Surah Al-Ahzab - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
Nabiyow! Dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah, oo ha waafaqin (rabitaannada) gaalada iyo munaafiqiinta. hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah
Surah Al-Ahzab, Verse 1
وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا
Oo raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
Surah Al-Ahzab, Verse 2
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
Oo isku hallee Allaah, oo Allaah ku Filan wakiil uu ahaado
Surah Al-Ahzab, Verse 3
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّـٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ
Uma yeelin Allaah ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana dhigin afooyinkiinna aad dhabarradooda ku matashaan dhabarrada hooyooyinkiin2, hooyooyinkiin oo kale, kamana dhigin kuwaa aad ku sheegataan inay yihiin ilmahiinna, ilmihiinna runta ah aad dhasheen3. Kuwani wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afafkiinna. Oo Allaah wuxuu ku hadlaa runta, oo Isagaa wax ku hanuunsha Jidka (Toosan)
Surah Al-Ahzab, Verse 4
ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا
Ugu abtiriya aabbayaashood, sidaasi baa caddaaladsan Allaah agtiis. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, haddaba waa walaalihiin diinta iyo saaxiibbadiin, oo idinkuma saarna eed dushiinna wixii gef idiinka dhaca, laakiinse (waxaad eed ku leedihiin wixii) ay kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Oo Allaah waa Dambi dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 5
ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا
Nabiga isaga baa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, oo afooyinkiisu waa hooyooyinkood (oo kale). Oo qaraabadu iyaga baa qaarba qaarkood isagu kala sokeeya oo xaq leh Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) kuwaa ka soo haajiray (guryahooda), in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka
Surah Al-Ahzab, Verse 6
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمۡ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٖ وَإِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۖ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
Oo waa tii aan la galnay axdi Nabiyada iyo adigaba, iyo Nuux, iyo Ibraahiim, iyo Muuse iyo Ciise_wiilka Maryam. Oo waxaanu la galnay axdi aad u adag
Surah Al-Ahzab, Verse 7
لِّيَسۡـَٔلَ ٱلصَّـٰدِقِينَ عَن صِدۡقِهِمۡۚ وَأَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
Si uu wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, oo Wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab aad u xanuun badan
Surah Al-Ahzab, Verse 8
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَآءَتۡكُمۡ جُنُودٞ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا وَجُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا
Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaas aan ku dirnay dabayl xoog badan iyo ciidammo aydaan arag, oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan
Surah Al-Ahzab, Verse 9
إِذۡ جَآءُوكُم مِّن فَوۡقِكُمۡ وَمِنۡ أَسۡفَلَ مِنكُمۡ وَإِذۡ زَاغَتِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلۡقُلُوبُ ٱلۡحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠
Waa tii ay idiinka yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, oo waa tii indhuhu idin rogmadeen, oo wadnayaashu ay soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Allaah malooyin
Surah Al-Ahzab, Verse 10
هُنَالِكَ ٱبۡتُلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَزُلۡزِلُواْ زِلۡزَالٗا شَدِيدٗا
Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaanay, oo waxaa la gilgilay gil-gilid aad u daran
Surah Al-Ahzab, Verse 11
وَإِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورٗا
Oo waa tii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka billaabeen inay yidhaahdaan: Allaah iyo Rasuulkiisu nooma ballan qaadin (guul) balse keliya hoditaan
Surah Al-Ahzab, Verse 12
وَإِذۡ قَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ يَـٰٓأَهۡلَ يَثۡرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمۡ فَٱرۡجِعُواْۚ وَيَسۡتَـٔۡذِنُ فَرِيقٞ مِّنۡهُمُ ٱلنَّبِيَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوۡرَةٞ وَمَا هِيَ بِعَوۡرَةٍۖ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارٗا
Oo waa tii koox idinka mid ahina tidhi, Reer Yathribow9! Hlakaan joogitaan idiin ma leh ee noqda. Oo koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Hubaal guryahayagu waa baylah, oo ma ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay baxsadaan
Surah Al-Ahzab, Verse 13
وَلَوۡ دُخِلَتۡ عَلَيۡهِم مِّنۡ أَقۡطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُواْ ٱلۡفِتۡنَةَ لَأٓتَوۡهَا وَمَا تَلَبَّثُواْ بِهَآ إِلَّا يَسِيرٗا
Oo haddii looga soo geli lahaa Magaalada dhinacyadeeda ka mid ah, oo markaas laga dalbi lahaa inay dagaal qaadaan, horay bay hubaal ka yeeli lahaayeen, kumase negaadeen waxaan wax yar ahayn
Surah Al-Ahzab, Verse 14
وَلَقَدۡ كَانُواْ عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلۡأَدۡبَٰرَۚ وَكَانَ عَهۡدُ ٱللَّهِ مَسۡـُٔولٗا
Oo dhab ahaan waxay horay axdi kula galeen Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda, oo Axdiga Ilaahay waa mid lays weydiinayo
Surah Al-Ahzab, Verse 15
قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلۡفِرَارُ إِن فَرَرۡتُم مِّنَ ٱلۡمَوۡتِ أَوِ ٱلۡقَتۡلِ وَإِذٗا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلٗا
Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddii aad ka carartaan geeri ama gowrac, oo markaas ma laydiin oggolaan doono inaad u raaxeysaan nafahiinna waxaan wax xoogaa yar aheyn
Surah Al-Ahzab, Verse 16
قُلۡ مَن ذَا ٱلَّذِي يَعۡصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ سُوٓءًا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ رَحۡمَةٗۚ وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
Dheh: Waa kuma kan idinka celin kara Allaah haddii uu idinla maago dhibaato ama idinla maago naxariis10? Oo uma heli doonaan nafahooda Allaah sokadi wax gacal iyo gargaare ah midna
Surah Al-Ahzab, Verse 17
۞قَدۡ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ ٱلۡمُعَوِّقِينَ مِنكُمۡ وَٱلۡقَآئِلِينَ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ هَلُمَّ إِلَيۡنَاۖ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلۡبَأۡسَ إِلَّا قَلِيلًا
Allaah waa ogsoon yahay dhab ahaan kuwaa idinka mid ah11 ee dib u reeba (kuwa kale), iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; oo ma yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee
Surah Al-Ahzab, Verse 18
أَشِحَّةً عَلَيۡكُمۡۖ فَإِذَا جَآءَ ٱلۡخَوۡفُ رَأَيۡتَهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ تَدُورُ أَعۡيُنُهُمۡ كَٱلَّذِي يُغۡشَىٰ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلۡخَوۡفُ سَلَقُوكُم بِأَلۡسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلۡخَيۡرِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَمۡ يُؤۡمِنُواْ فَأَحۡبَطَ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki doontaa iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri darteed; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin. Sidaa awgeed buu Allaah u buriyey acmaashooda, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah
Surah Al-Ahzab, Verse 19
يَحۡسَبُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ لَمۡ يَذۡهَبُواْۖ وَإِن يَأۡتِ ٱلۡأَحۡزَابُ يَوَدُّواْ لَوۡ أَنَّهُم بَادُونَ فِي ٱلۡأَعۡرَابِ يَسۡـَٔلُونَ عَنۡ أَنۢبَآئِكُمۡۖ وَلَوۡ كَانُواْ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓاْ إِلَّا قَلِيلٗا
Waxay moodaan Axsaabtu inayan tegin15, oo haddii ay axzaabtu imanayaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan Carabta reer miyiga ah oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; oo haddii ay idin dhex joogi lahaayeen ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee
Surah Al-Ahzab, Verse 20
لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا
Dhab ahaan waxaa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Allaah in badan
Surah Al-Ahzab, Verse 21
وَلَمَّا رَءَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ قَالُواْ هَٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥۚ وَمَا زَادَهُمۡ إِلَّآ إِيمَٰنٗا وَتَسۡلِيمٗا
Oo markay Mu’minintu arkeen axzaabta waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Allaah iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, oo Allaah iyo Rasuuliisu run bay sheegeen, oo uma kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan
Surah Al-Ahzab, Verse 22
مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ رِجَالٞ صَدَقُواْ مَا عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ عَلَيۡهِۖ فَمِنۡهُم مَّن قَضَىٰ نَحۡبَهُۥ وَمِنۡهُم مَّن يَنتَظِرُۖ وَمَا بَدَّلُواْ تَبۡدِيلٗا
Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheega axdiga ay la galeen Allaah (guul ama geeri), marka waxaa ka mid ah mid isagu gutay ballankiisa (oo shahiiday), oo waxaa ka mid ah mid isagu weli sugaya; oo ma ayan beddelin in yarba ha ahaatee
Surah Al-Ahzab, Verse 23
لِّيَجۡزِيَ ٱللَّهُ ٱلصَّـٰدِقِينَ بِصِدۡقِهِمۡ وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Waa si uu Allaah uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta haddii uu doono ama ugu soo jeedsado (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 24
وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِغَيۡظِهِمۡ لَمۡ يَنَالُواْ خَيۡرٗاۚ وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلۡقِتَالَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزٗا
Oo Allaah wuxuu dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; oo Allaah baa ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, oo Allaah waa Xoog Badane, Adkaade sare ah
Surah Al-Ahzab, Verse 25
وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمۡ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَ فَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ وَتَأۡسِرُونَ فَرِيقٗا
Oo wuxuu ka soo saaray kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (mushrikiinta) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, oo qaar (kale) soo qafaalateen
Surah Al-Ahzab, Verse 26
وَأَوۡرَثَكُمۡ أَرۡضَهُمۡ وَدِيَٰرَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُمۡ وَأَرۡضٗا لَّمۡ تَطَـُٔوهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
Oo Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, oo Allaah wax walba waa uu Karaa
Surah Al-Ahzab, Verse 27
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيۡنَ أُمَتِّعۡكُنَّ وَأُسَرِّحۡكُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddii aad tihiin kuwo raba nolosha adduunkan iyo quruxdeeda,_ haddaba kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin oggolaan inaad tagtaan tagitaan wanaagsan
Surah Al-Ahzab, Verse 28
وَإِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡمُحۡسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجۡرًا عَظِيمٗا
Oo haddii aad rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta dambeysa, haddaba hubaal Allaah wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud aad u weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 29
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ مَن يَأۡتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖ يُضَٰعَفۡ لَهَا ٱلۡعَذَابُ ضِعۡفَيۡنِۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan cad, waxaa loo labanlaabi doonaa cadaabta, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah
Surah Al-Ahzab, Verse 30
۞وَمَن يَقۡنُتۡ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا نُّؤۡتِهَآ أَجۡرَهَا مَرَّتَيۡنِ وَأَعۡتَدۡنَا لَهَا رِزۡقٗا كَرِيمٗا
Oo mid kastoo idinka mid ah ee adeecda Allaah iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin doonnaa ajarkeeda labo jibbaar, oo Waxaanu u diyaarinnay risiq sharaf leh
Surah Al-Ahzab, Verse 31
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ لَسۡتُنَّ كَأَحَدٖ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيۡتُنَّۚ فَلَا تَخۡضَعۡنَ بِٱلۡقَوۡلِ فَيَطۡمَعَ ٱلَّذِي فِي قَلۡبِهِۦ مَرَضٞ وَقُلۡنَ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
Xaasaska Nabigow! la mid ma tihin haweenka kale oo dhan, haddii aad Allaah ka cabsataan, haddaba ha ahaanina kuwo dabacsan xagga22 hadal(kiinna), si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, oo ku hadla hadal wanaagsan
Surah Al-Ahzab, Verse 32
وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا
Oo jooga guryihiinna24, oo ha soo bandhigana bilicdiinna sida isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, Allaah wuxuu rabaa oo keliya inuu idinka fogeeyo fadarada (dambiga) Ehlu baydkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan
Surah Al-Ahzab, Verse 33
وَٱذۡكُرۡنَ مَا يُتۡلَىٰ فِي بُيُوتِكُنَّ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلۡحِكۡمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا
Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Ilaahay ah iyo Xikmadda; Hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax kastoo jira guntooda si kastaba ha u yaraadeene oo daryeela, wax walba ka War haya
Surah Al-Ahzab, Verse 34
إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّـٰدِقِينَ وَٱلصَّـٰدِقَٰتِ وَٱلصَّـٰبِرِينَ وَٱلصَّـٰبِرَٰتِ وَٱلۡخَٰشِعِينَ وَٱلۡخَٰشِعَٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّـٰٓئِمِينَ وَٱلصَّـٰٓئِمَٰتِ وَٱلۡحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّـٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱلذَّـٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمٗا
Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, adeecayaasha, iyo adeecooyinka, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, samir yeelayaasha iyo samiryeelatooyinka khushuucayaasha hoos isu dhiga iyo khushoocooyinka hoos isu dhiga, sadaqeystayaasha iyo wax sadaqeystooyinka, soomayaasha iyo soomooyinka iyo dhowrsanayaasha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinkaba. Allaah wuxuu u diyaariyey dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 35
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٖ وَلَا مُؤۡمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمۡرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُ مِنۡ أَمۡرِهِمۡۗ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلٗا مُّبِينٗا
Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, marka ay Allaah iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan lumaa lumis caddaan ah
Surah Al-Ahzab, Verse 36
وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا
Oo waa tii aad ku lahayd kan uu Allaah u nicmeeyay27 oo adiguna aad u nicmaysay: Heyso afadaada oo dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah; oo waxaad ku qarisay naftaada wax uu Allaah keenayo debedda, adigoo ka baqay dadka, oo Allaah baa mudan oo u sii xaq leh inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay), baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) afooyinka kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, oo Amarka Ilaahay waa mid la fuliyo
Surah Al-Ahzab, Verse 37
مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِيِّ مِنۡ حَرَجٖ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥۖ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قَدَرٗا مَّقۡدُورًا
Ma aha Nabiga dushiisa dhib inuu falaa waxa uu Allaah ku faral yeelay29. Waa sidaas sida ay soo ahaan jirtay hannaankii Ilaahay xagga kuwii hore ee tegay. Oo Amarka Ilaahay waa qaddar horay ka fulo
Surah Al-Ahzab, Verse 38
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
Kuwa gaarsiiya dadka Risaalooyinka Ilaahay30 oo ka baqa, oo aan ka baqin axadna Allaah maahee, oo Allaah ku filan xisaabiye ahaan
Surah Al-Ahzab, Verse 39
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٖ مِّن رِّجَالِكُمۡ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
Muxammad ma aha aabbaha axadna ka mid ah raggiina, laakiinse waa Rasuul Ilaahay iyo kan u dambeeyey Nabiyada31, oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah Al-Ahzab, Verse 40
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ ذِكۡرٗا كَثِيرٗا
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Xusa Allaah oo badiya xusiddiisa
Surah Al-Ahzab, Verse 41
وَسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
Oo xurmad weyneeya oo hufa aroor iyo galabba
Surah Al-Ahzab, Verse 42
هُوَ ٱلَّذِي يُصَلِّي عَلَيۡكُمۡ وَمَلَـٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَكَانَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَحِيمٗا
Waa isaga (Alle) Kan soo dira Bara- kooyinkiisa korkiinna32, oo malaa’igtiisu sidoo kale (bay Allaah idiinka baryaan), si uu idinkaga saaro mugdiyada xagga nuurka, oo Isagu waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta
Surah Al-Ahzab, Verse 43
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا
Salaantoodu Maalinta ay la Kulmaan waxay ahaan doontaa: Nabad ahaada, oo Wuxuu u diyaariyey abaal gud aad u sharaf badan
Surah Al-Ahzab, Verse 44
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo side war san33 oo lagu farxo iyo dige ahaan
Surah Al-Ahzab, Verse 45
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا
Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeera (dadka) xagga Ilaahay, si Idankiisa ah, iyo nal ahaan iftiin bixinaya
Surah Al-Ahzab, Verse 46
