UAE Prayer Times

  • Dubai
  • Abu Dhabi
  • Sharjah
  • Ajman
  • Fujairah
  • Umm Al Quwain
  • Ras Al Khaimah
  • Quran Translations

Surah Fatir - Somali Translation by Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ جَاعِلِ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُوْلِيٓ أَجۡنِحَةٖ مَّثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۚ يَزِيدُ فِي ٱلۡخَلۡقِ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Mahad Eebaha billaabay «abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa
Surah Fatir, Verse 1


مَّا يَفۡتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحۡمَةٖ فَلَا مُمۡسِكَ لَهَاۖ وَمَا يُمۡسِكۡ فَلَا مُرۡسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan
Surah Fatir, Verse 2


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ هَلۡ مِنۡ خَٰلِقٍ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa
Surah Fatir, Verse 3


وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَتۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay, Eeba xagiisaana loo celin umuuraha
Surah Fatir, Verse 4


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ

Dadaw yabooha Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku dhagris badane (shaydaan)
Surah Fatir, Verse 5


إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمۡ عَدُوّٞ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّاۚ إِنَّمَا يَدۡعُواْ حِزۡبَهُۥ لِيَكُونُواْ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan
Surah Fatir, Verse 6


ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٌ

Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn
Surah Fatir, Verse 7


أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنٗاۖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۖ فَلَا تَذۡهَبۡ نَفۡسُكَ عَلَيۡهِمۡ حَسَرَٰتٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَصۡنَعُونَ

Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu Hanuuniyaa ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne
Surah Fatir, Verse 8


وَٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَسُقۡنَٰهُ إِلَىٰ بَلَدٖ مَّيِّتٖ فَأَحۡيَيۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ

Eebe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina
Surah Fatir, Verse 9


مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ جَمِيعًاۚ إِلَيۡهِ يَصۡعَدُ ٱلۡكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلۡعَمَلُ ٱلصَّـٰلِحُ يَرۡفَعُهُۥۚ وَٱلَّذِينَ يَمۡكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَمَكۡرُ أُوْلَـٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ

Ruuxii dooni sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed, xagiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi
Surah Fatir, Verse 10


وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ جَعَلَكُمۡ أَزۡوَٰجٗاۚ وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٖ وَلَا يُنقَصُ مِنۡ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ

Eebe waa kan idinka abuuray Carro, hadana dhibic, markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin kitaabka Eebe, waana u fudud yahay
Surah Fatir, Verse 11


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡبَحۡرَانِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ سَآئِغٞ شَرَابُهُۥ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞۖ وَمِن كُلّٖ تَأۡكُلُونَ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُونَ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku mahadisaan
Surah Fatir, Verse 12


يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۚ وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمۡلِكُونَ مِن قِطۡمِيرٍ

Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed
Surah Fatir, Verse 13


إِن تَدۡعُوهُمۡ لَا يَسۡمَعُواْ دُعَآءَكُمۡ وَلَوۡ سَمِعُواْ مَا ٱسۡتَجَابُواْ لَكُمۡۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُونَ بِشِرۡكِكُمۡۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثۡلُ خَبِيرٖ

Hadaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og, sidaana wax kuugu warrama ma jiro
Surah Fatir, Verse 14


۞يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ

Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan
Surah Fatir, Verse 15


إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ

Hadduu doono wuu idin dhamayn wuxuuna keeni kuwo cusub
Surah Fatir, Verse 16


وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ

Arrintaasna wax Eebe ku culus ma aha
Surah Fatir, Verse 17


وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ وَإِن تَدۡعُ مُثۡقَلَةٌ إِلَىٰ حِمۡلِهَا لَا يُحۡمَلۡ مِنۡهُ شَيۡءٞ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰٓۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفۡسِهِۦۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ

Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed)
Surah Fatir, Verse 18


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ

Ma Eka indhoole iyo wax arke
Surah Fatir, Verse 19


وَلَا ٱلظُّلُمَٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ

Mana eka mugdiyo iyo iftiin
Surah Fatir, Verse 20


وَلَا ٱلظِّلُّ وَلَا ٱلۡحَرُورُ

Mana eka hoos iyo kulayl
Surah Fatir, Verse 21


وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَحۡيَآءُ وَلَا ٱلۡأَمۡوَٰتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسۡمِعُ مَن يَشَآءُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسۡمِعٖ مَّن فِي ٱلۡقُبُورِ

Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono, mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan (gaaladuna) waa wax dhintay oo kale
Surah Fatir, Verse 22


إِنۡ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ

Waxaan u dige ahayn ma tihid
Surah Fatir, Verse 23


إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۚ وَإِن مِّنۡ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٞ

Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto
Surah Fatir, Verse 24


وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلزُّبُرِ وَبِٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ

Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo kutub (waano) oo xukun leh
Surah Fatir, Verse 25


ثُمَّ أَخَذۡتُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ

Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay, sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas)
Surah Fatir, Verse 26


أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ ثَمَرَٰتٖ مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهَاۚ وَمِنَ ٱلۡجِبَالِ جُدَدُۢ بِيضٞ وَحُمۡرٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٞ

Miyaadan arkayn in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah
Surah Fatir, Verse 27


وَمِنَ ٱلنَّاسِ وَٱلدَّوَآبِّ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مُخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ كَذَٰلِكَۗ إِنَّمَا يَخۡشَى ٱللَّهَ مِنۡ عِبَادِهِ ٱلۡعُلَمَـٰٓؤُاْۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ

Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah kuwo midabadoodu kala duwanyihiin saas oo kale waxaa alle ka cabsada uun adoomadiisa culimada , eebana waa ka taladiisa u xoogbadan dhaafidna badan
Surah Fatir, Verse 28


إِنَّ ٱلَّذِينَ يَتۡلُونَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ يَرۡجُونَ تِجَٰرَةٗ لَّن تَبُورَ

Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaba aynin
Surah Fatir, Verse 29


لِيُوَفِّيَهُمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ غَفُورٞ شَكُورٞ

Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane
Surah Fatir, Verse 30


وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ هُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرُۢ بَصِيرٞ

Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay, arkaana
Surah Fatir, Verse 31


ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ

Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe, arrintaasna waa fadli weyn
Surah Fatir, Verse 32


جَنَّـٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ

Jannada cadnin yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar kooduna dhexdeeda waa xariir
Surah Fatir, Verse 33


وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَذۡهَبَ عَنَّا ٱلۡحَزَنَۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٞ شَكُورٌ

Waxayna dhihi waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi dhaaf badane mahad badane
Surah Fatir, Verse 34


ٱلَّذِيٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلۡمُقَامَةِ مِن فَضۡلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٞ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٞ

Eebihii nadajiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis (janno) nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal
Surah Fatir, Verse 35


وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقۡضَىٰ عَلَيۡهِمۡ فَيَمُوتُواْ وَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُم مِّنۡ عَذَابِهَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي كُلَّ كَفُورٖ

Kuwii gaaloobay waxay mudan naarta Jahannamo, laguma xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo Cadaabkeeda, saasaana ku abaal marinaa mid kastoo gaalimo badan
Surah Fatir, Verse 36


وَهُمۡ يَصۡطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ أَوَلَمۡ نُعَمِّرۡكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُۖ فَذُوقُواْ فَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ

Waxay ku qaylyi dhexdeeda Eeboownaga bixi aan camal fiican ookaan sameynjirray ka duwan fallee, miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan idiin imaanin dige (Nabiga) ee dhadhamiya gaaloy (ciqaabta) uma sugnaanin daalimiin gargaaree
Surah Fatir, Verse 37


إِنَّ ٱللَّهَ عَٰلِمُ غَيۡبِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Eebe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku sugan
Surah Fatir, Verse 38


هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَـٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ فَمَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ إِلَّا مَقۡتٗاۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ إِلَّا خَسَارٗا

Eebe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska badala, ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagaydhibi, Gaaladana uma kordhiso gaalimadoodu Eebahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimaadu khasaaro mooyee
Surah Fatir, Verse 39


