Surah Al-Ahzab Verse 53 - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
Surah Al-Ahzabيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا
Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo cunno (la idiinku yeedhay), idinkoo aan sugeyn bisleynteeda34. Laakiinse marka la idiin yeedho gala, oo marka aad cuntaan raashinka markaa kala taga idinkoo aan raadineyn inaad hadal dhageysataan. hubaal (arrin) kani waxay dhibeysaa Nabiga, wuuse idinka xishoodaa (inuu idin bixiyo), oo Allaah kama xishoodo xaqa. Oo marka aad weydiisanaysaan iyaga wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u sii daahirsan quluubtiinna iyo quluubtodoodaba. Oo idiinma habboona inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, iyo inaad guursataanba afooyinkiisa isaga gadaashi marnaba. Hubaal (arrin) kani Allaah xaggi waa wax Daran oo dambi aad u weyn ah