UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Fatir - Somali Translation by Abdullah Hasan Jacob


ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ جَاعِلِ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُوْلِيٓ أَجۡنِحَةٖ مَّثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۚ يَزِيدُ فِي ٱلۡخَلۡقِ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Ammaan oo dhan (mahdin wehliso) waxaa mudan Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada, ka dhigaha malaa’igta Rusul ku duula baalal, labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wixii uu doono. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa
Surah Fatir, Verse 1


مَّا يَفۡتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحۡمَةٖ فَلَا مُمۡسِكَ لَهَاۖ وَمَا يُمۡسِكۡ فَلَا مُرۡسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Wax kastoo uu Allaah uu u furo dadka ee Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, oo wuxuu celiyo ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Oo Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah
Surah Fatir, Verse 2


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ هَلۡ مِنۡ خَٰلِقٍ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

Dadow! Xusuusta Nicamadda Ilaahay dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa haddaba la idiinka iilay
Surah Fatir, Verse 3


وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَتۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

Oo haddii ay ku beeniyaan, xaqiiq waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan
Surah Fatir, Verse 4


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ

Dadow! Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, oo yuusan kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Ilaahay
Surah Fatir, Verse 5


إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمۡ عَدُوّٞ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّاۚ إِنَّمَا يَدۡعُواْ حِزۡبَهُۥ لِيَكُونُواْ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

Hubaal Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinku ka dhigta cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa
Surah Fatir, Verse 6


ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٌ

(Ma) Kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay mudan cadaab daran; (ma) kuwase rumeysan oo samaha fala, waxay mudan danbi dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn
Surah Fatir, Verse 7


أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنٗاۖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۖ فَلَا تَذۡهَبۡ نَفۡسُكَ عَلَيۡهِمۡ حَسَرَٰتٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَصۡنَعُونَ

Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Haddaba Hubaal Allaah wuxuu lumiyaa kii uu doono, oo hanuuniyaa kii uu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Hubaal Allaah waa Ogsoon yahay waxa ay Sameeyaan
Surah Fatir, Verse 8


وَٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَسُقۡنَٰهُ إِلَىٰ بَلَدٖ مَّيِّتٖ فَأَحۡيَيۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ

Oo Allaah waa Ka soo dira dabaylaha ee kicisa daruur, markaa aanu u kaxeyno beled dhintay, oo aan ku nooleyno arlada kaddib dhimashadeeda, sidaas oo kale weeyaan soo Bixinta
Surah Fatir, Verse 9


مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ جَمِيعًاۚ إِلَيۡهِ يَصۡعَدُ ٱلۡكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلۡعَمَلُ ٱلصَّـٰلِحُ يَرۡفَعُهُۥۚ وَٱلَّذِينَ يَمۡكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَمَكۡرُ أُوْلَـٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ

Mid kastoo raba sharaf (awood uu leeyahay) darteed, haddaba Allaah baa iska leh sharaf iyo awood oo dhan. Xaggiisa bay u kor baxaan weedhaha san oo idil, oo camalka san kor buu u qaadaa, oo (ma) kuwa xumaha qorsheeya, waxay mudan doonaan cadaab daran. oo kuwaasu qorshahoogu xun wuu baabbi’i doonaa
Surah Fatir, Verse 10


وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ جَعَلَكُمۡ أَزۡوَٰجٗاۚ وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٖ وَلَا يُنقَصُ مِنۡ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ

Oo Allaah wuxuu idinka abuuray carro, haddana mino-nool, haddana wuxuu idinka dhigaa lammaan; oo ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, oo ma jiro ku cimrigiisu la dheereeyo oo cumri dheeraada ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal kani waa mid u Fudud Allaah
Surah Fatir, Verse 11


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡبَحۡرَانِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ سَآئِغٞ شَرَابُهُۥ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞۖ وَمِن كُلّٖ تَأۡكُلُونَ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُونَ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Oo labada badood isku mid ma aha, mid waa macaan lagu harraad baxo macaankeeda oo ziyaado ah awgeed ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, weliba mid walbaa oo ka mid ah waxaad ka cuntaan mallay cusub, oo waxaad kala soo baxdaan waxyaalo aad qurux u xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan
Surah Fatir, Verse 12


يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۚ وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمۡلِكُونَ مِن قِطۡمِيرٍ

Wuxuu sababaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo wuxuu sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka. Oo wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo go'an. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isaga baa leh Boqortooyada, oo kuwaas aad u dhawaaqataan Isaga sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed
Surah Fatir, Verse 13


إِن تَدۡعُوهُمۡ لَا يَسۡمَعُواْ دُعَآءَكُمۡ وَلَوۡ سَمِعُواْ مَا ٱسۡتَجَابُواْ لَكُمۡۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُونَ بِشِرۡكِكُمۡۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثۡلُ خَبِيرٖ

