UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Saba - Somali Translation by Mahmud Muhammad Abduh


ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ

mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba oge)
Surah Saba, Verse 1


يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلۡغَفُورُ

wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah
Surah Saba, Verse 2


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَأۡتِينَا ٱلسَّاعَةُۖ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأۡتِيَنَّكُمۡ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِۖ لَا يَعۡزُبُ عَنۡهُ مِثۡقَالُ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَآ أَصۡغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرُ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ

kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin
Surah Saba, Verse 3


لِّيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِۚ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan
Surah Saba, Verse 4


وَٱلَّذِينَ سَعَوۡ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٞ

Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun
Surah Saba, Verse 5


وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلۡحَقَّ وَيَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ

Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo
Surah Saba, Verse 6


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هَلۡ نَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ يُنَبِّئُكُمۡ إِذَا مُزِّقۡتُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمۡ لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍ

Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri
Surah Saba, Verse 7


أَفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةُۢۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ فِي ٱلۡعَذَابِ وَٱلضَّلَٰلِ ٱلۡبَعِيدِ

Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog
Surah Saba, Verse 8


أَفَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِن نَّشَأۡ نَخۡسِفۡ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ نُسۡقِطۡ عَلَيۡهِمۡ كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ

Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan
Surah Saba, Verse 9


۞وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضۡلٗاۖ يَٰجِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُۥ وَٱلطَّيۡرَۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلۡحَدِيدَ

Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta
Surah Saba, Verse 10


أَنِ ٱعۡمَلۡ سَٰبِغَٰتٖ وَقَدِّرۡ فِي ٱلسَّرۡدِۖ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa
Surah Saba, Verse 11


وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهۡرٞ وَرَوَاحُهَا شَهۡرٞۖ وَأَسَلۡنَا لَهُۥ عَيۡنَ ٱلۡقِطۡرِۖ وَمِنَ ٱلۡجِنِّ مَن يَعۡمَلُ بَيۡنَ يَدَيۡهِ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَمَن يَزِغۡ مِنۡهُمۡ عَنۡ أَمۡرِنَا نُذِقۡهُ مِنۡ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ

Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro
Surah Saba, Verse 12


يَعۡمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٖ كَٱلۡجَوَابِ وَقُدُورٖ رَّاسِيَٰتٍۚ ٱعۡمَلُوٓاْ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكۡرٗاۚ وَقَلِيلٞ مِّنۡ عِبَادِيَ ٱلشَّكُورُ

Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan
Surah Saba, Verse 13


فَلَمَّا قَضَيۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَوۡتَ مَا دَلَّهُمۡ عَلَىٰ مَوۡتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلۡأَرۡضِ تَأۡكُلُ مِنسَأَتَهُۥۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلۡجِنُّ أَن لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٱلۡغَيۡبَ مَا لَبِثُواْ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ

Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed)
Surah Saba, Verse 14


لَقَدۡ كَانَ لِسَبَإٖ فِي مَسۡكَنِهِمۡ ءَايَةٞۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٖ وَشِمَالٖۖ كُلُواْ مِن رِّزۡقِ رَبِّكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥۚ بَلۡدَةٞ طَيِّبَةٞ وَرَبٌّ غَفُورٞ

Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane
Surah Saba, Verse 15


فَأَعۡرَضُواْ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سَيۡلَ ٱلۡعَرِمِ وَبَدَّلۡنَٰهُم بِجَنَّتَيۡهِمۡ جَنَّتَيۡنِ ذَوَاتَيۡ أُكُلٍ خَمۡطٖ وَأَثۡلٖ وَشَيۡءٖ مِّن سِدۡرٖ قَلِيلٖ

Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah
Surah Saba, Verse 16


ذَٰلِكَ جَزَيۡنَٰهُم بِمَا كَفَرُواْۖ وَهَلۡ نُجَٰزِيٓ إِلَّا ٱلۡكَفُورَ

Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan
Surah Saba, Verse 17


وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ ٱلۡقُرَى ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا قُرٗى ظَٰهِرَةٗ وَقَدَّرۡنَا فِيهَا ٱلسَّيۡرَۖ سِيرُواْ فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ

Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah
Surah Saba, Verse 18


فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ

Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan
Surah Saba, Verse 19


وَلَقَدۡ صَدَّقَ عَلَيۡهِمۡ إِبۡلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee
Surah Saba, Verse 20


وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيۡهِم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يُؤۡمِنُ بِٱلۡأٓخِرَةِ مِمَّنۡ هُوَ مِنۡهَا فِي شَكّٖۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ

Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba waa ilaaliye
Surah Saba, Verse 21


قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا لَهُمۡ فِيهِمَا مِن شِرۡكٖ وَمَا لَهُۥ مِنۡهُم مِّن ظَهِيرٖ

Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga
Surah Saba, Verse 22


وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنۡ أَذِنَ لَهُۥۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمۡ قَالُواْ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمۡۖ قَالُواْ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ

Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn
Surah Saba, Verse 23


۞قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُلِ ٱللَّهُۖ وَإِنَّآ أَوۡ إِيَّاكُمۡ لَعَلَىٰ هُدًى أَوۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan
Surah Saba, Verse 24


قُل لَّا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّآ أَجۡرَمۡنَا وَلَا نُسۡـَٔلُ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

Waxaad dhahdaa laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad camalfaleysaan
Surah Saba, Verse 25


قُلۡ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفۡتَحُ بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَهُوَ ٱلۡفَتَّاحُ ٱلۡعَلِيمُ

Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og
Surah Saba, Verse 26


قُلۡ أَرُونِيَ ٱلَّذِينَ أَلۡحَقۡتُم بِهِۦ شُرَكَآءَۖ كَلَّاۚ بَلۡ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago) saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan
Surah Saba, Verse 27


وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ

Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga
Surah Saba, Verse 28


وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan
Surah Saba, Verse 29


قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوۡمٖ لَّا تَسۡتَـٔۡخِرُونَ عَنۡهُ سَاعَةٗ وَلَا تَسۡتَقۡدِمُونَ

Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana hor dhacaynin
Surah Saba, Verse 30


وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ بِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَلَا بِٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ مَوۡقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمۡ يَرۡجِعُ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ ٱلۡقَوۡلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لَوۡلَآ أَنتُمۡ لَكُنَّا مُؤۡمِنِينَ

Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo)
Surah Saba, Verse 31


قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُوٓاْ أَنَحۡنُ صَدَدۡنَٰكُمۡ عَنِ ٱلۡهُدَىٰ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَكُمۖ بَلۡ كُنتُم مُّجۡرِمِينَ

Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa
Surah Saba, Verse 32


وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ بَلۡ مَكۡرُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ إِذۡ تَأۡمُرُونَنَآ أَن نَّكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجۡعَلَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَغۡلَٰلَ فِيٓ أَعۡنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ هَلۡ يُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee
Surah Saba, Verse 33


وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ

Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay
Surah Saba, Verse 34


وَقَالُواْ نَحۡنُ أَكۡثَرُ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ

Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo
Surah Saba, Verse 35


قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ

Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga
Surah Saba, Verse 36


وَمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُم بِٱلَّتِي تُقَرِّبُكُمۡ عِندَنَا زُلۡفَىٰٓ إِلَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمۡ جَزَآءُ ٱلضِّعۡفِ بِمَا عَمِلُواْ وَهُمۡ فِي ٱلۡغُرُفَٰتِ ءَامِنُونَ

Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno
Surah Saba, Verse 37


وَٱلَّذِينَ يَسۡعَوۡنَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَـٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ

Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab
Surah Saba, Verse 38


قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥۚ وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَهُوَ يُخۡلِفُهُۥۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّـٰزِقِينَ

Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa
Surah Saba, Verse 39


وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ يَقُولُ لِلۡمَلَـٰٓئِكَةِ أَهَـٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ

Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen
Surah Saba, Verse 40


قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِمۖ بَلۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٱلۡجِنَّۖ أَكۡثَرُهُم بِهِم مُّؤۡمِنُونَ

Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen
Surah Saba, Verse 41


فَٱلۡيَوۡمَ لَا يَمۡلِكُ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٖ نَّفۡعٗا وَلَا ضَرّٗا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen
Surah Saba, Verse 42


وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا رَجُلٞ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمۡ عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُكُمۡ وَقَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٞ مُّفۡتَرٗىۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan (quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha
Surah Saba, Verse 43


وَمَآ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّن كُتُبٖ يَدۡرُسُونَهَاۖ وَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ قَبۡلَكَ مِن نَّذِيرٖ

Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta)
Surah Saba, Verse 44


وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَمَا بَلَغُواْ مِعۡشَارَ مَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ فَكَذَّبُواْ رُسُلِيۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ

Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay)
Surah Saba, Verse 45


۞قُلۡ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍۖ أَن تَقُومُواْ لِلَّهِ مَثۡنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُواْۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ لَّكُم بَيۡنَ يَدَيۡ عَذَابٖ شَدِيدٖ

Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay
Surah Saba, Verse 46


قُلۡ مَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٖ فَهُوَ لَكُمۡۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٞ

Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan
Surah Saba, Verse 47


قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَّـٰمُ ٱلۡغُيُوبِ

Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane
Surah Saba, Verse 48


قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ

Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay
Surah Saba, Verse 49


قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ

Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe
Surah Saba, Verse 50


وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ

Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn)
Surah Saba, Verse 51


وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ

Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan (rumayn)
Surah Saba, Verse 52


وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ

Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog
Surah Saba, Verse 53


وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ

Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan
Surah Saba, Verse 54


Author: Mahmud Muhammad Abduh


<< Surah 33
>> Surah 35

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai