Surah Al-Ahzab Verse 37 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Ahzabوَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا
Oo waa tii aad ku lahayd kan uu Allaah u nicmeeyay27 oo adiguna aad u nicmaysay: Heyso afadaada oo dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah; oo waxaad ku qarisay naftaada wax uu Allaah keenayo debedda, adigoo ka baqay dadka, oo Allaah baa mudan oo u sii xaq leh inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay), baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) afooyinka kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, oo Amarka Ilaahay waa mid la fuliyo