Haddii aad u dhawaaqataan ma maqli doonaan dhawaaqiinna, oo xitaa haddii ay maqli karaan, ma idin ajiibayaan2. Oo Maa- linta Qiyaamaha way dafiri doonaan wax (la) wadaajintiinna iyaga (Allaah). Oo ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Mid- ka Isagu ah Xog ogaal Xeel dheer (Allaah)
Surah Fatir, Verse 14


۞يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Allaah, oo Allaah waa isku Filan Deeqtoon, la Ammaano
Surah Fatir, Verse 15


إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ

Haddii uu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni fac cusub
Surah Fatir, Verse 16


وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ

Oo (arrin)kani ma aha wax ku adag Allaah
Surah Fatir, Verse 17


وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ وَإِن تَدۡعُ مُثۡقَلَةٌ إِلَىٰ حِمۡلِهَا لَا يُحۡمَلۡ مِنۡهُ شَيۡءٞ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰٓۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفۡسِهِۦۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ

Oo naf culaabeysan ma qaadi karto culaabta naf kale; oo haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba ka mid ah lagama qaadi doono, xitaa haddii uu la yahay qaraabo dhow. Waxaad uun u digtaa kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)3, oo hagaajiya salaadda, oo mid kastoo is daahiriya4, naftiisu uun buu isu daahiriyaa, oo waa Xagga Allaah meesha loo socdaa
Surah Fatir, Verse 18


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ

Oo indhoolaha iyo mid wax arka ma sinna
Surah Fatir, Verse 19


وَلَا ٱلظُّلُمَٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ

Iyo mugdiyada iyo nuurka
Surah Fatir, Verse 20


وَلَا ٱلظِّلُّ وَلَا ٱلۡحَرُورُ

Iyo harka iyo kuleylka
Surah Fatir, Verse 21


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَحۡيَآءُ وَلَا ٱلۡأَمۡوَٰتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسۡمِعُ مَن يَشَآءُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسۡمِعٖ مَّن فِي ٱلۡقُبُورِ

Oo kuwa nool iyo kuwa meydka ah6 ma sinna. hubaal Allaah Wuxuu wax maqashiiyaa ciddii uu doono7, oo adigu wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha
Surah Fatir, Verse 22


إِنۡ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ

Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige
Surah Fatir, Verse 23


إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۚ وَإِن مِّنۡ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٞ

Hubaal waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa side ahaan warar san iyo dige ahaan. Oo ma jirto ummad aanu soo marin dige
Surah Fatir, Verse 24


وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلزُّبُرِ وَبِٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ

Oo haddii ay ku beeeniyaan, xaqiiq waxaa sidoo kale beeniyey (Rusushoodii) kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya
Surah Fatir, Verse 25


ثُمَّ أَخَذۡتُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ

Markaas baan ciqaabay kuwii Xaqa diiday,ee sidee bay aheyd inkaarteydii
Surah Fatir, Verse 26


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ ثَمَرَٰتٖ مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهَاۚ وَمِنَ ٱلۡجِبَالِ جُدَدُۢ بِيضٞ وَحُمۡرٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٞ

Miyaadan arag in Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh, oo waxaa jira buuro jiddooyin leh caddaan iyo casaan midabbo kala duwan iyo (kuwo kale) oo sugul madow ah
Surah Fatir, Verse 27


وَمِنَ ٱلنَّاسِ وَٱلدَّوَآبِّ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مُخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ كَذَٰلِكَۗ إِنَّمَا يَخۡشَى ٱللَّهَ مِنۡ عِبَادِهِ ٱلۡعُلَمَـٰٓؤُاْۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ

Oo xagga dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqa waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedana waxaa uun ka baqa Allaah kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. hubaal Allaah waa Adkaade, Dambi Dhaaf Badan
Surah Fatir, Verse 28


إِنَّ ٱلَّذِينَ يَتۡلُونَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ يَرۡجُونَ تِجَٰرَةٗ لَّن تَبُورَ

Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Ilaahay oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganac la hubo faa’ideeda, oo aan weligeed baari doonin
Surah Fatir, Verse 29


لِيُوَفِّيَهُمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ غَفُورٞ شَكُورٞ

Si uu Allaah ugu gudo si dhan ujuuradoodii, oo Fadligiisana ugaga daro dheeraad. Hubaal Isagu Waa Dambi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar badan
Surah Fatir, Verse 30


وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ هُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرُۢ بَصِيرٞ

Oo kaan kuu waxyoonnay oo ka mid ah Kitaabka waa Xaq dhab ah, xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub ah). Hubaal Allaah addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa
Surah Fatir, Verse 31


ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ

Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan ka dhex doorannay addoomahaya- ga, waxaase ka mid ah mid u gefa naftiisa oo ku gardarrooda8, oo waxaa ka mid ah mid qaada jid dhexdhexaad ah, oo waxaa ka mid ah mid u dheereeya khayrka Idanka Ilaahay. Kan baa ah Fadliga aad u Weyn
Surah Fatir, Verse 32


جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ

Beero lagu waaro bay gali, waxaa laga yeeli inay xidhaan gudaheeda shuuliyaal dahab iyo luul ah, oo dharkoodu gudahee- du wuxuu ahaan xariir
Surah Fatir, Verse 33


وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَذۡهَبَ عَنَّا ٱلۡحَزَنَۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٞ شَكُورٌ

Oo waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo xaqiiq waa Danbi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar weyn
Surah Fatir, Verse 34


ٱلَّذِيٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلۡمُقَامَةِ مِن فَضۡلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٞ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٞ

Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa Fadligiisa; dhibi naguma taaban doono dhexdeeda, oo daal naguma taaban doono
Surah Fatir, Verse 35


وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقۡضَىٰ عَلَيۡهِمۡ فَيَمُوتُواْ وَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُم مِّنۡ عَذَابِهَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي كُلَّ كَفُورٖ

Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida abaalkooda waa dabka aan dameyn ee Naarta. Laguma xukumi doono geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifan doono cadaabkeeda. Sidaas oo kale baan ugu abaal gudnaa mid kastoo abaal laawe ah
Surah Fatir, Verse 36


وَهُمۡ يَصۡطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ أَوَلَمۡ نُعَمِّرۡكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُۖ فَذُوقُواْ فَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ

Oo waxay u qeyshan doonaan gudaheeda gurmad: Rabbiyow! Naga saar, waxaan fali doonnaa camallo san aan aheyn kii aan horay u fali jirnay oo kale9. Miyaanaan idiin cimri siin, in ku filan inuu ku waantoobo qof waano qaataa? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhansha, illeen gar ma qaatayaasha ma laha wax u gargaara’e
Surah Fatir, Verse 37


إِنَّ ٱللَّهَ عَٰلِمُ غَيۡبِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Hubaal Allaah waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal Isagu waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha
Surah Fatir, Verse 38


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَـٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ فَمَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ إِلَّا مَقۡتٗاۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ إِلَّا خَسَارٗا

Isaga Weeye Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee mid kastoo Xaqa diida isaga ayey u daran tahay Xaq diiddadiisu. Oo Xaq diiddadooda uma kordhiso Xaq diidayaasha Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo Xaq diidaddooda uma kordhiso Xaq diidayaasha waxaan khasaaro aheyn
Surah Fatir, Verse 39


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ شُرَكَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ كِتَٰبٗا فَهُمۡ عَلَىٰ بَيِّنَتٖ مِّنۡهُۚ بَلۡ إِن يَعِدُ ٱلظَّـٰلِمُونَ بَعۡضُهُم بَعۡضًا إِلَّا غُرُورًا

Dheh: Ma u fiirsateen shurukadiinna aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ gar ma qaatayaasha uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun dhagar aheyn
Surah Fatir, Verse 40


۞إِنَّ ٱللَّهَ يُمۡسِكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ أَن تَزُولَاۚ وَلَئِن زَالَتَآ إِنۡ أَمۡسَكَهُمَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا

Hubaal Allaah baa ka haya samooyinka iyo arlada inay baabba’aan, oo haddii ay baabba’aan, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal waa Dul-qaadasho Badne, Danbi Dhaaf Badan
Surah Fatir, Verse 41


وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ لَّيَكُونُنَّ أَهۡدَىٰ مِنۡ إِحۡدَى ٱلۡأُمَمِۖ فَلَمَّا جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ مَّا زَادَهُمۡ إِلَّا نُفُورًا

Oo waxay ku dhaarteen Allaah kan ugu culus dhaarahooda; in haddii uu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige, uma kordhin waxba aan didmo aheyn
Surah Fatir, Verse 42


ٱسۡتِكۡبَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَكۡرَ ٱلسَّيِّيِٕۚ وَلَا يَحِيقُ ٱلۡمَكۡرُ ٱلسَّيِّئُ إِلَّا بِأَهۡلِهِۦۚ فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ ٱلۡأَوَّلِينَۚ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗاۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَحۡوِيلًا

Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn shirqool xun. Oo shir qoolka xumi kuma dhaco cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. ee ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn dhabbihii kuwii hore? Oo ma ka heli doontid wax is dhaaf ah Dhabbaha Ilaahay; oo kama heli doontid wax is beddel ah dhabbaha Ilaahay
Surah Fatir, Verse 43


أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَكَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعۡجِزَهُۥ مِن شَيۡءٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَلِيمٗا قَدِيرٗا

Oo miyaanay ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Oo ma jiro wax Allaah ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal, waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan
Surah Fatir, Verse 44


وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِمَا كَسَبُواْ مَا تَرَكَ عَلَىٰ ظَهۡرِهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِعِبَادِهِۦ بَصِيرَۢا

Oo haddii uu Allaah u ciqaabi lahaa dadka waxay kasbadaanba (oo danbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa ilaa muddo go'an, markase uu ajalkooda u yimaado, haddaba hubaal Allaah wuu arkaa xaalka addoomahiisa
Surah Fatir, Verse 45


Author: Abdullah Hasan Jacob


<< Surah 34
>> Surah 36

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai