۚ إِنَّا مِنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُنتَقِمُونَ
yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa
Surah As-Sajda, Verse 22
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَلَا تَكُن فِي مِرۡيَةٖ مِّن لِّقَآئِهِۦۖ وَجَعَلۡنَٰهُ هُدٗى لِّبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ
dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil
Surah As-Sajda, Verse 23
وَجَعَلۡنَا مِنۡهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا لَمَّا صَبَرُواْۖ وَكَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ
waxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya
Surah As-Sajda, Verse 24
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَفۡصِلُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
Eebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan
Surah As-Sajda, Verse 25
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لَهُمۡ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ يَمۡشُونَ فِي مَسَٰكِنِهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍۚ أَفَلَا يَسۡمَعُونَ
myayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin
Surah As-Sajda, Verse 26
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا نَسُوقُ ٱلۡمَآءَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡجُرُزِ فَنُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا تَأۡكُلُ مِنۡهُ أَنۡعَٰمُهُمۡ وَأَنفُسُهُمۡۚ أَفَلَا يُبۡصِرُونَ
miyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin
Surah As-Sajda, Verse 27
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡفَتۡحُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
waxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan
Surah As-Sajda, Verse 28
قُلۡ يَوۡمَ ٱلۡفَتۡحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِيمَٰنُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ
waxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo
Surah As-Sajda, Verse 29
فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَٱنتَظِرۡ إِنَّهُم مُّنتَظِرُونَ
Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene
Surah As-Sajda, Verse 30