Surah Saba - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ
Ammaan (oo dhan) mahdin wehliso waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo Isaga baa (sidoo kale) mudan ammaan (oo dhan iyo mahdinba) Maalinta Dambeysa, oo Waa Xakiimka, Xog Ogaalka ah, Xeesha Dheer
Surah Saba, Verse 1
يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلۡغَفُورُ
Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa oo Waa Naxariis Badanaha, Dambi Dhaafka Badan
Surah Saba, Verse 2
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَأۡتِينَا ٱلسَّاعَةُۖ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأۡتِيَنَّكُمۡ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِۖ لَا يَعۡزُبُ عَنۡهُ مِثۡقَالُ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَآ أَصۡغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرُ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ
Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Nooma imaan doonto Saacadda (Qiyaame). Dheh: Haayoo, Waa igu Rabbigay, Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, xaqiiq way idiin iman doontaa, kama uu qarsoomo wax saxar le’eg (ama quraanyo) oo samada ama arlada yaal, ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weynba, oo intuba waxay ku yaallaan Kitaab Caddaan ah (Looxa Maxfuudka)
Surah Saba, Verse 3
لِّيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ
Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwani weeye kuwa iska leh dambi dhaaf iyo Risiq sharaf leh
Surah Saba, Verse 4
وَٱلَّذِينَ سَعَوۡ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٞ
Oo ( ma xagga) kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2_ kuwani weeye kuwa iska leh cadaab xanuun badan oo cayn xun
Surah Saba, Verse 5
وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلۡحَقَّ وَيَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
Oo kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wuxuu wax ku hanuuniyaa Jidka Adkaadaha,la Ammaano
Surah Saba, Verse 6
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هَلۡ نَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ يُنَبِّئُكُمۡ إِذَا مُزِّقۡتُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمۡ لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍ
Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo ciidda idin cunto), in dib hubaal la idiin (soo bixin doono) idinkoo abuur cusub ah
Surah Saba, Verse 7
أَفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةُۢۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ فِي ٱلۡعَذَابِ وَٱلضَّلَٰلِ ٱلۡبَعِيدِ
Ma Allaah buu ka been sheegay mise wuxuu qabaa waalli?. Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ahaan doonaan cadaabta (oo ku sugan yihiin) habow aad u fog
Surah Saba, Verse 8
أَفَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِن نَّشَأۡ نَخۡسِفۡ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ نُسۡقِطۡ عَلَيۡهِمۡ كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ
Miyaanay haddaba u fiirsan waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo samada iyo arlada ah? Haddii aan doonno, waxaanu ka yeeli doonnaa inuu la go’o oo liqo dhulka, ama waxaan ku soo ridi doonnaa korkood gabal cirka ah. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamo addoon kastoo u soo laabasho badan (Allaah)
Surah Saba, Verse 9
۞وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضۡلٗاۖ يَٰجِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُۥ وَٱلطَّيۡرَۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلۡحَدِيدَ
Oo dhab ahaan waxaanu ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga: Buurahow! La qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa la jirki, iyo shimbirahowba; Oo Waxaanu u jilicinnay birta
Surah Saba, Verse 10
أَنِ ٱعۡمَلۡ سَٰبِغَٰتٖ وَقَدِّرۡ فِي ٱلسَّرۡدِۖ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
Annagoo leh: Ka yeel waasic (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), oo u qaddar waqti sameynta jaakado bireedyada, oo sama fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxa aad fashaan
Surah Saba, Verse 11
وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهۡرٞ وَرَوَاحُهَا شَهۡرٞۖ وَأَسَلۡنَا لَهُۥ عَيۡنَ ٱلۡقِطۡرِۖ وَمِنَ ٱلۡجِنِّ مَن يَعۡمَلُ بَيۡنَ يَدَيۡهِ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَمَن يَزِغۡ مِنۡهُمۡ عَنۡ أَمۡرِنَا نُذِقۡهُ مِنۡ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
Oo xagga Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabaysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada, oo in bil loo socdo ku maraysay galabnimada, oo Waxaan u yeelnay inay u dareerto il (dureere) macdan nuxaas ah, oo jinniga waxaa ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayey isaga horti si idanka Rabbigi ah, oo mid kastoo ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga, waxaanu ka yeeli doonaa inuu dhadhamiyo cadaabta gubashada
Surah Saba, Verse 12
يَعۡمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٖ كَٱلۡجَوَابِ وَقُدُورٖ رَّاسِيَٰتٍۚ ٱعۡمَلُوٓاْ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكۡرٗاۚ وَقَلِيلٞ مِّنۡ عِبَادِيَ ٱلشَّكُورُ
Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo sawirro5 iyo xeerooyin (ballaaran) dar oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Oo in yar oo ka mid addoomahayga baa ah kuwo mahad naq badan
Surah Saba, Verse 13
فَلَمَّا قَضَيۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَوۡتَ مَا دَلَّهُمۡ عَلَىٰ مَوۡتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلۡأَرۡضِ تَأۡكُلُ مِنسَأَتَهُۥۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلۡجِنُّ أَن لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٱلۡغَيۡبَ مَا لَبِثُواْ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
Markiise aan u qaddarnay dhimashada, ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6, oo markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in haddii ay og yihiin waxa aan muuqan ee qarsoon aanay ku negaadeen cadaab dulleysa
Surah Saba, Verse 14
لَقَدۡ كَانَ لِسَبَإٖ فِي مَسۡكَنِهِمۡ ءَايَةٞۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٖ وَشِمَالٖۖ كُلُواْ مِن رِّزۡقِ رَبِّكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥۚ بَلۡدَةٞ طَيِّبَةٞ وَرَبٌّ غَفُورٞ
Dhab ahaan Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ degaankooda gudahi calaamad : labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidixba: Cuna wax ka mid ah risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya, balad wanaagsan iyo Rabbi Dambi Dhaaf Badan
Surah Saba, Verse 15
فَأَعۡرَضُواْ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سَيۡلَ ٱلۡعَرِمِ وَبَدَّلۡنَٰهُم بِجَنَّتَيۡهِمۡ جَنَّتَيۡنِ ذَوَاتَيۡ أُكُلٍ خَمۡطٖ وَأَثۡلٖ وَشَيۡءٖ مِّن سِدۡرٖ قَلِيلٖ
Wayse jeesadeen (iyagoo diidaya), markaas baan ku soo dirnay Daad Weyn8 oo rogmadkiisa iyo roorkiisa la joojin karin, oo waxaan ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo qaraar iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah
Surah Saba, Verse 16
ذَٰلِكَ جَزَيۡنَٰهُم بِمَا كَفَرُواْۖ وَهَلۡ نُجَٰزِيٓ إِلَّا ٱلۡكَفُورَ
Sidaas baan ku abaal marinnay gaal- nimadooda darteed; oo miyaan (sidaas oo kale) u abaal marinaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan
Surah Saba, Verse 17
وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ ٱلۡقُرَى ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا قُرٗى ظَٰهِرَةٗ وَقَدَّرۡنَا فِيهَا ٱلسَّيۡرَۖ سِيرُواْ فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ
Oo Waxaanu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, oo waxaanu qaddarnay socodkooda halkaa10: Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah
Surah Saba, Verse 18
فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ
Markaasay waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Kala fogee safarka dhexdayada ah; oo waxay u gefeen nafahooda, markaas baan waxaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn muuqata11. hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan
Surah Saba, Verse 19
وَلَقَدۡ صَدَّقَ عَلَيۡهِمۡ إِبۡلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Oo dhab ahaan waxaa ku rumoobay Ibliis malihiisii xaggooda13, oo way raaceen14, marka laga reebo koox ka mid ah mu'miniinta
Surah Saba, Verse 20
وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيۡهِم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يُؤۡمِنُ بِٱلۡأٓخِرَةِ مِمَّنۡ هُوَ مِنۡهَا فِي شَكّٖۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ
oo kuma aanu lahayn wax awood ah dushooda, oo wax kalena uma aan yeelin sidaa aan aheyn inay kala caddaato kan isagu rumeysan Aakhirada iyo kan isagu ka shakisan xaggeeda. Oo Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta
Surah Saba, Verse 21
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا لَهُمۡ فِيهِمَا مِن شِرۡكٖ وَمَا لَهُۥ مِنۡهُم مِّن ظَهِيرٖ
Dheh: U yeerta kuwa aad sheegtaan (inay ilaah yihiin) Allaah sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama quraanyo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko ah dhexdooda midna, kumana laha dhexdooda wax garab siiya
Surah Saba, Verse 22
وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنۡ أَذِنَ لَهُۥۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمۡ قَالُواْ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمۡۖ قَالُواْ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ
Oo shafeeco kuma anfaci doonto agtiisa waxba, mid uu isagu u idmo ma’ahee15. Jeer marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan doonaan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan doonaan: Xaq. Oo waa Sarreeyaha, aad u Weyn
Surah Saba, Verse 23
۞قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُلِ ٱللَّهُۖ وَإِنَّآ أَوۡ إِيَّاكُمۡ لَعَلَىٰ هُدًى أَوۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
Dheh: Yaa idinka siiya risiqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Oo hubaal innaga ama idinka mid uun baa xaqiiq hanuunsan ama ku sugan habow muuqda
Surah Saba, Verse 24
قُل لَّا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّآ أَجۡرَمۡنَا وَلَا نُسۡـَٔلُ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
Dheh: La idin ma weydiin doono wax ku saabsan dunuubtayada, oo innagana nala ma weydiin doono waxa aad fashaan
Surah Saba, Verse 25
قُلۡ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفۡتَحُ بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَهُوَ ٱلۡفَتَّاحُ ٱلۡعَلِيمُ
Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin doona innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori doonaa si xaq ah. Oo waa Isaga Garsooraha weyn, wax kasta Ogsoon
Surah Saba, Verse 26
قُلۡ أَرُونِيَ ٱلَّذِينَ أَلۡحَقۡتُم بِهِۦ شُرَكَآءَۖ كَلَّاۚ بَلۡ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
Dheh: I tusa kuwa aad la wdaajiseen Isaga shuruko ahaanta, mayee (ma jiraan wax- wax la wadaaga) bal waa Allaah, Adkaadaha sare, Xakiimka ah
Surah Saba, Verse 27
وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn xagga dadka oo dhan oo aad u ahaato side warar san oo lagu farxo iyo di- ge, laakiinse dadka badankoodu ma ogsoona
Surah Saba, Verse 28
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Oo waxay odhan doonaan: Goorma baa ballankani (la fulin doonaa) haddii aad tihiin run sheegayaal
Surah Saba, Verse 29
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوۡمٖ لَّا تَسۡتَـٔۡخِرُونَ عَنۡهُ سَاعَةٗ وَلَا تَسۡتَقۡدِمُونَ
Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin, aydaan saacad dib u dhigi karin saacadna soo hor marin karin
Surah Saba, Verse 30
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ بِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَلَا بِٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ مَوۡقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمۡ يَرۡجِعُ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ ٱلۡقَوۡلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لَوۡلَآ أَنتُمۡ لَكُنَّا مُؤۡمِنِينَ
Oo kuwa Xaqa diida waxay yidhaahdaan: Marnaba ma rumeysan doonno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arki lahayd marka gar ma qaatayaasha la soo hor joojin doono Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadal- ka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Haddii aydaan jirteen waxaan wallee ahaan laheyn mu’miniin
Surah Saba, Verse 31
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُوٓاْ أَنَحۡنُ صَدَدۡنَٰكُمۡ عَنِ ٱلۡهُدَىٰ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَكُمۖ بَلۡ كُنتُم مُّجۡرِمِينَ
Kuwii isla weynaa waxay ku odhan doonaan kuwii la daciifsaday: Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib marka uu idiin yimid? Mayee’ idinka ( naf ahaantiinna) ayaa ahaa danbiilayaal
Surah Saba, Verse 32
وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ بَلۡ مَكۡرُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ إِذۡ تَأۡمُرُونَنَآ أَن نَّكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجۡعَلَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَغۡلَٰلَ فِيٓ أَعۡنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ هَلۡ يُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
Oo kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello la dhigyo. Oo waxay muujin doonaan qoomamo markay arkaan cadaabta, oo waxaanu qoorta u suri doonnaa mereegyo bir ah kuwa xaqa diiday, Ma lagu abaal marin doono waxaan aheyn waxay camal faleen
Surah Saba, Verse 33
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Oo ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu hubaal waxaanu nahay kuwo aan rumeysnayn waxa la idinla soo diray
Surah Saba, Verse 34
وَقَالُواْ نَحۡنُ أَكۡثَرُ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
Oo waxay yidhaahdaan: Innagaa idinka maal iyo carruur badan, oo ma nihin kuwa la cadaabi doono
Surah Saba, Verse 35
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona
Surah Saba, Verse 36
وَمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُم بِٱلَّتِي تُقَرِّبُكُمۡ عِندَنَا زُلۡفَىٰٓ إِلَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ جَزَآءُ ٱلضِّعۡفِ بِمَا عَمِلُواْ وَهُمۡ فِي ٱلۡغُرُفَٰتِ ءَامِنُونَ
Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee ku kastoo rumeysan oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxa ay falaan darteed, oo waxay ku sugnaan doonaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada)
Surah Saba, Verse 37
وَٱلَّذِينَ يَسۡعَوۡنَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ
Oo (ma xagga) kuwa ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabtaa la soo keeni doonaa
Surah Saba, Verse 38
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥۚ وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَهُوَ يُخۡلِفُهُۥۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰزِقِينَ
Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), oo waxa aad bixisaan oo wuxuun ah, wuu ziyaadiyaa abaal gud ahaan, oo waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda
Surah Saba, Verse 39
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ يَقُولُ لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ أَهَـٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
Oo Maalinta marka uu soo wada kulmin doono iyagoo dhan, markaas uu ku odhan doono malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen
Surah Saba, Verse 40
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِمۖ بَلۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٱلۡجِنَّۖ أَكۡثَرُهُم بِهِم مُّؤۡمِنُونَ
Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaara- hayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen
Surah Saba, Verse 41
فَٱلۡيَوۡمَ لَا يَمۡلِكُ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٖ نَّفۡعٗا وَلَا ضَرّٗا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
Marka Maalintaas uma hanan doono midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaanu ku odhan doonnaa kuwaasi ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya Cadaabta Naarta aad beeninayseen
Surah Saba, Verse 42
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا رَجُلٞ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمۡ عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُكُمۡ وَقَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٞ مُّفۡتَرٗىۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ
Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin. Oo Waxay yidhaahdaan: kanu wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Oo kuwa gaalada ahi waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir muuqda
Surah Saba, Verse 43
وَمَآ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّن كُتُبٖ يَدۡرُسُونَهَاۖ وَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ قَبۡلَكَ مِن نَّذِيرٖ
Oo ma aanu siin iyaga wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, oo uma aanu soo dirin adiga hortaa wax dige ah
Surah Saba, Verse 44
وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَمَا بَلَغُواْ مِعۡشَارَ مَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ فَكَذَّبُواْ رُسُلِيۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
Oo Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (Xaqa), oo kuwan weli ma gaarin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Wayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee mid daran u aheyd muujinta inkaarteydii
Surah Saba, Verse 45
۞قُلۡ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍۖ أَن تَقُومُواْ لِلَّهِ مَثۡنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُواْۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ لَّكُم بَيۡنَ يَدَيۡ عَذَابٖ شَدِيدٖ
Dheh: waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u kacdaan Allaah Darti labo-labo iyo mid mid18, markaasna aad fekertaan: ma qabo waalli saaxiibkiin, waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh
Surah Saba, Verse 46
قُلۡ مَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٖ فَهُوَ لَكُمۡۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٞ
Dheh: Wixii aan idin weydiiyoba oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Allaah oo Keliya. Oo wax walba Isagu waa u Jeedaa
Surah Saba, Verse 47
قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَّـٰمُ ٱلۡغُيُوبِ
Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu sheegaa Xaqa (oo xumaantuu ku tiraa) waa Ogsoonaha sare ee waxa aan muuqan
Surah Saba, Verse 48
قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ
Dheh: Xaqu waa yimid, oo Baadilku waa tirtirmi oo dib uma soo laaban doono
Surah Saba, Verse 49
قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ
Dheh: Haddii aan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. Oo haddii aan raaco tub toosan, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal Isagu waa wax kasta Maqle, aad u dhow
Surah Saba, Verse 50
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ
Oo haddii aad arki lahayd21 marka ay noqon doonaan kuwo qarracansan, ha yeeshee (markaa) mar jiri doonto baxsasho, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhow
Surah Saba, Verse 51
وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
Oo waxay odhan: Waanu rumaysanna- hay (haatan). Oo sidee bay qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel aad u fog
Surah Saba, Verse 52
وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
Oo waxay dhab ahaan dafireen kol hore22, oo waxay ka sheegaan male awaallo waxyaalaha aan muuqan xagga meel fog
Surah Saba, Verse 53
وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ
Oo xannib baa la kala dhex dhigi iyaga iyo waxa ay rabaan24, sidii loo galayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh
Surah Saba, Verse 54