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ شُرَكَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ كِتَٰبٗا فَهُمۡ عَلَىٰ بَيِّنَتٖ مِّنۡهُۚ بَلۡ إِن يَعِدُ ٱلظَّـٰلِمُونَ بَعۡضُهُم بَعۡضًا إِلَّا غُرُورًا

Ka warrama shariigyada aad baryeysaan ood (caabudaysaan) Eebe ka sokow, i tusiya waxay abuureendhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin samooyinka, mise waxaan siinay Kitaab oo ay xujeesan, saas ma aha ee gaalada qaarkood qaar uma yabooho waaxaan Dhagar ahayn
Surah Fatir, Verse 40


۞إِنَّ ٱللَّهَ يُمۡسِكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ أَن تَزُولَاۚ وَلَئِن زَالَتَآ إِنۡ أَمۡسَكَهُمَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا

Eebaa ka haya Samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan (oo tagaan), haday gilgishaana waxaan Eebe ahayn oo qaban ma jiro, Eebena waa dulbadane dhaafid badan
Surah Fatir, Verse 41


وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ لَّيَكُونُنَّ أَهۡدَىٰ مِنۡ إِحۡدَى ٱلۡأُمَمِۖ فَلَمَّا جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ مَّا زَادَهُمۡ إِلَّا نُفُورًا

Waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag hadduu uyimaado udige inay noqdaan kuwa ka hanuunsan (ka toosan) umadaha kale, markuu uyimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn
Surah Fatir, Verse 42


ٱسۡتِكۡبَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَكۡرَ ٱلسَّيِّيِٕۚ وَلَا يَحِيقُ ٱلۡمَكۡرُ ٱلسَّيِّئُ إِلَّا بِأَهۡلِهِۦۚ فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ ٱلۡأَوَّلِينَۚ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗاۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَحۡوِيلًا

isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada Eebe wax wareejiya. Miyeyna ku soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayseen kuwo ka xoogbadan, Ebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara
Surah Fatir, Verse 43


أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَكَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعۡجِزَهُۥ مِن شَيۡءٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَلِيمٗا قَدِيرٗا

Miyeyna ka soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayeen kuwo ka xoogbadan, Eebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge wax walba kara
Surah Fatir, Verse 44


وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِمَا كَسَبُواْ مَا تَرَكَ عَلَىٰ ظَهۡرِهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِعِبَادِهِۦ بَصِيرَۢا

Haddu Eebe u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan ah) kagama tageen dhulka korkiisa waxsocda, laakin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo muddo magabaaban, marka ajashoodu (Geeridoodu) timaadana Eebe addoomadiisa wuu arkaa
Surah Fatir, Verse 45


Author: Shaykh Mahmood Muhammad Abdu


<< Surah 34
>> Surah 36

Somali Translations by other Authors


Somali Translation By Abdullah Hasan Jacob
Somali Translation By Mahmud Muhammad Abduh
Somali Translation By Shaykh Mahmood Muhammad Abdu
Popular Areas
Apartments for rent in Dubai Apartments for rent Abu Dhabi Villas for rent in Dubai House for rent Abu Dhabi Apartments for sale in Dubai Apartments for sale in Abu Dhabi Flat for rent Sharjah
Popular Searches
Studios for rent in UAE Apartments for rent in UAE Villas for rent in UAE Apartments for sale in UAE Villas for sale in UAE Land for sale in UAE Dubai Real Estate
Trending Areas
Apartments for rent in Dubai Marina Apartments for sale in Dubai Marina Villa for rent in Sharjah Villa for sale in Dubai Flat for rent in Ajman Studio for rent in Abu Dhabi Villa for rent in Ajman
Trending Searches
Villa for rent in Abu Dhabi Shop for rent in Dubai Villas for sale in Ajman Studio for rent in Sharjah 1 Bedroom Apartment for rent in Dubai Property for rent in Abu Dhabi Commercial properties for sale
© Copyright Dubai Prayer Time. All Rights Reserved
Designed by Prayer Time In Dubai