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا
Oo sii mu'miniinta warkaa san ee farxadda leh ee ah inay xagga Ilaahay ka mudan doonaan deeq aad iyo aad u Weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 47
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا
Oo ha adeecin gaalada iyo munaafi- qiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo isku hallee Allaah, oo Allaah baa ku Filan xafide uu ahaado
Surah Al-Ahzab, Verse 48
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
Kuwiinaan idinku rumeysanow! marka aad guursataan dumarka mu’minooyinka ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax waqti ah ay sugayaan aad u tirineysaan, ee u yeela xoogaa sahay ah oo dira diritaan si quruxsan ah
Surah Al-Ahzab, Verse 49
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّـٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّـٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّـٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Nabiyow! Hubaal Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda. iyo kuwaa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwaa uu Allaah kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah haddii ay u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan dhab ahaan ognahay waxa aan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxa ay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 50
۞تُرۡجِي مَن تَشَآءُ مِنۡهُنَّ وَتُـٔۡوِيٓ إِلَيۡكَ مَن تَشَآءُۖ وَمَنِ ٱبۡتَغَيۡتَ مِمَّنۡ عَزَلۡتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكَۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعۡيُنُهُنَّ وَلَا يَحۡزَنَّ وَيَرۡضَيۡنَ بِمَآ ءَاتَيۡتَهُنَّ كُلُّهُنَّۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمٗا
Adigu waad dib dhigi kareysaa tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, oo waad soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan, dhammaantood waxa aad siiso. Oo Allaah baa ogsoon waxa ku jira quluubtiinna. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, aad u Dul Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 51
لَّا يَحِلُّ لَكَ ٱلنِّسَآءُ مِنۢ بَعۡدُ وَلَآ أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ حُسۡنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ رَّقِيبٗا
Kuuma bannaana inaad yeelato haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga ku beddalatid afooyin kale midna, xataa haddii ay quruxdoodu ku cajabiso, marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Oo Allaah waa u jeedaa wax walba
Surah Al-Ahzab, Verse 52
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo cunno (la idiinku yeedhay), idinkoo aan sugeyn bisleynteeda34. Laakiinse marka la idiin yeedho gala, oo marka aad cuntaan raashinka markaa kala taga idinkoo aan raadineyn inaad hadal dhageysataan. hubaal (arrin) kani waxay dhibeysaa Nabiga, wuuse idinka xishoodaa (inuu idin bixiyo), oo Allaah kama xishoodo xaqa. Oo marka aad weydiisanaysaan iyaga wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u sii daahirsan quluubtiinna iyo quluubtodoodaba. Oo idiinma habboona inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, iyo inaad guursataanba afooyinkiisa isaga gadaashi marnaba. Hubaal (arrin) kani Allaah xaggi waa wax Daran oo dambi aad u weyn ah
Surah Al-Ahzab, Verse 53
إِن تُبۡدُواْ شَيۡـًٔا أَوۡ تُخۡفُوهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
Haddii aad wax u fashaan caddaan ama aad u fashaan qarsoodi, hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay
Surah Al-Ahzab, Verse 54
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡهِنَّ فِيٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُنَّۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
Wax eed ah kama saarna xagga aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, iyo haweenkoodaba, iyo waxa ay gacantoodu midig hanato, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal Allaah waa Mid wax waliba u jeeda oo arka
Surah Al-Ahzab, Verse 55
إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَـٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِيِّۚ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيۡهِ وَسَلِّمُواْ تَسۡلِيمًا
Hubaal Allaah iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, kuwiinaan idinku rumeysanow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan
Surah Al-Ahzab, Verse 56
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابٗا مُّهِينٗا
Hubaal (ma xagga) kuwa af lagaaddeeya Allaah iyo Rasuulkiisa_ Allaah wuu ku nacladay adduunkan iyo Aakhiradaba, oo wuxuu u diyaariyey Cadaab dulleysa
Surah Al-Ahzab, Verse 57
وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ بِغَيۡرِ مَا ٱكۡتَسَبُواْ فَقَدِ ٱحۡتَمَلُواْ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
Oo kuwaa u dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha wax aan ahayn waxaa ay galabsadeen (muteen), waxay dhab ahaan u soo jiideen nafahooda masabbidasho iyo dambi muuqda
Surah Al-Ahzab, Verse 58
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ يُدۡنِينَ عَلَيۡهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يُعۡرَفۡنَ فَلَا يُؤۡذَيۡنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
Nabiyow! U sheeg (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta; inay ku hagoogaan jirarkooda (qayb) ka mid ah gambada iyo garbasaaradooda. (arrin) kani baa roon oo wanaagsan, si loogu aqoonsado, oo sidaas darteed aan loo faduulin. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 59
۞لَّئِن لَّمۡ يَنتَهِ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡمُرۡجِفُونَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لَنُغۡرِيَنَّكَ بِهِمۡ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلٗا
Haddii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo gilgilayaasha ku baahiya (wararka beenta ah) magaalada dhexdeeda joojinin (waxa ay ku jiraan), waxaanu dhab ahaan ku salladi adiga oo ka adkaan, mar- kaas kulama deris noqon doonaan in yar ma’ahee
Surah Al-Ahzab, Verse 60
مَّلۡعُونِينَۖ أَيۡنَمَا ثُقِفُوٓاْ أُخِذُواْ وَقُتِّلُواْ تَقۡتِيلٗا
Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban doonaa oo la layn doonaa leyn daran
Surah Al-Ahzab, Verse 61
سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
(Sidaas bay soo aheyd) hannaankii Ilaahay ee ku meel martay kuwii hore ee tagay, oo kama heli doontid hannaanka Ilaahay wax is beddel ah
Surah Al-Ahzab, Verse 62
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
Dadku waxay wax kaa weydiyaan Saacadda (Qiyaame goorta ay tahay), Dheh: Cilmigeedu wuxuu la jiraa oo keliya Allaah. Oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo ay Saacaddu dhowdahayba
Surah Al-Ahzab, Verse 63
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
Hubaal Allaah wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey iyaga Naar gubeysa
Surah Al-Ahzab, Verse 64
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heli doonaan gacal iyo gargaare midna
Surah Al-Ahzab, Verse 65
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi doono Naarta, waxay odhan doonaan: wayoo waye haddii aanu adeeci lahayn Allaah, oo adeeci lahayn Rasuulka
Surah Al-Ahzab, Verse 66
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
oo waxay odhan doonaan: Rabbiyow!39 Hubaal waxaan innagu adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, markaasay naga lumiyeen Jidka
Surah Al-Ahzab, Verse 67
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
Rabbiyow! Sii iyaga cadaab labanlaab ah, oo naclad iyaga naclad aad u weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 68
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Allaah ka eed tiray waxa ay ku sheegeen, oo wuxuu ahaa Allaah agtiis mid sharaf ku leh
Surah Al-Ahzab, Verse 69
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo ku hadla hadal toosan
Surah Al-Ahzab, Verse 70
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan liibaani doonaa liibaan aad u weyn
Surah Al-Ahzab, Verse 71
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
Hubaal Waxaan Annagu u soo bandhignay Amaanada41 samooyinka iyo arlada iyo buuraha, wayse diideen inay noqdaan kuwo ka soo bixi waaya xilka ka saaran xaggeeda oo ka baqeen (Culeyska amaanada). Waxaase qaadaay oo ku xil darrooday Aadmiga42. hubaal Waa gardarro badane, jahli badan
Surah Al-Ahzab, Verse 72
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
Si43 uu Allaah u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, oo Allaah ugu soo jeesto (si naxariis leh) mu’miniinta iyo mu'minadaha, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Surah Al-Ahzab, Verse 73